Jaaliyada Beesha Majeerteen ee Dalka Norwey oo hogaan dooratay
Kulan balaaran oo lagu mideynayo Jaaliyadaha Puntland iyo
Jubbaland ee Bulshaweynta Beesha (Majeereteen)ee ku dhaqan Dalka Norwey ayaa
lagu soo gaba-gabeeyay caasimada Dalka Norwey Magaalada Oslo.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Culimada
Beesha,waxgaradka, dhalinyarada, iyadoo looga hadlay kulanka sidii wax looga
qaban-lahaa is-bar baryaac sanooyinkan lasoo gudbaanaaday hogaanka Beelweynta
(Majeereen)ee Dalka Norwey
Dood-dheer iyo falanqeyn kadib waxaa go,aan lagu gaaray in la
mideeyo oo la mataaneeyo Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland loona sameeyo hogaan
mideysan oo ka tarjuma danaha Beesha.
Ka soo qeyb-galayaasha kulanka ayaa markii dambe isla gartay in
la dhiso laba gudi oo loogu magac-daray Gudiga hogaanka dhaqanka iyo mid loogu
magac-daray Gudiga fulinta danaha Beesha.
Hogaanka Dhaqanka Arimaha Bulshada ayaa loo doortay Xubno
gaaraya 11-Xubnood waxaana Gudoomiye looga dhigay:
1-Suldaan Cabdi-Qani Suldaan Xaaji Baale:(Gudoomiyaha Hogaanka
Beesha ee Dalka Norwey)
2-Shiikh Aadan Shiikh Cali (Dhagaseyn): Xubin
3-Cali Bariile:Xubin
4-Nabadoon Cabdulaahi Abshir Faarax (Waraabe-Garoon) Xubin.
5-Cabdiraxmaan Khaliif:Xubin
6-Qaasim Xaaji Aadan Guuleed:Xubin
7-Nabadoon Cabdiraxmaan Faarax Cali Sanyare:Xubin
8-Maxamuud Cabdi Jaamac:Xubin
9-Maxamed Xasan:Xubin
10-Cabdi-Salaad (Cabdi-Dheere):Xubin
11-Saciid Bootaan:Xubin
Gudiga fulinta danaha Beesha ayaa loo doortay 12-Xubnood oo kala
ah:
1-Cabdi-risaaq Nuur Cabdulle(Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee
Beesha)
2-Cabdirisaaq Bile Ciise (Dhuubane)(Gudoomiye-kuxigeenka Gudiga
Fulinta)
3-Nabadoon Xasan Abshir Yuusuf (Gaas):Xubin
4-Yuusuf Bootaan Careys:Xubin
5-Cabdulcasiis Yuusuf Maax:Xubin
6-Cabdixakiim Sheekh Yuusuf:Xubin
7-Axmed Maxamed Shire:Xubin
8-Maxamuud Hoobaal:Xubin
9-Axmed Salaad Cilmi:Xubin
10-Bashiir Daahir Biixi:Xubin
11-Shiikh Cumar Tahliil :Xubin
12-Xildhibaan Maxamed Cilmi Xasan (Gaduudane):Xubin.
Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo Gudiga fulinta ayaa loo xilsaaray
inay awood buuxda u leeyihiin inay matalaan danaha Beesha iyagoo waxkasta oo la
soo gudboonado ku xaliya Shareecada Islaamka.
Warsaxaafadeedka ay soo saareen Gudiga Beesha ayaa lagu
go,aamiyay in la fuliyo qodobada soo socda:
A-Gudiga Hogaanka Beesha waxaa looga baahan-yahay inay ka
shaqeeyaan isku xirka Beesha iyo xalinta khilaafaad kasta oo la soo guboonaada
xubnaha Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee Beelweynta (Majeerteen).
B-Midnimada Jaaaliyada qurbo-joogta iyo sidii looga qeyb
qaadan lahaa horumarka deegaamada Beeshu degto,sida
waxbarashada,caafimaadka,ceelasha,agoonta iwm.
C-Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo arimaha Bulshada waxaa laga
codsanayaa inay dhisaan gudiyaal ka kooban,Gudiga Culimada,Gudiga
Dhalinyarada,Gudiga,Haweenka iwm.
D-Gudiga Fulinta waxaa loo xilsaaray inay mataaneeyaan
Jaaliyadaha Puntland iyo Jubbaland ee (Majeerteen) kadibna mustaqbalka u gudbaan
sidii loo mideyn lahaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan
Gobolada Puntland, Jubbaland iyo Soomaaliya.
E-Gudiga Hogaanka dhaqanka iyo arimaha Bulshada ee Beesha ay
dooratay waxaa ka mamnuuc ah inay galaan hawlo siyaasadeed oo aysan gudiga
fulinta Beeshu ka warqabin.
Warsafaadeedka ay soo saartay Beesha ayaa gaba-gabadii lagu
soo khatimay:(ALOOW TAWFIIQDA NA WAAFAJI DIINTA ISLAAMKA ALOOW DASTUURKAYAGA KA
DHIG).
Sawiradii kulanka:

Cabdulaahi Abshir Faarax
cabdulaahi_abshir_faarax@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|