Waxaa
Qoray
Xasan Mire
Maxamed
hassanmire@btinternet.com
London
UK
Maadaama aan ku jirno marxalad aan
Soomaalida abid soomarin, qatarteeda
halista ahna leh, ummadda inteeda
badanna ku dhalisay welwel aad u badan
ayaan waxaan jeclaystay in shacabka
Soomaalida dood dhexdhigo. Taasoo ku
wajahan marxalada uu wadanku iminka
marayo. Qorshaha dowladda waxa ilaa iyo
hadda ka dhaqan galay. Sansaanta iyo
suuradda ay Dowladda Federaalka Ku Meel
Gaarka (DFKMG) ilaa iyo hadda la soo
baxday. Dareenka inta badan Soomaalidu
ka qaadatay arrinta kore. Duqeynta
Mareykanka ee Jubbada Hoose. Ciidamada
Afrikaanka ah ee la filayo in wadanka la
keeno.
Mowduucyadaas aan kor ku sheegay iyo
marba arrimaha ku soo siyaada wadanka oo
dhan ayaan qoraaladeydu ku saabsanaan
doonaan. Qoraaladeydu ma noqon doonaa
kuwo si toos ah uga jawaaba su’aasha
kore ee ciwaanka qormadeyda.
Muraadkeygu wuxuu yahay inaan dood
ummadda soo dhexdhigo waxa jirana uga
faaloodo. Marxaladaha jira iyo
faalooyinka loo soo bandhigayana wixii
jawaaba ah shacabku uu kala soo dhexbaxo.
Mowduucyada aan maanta rabo inaan halkan
ku soo ban dhigo waa laba waxayna kala
yihiin: ‘Waxqabadka DFKMG ilaa iyo
hadda’ iyo mowduuca kalee ah ‘Sansaanta
iyo suuradda ay la soo baxday DFKMG’.
Waxqabadka DFKMG ilaa iyo hadda
Dowladu
waxay Muqdisho gacanta ku heysey laga
soo bilaabo 28-12-2006. Inkastoo
waqtigii ay Muqdisho soo galeen laga
joogo laba toddobaad iyo maalmo oo la
dhihi karo waa waqti aad u kooban oo
waxqabad dowladeed laga sheekee karin,
hadana waa waqti lagu ogaankaray
qorshayaasha mustaqbal ee dowladda.
Waxay qabato iska daaye waxaysan ilaa
iyo hadda dowladdu soo bandhigin
ajendayaasha waxqabad ee waqtiga fog.
Halkaa waxaa ku cad in dowladdu lahayn
aragti waxqabad haba yaraatee. Ummadda
inteeda badanna waxaay aaminsan yihiin
waxqabad laga fishaa dowladdu inay la
mid tahay diinkii dhaanshey oo kale.
Isbeddelka ku dhacay Soomaaliya guud
ahaan gaar ahaanna Muqdishu
Tan iyo
markii Maxaakiimtu isaga bexeen goobbo
badan oo ay gacanta ku hayeen Muqdishana
ku jirto, waxaa wadanka ku soo batay
falalkii fowdada iyo kharbudaada
kuwaasoo Maxaakiintu sida lawada
xusuusan yahay ay gacan bir ah ku
qabteen kana libkeeneen.
Falalka fowdada ah ee soo noqday waxaa
ka mid ah:
-
Hubkii oo qoryaha gacantu u badan
yihiin oo dariiqyada lagu wato;
-
Dilkii iyo dhicii oo soo laabtay;
-
Isbaarooyinkii oo meelaha qaar kusoo
laabtay;
-
Guryihii lakala heystay oo
Maxaakiimtu xalisay oo dib la isugu
qabsaday.
Ilaa
iyo hadda arrimahan dowladdu waxba kama
qaban, lamana ogsoona inay awoodi doonto
in fowdooyinkaan soo noqday wax ka qaban
karto iyo in kale. Hase ahaatee,
talaabooyinka ilaa iyo hadda ay qaaday
waa kuwo shacabka dhibaatada ka daalay
uusan ku qancin waxbana kusoo
siyaadineyn noloshooda qalqiilka ku
jirta.
