Nadaara ma wuxuu u
afduubnaa Col Cabdullaahi Yuusuf mise Xuseen
Xuubsireed?
Maxamed
Xaaji (Ingiriis)
Email:
Ingiriis@yahoo.com
Muddo laba bilood ku dhow ayaa koox weriyeyaal
ah oo ka tirsan Television-ka Soomaaliga ee Universal ee laga daawado
dayax-gacmeedka waxay Muqdisho ugu afduubnaayeen maamulka Mbagathi. Cabdilqaadir
Maxamed Cashar (Nadaara) iyo Bashiir Ciise Naaleeye oo ahaa war-tebiyeyaashii
(anchormen) ugu caansanaa TV-gaas iyo sawir-qaadahoodii Xaamud Maxamed Cusmaan
ayaa la iska sii daayey May 22, 2007. Dhinac walba oo laga eego, weriyeyaashani
waxay ahaayeen niman lagu yaqaanno xirfad-wanaag iyo asluub shaqo.
Waxaase yaab leh in qafaalashadooda lagu macneeyey “xarig” halkii laga dhigi
lahaa “afduub.” Haddii aan qiimeyno isticmaalka ereyga “xarig,” waa sharciyeyn
afduubka lagu haystay weriyeyaashaas. Sababtoo ah, soo xiritaanka qof muwaadin
ah wuxuu maraa procedure iyo process maxkamadeed, laakiin afduubku waa qof la
iska qabsado oo la iska xirto iyadoon la ogeysiin, isla markaana la caddeyn
wuxuu u xiran yahay.
Waxaa igu maqaalo ah in Xuseen Xuubsireed oo loo yaqaanno Idamaale, kuna
magacaaban afhayeenka Col Cabdullaahi Yuusuf uu xirtay weriyeyaashaas, kuna
xirtay “sideed su’aal ii weydiin kartaan?” Qaabka uu ku qabsaday ayaa ahaa qaab
qiyaamo ah. Waxaa la soo tebiyey in Xuubsireed uu wacay xarunta Television-ka
Universal ee Muqdisho, uuna wargeliyey inay yimaaddaan shir jaraa’id oo uu
qabanayo Col Cabdullaahi Yuusuf.
Sida la leeyahay, markii Nadaara iyo kooxdii la socotay ay goobta tageen ayaa
Xuubsireed wuxuu u sheegay in qofka shirka jaraa’id qaban lahaa uu isaga yahay,
sidaas darteedna ay weydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay qabaan. Nadaara ayaa
markaas kaddib su’aal weydiiyey Xuubsireed, taasoo keentay in maliishiyo
hareerihiisa fadhiday uu ku dalbaday inay u xiraan.
Waxay dhacdadan i soo xusuusiyey nin qabqableyaasha dagaalka Soomaaliya ka mid
ahaan jiray oo sannadkii 1999-kii shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa oo ku
tiillay Xamar. Markuu hadalka dhammeeyey ayaa waxaa su’aal weydiiyey nin weriye
ah oo si adag u dhaleeceyn jiray qabqablayaasha. Su’aashii ayuu ka carooday
qabqablihii, wuxuuna candhuuf u tufay dhinacii weriyaha oo ahaa nin oday ah,
wuxuuna ku yiri “war imisa sano ayaad weriye ahayd?” Weriyihii oo af-Talyaani ku
jawaabay ayaa yiri, “26 sannadood.” Markaas ayuu yiri, “hadde ka warran waxba ma
garatide.”
Haddaba, case-ka Nadaara iyo weriyeyaasha kale ee la xabbisnaa ma ahayn xarig ee
wuxuu ahaa afduub, waana fal dambiyeed (criminal case) gef ku ah sharciga. Wuxuu
ahaa afduub iyo xoog u sheegasho, waana wax ka soo horjeeda diinta iyo damiirka
saliimka ah intaba. Wuxuu liddi ku ahaa baaqa caalamiga ah ee adduunyadu wada
guddoonsatay ee Universal Declaration of Human Rights. Ma xaqiijin karo in madax
furasho laga qaatay lagu sii daayey weriyeyaashan iyo in kale.
Waxaa muuqata in Col Cabdullaahi Yuusuf uu la ogaa afhayeenkiisa anshax-xumada
iyo edeb-darrada nin muwaadin ah oo xalaal quudato ah lagu duudsiiyey
xuquuqdiisii aasaasiga ahayd (basic right). Xorriyadda shaqsigu (individual
freedom) ma ahan oo keliya moral capacity ee waa xuquuq dabiici ah (natural
right), waana waxyaabaha ay waajib tahay dadweynuhu inay hab kasta ku
daafacdaan.
