Daabaco
Boggan | Print
1997
/ 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo
Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si
waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay
Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah
Achair Partners (Swiss), iyo Progresso (Italian).
Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green
Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay
baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala
saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii
maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa
in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan
yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo
doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu
diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka
Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in
heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991,
waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii
Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu
ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan
yahay 500,000 tons.

|
Bayaankii ay Soo Saareen Guurtida Beelaha Deggan Degmada Boosaaso

Bayaanka oo dhamaystiran iyo odayaasha saxiixay halkan ka akhri...
Bayaan ay golaha odayaasha Boosaaso soo saareen 21/10/2007 oo ku socotey
madaxweynaha DGPL iyo golaha xeer dejinta iyo xubno kale oo ka mid ah DGPL, ayaa
ku bilowday CABASHO ka timid Guurtida Beelaha Degan Degmada Boosaaso,
qoraalka ayaa ku bilowday sidan:
Kaddib markii lagu kala diray golihii degaanka degmada Boosaaso dikreeto
madaxweyne, laguna caddeeyey in muddo dhan afartan iyo shan (45) cisho gudahoos
lagu soo dhisi doono gole cusub islamarkaasna aysan soo deli karin
xildhibaanadii golihii hore ee lakala diray golaha cusub.
Waxa la soo magacaabay guddi heer qaran ah guddigaas oo dhisay xildhibaanadii
golaha degaanka degmada Boosaaso kadibna dhaariyey halkaasna ay ku xalaaloobeen
27 xildhibaan oo degmada Boosaaso leeday iyada oo yeeshay xisaanaddii
xildhibaannimo isla markaasna ay ahayd in ay iska dhex doortaan golahaasi duqii
degmada iyo ku xigeenkiisii kadibna guda galaan hawshii loo doortay.
Waxaa dhacday in ay fuli weydo arrintaas iyada oo guddigii sheegeen in ay u
joojiyeen doorashadii awaamiir kaga timid madaxda sare ee Dowlad goboleedka
Puntland.
Sidaas daraadeed, waxaannu madaxda warqadani sida tooska ah iyo ogeysiisntu
ugu socota halkan ugu soo gudbineyaa cabashooyinka la xiriira arrintaas
CABASHOOYINKA HALKAN KA AKHRI...
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2007





|