DOWLAD
GOBLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED
Monday,
May 28, 2007
Yaa u
Garniqi Doona Golayaasha DGPL marka ay isqabtaan???
Dhismihii
Dowlad Gobleedka Puntland kaddib waxaa soo baxaayay muran la
xiriira Dastuurka kana dhex aloosma goloyaasha DGPL, kaas oo
mar walba ay ka jirtay in la waayo cid u xil saran oo kala
saarta, xubnaha is haysta, kaasoo mar walba ku dhammaanaysa
Deeq Alle iyo karaamada shacbiga reer Puntland, marka laga
reebo dagaalkii adkaa ee socday dabayaaqaddii sanadkii
2001 ilaa bartamihii sanadkii 2002, taasoo ilaa
hadda aan lahayn cid u xil saaran kala saarida is qabadka
goloyaasha.
Haddaba sida
ku cad dastuurka Qodobkiisa 74aad wuxuu sheegayaa
dhismo Maxkamad dasuuri ah, sidoo kale qodobka 75aad
wuxuu sheegayaa in arimaha ay u xilsaaran tahay Maxkamadda
Dastuuriga ay ka mid yihiin:-
-
Maxkamaddu waxay u xil saaran tahay Arimaha
Dasuuriga ah oo keliya.
-
Dacwadaha Ciqaabta iyo dacwadaha lidka ku ah
Madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, wassiiradda,
xildhibaanadda, iyo madaxda sare ee Dowlada, waxaa
galeysa Maxkamadda Dastuuriga ah.
-
Maxkamadda dastuuriga ahi waxay kaloo awood u
leedahay ka turjumidda is maandhaafka ka yimaadda
dastuurka iyo qawaaniinta kale. Maxkamadda
dastuuriga ahi waxay kaloo dhageysanaysaa dacwadaha
uga yimaada;
-
Codsi sadex meelood halmeel oo xubnaha golaha
wakiiladdu u soo gudbiyaan, in qodobo ama go’aan
golayaasha dowladdu ku xad gudbay dastuurka.
-
Marka qof ama ka badan ee shacbi ahi ku soo
dacwoodaan xaquuqdoodii asaasiga ahayd ee
dasturrku siiyay.
-
Markii qayb ama laan ka mid ah dowladda ay
codsato inay go’aan ka gaarto is maandhaaf u
dhaxeeya awoodaha dowladda, waana tan keentay in
maqnaanshaha Maxkamad dastuuri ah khilaafyadda
ka dhex dhasha golayaasha Dowladda Puntland loo
waayo meel lagu xaliyo, taasoo nidaamka ku noqon
karta Qaran jab ama Zero, dhismaha
maxkamaddani waxay dan u tahay guud ahaan dalka
gaar ahaan golayaasha.
Sidaas
darteed waxaan kula talinayaa golayaasha awooda u
leh dhismaha maxkamadda dastuuriga ah inay dhisaan
maxkamadaas eeg qodobka 74aad, lamberka 9aad,
ayagoo Alle ka yaabaaya islamarkaasna helaan meel ay
ku kala baxaan, bulshadana u horseedin gacan ka
hadal iyo is colaytan sidii horey u dhacday, waa
ceeb adduunyo nidaam dhisan oo xal u waaya
khilaafkiisa gudaha.
Wabilaahi
Towfiiq
Qore:-
Lataliyaha Sharciyada Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee DGPL
Mudane:
Maxamuud Axmed Xaashi
+252-5-768102
Waxaa soo
gudbiyey Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
"ERayga Cagaare"oo la soo
afjarayo
: Waxaa lagu guda jiraa
dhamaystirkii heshiiskii tuulada Cagaare ee duleedka Qoriley ee
xuduudka gobolada Nugaal iyo Sool.
Cagaare oo dagaal ku dhexmaray meleeshiyo beeleedyo isku qabsaday
degaan ayaa waxaa kunaf weeyey 10-neeyo qofood, halka dadkalena ku
dhaawacmeen.
Arintaan dhamaystirka khilaafkii cagaare ayaa waxaa hormuudka ah
guddi iskugu dhafan issimo, wasiiro, aqoonyahano, waxgarad iyo
xildhibaano ka tirsan DGPL.
Iminka waxaa la soo dhamaystiray burburintii baraagihii lagu
muransanaa ee Cagaare.
Sida wararka nagu soo gaarayaan wax dhib ah kalamaaysan kulmin
guddigu burburinta baraagaha, marka lagareebo, labo gaari oo
muraayadaha xabado ay kaga dhufteen dhalinaro iyo nin oday ah oo
jugo yar-yar lagaarsiiyey,dhalinyaradiina markii dame waxay
raali-gelin kabixiyeen dhacdadaas.
Gunanaanud ka iyo geba-gebada Cagaare ayaa soodhow,halkaasna waxaa
kuharaya"eraygaCagaare"
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2007


|