Olole Balaaran Oo Lagu Diidan Yahay Shirka
Dib U Heshsiinta Ee Bisha June Bartamaheeda Lagu Wado Inuu Dhaco.
warar lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya
inay jiraan kacdoono lagaga hor tegeyo qabsoomida shirka dib u
heshiisiineed ee lagu wado inuu muqdisho ka dhaco bartamaha bisha june
ee nagu soo fool leh .
xiisadan oo ka dhalatay xarig jiidadka
siyaaadeed ee u dhexeeya xoogaga isku haya arimaha soomaaliya oo ay ugu
horeeyaan dowlada KMG ah , golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed iyo
weliba xubnaha baarlamaanka soomaaliyeed ee kasoo horjeeda dowlada KMG
ah oo fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee wadankaasi Ereteriya.
sidoo kale iyadoo ay dowlada KMG ahi ay
ku adkaysanayso inuu shirku u dhaco qaab beeleed islamrakaana ay wada
heshiiyaan qabaa,ilada soomaaliyeed ee lagu tilmaamao 4.5 ,halka qaybaha
kalena ay siweyn uga soo horjeedaan arintaas islamrkaana ay qabaan
fekerkaas mid ka duwan oo ah inaysan jirin beelo soomaaliyeed oo
dagaalsan balse uu jiro khilaaf siyaasadeed .
Taasina ay umuuqato mid sii xoojinaysa
khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey dhinacyada isku haya arimaha
soomaaliya ,islamarkaana ay jiraan warar laga helayo dad xog-ogaal ah oo
diiday inay magac yadooda shaaciyaan oo sheegay inay ka jiraan caasimada
kacdoono ka dhan shirkaasi .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay
baarlamaanka dowlada KMG ahina uu ansixiyey gudiga shirka maamulaya ee
gudoomiyaha ka yahay mud,cali mahdi maxamed ,islamarkaana ay ku
tilmaameen qaybaha kasoo horjeeda iclaaminta shirkan inaysan gudiga
shirka dib u heshiisiinta ee uu hurmoodka ka yahay mud,cali mahdi aysan
u dhex-dhexaad ka ahayn qaybaha siyaasada soomaaliya isku haya .
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayay
ahayd markii sheikh shariif sh,axmed oo ah gudoomiyaha golaha fulinta ee
maxaakiimta islaamka soomaaliyeed uu ku tilmaamay shirkaasi mid lagu
maja xaabinayo masiirka umada soomaaliyeed islamrkaana uu yahay shir ay
soo abaabuleen cadowga umada soomaaliyeed iyo daba dhilifka u shaqeeya
,isagoo u warmayey BBC-da laanteeda afka soomaaliga .
Iskusoo wada duuboo arintan ku aadan
shirka dib u heshiisiinta ee fooda inagu soo haya ayaa waxaa kasoo
baxaya warar laysla dhex marayo oo sheegaya inaysan waxba ka soobixi
karin halka warar kalena sheegayaan in lagu najaxo,waloow aan la ogayn
xaalada amaan ee shirkan cida dusha u ridan doonta iyadoo ay magaalada
caasimada ah ee muqdisho ay ku sugan yihiin cutubyo ciidanka Ethiopia oo
ay weheliyaan ciidamada ugaandha ..
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Qaraxyo lala beegsaday Jigjiga iyo Luga
buur oo dhaawac ah
Wararka Nagasoo garaya magalada jig jiga ee wadanka Somaligalbed ayaa
tibaaxaya Qaraxyo waaween oolabeegsaday meel ay iskugu yimaadeen tigree
dalka haysta iyo coloshood ushaqaystayaasha, oo u dabaal dagayay waxay
ugu yeereen sanadguuro in ay kudhinteen ugu yaraan 11 toban qof inta
laog yahay hada, kukaloo badan kudhaawacmeen. Sidoo wararku waxay intaas
kudarayaan in c/llahi lugabuur oo ah nin ka u ween calooshood
ushaqaystayaasha inuu kadhaawacmay lugta.
Ninka iskumagaacaba uqaabilsanaha arimaha dibada ee macatab kudirirka
ayaa saxaafada usheegay inuu bam lagu soo tuuray meeshay ku daabaal
dagayeen oo ahayd garoonka cayaaraha ee magaalada jigjiga. Taasoo ay ugu
dabaal dagayeen dhicitaankii Mingistu Heilu Maryam iyo xoog
kuqabsashadooda dhulka soomaaligalbeed. Dabaal dagan ayaa marwalba loo
sameeyaa sanid kiiba markaa kasso dadka lagu qasbo inay isku soo baxaan.
Sidoo kale weraro kuwaas lamid ayaa kadhacay magaalooyinkale ay kamid
yihiin godey iyo dhagax buur ay kudhinteed tigree macatabkudirirka ah
iyo ku u deega.
Wabilaahi towfiiq
Source reuters.com
W.Q C/rashid Shafi Gaas
Meydka Labo
Wiil Oo Dhalin -yaro Ah Oo Laga Helay Agagaarka Wershadii Baastada Ee
Muqdisho .
Waxaa saaka
goor hore lagu arkay agagaarka wershadii hore ee baastada Meydadka labo
wiil oo dhalinyaro ah xilli uu habeenkii xalay ahaa qarax xoogani ka
dhacay halkaasi oo ay degan yihiin ciidamada xukuumada Ethiopia
Meydka
labadan wiil ee dhalinyarada ah ayaa saaka laga qaaday agagaarka
warshadii hore ee Baasatada, iyadoo la geeyay saldhigga degmada Huriwaa
halkasoo ay yaalaan meydadkaasi
Dad
Goobjoogayaal ah oo Indhihooda ku soo arkay meydadka labadan nin gudaha
saldhigga, ayaa saxaafada u sheegay in labadan nin oo da'dooda lagu
qiyaasi karo 25 –jir ilaa 30 -jir islamrkaana ay rasaas kaga dhacday
meelo halis ah oo madaxa iyo saablayda ah.
Dad badan
ayaa soo buux dhaafiyey saldhiga degmadaasi huriwaa oo ay yalaan
Meydadkaasi oo doonaya inay bal gartaan iyo in kale waloow ay jiraan
ilaa iminka in aan la helin dadkii ay ehelka ahaayeen.
Meydadka
labadan nin ee laga helay agagaarka Warshaddii hore ee Baasatada oo
fariisin u ah ciidamada Ethiopia ayaa ku soo beegaya xilli habeenkii
xalay ahaa agagaarka saldhigga degmada Huriwaa uu gil gilay qarax aad u
xoogan islamrkaana ay ciidamadaasi ay u fureen rasaas dhinacyada
wershdaasi kaga began tahay islamrkaana la sheegay inay rasaasta
ciidamada Ethiopia fureen ay haleeshay halka warar kalena sheegayaan in
si ula kac ah ay u dileen ciidamadaasi Ethiopia xiligii qaraxyada ka
dheceen kadib.
Si kastaba
ha ahaatee lama sheegin wax qasaaro ah oo qaraxii xalay uu geeystay,
inkastoo waqtiga qaraxu dhacay ay bandoow ahaayeen degmooyinka iyo
xaafadaha deegaankaasi islamrkaana aysan jirin cid xaqiijin karta
qasaaraha dhabta ah ee jira .
Yaasiin
maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com