Shirka Xamar mid Siyaasadeed mise
Dhaqan?
W Q:
Cabdulqaadir X. Maxamed
Shirka loo balan
sanyahay in lagu qabto bartamaha bisha soo socota magaalada
Muqdisho hadiiba uu qabsoomo ayaa dad badan oo la socda arimaha
somalida eey is weeydiinayaan wajiga uu yeelano, waxa uu soo
kordhinayo, ajandihiisa, muddada uu socon karo, cida iyo weliba
habka loogu heshiinayo.
Ugu horeeynba
waa nasiib daro la jaar noqotay umadda soomaaliyeed in 17 sano ka
dib wixii wadanku bur bur iyo dhibaato soo maray, welibana la
qabsaday oo uu gacan gumeeysi madoow ku jiro hadana aaneey ka harin
dhegaha muwaadiniinta shir dib u heshiineed, sidaasoo eey tahay ayaa
hadana shir ku sheegaan waxaa looga dan leeyahy in calaamka lagu
qaldo, qarash looga cuno, lagu waqti dheereeysto laguna qariyo arimo
badan oo xasaasi ah oo hada taagan sida arinta xasuuqa iyo dadka
geedaha weli hoos jiifa oo weliba gargaar iyo dib usoo laabasho
intaba loo diiday, arinta wadanka dhan oo la heeysto, taageera la
‘aanta shacabka ka heeysata kooxda Imbagaati oo dadkii eey u talin
lahaayeen eey u arkaan daba dhilifyo lagu adeeganayo iydoo wax walba
loo sameeyey taangiyo iyo diyaarado lagula dul hayey shacabka ayey
wax walbaa hadana u socon la’yihiin.
Waa su’aal
aqritoow inaad is weeydiiso mudan dhibaataada maanta ka taagan
soomaaliya ma dhaqan ayey ku saleeysan tahay mise siyaasad ayaa
leeysku hayaa? Beesha caalamku dhaqaale ma ku bixineeysaa shir
Dhaqan xili eey afka ku hayaan shir dib u heshiisiin siyaasadeed
sida eey sheegtay
wasiir ku xigeenka arimaha dibada ee dowlada Talyaaniga
Patrizia Santinelli ?
Jawaabta meel
dheer ha u raadin hadii dhibaatadu ku saleeysan tahay dhaqan beelaha
soomaaliyeed hada dagaal kama dhex taagna iskumana heeystaan
Deegaan(daaqsin iyo biyo), garabyada kooxda Imbagaati ee Adis iyo
Asmara ku kala xirana dhaqanku masuul kama ahan, hogaankii shacabku
aadka usoo dhoweeyey ee maxkamadaha ee dalka laga saarayna dhaqanku
masuul kama ahan mana keenin, dadka wadaniniyiinta ah ee
gumeeysidiidka ah dhaqanku wakiil kama ahan, shacabka Tabcanayaasha
diidana dhaqanku ma keenin ee waa arimo siyaasadeed cida shacabka
taageera ka heeysta ayaana ku guuleeysaneeysa si howl yar oo aan u
baahneeyn taageero dowlado caalamiya iyo Taangiyo.
Soomaaliya
inteeda badan maanta dhibaato oo dhan ayaa ka jirta dil baahsan,
dhac, kufsi aan loo kala aaba yeelin cadaalad iyo xoriyad la aan aan
la qiyaasi Karin sida ku cad warbixintii Hey’ada
Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International, oo sheegtay in wax
cadalada ah eeysan ka jirin kofurta iyo bartamaha somaliya.
kuwii
ku naaxay dhiiga shacabka oo dhamaantood dib loogu soo celiyey meel
kastana taagan, dadka kuwa ugu caqli iyo cilmi liita oo leeynta iyo
dhaca kusoo shaac baxay laguna abaal mariyo, maamul xumo iyo is bar
baryaac aan awoodo u qeeybsaneeyn xitaa madaxda sare ee kooxda
Imbagaati sida maamulka Gobolada, Safaaradaha, taliyeyaasha
maleeshiyooyinka oo C/laahi iyo Geedi midkii doono u iska magacaabo
waa qeeyb ka mida waxyaabaha laga dhaxlay Dilayaashii la
dalacsiiyey.
War geeyska east
Africa standard wuxuu ku sheegay Madaxweyne Yuusuf nin aan u
heelaneeyn in nabad lagu soo dabaalo somaliya 16 sano dagaal ah ka
dib ayuu diidan yahay fursadaha wadahalka cida wax kala dhexeeyaan
waana dabeecad lagu yaqaan horbooda yaasha soomaalida iney
ogolaadaan wada hadal waqti eey luntay fursadaas, sidoo kale
guurtida deegaanka Xamar waxeey marar badan ku eedeeyn C/lahi inusan
u dhaqmeeyn hab dowladeed.
Maamuladdii loo
dhisay gobolada Gedo,Jubooyinka,Sh/hoose,Mudug,Galgaduud,Hiiraan
intaba waxba kama socon Jowhar M dheere aye mudo u taakeeysneeyd
ilaa isaga meel lagu magacaabay, Hiiraan Daba geed ayaa loo
ololeeynayaa in hada dib u ugu soo laabto maalmaha soo socda,
maleeshiyaadka Kooxda Imbagaati
Wax sadex ilaa afar mar ka badan ayeey is rasaa-seeyeen taasoo
keentay in mar walba la kala dhex dhigo tigreega waayo waxa kaliya
oo shirkada lagu yahay ayaa ah in xoolaha shacabka la dhaco waana
taas tan isku direeysa ileen labadii Xaqdaro ku heshiisa Xaqa ayey
ku diriraane.
dhamaan waxa ku
jira maamulka Imbagaati waa danleey wax ka dhaxeeya eeysan jirin oo
aan ka aheeyn in mid walbaa uu dantiisa gaarkaa ku gaaro inta meesha
uu joogo, Qabqablayaasha sida Qeeybdiid, dhagaxtuur, jeelle, M-dhere
oo shalay lahaay waa inaan biyaha ka daba qaadnaa tigreega intuba
waxeey u xusul duubayaan sidii eey berito u soo muuqan lahaayeen
koleey tani socon weeysaye tan danbe dhaqaale ahaan, magac iyo
muuqaal ahaan iyo dhan kastaba yaan lagu iloobi n oo isu diyaari
ayaa ugu muhiimsan sababta maanta sida indha la aanta ah meel lagu
kala tegey xil uga raadinayaan.
Ugu danbeeyntii
waxaan soo jeedinayaa shacabka soomaaliyeed ineey cod dheer ku
dalbadaan, isku gaarsiiyaan, calamka ugu baaqaan in aan waqti kale
looga lumin shir dib u heshiisiin Dhaqan iyadoo kuwii siyaasadada oo
ah dhibka heeysta wadanka eey waxba qaban waayeen kana uusan mira
dhaleeyn hadii aan la isku soo hor fariisin dhamaan dhinacyada isku
haya talada wadanka si dhabana aan loo turxaan bixin waayo aasaaska
xukunku waa cadaalad hadii aan cadaalad la helin dhibaatadu weey
taagnaaneeysaa waligeed ilaah ayaan ka baryeynaa inuu waafajiyo
dalka iyo dadkaba jidka toosan.
W Q:
Cabdulqaadir X. Maxamed