Dawaladdu ma hadeer beey qaan
Gaartay Mahdi
muse Osman
Hagar131@hotmail.com
Qaan gaarku waa Qeybta ugu
muhiimsan ee Cumriga Basharka, waxuu kala guur u yahay nolosha
qofka ee u gudbineysa Garasho mas,uuliyad oo asaga u gooni ah,
waana waqtiga lagu goyn karo dabeecada dhabta ah ee qofka.
Waa suuro gal in maamulku
qaato Qaabka da,a ee noolaha oo kale, kaa soo soo mara dhamaan
marxaladaha kali gadisan ee uu nooluhu maro, Maamulka Dawlada
Kumeelgaarka waxaa aasaas u ahaa Dalka Kena oo la oran karo waa
goobtii uu ku dhashay, laakiin waxaad moodaa in Garasho ka duwan
sidii hore eey soo muuqanayo ayadoo uu cimrageedi bar ku dhawaad
tagey.
Arimo badan oo murugsan ayaa
dalka soo maray intii ay jirtay Dawalada Kumeelgaarka ah,
dhacdooyin is xiga oo u baahan caqli & xikmadeena weey is
raaceen, aan ka tilmaano Kacdoonkii shacabka ee ka dhashay
Maamulkii Maxkamadaha Islaamka .
Dawaladdu arimahan si u gaar ah
uma qiimeyn, Fursadii nabdeyn ee Dawaldda & maxkamaduhu labaduba
waa dayaceen, laakin magaca Dawaladnimo ayey wax badan ku
dhumeen, taasoo u sabab aheyd gacanta shisheeye ee ka dambeysey
hagida Dawaladda , Hogaanku Dawaladdu ayagoo og wadahadal &
nabad waxa ku yimaado in aan lagu khaasarin ayeey ka doorteen
Dagaal faraha ka bixiyay Arintii somaliya
Waxaa sii dheer Xukuumaddu in
ey is tustay Fursad hanasho oo dalka ah, hadiiba loo muquuniyo
Maxkamadaha, in badanbaa Xubanaha sare ee Dawladu ku Caataabeen
Gar gaar xumi ka hesyata la dagaalanka Argagaxisada Dalka
qabsaday , waxeyna Fariimahaa si toos ugu direen Mareykanka oo
ah hindisaha ereyga Argagaxisada..
Waxaa dhacay Beec muddo badan
boos loo la,aa, laakiin Xubnaha Dawaladu eeysan marqaati ka
aheyn, kaasoo u ekeysiiyay Dawaladdi qaran aalad lagu dan
fushaday, Mareykanku waxuu si toos ah Qandaraas ula galay
dawaladda Itoobiya oo markaa u muuqatay in ey dan wadaag yihiin
ayada & mareykanku si eey uga wada hortagaan dhul balaarsiga
maxkamadaha, laakiin waxey ku kala duwanaayeen nooca magac ee uu
dagaalku qaadanayo, Itoobiya waxey difaac u aheyd Dawladda
Kumeel gaarka waa sida uu Barlaamaanka Somaliya u ansixiyay
si,aan weereo uga iman Dhanka maxkamadaha, Mareykanukuna waxuu
baadi goob ugu jiray Sadex wiil oo toban sano ka hor qarax ka
geystay Kenya.
Dawaladdu marna kuma xisaab
tamin awood eeysan laheyn waxa ka iman kara, maxeyse is dhaamaan
Awooda Maxkamadaha & awooda shisheye oo meesha ka saartay..?
waxaa hubaal ah in awooda sare ee dawladdu eeysan arintaa
moogeyn, laakin dhibaatada Somaliya ee liidataa awgeed ayaa
hareer marisay ogaanshaha xaqiiqda dhabta ah, laakin mar walbaa
dhibbanuhu waa Somaliya & Soomaligeeda
Dhaqaalhii badnaa & waliba
arwaaxdii lagu waayay marna uma dhiganto in uu badel u noqdo
sugitaanka jiritaanka Dawaladda Kumeel gaarka si eey u hanato
Dalka oo dhan, waxaana hada muuqda wadooyin badan eey kala
qaadeen isbaheysgii ku heshiiyay ladagaalaanka Maxkamadaha .
