Saldhigga
Booliska Huriwaa oo Xalay la weeraray
Habeenimadii Xalay (May 24) ayaa waxaa laga
maqlay qarax lag amaqlay saldhigga booliska ee
Huriwaa, taas oo ay ku xigtey rasaas. lama oga
khasaaraha halkaas ka dhacay, waxaana saldhigaas
ku suganaa ciidanka DFKMG
Shiinaha oo
Maraakiibtiisa uga digey Xeebaha Soomaaliya
Wareegto Talaadadii (May 22) kasoo baxday dalka
Shiinaha ayaa digniin u dirtay maraakiibta
Shiinaha in ay ka fogaadaan badda Soomaaliya.
Wareegdataas oo xustay in burcad-badeedu ay
gaaraan ilaa 200 mile meel u jirta xeebta
Soomaaliya, waxaan atalo lagu siiyey kaabtannada
maraakiibtu in wax kasta haku qaatee ay iska
ilaaliyaan badda Soomaalida. Waxayna Shiinuhu
sheegeen in bishanmay gudeheeda in ilaa lix
markab ay burcaddu faraha saartay.
Xaashi
Galayr oo lagu diley Suuqa Bakaaraha
Arbacadii, May 23 waxaa suuqa Bakaaraha ee
magaalda Muqdisho lagu diley nin lagu sheegay in
uu gacan yare u ahaa Maxamed Qanyare Afrax. Ilaa
hadda lama oga cidda dilkaas ka dambeysey.
Ciidamada
DFKMG oo Isku Rasaaseeyey Km4
Arbacadii May 23 waxaa Km4 isku rasaaseeyey
ciidamada DFKMG. Iska hor imaadkaas ayaa lagu
soo waramay in uu sababay qaad (Jaad) la sheegay
in qaar ka mid ah ciidamada DFKMG ay dhacayeen,
kaddibna ay qaar kale oo ciidamada DFKMG ay
rasaas la beegsadeen kuwii dhacayey qaadka.
MAALINTII LABAAD OO
LA GAARSIIYAY DEEQ

Sawirada halkan ka daawo
Waxaa maalintii labaad la gaarsiiyay deeq
lacageed dadkii ku barakacay dagaaladii ka dhacay Muqdisho oo haatan ku sugan
kulliyaddii beeraha Lafoole ee deegaanka Afgooye kuwaasoo boqollaal qoys kor u
dhaafaya.
Deeqdan oo lacag ahaan oo gaarsiiyay dadkaas loona siiyay qoys qoys iyo guri
guri ayaa waxaa ugu deeqay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden
gaar ahaan magaalada Maalmo, waxaana loo soo marsiiyay Xaajiyo Faadumo Sheekh
Axmed, oo iyagu wakiil ka aheyd haatanna ku sugan magaalada Muqdisho kana mid
aheyd dadkii gacantooda ku qeybiyay lacagtaas, iyadoo si gaar ahna loo xusay
dadka loo arko inay aad u liitaan, kana muuqato darxumo iyo nolol xumo.
Dadkan oo ku barakacay deegaanka kulliyadii beeraha ee Lafoole ayaa waxaa
intooda badan ay hoy ka dhigteen bacaha dhaxanta laga galo iyo cooshash, waxaana
ka muuqata nolol xumo aad u liidata.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa iyagu ahaa dadkii si
weyn isaga xil saaray inay walaalahooda dhibaateysan gar-gaaraan kaddib markii
ay shaashadaha caalamka ka fiirsadeen dhibaatada ku habsatay dadkaas.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden ayaa waxay soo gaarsiiyeen
dadkan $3,200 oo dollar, waxaana loo soo marsiiyay haweeneyda lagu magacaabo
Xaajiya Faadumo Sheekh Axmed, waxaana shalay ay qeybinta lacagtaasi ugu horreyn
ka billowday magaalada Muqdisho, iyadoo $500 oo ka mid ah lacagtaas gacanta loo
geliyay askartii ka mid aheyd kuwii dagaalka la galay Itoobiya sanadkii 77dii,
halka $500 oo kalena la gaarsiiyay dadka dhaawaca ah ee jiifa isbitaal Madiina,
$1000 oo lacagtaasi ka mid ah waxaa loo qeybiyay dadka ku qaxay inta u dhexeysa
waddada Xamar ilaa Afgooye, $1200 oo qeyb ka ah lacagtana waxaa la guddoonsiiyay
qoysas agoon ah oo si gaar ah loo soo xulay, waxayna dadkii deeqdani gaartay si
weyn uga mahad celiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Sweden.
Faafin: SomaliTalk.com | May 24, 2007
Isbitaalada Madiina iyo
Martiini oo maanta loo qeybiyay deeq gar-gaar ah
Isbitaallada magaalada
Muqdisho qaarkood sida isbitaal Martiini iyo kan Madiina ayaa maanta loo
qeybiyay deeq lacag ah oo ay ugu deeqeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan
dalka Sweden gaar ahaan magaalada Malmo.
Deeqdan lacageed oo dhameyd
$,3200 oo dollar ayaa waxay u soo marsiiyeen Faadumo Sheekh Axmed oo wakiil ka
aheyd jaaliyaddaasi, waxaana loo qeybiyay bukaanada ku jira isbitaallada
Martiini iyo Madiina, sidoo kalena waxaa loo qeybiyay dhowr qoys oo ku barakacay
dagaalladii Muqdisho ka dhacay kuwaasoo si gaar ah looga soo ururiyay ceelasha
biyaha ee deegaanka Afgooye.

