SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


GUMAYSIGA ETHOPIA IYO QABSIGA DALKA SOOMAALIYA OO SAFAARAD LAGU MICNEEYAY

Qore :- Saciid Faarax  Boosaaso Punt –Land Soomaalia 
Email: al_ixsaan@yahoo.com

 
GOGOL DHIG:-
 
Sida La wada ogsoonyahay 26/05/2007 waxaa tegay Magaalada Caasimda u ah Soomaaliya ee Muqdisha , Wasiirka Arimha Dibada ee Dalka Ethopia ,  Sida cadaanka ahna Dalka Soomaaliya waxaa maanta Xoog Ku haysta Dawlada Ethopia Xag Siyaasadeed ,Ciidan , iyo Maamulba , Wuxuuna Safarkiisaas Wasiirku ku macneeyay in uu Furayo Safaaradii Ethopia ee Dalka Soomaaliya, Arinkaas Dartiis ayaana Maqaalkaan u qoray ,waxaana Doonayaa in aan ka iraahdo wixii aan ka fahmay aragtidayda anigoo jecel in aanan cidna ku xadgudbin ,
 
 
intaa kadib aan u dhaahaco Dulucda iyo ujeedada Maqaalka.
 
Wasiirka ayaa furay sida uu ku macneeyay Safaaradii dalka Ethopia ee soomaaliya, Wasiirku Wuxuu Dhulka ku muday Calankii Dalka Ethopia oo leh Bir dheer iyo xarig , Waxaana la Taagay Cali Maxamed Geedi, Halka laga taagay Dhul ahaana waa Caasimadii Soomaaliya Gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya , Waxaana Sawirada Qaar ka muuqday Cali M Geedi Iyo C/llaahi Yuusuf oo Khushuucsan oo aad moodayso Askar aad iyo aad Baari u ah oo Gaar ka haya Wasiirka Ethopia ,
Hadaba Akhristow Soomaalidu waxay ku Maah Maahdaa ( Durbaanka ama Heesta maxaa habeenkii loo tumaa Hadaan Xeeladi ku jirin,ama aan dan gaara laga lahayn) waxaana jira Nadaamyo caalami ah ama calaamado caalami ah oo laysla yaqaano oo ka tarjuma waxyaalo macne ku fadhiya,Sida Ishaarooyinka ama Tilmaamayaasha oo kale, hadaba  sida aan ku niqiin Safaaraduhu waxay Calanka suran jireen Dhismaha ay Safaaradu ka furan tahay korkeeda,  Marka maxay tahay arinka manta Calanka Ethopia looga taagay Dhulka?? Jawaabtu waa Fududahay waxaana weeye Dhulkaan Anigaa leh Anigaa ka taliya, waxaana samayn karaa wax alla waxaan doono, waxaan Bedeli karaa Calaamad iyo dhaqan wax kasta oo jira , arinkaa waxaa ka sii daran oo uu Wasiirku sheegay in ay Soomaaliya iyo Ethopia isku Diin yihiin Taasina waa mid aan la aqbali Karin Muslim iyo Kiristan midna ma aqbali karo waayo Soomaaliya waa dal Muslim ah, Ethopia na waa dal Kiristaan ah inta badani , Hadii aanu wasiirku ka hadlayn Maamulka C/llaahi yuusuf oo uu isagu maamulo in ay qaateen Diinta Kiristaanka , Soomaaliya waa Muslim Dhamaanteed . Balse Ujeeddada hadalkaani waa In Soomaaliya laga Dhigo Kiristaan Dhamaanteed,
Isku Soo Duuduub oo Waxaa caalamka loo sheegay Safaarad in la furayo oo Idaacadaha laga Baahiyay Dadwaynahna loogu Khudbadeeyay, Hadiise Safaarad la furaayo safaarado badan ayaa jira oo ka muhiimsan Ethopia ugana nafac Badan Soomaalia oo Muslim iyo Kiristaanba leh Qaarna Kenya ayay ku Shaqaystaan Qaarna weli diyaar uma aha ,balse arinku sidaa waa ka wayn yahay oo waa Siyaasad mal dahan oo ujeedooyin badn leh waxaana la saxiixayay oo la cadaynayay in Soomaaliya la qabsaday , Maantana waxaa la dhigay calaamadihii ugu waawaynaa Mid ka mid ah intaasna kuma eka Hawshu ee waa ka sii badanaysaa , ilaa Magaalo walba iyo Tuula walba laga taago calanka ethopia , Dekedaha Soomaliya iyo Khayraadka Dhulka ,Bada, iyo Cirkna looga Faa,iidaysto sidii la doono, Dadkana intooda badan laga Dhigo Kiristaan , hawshu ma dhamaanayso , iillaahse ma qadaraayo arinkaa inshaa Allaah, waxaana leeyahay arragtidayda Maahmaahdii ahady (Orgiga Baroortu ka Wayn)
 
GEBAGEBADII
Intaas waxaa ii Dheer inaan Tusaale yar ka bixiyo hadalo ay iska daba Dheheen Aadn Madoobe iyo Cali M Geedi oo ahaa Mahad naq ay Ethobia u soo Jeediyeen oo ay dheheen Soomaalia waxay Ethopia u qabatay waxaan looga Abaal gudi karin oo Dhiig ayay u daadisay , waxaana cadaan ahayd in ay dad Maato ah iyo degaanba Xasuuqeen oo Baabi’iyeen ,  waxaanse ku leeyahay raga Odayaasha ah Tix gabay ah oo hoary nin u yiri oo ahayd ( Raga lagu malkhadayaana waa ma hurtadaadiiye, Mar uun inaad is daydaana waa kaa madowdahaye) macnaha Raga la cayrsanaayo oo lagu mashxaradaayo iyo dadka la gumaadaayo waa dadkaagii iyo ehelkaagii iyo Garabkaagii , Hal mar inaad isa Saxdaan oo is qabataana idiin ma muuqato ,   Dhanka kale xabashi waxaan leeyahay Soomaaliya weligeed khayr uma gelin hadana u geli mayso waana waxaan suurta geli Karin , Balse Cali iyo aadanoow ha ilaawina Maah maahdii soomaaliyeed ee ahayd Xabashi afkay kugu dhunkato ayay kugu Qaniintaa , Hadaad Moodaysaan inay wax idin tareen idinka ayay qaniinyadeedu idinku danbayn doontaa .
 
 
Qore :- Saciid Faarax  Boosaaso Punt –Land Soomaalia 
Email: al_ixsaan@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com