SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho...


Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


MMI: Waxay ka tageen Taariikh 

Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com

“Wadankaan waxaa iska leh Soomaali iyadda haloodaayo  amuurahoodda,  haday wadda fariistan iyagaa is fahmi doona, Midowga Maxaakimta Islaamku waxay u yimadeen in ay nabad iyo cadaalad u horseedaan inta Dulman iyo inta wax dulmisay   labaddaba …”  Sh. Sharif  

In kasta oo aadunuhu ku kala aragti duwan yahey wax tilmaamida iyo abaal celinta hadana waxay ka siman yihin xasuusta dhacdooyinka guud, gaar ahaan kuwa wanaagsan ama dhiilada wata.  

Somaaliya waxaa ka dhacay lama ilaawaan iyo lama arag, balse waxaa cad in dhibaatadda soomaliya aysan ku ekeyn soomaali kaliya. Soomaalinimaddina ay manta ku dhex milan tahey  ummad ka guda weyn kana tiro badan soomalidda. 

Dabka soomaalia ka  holcaya ujeedaddiisa dhabta ah waxaa lagu soo koobi karaa Sadbursi (qof wax uusan laheyn rabba in uu helo).Qaran jabkii soomalida  kadib  waxaa qof walba gurigiisa u galey dhibka in qabiil lagu dagaal tago, il la isku colaadiyo  heyb iyo in xaq waxadan u laheyd aad ku xaragooto. 

In badan oo soomalida ahi waxay isku raacsan tahey in soomaalida iyadda dhibkeedda xalin karto, halka qaar kalenna ay rumeysan yihiin in aan soomali la isaga dhex bixin, oo cid  ku dhex jirta la helo.  

Marka labada figradood  la is bar bar dhigo waxaa soo baxaya qilaafka dhabta ah ee ka dhex jira bulshadda soomaaliyeed,waxaase dhabtu tahey in somalidu wax sameysan karto hadii fursad la siiyo. 

Somaalidu waa wada jirtaa markii qabiil magacii lagu hadlo, hadana waa kala dan markii magac guud ee qabiilka hoos looga dago oo qof walba isagaa wax isla rabba wuxuuna taageeraa meeshuu ka subkan karo, waxaase la arkey rag magaca nala wadaaga  oo soomalida manta jirta ka duwan  keenayna in mabda’a (wax qofku rumeysan yahey) wax lagu badali karo, tusale fiicanna u ah  maskaxadda fiyow ee soomaaliga ah, waxay sameeyeen wax cid walba ugga marqaati kacdey 180 maalmood mudo aan ka badneyn. 

Midowgii Maxaakimta Islaamka (MMI) ee xoogagga huwanta ah kula dagaalameen soomalia iyadoo ujeedka dhabta ah ee dagaalku yahey mid ku saleysan ujeedooyin badan balse mida ugu weyn tahey DIIN iyo dhulkan nabad lalama rabbee yaa idin direy nabadiisa, yaa idin amrey dhibanaha in  loo gargaaro, qashinka yaan la qaadin, maandooriyaha ma diidi kartaan IWM, waxay ka tageen taariikh qof walba uu ku xasuusan doono, hadalka ararta ii ah waxa uu ahaa halku dhag ka mid ah  u jeedka guud ee MMI, waxaana ugga marqaati kacay  in badan oo aanan halkan ku xusi karin balse iyagu  tagey  meelaha ay ka talinayeen  ” waxaan ku dhashay xamar cimrigeyggu waa 64 sanno intii uggu badneyd nolasheydda waxaan joogay xamar waxaanan ahaa bolis oo aan ka garey gaashanle sare , nabadda nimankas sameeyen ma arkin kumana riyoon xitaa weli... waxaan ka lugeeyaa 11:00 fiidnimo hotel Mogdishu (ex Damay) waxaanan tagaa gurigeygga oo ku yalla  ex al furqan pharmacy ( sanca sokadeeda).”  

Aadamigu ma dareemo  nimacadda uu  haysto ilaa uu dhib soo arko, reer mogdishu waxay arkeen soona taabteen nolasha dhabta ah ee colaad sokeeye leedahey, qof walbana waxa uu weli la yabanaa sida ay suura galka u noqotey in  bulshadii oo hubkii fududaa  haysata  hadana magaladii nabad ahaato qof walbaa uu nabad ku naaloodo. ” Ninka maanta la tooganayaa waxa uu ka dhashey beelaha hubka ku haysta xamar, welibba ugaaskaa adeer u ah, intaan noolaa 56 sano jiraa caddeyga (xamarweyne) aan ku dhashey, welina deganahay  in soomaali aa sidaan oo kale sameynnaa kuma fekerin  ... ragaan allaha daayo ,, ” maalintii labad oo ay MMI fuliyeen xukun dil ah. 

