Dhawaaq dheer -- Gabay
Mohamoud Abdullahi Rooble
Waxa uu soo baxay 05/05/2007: Waxaana
tiriyey Abwaan Maxamuud Abdilaahi Rooble . Gabayganu waxa uu jawaab u
yahay gabaygii Dhulgariir ee Abwaanka Caanka ah ee Hadraawi
uu ku dhex dhigay Umada soomaaliyeed . waa abwaan qaali ah
Hadraawi waanan jecelahay dhamaantayo wuxuuna caan ku yahay soo
noolaynta suugaanta soomaalida iyo dareenka guud ee waxwada qabsiga.
wuxuuna goor walba ka horjeedaa faquuqida dad gaar loo faquuqo.
Habada markaan akhriyey qormii nuqulka dhulgariir oo isla habeenimadii
xaflada uu ka sheegay uu ii soo diray Axmed Ismail oo joogay Xafladu
ayaan la dhacay aniguna aan is idhi bal adiguna dhinacaaga wax ka dheh
aad ku taageeraysid odhaahda Abwaanka, isla markaana tusaale u
noqon karka Umada Soomaaliyeed ee Walaalaha wada dhashay ah. "Soomaali
Soomaali dhalay waa tafiir qudha e"
Wuxuu yidhi :
Suugaanta dheeha leh horaa loo dhamaystiraye
Afkeenii dhigaalkiisa iyo erayo dhuugweynleh
Intaad dhilatey waadiga hortey dhigay aqoontiiye
Dhulgariir hadaad sheegtey waa dhawaaq sare e
Dhuuxuu ku yaalaa lafaha wuu ka dhaadhacaye
Intuu badaha soo dhaafaybuu soo dhug raadsaday e
Dhawaaqaaqu wuxuu iigu yimi yurub dhankeediiye
Dhankastaan ka eegoo dhabtii waa dhamays kaniye
Dhaxalbaad u reebtoo dadkii dhagaha soo taagye
Waxa tahay abwaab dhaatey iyo dhaqan abuurweyne
Waxa tahay dhawaaquu tirshana eray u dhaafayne
Waxa tahay abwaan dhiiran oo dhaaxa soo jiray e
Kolba kuwa dhibaysan midkii dheehday baad tahay
Mid sinaanta dhaxalkeeda garan oo dhisaa tahaye
Waxa tahay dhalaankiyo caruur midan aan dhaafayne
Maansada intaad dhererisood dhinackasta u eegtey
Suugaan dhegweyn iyo murtida dhigay agtoodiiye
Waanada haday dhuganayaan dhiibtey taladiiye
Dhulku wuxuu ku joogaa ilayn udub dhaxaadkiise
Dhidibaduu ku taagnaa haduu dhaafo waa halise
Buuruhu markay wada dhacaan baad dhabtii garane
Dhulka wixii ku hoosjiri markuu badaha soo dhaafo
Waxaad abid ku dhaadani jirtiyo malabkaad dhuuqaysey
Dhadhan maleh aduunkuna naftoo dhididsan mooyaane
Qalbiguna wuxuu soo dhuftaa dhiilo iyo Aahe
Dhawaaq suurta lagu sheego baa dhaw sarow dhiciye
Milicduna dhankaagay timaad dhawr talaabo ahe
Ninkastaa dhankiisey ilayn dhibi u haysaaye
Dhalaankaaga waa laga ordaa sida dhurwaagiiye
Dharaartaa ninkii dhaadan jiray wuu dhafoor go'aye
Xaqaad dhinac martaa uunku wuu kugu dhibayaaye
Aakhirana wuxuu kaa dhuftaa khayr ku dhinac yaale
Wixii aad dhitaysaad la tagi dhiilkii aakhira e
Qiyaamaha ninkii khayr dhigtaa dheefsadoo wacane
Hogaan dhiibsan oo caadilaa lagu dhur gaadhaaye
Hadaad wada dhisaysaan dhulkani dhibi ma taaleene
Magaceenu wuxuu dhaafilaa qaaradaha dhawre
Ninkastaa sagaalbuu ku dhalay wiilal dhawra ahe
Soomaali soomaali dhalay waa tafiir qudha e
Qabiilkuna dhibtiisuu wataa dhawr qarnoo tagaye
Dhibic khayreh loogama fadhiyin dheefna laga waaye
Hadaad hoos u sii dhaadhacdana, dhiib u socodkiisu
Dhusuq iyo waxaad ugu tagtaa dhoobo iyo ciide
Mililaha ninkii dhayi rabine qudhun u sii dhaafye
Sida dhuxul kureebkuu jidhkana dhibic ku reebaaye-
Wuxuu kala dhaqaajaa nin iyo wiilashuu dhalaye
Dhinacaad ka eegtaba qabiil waa dhegxumo weyne
Waayeel dhalaan laguma oga inuu dhex rooraaye
Dhawrjeer horaa looga digay waa dix dhagaxeede
Marna kama dhegyeeshaan wixii dhibay walaalkoode
Dhawdhawdu uma dhaadhacsana waa dhalfoof taniye
Horaa loogu dhaga beelay hadal dhuuga oo culuse
Sudlaankii wuxuu dhigay ayey dhinacmaraayaane
Waa dhalan rog lagu daalay iyo dhuumo ceeb sida e
Qabiilkuna dhibtiisuu wataa dhawr qarnoo tagaye
Dhab u hadalka wuu necebyihiyo reer is dhinac yaale
Dhuuqdhuuqsi mooye ma rabo inay dhib gaadhaayee
Wuxuu dhalad ku raadshaa hadntida aan dhib loo marine
