SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

LABADA-SHARIIF OO WARIYE LOO QOOB-XIRAY!!

XAQIIQADA MEDIYADA REER-GABEEDKA.

Dr. M. X. Said. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Boosaaso - 2003

GARSOORAHA MAXKAMADDA BOSAASO OO BEENIYAY WARBIXIN BBC-DA IYO WARGEYSKA QARAN KALA XIGTEEN OO KU SAABSAN NAAGO ISKU GUURSADAY BOSAASO OO TOOGASHO LAGU XUKUMAY - 2001

Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Xorrnimo doonka ah ee Ogaadeenya Guji...

Waxaan la moogeen in labadii shariif ku sugan-yihiin magaalada Asmara ee dalka Eretria. Waxaan u jeedaa Shariif guddoomiyaha Barlamaanka ahaan jiray iyo Shariifkii ahaan jiray guddoomiyaha guddiga fulinta maxkamadaha. Joogitaanka labad Shariif ee Asmara ma aha wax la yaabo. Labadaba shariifba waag ayaa dushooda ka baryay sababo kala duwan awgood.

Shariifka maxkamadaha NAF-LA- CAARI ayaa geeyay Eretria oo adduunkii ayaa albaabada wajigiisa ka xirtay. Markii uu isu-soo-dhiibay Maraykanka waxay muddo ku haysteen dalka Kenya waxayna ka shubeen wixii war ahaa ee maxkamadaha uu ka hayay waxayna u gudbiyeen dalka Yaman si loo sii hubiyo in aysan waxba ku harin.

Safarkiisii ugu horeeyay ee uu sheekhu Yaman dibadda uga baxay wuxuu ku gaaray dalka Qattar oo aan sidaaba uga durugsanayn Sanca. Safarkaas sheekha ayaa sabab u noqotay in dawladdaYaman kala laabato magan-galyadii siyaasadeed ee uu Maraykanku awal uga qalqaaliyayYamanta.

Marka uu Sheekhu Asmara tegayana Maraykanku waxay ku dareen magaciisa liiska danbiilayaasha caalamiga ah ee la raadinayo in caddaladda la hor-keeno. Kuwaas oo loo haysto in ay ka tirsanyihiin waxa ay ku sheegaan ARGAGIXISADA CAALAMIGA AH.

Shariifka kale ee barlamaank ahaan jiray isaga waxaa galaaftay damac iyo IIMAAN-LA’AAN oo wuxuu qabaa cudurka lagu magacaabo hunguri-maskax. Waxaa ku soo xirmay XEELADIHII ku dhisnaa toban canllaynta. Wuxuu qiyaasay in ay maxkamaduhu Baydhabo qabsanayaan sannadka cusub ee 2007da waxayse isu-geddiday dhinicii kale oo Makamdihii ayaa Muqdisho laga qabsaday wuxuuna ku soo dhacay meel cidla.Ciirsi la’ ah. Wuxuu noqday hashii labada GEELL jeclayd ee dhexdooda dhurwaagu ku cunay,Taas ayaana gaysay Asmara.

Midda yaabka iyo tacajabka lahi waa in labada Shariif loo QOOB-XIRO wariye gaar u ah oo looga daba-geeyo Asmara oo ah meel aan waligeed uusan tegin weriye af-Somali idaacadd ku hadlaysaa aysan wariye u dirsan!!

Wariyaha lagu magacaabo IDAA-WAQACA oo katirsan qaybta Af-Somaliga ee BBCda ayaa muxbuus ku ah Asmara oo shaqo looga idhigay in uu soo tibiyo waxa ay labad nin ku qadayaan, ku qoraacdaan kuna casheeyaan iyo waxa ay ku hadaaqaan ama hindhisaan.Tan ayaa ah wax lala yaabo oo lagu sifay karo in ay tahay: XXAJO-UGUBB.

Si aynno u fahamno arintaan iyo siyaasadda ka banbaysa Asmara waxaan in-yar ka ishaarayaa Idaacadaha noocyadooda.