Waxaa la soo sheegayaa in talaabooyinka
dowladdu qaaday ay ka mid yihiin:
Madaarkii Muqdisho oo lagu qabqabtay dad
ajaaniib ah oo isugu jira Suudaan, Carab,
Hindi, Afrikaan iyo Soomaali baasaboorro
ajnabi wata kuwaasoo dhamaantood lagu
sheegay argagixiso gacansiinaysey
Maxaakiimta. Hase ahaatee, xaqiiqda
dhab ahí waxay tahay in dadkaasi meesha
u tageen siyaabo kala geddisan oo
arrimahaa lagu eedeeyey shaqo ku lahayn.
Waxaa la leeyahay dadka ajaaniibta ah
intooda badan waxay wadanka u yimaadeen
arrimo ku taxaluqa ganacsi. Hindida
waxaa la leeyahay waxay isugu jiraan
macalimiin wax ka dhigga jaamacaddaha,
koleegyada iyo iskuullada wadanka ku
yaalla ee sida khaaska ah loo leeyahay.
Halka Hindida qaar la leeyahay waa
Ingineerro wadanka u yimid qandaraasyo
lala soo galay si ay uga shaqeeyaan
shirkadaha isgaarsiinta iyo warshadaha
wadanka ku yaala.
Suudaantu waxaa la leeyahay waxaay u
badan yihiin macalimiin wadanka waxka
dhigta. Carabta kalena waxay wararku
sheegayaan inay wadanka arrimo xagga
ganacsiga ah u jooggeen. Dadka
Afrikaanka ah ee madaarka Muqdishu lagu
qabtay waxaa la soo warinayaa inay
shaqooyin kala duwan wadanka ka qaban
jireen sida macalinnimo iyo hawlo kaloo
ganacsi ku saabsan.
Arrinta
Soomaalida inteeda badan fajacisada ku
beertay waa markii madaarka Muqdisho
lagu qabtay Soomaali baasaboorro dibedda
ah wadata. Waxaa la ogsoon yahay in
Soomaalida qurbaha ku nooli wadankeena
hooyo maal-gashato. Ha noqoto
arrimo
xagga ganacsiga ah oo wadanka ku
leeyihiin. Ha noqoto warshaddo wadanka
ay keensadaan ama ha noqoto mashaariic
xagga guryeynta ah ee wadanka ka wadaan.
Soomaalida qurbaha ku nooli waa
laf-dhabarka dhaqaale ee wadanka ka jira.
Wadankana markii ay doonaan ayey imaan
karaan kana bixi karaan nidaam kastaahi
haka jiree. Xarigga lala beegsado dadka
noocan oo kalaana wadanka waxay u
yeelanaysaa natiijo xun.
Wiil
aan ilma-adeer nahay ayaa waxaa u
qorsheysneyd inuu Soomaaliya, khaasatan
Muqdisho iyo nawaaxigeeda soo booqdo
bishan Janaayo ka dib sideed iyo toban
sanno uusan wadanka arkin. Balse, waa
iska joojiyey socdaalkiisa arrinta
Soomaalida madaarka lagu qab-qabtay
darteed. Waxaan rumeysnahay inay jiraan
kumanaan Soomaali ah oo tilaabadan uu
wiilkan walaalkey ah qaaday oo kale
qaatay iyakoo u cabsanaya naftooda iyo
in arrimo xagga argagixisada loo
qab-qabto inkastoo wax shaqo ah aysan
arrimahaa ku laheyn. Waa maxay u
jeedada dowladdu arrimahan ka leedahay?
Talaabada kalee dowladdu qaaday waxaa ka
mid ah ka ganacsiga ummaddii Oromada
ahayd ee wadanka soddomeeyada sanno
degganeyd kuwaasoo loo gacan geliyey
Tigreega laguna sheegay OLF. Qaarkood
waxaa wararku soo sheegayaan in Jowhar
lagu dilay. Qaar kalena xabsiyada
wadanka ku jiraan iyakoo sugaya in
Tigreega loo gacan geliyo. Bulshada
Soomaalida inta samaha jecel aad ayey
arrinkan uga xumaatay. Oromaduna si
weyn ayey uga dhiidhisay. Arrinkan yaa
loogu daneynayaa Soomaali mise Tigree?
Sansaanta iyo Suuradda ay la soo baxday
Dowladdu
Muuqaalka guud ee DFKMG lasoo baxday
ilaa iyo hadda waa mid aad u foolxun.