Dhawaaqiisu waa hoos u dhurad hadal aan dhaafayne
Dhiig nala baxshuu soo wadaa iyo dhib joogtaa e
Waraabaha dhankii loo eryaba waw dhabiyo daw e
Dharaar iyo habeen buu u dhaxaa dhiilo reer qaba e
Intaa waa inuu dhaxalka hadhay dhuubka raadsado e
Dhidarkii xabaalah qodaa qudhun u sii dhaafye
Dhaxal gorayo dhebedbaa cunoo cidi u dhaafayne
Dhalaan qayladii way dhamaan dhawr cishoo hadhaye
Waayeel dhafoortaabadkii wuu la dhaygagay e
Waxay dhaban u haystaan dhibtii soo martoo idile
Dhibaatada ninkii geestey buu wali ka dhuuntaaye
Wakaa dhashiisii u raray gaalo dhinaceede
Dhulgariirka gabaygii ahaa waa dhawaaqsare e
Dhirbaaxuu la dhacay aqliga kuwii ka dhoohnaaye
Dhegxumana aduunyada ku nool dhaygag iyo yaabe
Ninka dhudi qabiil dhaafsho baa dhoohan abidkiiye
Qoordheer dhalaankey dhashaa dhicis ma yeeshaane
Dhulka waxa caruur jooga ugu dhalaal roone
Dhumucdiyo lafaha lagu dhaliyo midabka dheehiisa
Sida dhiin casuuska ah masciid dhaaftey dhiniciise
Ama dhool ka soo muuqda bari ilkahan dhayda oo kale ah
Ama laanta dhabiga ah gacmuhu dhilanyihiin Aade
Dhexdu madag sideedii haday gacantu dhaafayso
Dhacweysiga timihu waxay mareen dhabarka hoostiiye
Midabkoodu waa sugul dhexroor sabakh dhexyaalaaye
Dhasiigaba macuna ruux haduu dheehdo arageede
Dheef weeyi arageedu dhudi dhuuni oo kale e
Kumanaan dhigeedaa ayey dhaaftey waligeede
Dhulka waxay ku joogaan iyadiyo dhawr kaloo hadhaye
Dhumucdeeda jooguna haldhaa waa dhexaad wacane
Dhabanada labeentaleh markay dhoosha dib u qaado
Guftin dhida waxaa laga arkaa godad dhexdoodiiye
Khalqigu dhugasho mooyee ilayn dhaafi kari waaye
Dhuuxay ka nooshahay yartani dhaxalfog weeyaane
Waa dheeman luul lagu ladhiyo saayaq dheeh wacane
Dhinacaad ka eegtaba ilayn waa dhamays jira e
Qabiilkuna dhibtiisuu wataa dhawr qarnoo tagaye
Ninka dhoohan baa lagu siraa dheeli socodkaase
Dhiigyeelo aadmigu dhamaan wuu dhursugayaaye
Oo dhudi ayaan looga tagin gaalka dhinac jooga
Tafiirtaada yaan lagu dhexdarin gaalo dhinaceege
Bal inay dhaboob yeelataan dhawri maantana e
Dhaliil Eebahay joojiyoo aadmi kaba dhawr ye
Dhaqankii haboonaa ilayn dhoofiyaa helay e
Ilaa dhawr ka hadho wayna dayn dhiilimaadkani e
Dheeldheel hamoodina midkani wayga dhuun hadale
Hadhow Muuse wuxu sii dhutiyo diin kaluu dhigane "muusa dhariyo"
Dhiigyeelo aadmigu dhamaan wuu dhur sugayaaye
Sida dhagax dixeedbay arini dhaafi laadahaye
Badweyntaa biyaha laga dhuraa dhadhan ma doorshaane
Inta dhuux tagooga heshaa waa dhif iyo kow e
Dhafoorkooda dhiilbuu noqdoo hoos u dhaadhacay e
Warankana ninkii kugu dhuftaa waad ka dhimataaye
Ninka kugu dhaqaajaase wuu kugu dhibaayaaye
Sida ood dhacmeedbay arini kala dhig doontaaye
Inaad dhaaftey laga waa murtina dhilatey tii roone
Dhulgariirka gabaygii ahaa waa dhawaaq sare e
Kor iyo hoosba waad ugu dhigtee waa dix dhagaxeede
Waanada haday dhuganayaan dhiibtey taladiiye
Waraabuhu dhafoor foolxumada waa u dhalankiise
Hadana dhidarka uu dhalay ayuu dhicis ku caayaaye
Magacani dhibay dhawrayaan inaad ka dhawrtaane
Dhawrkii ka hadhay waxay sugaan dhoof inay tagiye
Marna dhugani maayaan inaad dhaafto xumihiiye
Dhagahooga waxa buuxshay waa dheygag iyo yaabe
Dhashooduna dhasheenay intaa dhawri abidkoode
Waxa dhinac u saarkani badday abid la dhuubteene
Baldhugyeelo aadmigu dhamaan wuu dhur sugayaaye
Bal inay dhaboob yeelataan dhawri maantana e
Dhaliil Eebahay joojiyoo aadmi kaba dhawr e
Dhaqankii haboonaa ilayn dhoofiyaa helay e
Ilaa dhawr ka hadho wayna dayn dhiilimaadkani e
Baldhugyeelo aadmigu dhamaan wuu dhur sugayaaye
Mohamoud Abdullahi Rooble
Email : Admin@saylac.com
ama
mohamoudabdilahi@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2007


|