NOOCYADA.-IDAACADAHA:

Idaacahaduhu waa qayb ka mid ah warbaahinta ( MEDIA ). Qaybtaan oo ah tan MAQALKA ama dhadaysiga. Waa tan ugu muhimsan uguna qadiimsan qalabyada mediyada. Marka la eego xagga DHAGAYSTAYAASHA waxaa loo kala qaadaa Idaacadaha dhawr nooc oo ay ka midd yihiin:

1- Qaar caalami ah oo waxaa loogu tala galaa in laga dhagaysto ama laga daawado dacllada Arlada oo dhan. Sida BBC World, Codka Amerika, Radio Piking Muscow… iwm.

2- Qaarna waa MAXALLI ama local. Oo waxa loo siidaayaa dadka dalka is-ka leh ama waddanka gudihiisa ha joogeen ama dibaddisa ha ku noholaadaan eh. Waa idaacado waddani ah oo shacabka dalkaass la hadla. Noocaan ayaa ah kan ugu badan Radiyaasha ka jira adduunka.

3- Qaar kale waa Muwajah: Noocaan Dalalka awoodda leh ayaa ku jeediya Shucuubta kale si ay fikradahooda u gaar-siiyaan dadyawgaas. Waxayna kula hadlaan qolo-walba afkeeda. Sida idaacadaha Somalida loo jeediyo ee BBC da, Codka America, Radio Rooma iyo Radio Mascow waagii uu ruushku xoogga-wayna lahaa.

Idaacadaha mujaha ah waxaa loo jeediyaa madiqadaha ay deggenyihiin dadka afkaas ku hadla.Waxayna u diraan wariyayaal ka soo warama manadiqadahaas wixii dhacdooyin ka jira iyo waxyaalaha dadku xeesaynayaan ee la xiriira dhaqanka, ganacsiga, dalxiiska iyo ..iwm.

Idaacadaha muwajaha ah waxaa adeegsada dalalka leh HANKA caalamiga ah ee awoodaha siyaasadda, dhaqaalaha ama Idologiyadda.

BBCda AF-SOMALIGA :

Waxay tani ka midd tahay idaacadihii ugu horeeyay caalaamka ee nooca mujaha ah waxay ka soo bilaabatay dagaal-waynihii labaad ee aduunka iyada oo ku billawday afafkii dagyawgii Ingiriisku gumaysan jiray sida afafka: Carabiga, Faariga; Urduuga, hunduuska, iyo malayga.

Laakiin Laanteeda af-Somaliga waxaa lagu tiriyaa idaacadihii ugu horeeyay ee ku hadla afkaas marka laga reebo kuwa maxalliga ahaa sida Radiyaasha Muqdisho, Hargays iyo Addiis-Ababa.

XAGGEE WARIYE LOO DIRAA?

Idaacadda BBCdu ee Somallida loo jeediyaa cimrigeedo50sano kur ayuu u dhaafay. Haddana inta ay dalka gudihii ka samaysatay wariyayasha waa muddo aan gaarin 20sano waana intii uu dalku ku jiray burburka.

Muddadaas waxaa wariyayaal la dhigay sadex gobol oo kala ah Koonfur ( Muqdisho ) Waqooyi ( Hargaysa ) iyo Bari ( Garoowe )

Sannadihii banbi waxaa la gaarsiiyay weriyaha saddexda mandiqadood ee Somalidu deggan tahay ee kale ah NFD, Jabuuti iyo Kilinka shanaad ee Somali-Galbeed.

ASMARA YAA JOOGA?

Magaalada casimadda u ah dalka Erertria ma aha meel Dal Somaaliyeed ah. Mana jiraan Gobollo Somali deggen tahay oo Eretria ka tirsan sida Ethpopa iyo Kenyaa.

Asmara ku ma dhaqana jaaliyadd Somali ah oo tira badan sida dalalka Carabta iyoAfrika qaarkood oo ay ka midd yihiin:Xagga Afrika : Uganda, Tanzania, Zambia, Burundi. Ruwaanda. Xagga Carabta waxaa ku dhaqan jaaliyado Somaaliyeed oo tiradoodo tobanaan kun gaarayaan. Kuwaas oo ku noolaa waddamadaas muddo ka badan 50sano sida dalalka Sucuudiga, Imaaradka, Qaddar, Kuwait, Baxrayn iyo Yaman.

