Saldhigga
Booliska Huriwaa oo Xalay la weeraray
Habeenimadii Xalay (May 24) ayaa waxaa laga
maqlay qarax lag amaqlay saldhigga booliska ee
Huriwaa, taas oo ay ku xigtey rasaas. lama oga
khasaaraha halkaas ka dhacay, waxaana saldhigaas
ku suganaa ciidanka DFKMG
Shiinaha oo
Maraakiibtiisa uga digey Xeebaha Soomaaliya
Wareegto Talaadadii (May 22) kasoo baxday dalka
Shiinaha ayaa digniin u dirtay maraakiibta
Shiinaha in ay ka fogaadaan badda Soomaaliya.
Wareegdataas oo xustay in burcad-badeedu ay
gaaraan ilaa 200 mile meel u jirta xeebta
Soomaaliya, waxaan atalo lagu siiyey kaabtannada
maraakiibtu in wax kasta haku qaatee ay iska
ilaaliyaan badda Soomaalida. Waxayna Shiinuhu
sheegeen in bishanmay gudeheeda in ilaa lix
markab ay burcaddu faraha saartay.
Xaashi
Galayr oo lagu diley Suuqa Bakaaraha
Arbacadii, May 23 waxaa suuqa Bakaaraha ee
magaalda Muqdisho lagu diley nin lagu sheegay in
uu gacan yare u ahaa Maxamed Qanyare Afrax. Ilaa
hadda lama oga cidda dilkaas ka dambeysey.
Ciidamada
DFKMG oo Isku Rasaaseeyey Km4
Arbacadii May 23 waxaa Km4 isku rasaaseeyey
ciidamada DFKMG. Iska hor imaadkaas ayaa lagu
soo waramay in uu sababay qaad (Jaad) la sheegay
in qaar ka mid ah ciidamada DFKMG ay dhacayeen,
kaddibna ay qaar kale oo ciidamada DFKMG ay
rasaas la beegsadeen kuwii dhacayey qaadka.
Ma Dhabaa In Khilaaf
Xoogani Soo Kala Dhex Galay Qaramada Midoobay Iyo
Dowlada KMG Somaliya .
Xiriiriyaha
gargaarka bini-aadanimo ee Qaramada Midoobey (QM) John Holmes ayaa ku eedeeyey dowlada KMG ah inay
hoos u dhigayso dhibaatada baaxada weyn ee soo gaartay shacabkii ka barakacay
magaalada muqdisho iyo gobolada ku dhow dhow islamarkaana ugu baaqay
beesha caalamka inay wax ka qabtaan dhibaatada baahiyeed ee ka taagan dalka
soomaaliya gaar ahaan dadka shacabka ah ee ka barakcay caasimada muqdisho.
John Holmes ayaa
warbixintan u gubiyay Golaha Amaanka isagoo xusay dhibaatada ka taagan dalka
soomaaliya islamarkaana ku eedeeyey dowlada KMG ah inay majaxaabinayso hawlaha
gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya lasoo gaarsiin lahaa , isagoo sheegay in
dagaaladii Muqdisho ka dhacay dabayaaqadii Maarso ay sababeen barakac ku dhowaad
400,000 oo qofood oo ilaa iyo haatan aan intooda badan guryahoodii kusoo
laaban..
Sidoo kale
mr.holmes ayaa ku tilmaamay inay tahay Masiibooyinka aduunka ugu daran
islamarkaana ugu baaxada weyn ,halka dowlada KMG ahina ay ku tilmaantay inay
dagaaladii muqdisho ka dhacay ay ku barakeceen in ka yar 30,000 oo qof.
Mr Holmes oo
eedayntan dusha kaga tuuray dowlada KMG ah inay khiyaamaynayso dadkii shacabka
ahaa ee soomaaliyeed ayaa ka dalbaday Golaha Amaanka inay wax ka qabtaan
arintan masiibada bani aadamnimada u baahan .
Holmes ayaa intaas
ku daray inay Dowlada KMG ahi ay aad u yareeyeen xaj-miga dhibaato ee ka jira
dalka islamarkaana ay farqi weyn u dhaxayso inta tirokoobka QM iyo tan dowlada
KMG ahi sheegtay oo kala ah 30,000 ilaa 400,000 oo ay u dhaxayso tiro dhan
370,000 oo qof taasina ay tahay mid ay ka been abuurtay dowladu waa siduu
hadalka u dhigaye .
Xiriiriyaha
gargaarka bani aadmnimo ee QM ayaa warkan shaacka qaaday isagoo u warmayey
saxaafada caalamiga ah ee aduunka islamarkaana carabka ku adkeeyey waa in laga
hor tagaa dhibaatada baahsan ee ka jirta dalka soomaaliya .
