SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Qarax Baaxad Weyn Oo Dad ku Dhinteen Oo Saaka ka Dhacay Agagaarka Sanca Ee Waqooyiga Muqdisho.

Qarax sababay dhimasho Labo qof ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa agagaarka Sanca iyo Siisii ee waqooyiga magaalada muqdisho, xilli halkaasi ay ka socotey howlo nadafaadeed.

Saaka goor hore oo ahayd xiliga saacada muqdisho ku beegnayd todobadii iyo labaatan daqiiqo ayaa siweyn looga maqalay dhawaq xoogan oo gili-giley deegaanka qaraxau kadhacay ee agagaarka hotel sanca ilaa wadada sii-sii ee waqooyiga magaalada muqdisho xiligaas oo uu deegaanka qaraxu ka dhacay ay howlo nadaafadeed ka wadeen dadka shacabka ah ee degan xaafadaas oo ay hor boodayaan gudiga nadaafada ee dowlada hoose ee muqdisho .

Qaraxan oo aan la ogayn ilaa iminka waxa sababay balse ay kasoo baxayaan warar is-qilaafsan oo qaarkood sheegayaan inuu gaari nooca loo yaqaano market-2 uu dhigay wadada dhinaceeda bambaano islamrkaana uu sideg-dega ah meesha u waydaartay ,halka warar kalena ay sheegayaan inuu qaraxani ka dhashay howshan nadaafadeed ee ay wadeen dadkadeegaanku oo la sheegay inay ahaayeen waxyaalaha qarxa oo mudoba meesha ku duggnaa islamrkaana qarax dhaliyey .

Ma jiraan ilo wareedyo xog dhaba saxaafada ka siiyey qaraxan iyo sababaha keenay iyadoo dadka ku geeriyooday qaraxani ay ahaayeen labo qof oo rayid ah oo mid ka mida ahaa haweenkii ku howlanaa nadaafada deegaankaas halka qofka kalena uu ahaa nin ka ag-dhowaa goobtaasi.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee qarax noocan oo kale ah uu ka dhaco magaalada muqdisho tan iyo xiligii ay isku balaariyeen magaalada caasimada ah ee muqdisho dowlada KMG ah oo kaashanaysa ciidamada xukuumada Ethiopia ,iyadoo habeenkii xalay ahaydna uu qarax xoogani ka dhacay agagaarka isbitaalka haweenka iyo dhalaanka ee SOS islamrkaana aysan jirin cid ay dhibaato dhaawac ama dhimasho kasoo gaartay.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Baaritaan Xoogan Ku Haya Xaafado Ka Tirsan Magaalada Muqdisho.

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafada xamar jadiid ee magaalada muqdisho ayaa saaka ku waaberiistay ciidamada xukuumada Ethiopia oo isku gadaamay guryaha ay kooban yihiin xaafadaasi islamrkaana al-baadooda hortooda taagan .

Ciidamadan xukuumada ethiopia ayaa guri guri u galayey dhamaan xaafadaasi islamarkaana sheegay inay guri kasta oo xaafadaasi ka tirsan ay uga baahan yihiin masuulka damaanad qaada wax alla waxii kaga yimaada gurigaas iyo weliba hadii laga helo hub ama walxaha qarxa .

Sidoo kale ciidamada Ethiopianka ah ayaa guriga ay ka wayaan cid masuul uga noqota ama damaanad qaadi weyda hadii guriga ay degan yihiin ku amray inay iskaga guuraan dadka degan islamrkaana sheegay inay iyagu ilaalinayaan, arintan ugubka ah ayaa walaac xoogan ku dhalisay dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaas iyo weliba deegaanada ku dhow -dhow.

Dadka deegaankaas oo qaarkood ay ku jiraan haween iyo caruur aabayaashoodii ku geeriyoodeen dagaaladii lagu hoobtay ee ka dhacay caasimada bilihii maarso iyo abril ee aan soo dhaafnay ayaa ka muujiyey walaac arintaas oo ah mid aysan filayn.

Si kastaba ha ahaatee Baaritaankan ay ku wadaan ciidamada xukuumada Ethiopia qaar kamida xaafadaha magaalada muqdisho ayaa abuuri kara xiisad ka dhalata nabad gelyo xumo ,islamrkaana joojisa isu socodka dadka iyo gaadiidka xaafadahaas .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com

May 20, 2007

 

 



 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com