Mareykanku baaqiisa waxuu
noqday in Dawaldda Kumeel gaarka ah,aysan matalin Bulashada
Soamliyeed, hogaankeeda hadda jirana uusan u qalmin dalka in uu
hogaamiyo, kol hore Mareykanku waa ka leexday dawaldda oo waxuu
si toos ah u naas nuujiyay si,aan xisaab laheyn qab
qablaayaashii ka soo horjeeday oo sameystay isbaheysigii
ladagaalka diinta. Dawaladdu talaabadaa Cashar Hor u dhac ah uma
noqon kumana dhisan wax badan oo qorshaheeda ah, iskadaaye waxaa
ceeb ah oo taariikh xumi reebtay Gumaadkii weerarada Cirka ee
loo geystay Xoolaleeyeed Koonfurta Kismayo in ay Dawladdu
mabruukeysay, weey awoodeen in eey ka aamusaan si eey ugu
muuqato mareykanku in madaxdu Dawladdu uu ku jiro in yar oo
damiir wadananimo ah oo laga yaabom in uu u fido oo uu taalabo
dareen diidmo oo ah dhaqdhaqaaqyada Mareykan ka qaar, taa soo
cabsi galin laheyd Mareykanka, kuna dhalin laheyd ka heybaysi
hogaanka dawlaadu, laakin ma dhicin.
In badaanbaa la tuhunsanaa
dawaladaha dareska sida ay u daneynayaan dhismo dawlad qaran oo
Somaliya ka hirgasha, dawlada itoobiya waxay gaartay taalaabo
lagu qiimeyn karo dhab nimada tuhmadaa, laakin qaab maamulkii
ka biloowday Gobolka Banaadir ma xambraasaneyn bishaaroyin
farxad galin kara soo noqosho dawlad qaran. Hoogaankan cusub ee
gobolka banaadir wax arxan ah uma heyn dawladda ka hor soo
bixitaankii maxakamadaha, qaar waxeey ahaayeen Mucaarad aan
marnaba qarsoomin, waa suuro gal maamulka gobalku in uu siduu
doono u tasarufo waa hadii uu ogolaansho ka helo Garwadeenada
Itoobiya ee Muqdisho, taa oo ay hada jirto calaamado badan oo
mujin kara. waxaa hubaal ah in xariirka isku haya Dawaladda
Kumeelgaarka ah & maamulkeeda Gobolka Banaadir uu yahay ka soo
horjeedka dhaqdhaqaaqa Ciidan ee maxkamadaha, mar kasta uu
yaraado dhaqdhaqaaqaa waxaa soo baxaya wada shaqeyn la,aanta u
dhaxeysa Dawalada Itoobiya & garbaheeda ayada la socdo oo eey
ugu horeysa Dawaladda ku meelgaarka ah.
Dhanka kale Dawaladda ku mel
gaarka ah waxaa filan waa ku noqday jawaabaha ka soo baxaya
wadamada reer galbeedka ee uu mareykanka u horeeyo, arintaa
jawaabtooduna waxaa la dhawaaqay Madxweynaha oo sheegay in wali
uu la dagaalsan yahay Argagaxisada laakin uusan heyn wax
garabsiin ah ee dawaladaha la dagaalama argagaixsada, waxaa la
filan karaa in kol dhaw muuqato garasho garaad leh oo ka
qoomameeysa bur brukii loo geystay maamulkii maxkamadaha ee ku
mideysnaa magaca shacabka somaaliyeed & waliba Baahida loo qabo
in la gaaro dib u heshiisin dhab ah oo Somali kali ah si danta
guud ee dalka & mida gaarka ah ee u ooman hogaanka dalku loo
mideeyo., taasoo suuro galinta in uu meesha ka baxo daneystaha
sadexaad ee dal & dad toona u naxeyn.
Mahdi muse Osman
Hagar131@hotmail.com