Haddii weriyeyaashan ay galeen wax dambi ah waxay ahayd in la maqlo maxkamaddii
laga dacweeyey oo markaa garsoorku uu go’aan ka gaaro in la xiro iyo inaan la
xirin, waxaase iska cad inaan meesha uusan ka jirin sharci iyo nidaam dowli ah
midna ee waxa ka jira uu yahay xukunka duur-joogta (rule of the jungle) – kii
xoog leh reerka ha u taliyo, iyadoo awoodda ummadda lagu handadayaa ay tahay tan
ciidanka Ethiopia.
Saxaafaddu sideedaba waa iftiinka bulshada, waana indhaha iyo dhegaha shacabka.
Meel aan saxaafad xor ahi ka jirin waa meel lagu dulleysto ummadda, laguna
jirdilo. In la isku dayayo in la dhega-qabto saxaafadda xorta ah ee Muqdisho
waxaa marqaati u ah sida maamulka Mbagathi uu ula macaamilayo weriyeyaasha
madaxa bannaan, waana wixii aan muddo dheer ka digaayey.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, William Jefferson wuxuu yiri, “Haddii la i
kala dooransiiyo dowlad aan wargeysyo lahayn iyo wargeysyo aan dowlad lahayn
waxaan dooran lahaa tan dambe.” Dowladda Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa iyadu hadda
ku tumanaysa axdigii ay dowladda ku sheeganaysay oo dhigaya saxaafaddu inay
madax bannaan tahay.
Su’aashuse waxay tahay, maxay ku dhisan tahay dowladda Cabdullaahi Yuusuf? Waxay
ku dhisan tahay Axdi-qarameed ku meel gaar ah (Transitional Federal Charter),
kaas oo dhigaya in haddii dowladda ku meel gaarku ay laba sano iyo bar ku soo
dhisi weydo maamullo federal ah inay dhacayso. Sidaa darteed, in terms of law,
dowladda ku meel gaarka ah sharci ma ahan, waxay dowladnimo ku sii
sheeganayaanna garan maayo.
Si uu xaqiiqadan u wajaho, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu bishii January ee sannadkan
soo saaray sharciga xaaladda degdegga ah (Martial Law). Axdi-Qarameedka haddaad
sii eegtid, sharci iyo xaq midna uma lahan inuu soo saaro, sababtoo ah wuxuu
dowladda ku meel gaarka ah ugu magacaaban yahay Caretaker President
(ku-siisime). Waa nin aanay soo dooran wakiillo rasmi ah iyo dadweynaha labadaba
– mar haddaan sidaa lagu soo dooranna ma soo saari karo Martial Law.
Waxaa bogaadin mudan hadalkii dhawaan ka soo yeeray Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee
Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Jendayi A. Frazer oo ahaa inay
lama-huraan tahay in la beddelo hoggaanka sare ee dowladda Mbagathi. Waxay tani
muujinaysaa in Mareykanku uu helay furihii xalka mushkiladda siyaasadeed ee
Soomaaliya.
Waxaa beryahan dambe ay taageerayaasha Cabdullaahi Yuusuf ku hujuumaan cid kasta
oo ka hor timaadda maamulka Mbagathi inay tahay dowlad-diid iyo qaran-diid (waa
ereyada ay isticmaalaan maamullada dhiigga dadka ku nool), waxaase ay hilmaansan
yihiin in hoggaamiyahoodu uu isagu afkiisa ka qirto inuu diiddanaa dhammaan
wixii dowlado ahaa ee soo maray Soomaaliya.
Hase ahaatee, waxaa dadka ugu indha-adag ninka ka hadlaya dowlad iyo qarannimo,
isagoo dalka ku soo hoggaamiyey ciidanka Ethiopia. Waxaa yaab leh markuu ku
doodayo, “hay’adaha gargaarka waan la xisaabtamayaa.” Muxuu kula xisaabtamaa oo
uu u dhiibtay hay’adaha samafalka Qaramada Midoobay? Ma wuxuu mooday inay isaga
u shaqeeyaan? Muu la xisaabtamo kuwa u shaqeeya?
Gobollada Dhexe waxaa laga maahmaahaa, “Dhurwaagii la-tag la-tag barta, dhigdhig
waa ku ceeb.” Dhinaca Banaadirna waxaa lagaga shirbaa, “Dhurwaa minaad Dhurwaa
tiraa, usmaa dhibsaa, waaba u dhashee.” Waxaan ku soo afjarayaa sadarro ka mid
ah gabaygii qaayaha badnaa ee Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyee, gabyaagii
qiimaha badnaa Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim).
Dambi kuma hadlaayee, ma arag dowladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye
Dusha midabka, Soomaali baad dugulka moodaaye
Misna laguma diirsadoo, qalbigu waa dirkii Karl
Meeshaan dad aan urursho, iyo dirir ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhee, dacar miyaan leefay?
Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay?
Sidii aan dayeysnahay, miyaan dowgi ka habaabay?
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
May 23, 2007
Lix
halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada, haddii luqunta sare leydin jaro
lugaha meermeersha! Akhri
|