ASMARA IYO IDAA-WAQACA!!

Haddaan is-waydiinnoo sababaha ASMARA oo aan xataa Somlida jeexaysa aan marin u ahayn Wariye Idaa-Waqaca loogu xabbisay? Taas oo ah su’aasha ay dad badani si-waydiinayaan?

Waxaan qabaa in jawaabto tahay midd aad u adagg. Qufbana uu dhinac ka arki karo. Arintuna ay tahay kuwa lagu magacaabo : U-JEEDDO-BADAN. Waxayse aniga ila tahay in sabahu ku soo ururayaan kuwa soo socda:

1- Laanta Af-soomaligu ee BBCdu 20kii sano ee soo dhaafay waxay ku hawllanayd dhibaatada iyoluggooyada Ummadda Somalida. Waxaa sii cusleeyay dhibka baabbi’ii ka yimidd Idaacadihii dalka ee Radio Muqdisho iyo Hargaysa.

1990-1992 waxay soo dayn jirtay Barnaamij la yiraaho : WAXAY ILA TAHAY. Barnaamijkaas waxaa looga jeeday in gobollada waqooyi loogu diyaariyo in ay ka go’aan dadlka Somalia.

2- Dagaalladii ahliga ahaa intii ay socdeen reerba reer ayay ku soofaynaysay si aysan colaadda iyoagaalladu marna u qaboobin. Waxay ku shaqaysay in ay baahiso oo ay buun-buuniso dhibaatooyinka qaba’ilku isu-gaysteen iyo hanjabaadaha ay is-dhaafsanayeen si aan xabbaddu u damin.

3- Qab-qablayaasha waxay u ahayd meesha ay sida joogtada ah uga baahiyaan codkooda ay ku jiha-wareerinayyaan dad-waynaha. Iyada oo shaqaalaha laanta iyo wariyayaashana lagu xaman jiray in uu mid kastaa qab-qable gaar ah gacan-saar la leeyahay.

4- Xagaagii hore markii ay Maxkamaduhu qabsadeen Muqdisho waxay BBCdu gelisay heegan wariyayaasheedii oo dhan. Waxayna Muqdisho isugu-gaysay ku dhowaad 10 weriye oo isugu jira kuwii hore iyo kuwo cusubb oo ragg iyo haweenba leh. Waxaa la qoray wariyayaal cusubb waxaana la kordhiyay waqtigii idaacadda.

Ciidandaas BBCda waxay ka tiro bateen Madaxdii Maxkamadaha ee la yiqiinin. Waxaa qaarkood ku qancaan waraysiga safka saddexaad ee Maxkamadaha iyo kuwo sumadd-llaawe ah. Maxkmadihii markay baxeenna wariyayaashii dhamaantood Muqdisho waa laga saaray.

5- Lexdii bilood ee ay maxkamaduho qasayeen dalka waxaa loo soo hindisay barnaamijka la yiraaho: DOODA.JAMCAHA oo la mid ah kii waqooyiga loogu diyaariay goosadhada sagaashanaadkii. Barnaamijkaan qasaddkiiso wuxuu ahaa in lagu kala fogeeyo maxkamadaha iyo DKMG ah iyo in lagu joogteeyo YOON-YOONTAKA fadhi ku dirirka.

6- Shaqaalaha laanta waxaa lagu yaqaanaa-badankood-in ay qabaan cudurka Somalida ee ah:REER-NACAYB iyo QOF-NACAYB waxayna CAADDIFADD-WAYN u hayaan marba kooxda ama shakhsiyaadka mucaaraka ku ah DKMG ah. Ha ahaadeen qab-qable, maxkamado ama laba Shariif.

Waxaa is-waafaqay dareenkii shakhsiga ahaa ee shaqaalahaas iyo siyaasadda BBC da ee ku dhisan kala qaybinta iyo kala gaynta Shucuubta caalamka Islaamka si aysan uga bixin qas iyo qalaanqal.