Si kastaba ha
ahaatee arintan ayaa kusoo beegmaysa xili ay ka jiraan deegaanadii loo barkacay
ee sh/hoose iyo banaadir dhibaatooyin gaajo ,biyo la,aan ,cuduro u badan shuban
biyood iyo hoy la,aan islamarkaana ay wadooyinka iyo deegaanada u dhexeeya
afgooye iyo muqdisho ay dad aad u tiro badani ku dhibaataysan yihiin .
Yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007
Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya
Shanta sano (1936-1941)
Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos
galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna
ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah
(1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka
keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay
kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor
Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii
quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka
qabsadeen Muslimiin". Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu
abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay
gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya
uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey
Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari
faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu
qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year military occupation of
Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku
faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia
proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'".
Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five
years (1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Niilka Buluuga iyo Niilka Cad
Sawirka: Wikipead |
Hadalkii Xusni Mubaarak ee January 4, 2007:
Waan Fahmi karaa sababta ay Itoobiya uguduushay Soomaaliya
Madaxweynaha dalka Masar, Hosni Mubarak, ayaa
yiri "waan fahmi karaa sababta ay Itoobiya ugu duushey Soomaaliya". Waxa uu
hadalkaas yiri maalin Khamiis ah, Janaayo 4, 2007, mar uu magaalada xeebta ah
badda cas ku taal ee Sharm el-Sheikh ee Masar kula kulmay wasiirka Arrimaha
dibada ee Itoobiya Seyoum Mesfin, isla mar ahaantaasna dhambaal ka helay
ra'iisul wasaaraha Itoobiya la sheegay in ay ku qornayn warbixin uu Zenawi
kagahadlay xaladda ku soo siyaadey Soomaaliya. Jariidada ka soo baxda Shiinaha
ee Xinhua oo arrintaas ka hadleysey waxay qortay cinwaanka: "Mubarak
expresses understanding on Ethiopian intervention in Somalia". Haddaba xeel
dheerayaasha Soomaaliyeed waxay muujiyeen sababta uu Mubaarak hadalkaas u yiri
in ay salka ku hayso biyaha webiga Niilka.
Waxaa jira heshiis sannadkii 1929 dhex maray
dalka Masar iyo Boqortooyadii Ingriiska (oo ku hadleysey codka Sudan maadaama ay
xilligaas gumaysaneysey), heshiiskaas oo loo yaqaan "1929 Nile Treaty"
waxa uu dalka Masar siinayey xusuuqda ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Nile.
Waxaana heshiiskaas markale dib loo eegay sannadkii 1959 (waxaana sidaas
dalbatay Sudan). Heshiisyadaas wax tixgelin ah lama siin Ethiopia oo qiyaastii
ilaa 80% biyaha webiga Blue Nile ay ka soo bilowdaan [Webiga Niil
ee uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Masar waxa biyihiisu ka yimaadaan labada
webi ee Niilka Cad "White Nile" oo ka soo bilowda Harada Victoria
ee ay wadaagaan Kenya, Tanzania iyo Uganda, iyo Webiga Niilka Buluugga "Blue
Nile" oo kasoo bilowda Haarata "Lake Tana" oo ku taal Ethiopia,
waxaana webigaas dhanka Ethiopia looga yaqaan "Abay" ama "Giyon".
Labada webi ee Niilka-Cad iyo Niilka-Buluuga waxay ku kulmaan bartamaha magalada
Khartuum ee dalka Suudaan, markaas ayey noqdaan Niilka waraabiya beeraha dalka
Masar oo ay dagaalka ka xigto haddii biyahaas ay Ethiopia ka faa'iidaysato
iyadoo aan Masar lagala tashan ]. Sidaas darteed Ethiopia looma ogola in ay
mashaariic horumarin ah ka fuliso Webiga Blue Nile ee dalkeeda ka soo
bilowda, haddii ay sidaas samayso dalalka Sudan iyo Masar ayaa soo weeraraya
Ethiopia oo ah dalal aad u xoog weyn. Markaas waa in Itoobiya hesho meel kale oo
ay horumar ku samayso si ay dadkeeda oo hadda kor u dhaafay 75 million u helaan
cunto ku filan. Haddaba meesha ugu dhow ayaa noqotay dhulka baaxadda weyn ee
Soomaaliya maadaama tirada Soomaalidu ay yihiin 9 million oo keliya ayna
haystaan dhul ballaaran oo ay maraan Webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo xeeb aad u
dheer, sidaasna dadka tirada badan ee reer Itoobiya la soo dejiyo dhulkaas
barwaaqada ah.


|