Xamar qofkii xaalkiisa og ayaa garan kara sidda wax walba u qaab darnaayen,waxaa baaba’ay wax kasta oo sharci  la dhaho, sharciga kaliya ee xamar ka jirey waxa uu ahaa  midka duur joogta ” qofba midkuu ka hub badan yahey ha raamsado”. 

Somalidu waxay ku xasuusan doontaa MMI  dhibanaha oo xaqiisa loo soo dhiciyo  iyo daalimka oo laqabto ” kuma riyoon in aan gurigeygii dib u heli doono wixii soomali ka dhacay darteed ... waxaan hadda ka hor u gaarey 3000 USD ,, kuwii haystey balse waxey iga dalbadeen 5000 USD anna ma  haysan,, wanan ka samrey gurigaas ,, ma rumeysan markii qof deris ah illa soo hadley iina sheegay in gurigayga u imaaddo ama qof kale u wakiisho.. caruurteyda oo dhan igama yeelin in aan xamar tago ,, oo waxa la sheegayo soo arko ,, waxaanse ku dhiiradey in aan is biimeeyo.... waxaan la yaabey ragaas waxay dadka ku aqriyeen ,, waxaa ii yimid kuwii 3000 US$ iga diiday oo cafis raadinaya ... marna ma rumeysan in  meesha waxani ka dhacayan ay tahey xamar... allaa mahad leh ,, raggii wanaagan sameeyey  ayaanan u mahad celinayaa ,, 2 caruura oo aan dhaley oo midkoona xamar arkin ayaa iga dabo yimid..hooyo soomliyed oo qurbe joogta. ” 

Nabaddu waa furaha nolasha in aadamgi nabad helo waxaa ka dhesha in uu si degan u fekaro, baahidiisa kale baaritan ku sameeyo,kadibna uu ka fekaro siduu wax u  ulla soo bixi lahaa. Somaliya nabadeeda waxay ooli jirtey meel ka fog soomaalida, waxay nasiib u yeelatey in ay bartilmaameed u ahaato  xoogagga ashahado la dir dirka ciraaq kadib.  

MMI waxay ka tageen Intaas iyo kuwo ka badan oo qalbiga dhaawaca ah ee soomalida u roon, dulmane iyo daalim qof kasta waxa uu helay xaqiisa waxa uuna baadi goob uggu jirey in uu nolal bilaabo,Dadku waxay ahaayeen shaqo doon iyo nolal raadis waayo meeshuu rabuu tagi  karaa xiliguu rabuuna socon karey ” waxaan ka mid ahaa koox waardiyeysata  QASHIN ooli jirey   ka soo horjeedka  GEEDKA CAANA BOORAHA –inta u dhaxaysa  isgoys yaddda howl wadag iyo bakaraha- NGO walba oo yimada waxaan ka heli jirney waxoogaa   weli ma arkin wax meeshaas nadiifiya ,, koox walba qeyb ayey ugga tagi jirtey si second project uggu soo helaan. Waxaa yimid Rag meeshii leefay ,, ma rumeysan karo in bini aadam sidan wax u xaaqaaqi karaan ,,, ragaas waxaan ku jeclahey kartidda.” 

MMI waxay ka yimaadeen shacbka waxayna xog ogaal u ahayeen waxa ummadan kala irdhey oo kala firdhiyey, waxay badankood ahaayeen kuwo aan wadanka meelna ugga bixin 16 sanno ee BAQTI  NOLASHA, waxay ummadda uggu yeerayeen in nolasha manta iyo tan dammbe  wanaaga soomaalida kala habowdey ku jiro in kitaabka alle loo xukun tago( kitaabka alle oo loo xukun tago maanta aduunka waa ka dembi qofkii afkiisa laga maqlanaa waa arga gixiso.) 

Ma joogtaa  meelihii ay ka talin jireen MMI maxaad ka xasuusataa  xukunkoodii wanaag iyo xumaan .... fadlan  noo soo dir aragtidaadda.

Waa socotaa  

Sharif Yusuf
sharifsom@gmail.com

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH