18 May ma maalin
farxadeed baa mise waa maalin fadeexadeed?
C/kaafi Xasan Jaamac
Email:
akaafix@hotmail.com
Waa subaxnimo axad
ah bishuna tahay 20ka May, akhrisataw, markaan computerkayga furay oo damcay
inaan akhbaaraadkii aduunka gaar ahaan kuwii Soomaalida akhristo waxaa
website-kii u horeeyay oo aan furay ka hadlayay wax loogu yeeray , 18 May sanad
guurada 16aad ee gooni isutaaga Somaliland. Markaan damcay sii akhri warka waxaa
boggii ka muuqday gabdho badan oo wada dhalinyaro ah oo aan wadan garbasaaro,
go,yaal, gambooyin iyo xijaabka Soomalida iyo islaamkaba lagu yaqaan.
Gabdhahaasi waa gabdho Soomaali ah oo u dabaaldagaya 18 May, dadka goobta jooga
waxaad moodaa inay faraxsanyihiin waxay wataan calanka Somaliland oo ay dhaxda
uga qorantahay kalimada Tawxiidka.
Run ahaantii maahan wax farxad leh balse waa murugo iyo naxdin aad u wayn in
Kalimatu Tawxiid lagu dheel-dheelo iyadoo maryaha ay ku qorantahay ay kor u
babinayaan gabdho qaawan oo aan jirkoodu asturnayn oo waliba rag iyo haweenku ay
isku milanyihiin!!!. Maxaa kalifay dhibaatada intaa le,eg iyadoo ay waliba
Sawirada qaarkood ka muuqdaan rag garar waawayn oo aad moodid mas,uuliyiin iyo
aqoonyahan? Maxaa gabdhaha loo oranwaayay is astura? Aaway diintii iyo iimaankii
dadka xumaanta ka celin jiray? Aaway dhaqankii Soomaalidu ku faani jirtay una
soo halgamaysay boqolaal sano.
Waxaan xusuustaw nas oranayay aakhiru samaanka waxaa dunida la qaadayaa
xishoodka, run ahaantii waa wax layaab badan, waxaa mucjiso ah sida weyn ee loo
hareer maray diintii iyo dhaqankii, waxaan indhaheena ku arkaynaa wax mudo badan
ummadda Soomaaliyeed looga digayay taasoo ah dhaqankii gumaysiga reer galbeedka
ee kasoo horjeeday diinta islaamka iyo dhaqanka suuban.
Gayi kale wax laga sheegi jiray bayna soo galaye.
Guray ku asturnaayeen intay gaabsanahayeene.
Gabdho haatan joogiyo xishood yaw u gar naqidoona!!!
Muxuu run sheegay Cismaan Yuusuf Keenadiid, Allaha ha u naxariistee waxaaba
moodaa gabyga odayga Soomaaliyeed digniin cad inuu u ahaa waxa aan indheheena ku
aragno. Sidoo kale ayaa abwaanka wayn Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) markuu
tilamaamayay dhaqankii dhabta ahaa ee Soomaalida wuxuu yiri:
Xishood dedan bay lahayd.
Dux iyo soddoh bay lahayd.
Dumaashi dhan bay lahayd.
Dad kala guran bay lahayd .
Rag iyo dumar bay lahayd.
Nin door taliyey lahayd.
Waxaa dad badan aaminsayihiin in dhaqankii xishoodka, sharafta iyo maamuuska
badnaa ee Soomaalidu uu wali ku danbeeyay dhanka waqooyiga, sidaas oo ay tahay
ayaa wareer iyo waali waxaa noqday gafafkan ka dhacay 18 May.
Waligay waan arakayay munaasabad Soomaaliyeed balse ma arag munaasabad tan ka
khalad iyo gaf badan, bilkasta iyo sanadkasta munasabdo ayaa la qabtaa mana
aragno hablo madax iyo garba qaawan, dad badan baa waxay u fahmayaan markay
daadwadaan sawiradaan saxaafadu soo bandhigtay in Somaliland-tu aqaansi kaga
raadinayso wadamada reer galbeedka oo had iyo goor ka soo horjeeda dhaqanka
suuban iyo Diinta islaamka.
Waxaase hubaal ah hadii cid waliba ay Alle raali galiso inay helayso wax ay
doonaysa, balse cidii Alle caasida wax wanaag ah gaari mayso aakhiro iyo aduun.
Waxaan ummada Soomaaliyeed guud ahaanteed xusuusinayaa in dagaalku dhan kasta
inakaga socdo loona baahanyahay inaan inaguna dhan kasta difaac ka galno.
Waxaan qormadaan ku soo gabagabynayaa Sadaro ka mid ah gabaygii Dhaameel ee uu
tiriyay gabyaaga Maxammed Aw Cali Cartan (Haldeeq).
Hablo dhawrsigii iyo dhammoow, dhaqankii loo diiday.
Oo dhuug shisheeye iyo dhurwaa, bahalo loo dhiibay
Dhaqan bururay xishood laga dhex baxay, dhaxal la`aantiisa
Xaq la dhaafay daliil aan la dhugan, aayad dhego wayday
Buug la dhoobay qalmaan aan wax dhigin, cidina sii dheehan
Intaas oo dhalliilaan arkaa, oo dhalisay suugaane
C/kaafi Xasan Jaamac
Email: akaafix@hotmail.com
Afeef: ARagtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007


|