Deeqdan oo aheyd mid lacag
caddaan ah ayaa waxay jaaliyadda Soomaaliyeed ugu talo galeen in isbitaallada ku
yaala magaalada Muqdisho oo u qeybsan labo qeybood loo qeybiyo, waxaana
isbitaalka Martiini ku jira askartii ka tirsaneyd ciidankii xoogga dalka
Soomaaliyeed ee ku naafowday dagaalkii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo
Itoobiya ee sanadkii 1977dii, kuwaasoo ay ka muuqatay dhibaato aad u baaxad leh
iyo raadadkii ay ku reebeen dhaawacyadii ka soo gaaray dagaaladaas, iyadoo
qaarkoodna uu laxaadkoodu kala dhantaalan yahay sida Xuseen Xasan Cabdi oo
labadiisa gacmood ku waayay, sidoo kalena waxaa ku jira qaar laxaadkooda aanu
dhameystirneyn oo ka go’an gacmaha, lugaha, indhaha, qaarkoodna lagu riixayo
gaariga cuuryaamiinta.
Taliyaha ciidanka
cuuryaamiinta ee ku jira Isbitaal Martiini Cilmi C/laahi Carraale oo qaar ka mid
ah deeqdaasi ka guddoomay ayaa si weyn uga mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan dalka Sweden gaar ahaan magaalada Malmo oo aysan aheyn markii ugu
horeysay oo ay soo gaarsiiyaan deeq noocan oo kale ah, wuxuuna ka codsaday
jaaliyadaha kale eek u dhaqan dalka dibadiisa ah inay u gar-gaaraan walaalahooda
ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Dhinaca kale deeqdii maanta la
gaarsiiyay isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku jiray bukaan dhan 107 oo qaba
dhaawacyo kala geddisan qaarkoodna ay ahaayeen kuwo ku jiray koomo.
Daahir Maxamed Maxamuud
(Daahir Dheere) oo ah madaxa howlaha Caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa
sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan tahay in bukaanka jiifa isbitaalka ay
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa ay soo gaarsiiyaan
deeqdan, wuxuuna Faadumo Sheekh Axmed oo iyadu wakiil ka aheyd jaaliyadaas ku
amaanay dadaalka ay muujisay oo uu yiri waa mid aan weligeen xusuusan doonno,
bukaankana ku reebi doonta xusuus gaar ah.
Lacagtan ay ugu talo galeen
jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku dhaqan ayaa waxaa si weyn u soo
dhoweeyay xubnihii maanta loo qeybiyay, waxayna si weyn uga mahad celiyeen
deeqdan wax ku oolka ah ee la soo gaarsiiyay.
Sidoo kale deeqdan lacageed
ayaa maanta la gaarsiiyay qoysa agoon ah oo ka barakacay dagaalladii ka dhacay
Muqdisho kuwaasoo ku sugan ceelasha biyaha, waxaana si gaar ah laysaga xil
saaray qoysaskaas oo u badan kuwo agoon ah.
Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2007


|