7- Tan oo ah sababta asaasiga ah waxay ka tarjamaysa istiraatiijiyada war-baahinta reer galbeedka ee ku wajahan dalalka adduunka saddexaad gaar ahaan kuwa Islaamka. Qofka caaddiga ah wuxuu moodaa in xambaarsan tahay run iyo dhex-dhexaadnimo.

Marka ay Mediyada galbeedku ay ka hadlayaan kooxaha xagg-jirka ah ee dalalka Islaamka ( Al-jeeria-Masar- Sucuudiga ) ka wada degganaansha la’aanta waxaad is-oranhaysa ma laha kuwan ayaa ah Codkii runta ahaa ee Islaamka?

Laakiin xaqiiqadu waa midd taas ka fogg. Muraakoodu ma aha Islaam jacayl balse waa Islaam ncayb doqoni ma garata ah. Dantoodu waa in la sii xoojiyaa degganaansha la’aanta dalalkaasi si ay u sii daciifaan oo ay u sii hoos-galaan dalalka reer galbeedka. Ma aha mediyada oo qur ah balse waxaa la ogaaday inay kooxahaas xag-jirka ah ee wata magaca Islaamka ay maal-geliyaan qaarkood mukhaabaraadka reer galbeedka siiba CIAda iyo MUSADka.

8 -Af-la’aanta labada shariif ayaa iyaduna aan mesha ka maqnayn. Labadooda midkoonna fursadd uma helin gelitaanka wax Skool tacliineed ah. Waxay ku hadlaan Afka hooyo oo qur ah oo xataa isagana aysan qoraalkiisa wax shaqo ah ku lahayn.

Waxaa ka sii daran in ragga xildhibaannada ahaan jiray ee ku weheliya labada shariiriif Asmara uusan ku jirin midd dhica afafka ka caawin kara ragga cidlada ku go’doomay.

Arimaas aan kur ku soo taxay ayaa keenay in labasa Shariif loo qoondeeyo wariye loo qoob-xiro oo halka ay tagaanba u raaca xataa hadday tahay Asmara oo go’doon kaga jirta dalalka deriskeeda ah iyo caalamkaba. Waxaan shaki ku jirin in haddii mucaaradka DKMG ahi degaan dayaxa dushiisha ay BBCdu ugu gaynayso weriye..

SOMALIDA MAANTA IYO BBC da:

Waxaa la soo maray waqtiyaal hore oo Somalidu ku tiirsnayd laanta Af-Somaliga ee BBCda si ay u helaan wararka gudaha iyo kuwa dibadda. Qofkii ay dhaafto wuxuu waydiin jiray qaarka dhegaytay oo waxaa la oran jiray : Yaa dhegaystay bbcda maanta? Waxaa la soo maray taariikh wararka Somalia ugu jirtay Munopoli idaacadda Ingiriiska.

Maanta taas waa laga soo gudbay. Somali waxay ka haqa-baxdayba waxaa ka jira warbaahin aan xadd lahayn.Waxaa kala meel-waayay IDACADIHII iyo TVyadii maxalliga ahaa ee waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa Waxaa tiro dhaaf noqday Webabka Internetka oo saacadd kasta soo tuuraya wararka dalka iyo dibadda.

War.baahinta Somaliyeed ayaa maanta kaga horaysa BBCda hilitaanka wararka iyo baahintoodaba oo iyada ayaa marti uga ah mediyadaas gaarka ah. Wararka laga siidaayo BBCda cidi ma xiisayso sababta oo ah waa kuwo la hayo oo lagu ogaaday maqal ama qoraal. Horayna waxaa loo yiri : WAR LA HAYAA XIISA MA LEH.

Dhalliisha lagu tilmaamo mediyada Somalida waa laba arimood oo kala ah:

A- Faafinta warar aan la hubin iyo qaar been ah.

B- Dhex-dhexaadnimada oo aan loo Aabo-yeelin.

Waxaan qabaa in labdaas arimood-oo aan shaki ku jirin in ay CEEBB ku tahay media kasta-haddana aysan BBCdu kaga sii darran tahay labadaba. Waxaan leeyahay Somali BBBC way ka xorawday waana Alle mahaddi.

Dr. M. X. Said. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

May 23, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com