War Saxaafadeed ay sida wadjir ah u soo saareen
xubnaha Baarlamanka Somaaliyeed ee Kamadax bannaan Itoobiya iyo Golaha
Maxaakimta Islaamiga ah
Asmara 22. 05.2007
Waxaa si wada jir ah Golaha Maxaakimta Islaamiga ah iyo Xubnaha Barlamaanka
Xorta ah ee ku sugan dalka Eritrea magaala madaxdiisa Asmara ay ku baaqayaan
qodobada soo socda ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya:
1. Xaaladda Dalka:
dalka iyo dadka Soomaaliya waxa ay u gacan galeen cadow gumaysi ah ka dib
markii ciidamada nadaamka Addis-ababa ee Malas Zanawi madaxda uu ka yahay ay ku
soo duuleen qabsadeenna dalka Soomaaliya.
2. Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed:
waxaan u aragnaa in dib-u-heshiisiin Soomaaliyeed oo dhab ah ay tahay lagama
maarmaan, hase ahaatee sidii cadowgu dalka u qabsadayba waxay adeegayaasha
gumaysigu ku hadaaqayeen in ay qabanayaan shir dib-u-heshiisiin ay ku
tilmaameen, kaasoo ay uga dan leeyihiin arrimaha soo socda:
• In lagu sharciyeeyo gumaysiga dalka qabsaday
• In u adeegayaasha gumaystuhu ay ku nolol dheeraystaan isukna muujiyaan dad
dib-u-heshiisiin ku hawlan.
• In ummadda Soomaaliyeed looga jeediyo halganka iska caabinta gumeystaha iyo
dib-u-xoreynta dalkooda.
Haddaba, waxaan ummadda Soomaliyeed, dawladaha Carabta iyo beesha caalamkaba
ogeysiinaynaa arrimaha hoos ku qoran:
In wax shir ah oo dib u-heshiisiin ah uusan dhici karin inta dalka Somaaliya uu
gacanta ugu jiro gumeystaha taliska Ethopia.
In dadka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin la
dagaalanka gumeysiga aysan jirin wax dagaallo beeleed ah oo iyaga dhexyaalla.
Waxaan qabnaa in dib-u-heshiisiin run ah oo
dhammaysa khilaafaadka siyaasadeed ay imaan karto dadka soomaaliyeed oo u madax
banaan danahooda in ay ka tashadaan iyagoo aan gumeysi gacantiis ku jirin.
Sidaa darteed waxaanu ugu baaqeynaa ummada Soomaaliyeed meel ay joogtaba
ineeysan dheg jalq u siin qorshayaasha gumeysigu u adeegsanyo kuwa uu ku
shaqeysto ayna ka fogaadaan ka qeybgalka shir weyne ku sheega dib-u-heshiisneed
ee loo muddeeyay 15-june 2007. Sidoo kale waxaan beesha caalamka gaar ahaan
dawladaha iyo hay’adaha deeqda bixiya ugu baaqeynaa ineysan gacan siin,
dhaqaalana ku bixin mashruucaas gumeysigu ku xalaaleysano haysashada dalka
Soomaaliyeed.
3. Waxaannu soo dhaweyneynaa mawqifyadii siyaasadeed ee u dambeeyay ee ka soo
baxay shirkii golah Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub iyo baaqi ka
dambeeyay ee ka soo baxay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada dawlada Talyaaniga
(Patrizia Sentinella) oo ku saabsanaa in ay ciidamada gumaysiga Etoobiya si
shuruud la’aan ah uga baxaan dalka Somaaliya.
4. Waxaanu beesha caalamka iyo Qaramada midoobay ka codsaneynaa dardargalinta
baarista iyo sharci horkeenidda dambiilayaasha dagaal ee ku xasuuqay Shacbiga
Somaaliyeed magaala madaxda Muqdisho, iyo magaalooyinka kale ee dalka oo ay ku
cadaato in ay lug ku leeyihiin xasuuqa, waxaan sidoo kale eedaynaynaa hor
istaaga iyo carqaldeynta lagu hayo hawlaha loogu gurmanayo dadka ka barakacay
iyo kuwa ku tabaaleysan gobolada dalka gaar ahaan agagaarka Muqdisho sida
hay’adaha samafalkuba ay cadeeyeen.
Ugu dambayntii waxaan shacbiga Soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay dar dar
geliyaan halgankooda ay ku soo dhacsanayaan gubanimadooda iyo madaxbanaanidooda.
Shariif Xasan Sh. Aadan
Guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliyeed
Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007


|