Hadaan ku horeyno sirtii cusleyd ee
dowladu wadatay oo Xuseen Ceydiid
kashifay ee ahayd in Soomaaliya lagu
darayo Itoobiya. Wuxuun si feejignaan
ah meel fagaare ah ka yiri in xuduudda
Soomaaliya iyo Itoobiya la baabi’in
doono; in hal dhaqaale, ciidan iyo hal
baasaboor labada wadan wada yeelan
doonaan. Waxay tani si cad u ayideeysaa
khariidaddii qaar kamid ah xubnaha
baarlamaanka Muqdisho joogay ay hore u
soo bandhigeen. Xubnahaas baarlamaanka
ka mid ahí waxay soo bandhigeen
khariidadda Afrika oo Soomaaliya ka
maqantahay. Booskeedii waxaa la geliyey
Itoobiya. Waxay akhyaartaasi sheegeen
in sawirkaas laga helay xaafiiska
ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali
Maxamed geeddi ee waagaa uu Baydhabo ku
lahaa.
Iyadoo
Ummadda khariidaddaa loo soo bandhigay
ayaa tan Xuseen Ceydiid ka dhawaajiyey.
Marka arrintu waa iska caddaatay in
wadanku ku socdo inuu noqdo gobol ka mid
ah Itoobiya. Ragga dowladda
horboodayana yihiin kuwo Itoobiya wadato
laguna doonayo in Xabashida u
sharciyeeyaan in Soomaaliya noqoto gobol
itoobiya ka mid ah.
Sansaanta iyo muuqaalka guud ee DFKMG
ilaa iyo hadda lasoo baxeyso waa mid aan
wanaagsanayn. Muqdisho oo fowdo ah
amaankeediina faraha kasii baxayso
amaankii muwaadiniintana aysan weli
dowladdu sugin ayaa waxaa Salaad Cali
Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka
gaashaandiga sheegay in Sabtida oo ku
beegneyd 6-1-2007 reer Muqdisho hubka
qasab looga qaadi doono. Shacabkii ayaa
arrinkaa si weyn uga dhiidhiyey.
Mudaaharaad weyn oo rabshado wata
dadkana dhimasho iyo dhaawac kasoo
gaaray oo arrinkaa lagu diidan yahay
ayaa Muqdisho ka dhacay 5-1-2007.
Ganacsatada iyo ururada rayidka ee
Muqdisho ka jira ayaa Cali Maxamed
Geeddi si dirqi ah ugu qanciyey in hub
ururinta dib loo dhigo. Marka horena
nabadgelya xumida Muqdisho wax laga
qabto.
Dowladdu waxay leedahay amaanka Xamar
gacan bir ah ayaan ku qabaneynaa hadana
maalinba maalinta ka danbeysa nabadgelyo
darida caasimaddu waa sii siyaadeysaa.
Waxaa maalin walba sii kordhaya
weerarada ciidamada Itoobiya lagu
qaadayo. Taasi waxay keentay in shalay
(12-1-2007) si bareer ah oo subax ah la
isku weeraro Villa Soomaaliya dhaawac
iyo dhimashaba meeshaas ka dhacdo.
Kulamo
farabadan ayaa maalin kasta ka dhaca
Villa Soomaaliya looga arrinsanayo
nabadeynta caasimadda Soomaaliya.
Guddiyo laba ahna waa la magacaabay,
hase ahaatee, nabadgelyadu waa sii
xumaaneysaa. Sansaanta ilaa iyo hadda
muuqata waxay dad badani ku sifeeyeen
‘qowda maqashii, waxma qaban karnee’.
Sababtu waxaa weeye maqnaanshaha
taageerada shacabka ee ku aadan qorshaha
waxqabad ee dowladda. Inta dowladdu ka
garwaaqsaneyso in xalka Soomaaliya lagu
keeni karin quwad Tigree oo lagu
maquuniyo wixii mucaarad ku ah,
ogolaaneysana inay la xaajooto
Maxaakiimta, u maleyn maayo inay heli
doonto taageerada Soomaalida inta badan,
taasoo lagama maarmaan u ah nabad ka
dhalata Muqdisho iyo koonfurta
Soomaaliya dhamaan.
Akhri Qaybta
2aad...
Waxaa
Qoray
Xasan Mire Maxamed
hassanmire@btinternet.com
London,
UK