SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Aroosyadu Beryahaan: Ragu Waa Barqadii Dumarkuna Habeen Barkii 

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 
 

بسم الله الرّحمن الرّحيم الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ  والصّلاة والسّلام                        علي نبيّنا محمّد وآله أجمعين.

                      

Waxaa la ogsoon yahay in caadadani ay soo shaac baxday intii qurbaha layimid haba ugu sii darnaato dadka lanool reer galbeedka oo aan kala lahayn wadaad iyo waranle.

Su’aasha iswaydiinta leh waxay tahay maxaa diiday in dumarku barqada tagaan raguna galbihii tagaan arooska iyo aroosaduna habeenkii gelin horeba lagelbiyo oo gurigoodii lageeyo hawshuna halkaa ku dhammaato horaase looyiri: Ciyaar Haddaan Wax Kujirin Maxaa Cawo Loo Tumay? illeyn xalaal maalin cad baa la qashaaye.

Waxaa taa kasii daran in lala yimaado waxyaabo khilaafsan sharciga sida isdhex galka raga iyo dumarka, heesaha wata miyuusikada, xijaab la’aan xitaa kuwa xijaaban inbadan oo kamid ah ay marada tuurtaan sixad kabax ahna ay u ciyaaraan, in flim laga duubo iyagoo aan xijaabnayn taasoo qof walba oo ka qayb qaataa gaarkii uu danbigeeda u yeelanayo, duuduub ahaana ninka guursanaaya ayaa wuxuu dusha u ridan doonaa wixii danbi ahaa ee ka dhacay goobtaasi maxaa yeelay isaga ayay saaran tahay mas’uuliyada goobta ay ka dhacayso xaflada arooska siduu u maarayn lahaa. Soomali waxay ku maahmaahdaa Durbaan Ninkii Tuntaa Isagaa Dadka U Yeertay. 

Waxaadse ogataan heesaha miyuusikada wataa inuu Rasulku SCWW uu inoogaga digay: 
 

صَوْتَاْنِ مَلْعُوْنَاْنِ فِيْ الدُّنْيَاْ وَالآخِرَةِ، مِزْمَاْرٌ عِنْدَ نِعْمَةٍ وَرَنَّةٌ عِنْدَ مُصِيْبَةٍ

رواه البزّار والضّيآء / حسن 
 

Laba cod waa ay lacnadan yihiin adduun iyo aakhiraba, miyuusik latumo  xilliga barwaaqada lana booyo oo waa wareey layiraahdo marka ay musiibo dhacdo. 

Halkii Alle SW nimcadiisa lagu shukrin lahaa siduu Alle SW kitaabkiisa qur’aanka inoogu caddeeyay: 
 

كُلُواْ مِنْ رِّزْقِ رَبِّكُمْ وَاشْكُرُواْ لَهُ، بَلْدَةٌ طَيِّبَةٌ وَرَبٌّ غَفُوْرٌ*

سورة سبا / 15 
 

Wax kacuna deeqda Rabbigiin SW kuna shukriya Alle SW iyadoo intaa idiin dheer tahay degmo wanaagsan iyo Rabbi danbi dhaaf badan.  
 

Ayaa waxaa Alle SW loogu abaal guday waxyaabihii uu inaga xarimay. 
 

Waliba waxaa jirta in qofka filinka duubayaa uu yahay rag Kolka yaa u baneeyay qofka filmka duubaaya inuu dhexgalo dumarka dhexdooda isagoo ay wehliyaan gacan yarayaashiisa. 
 

Sow lamid ma’aha nimankii koofeerka furtay oo boorkana ku qortay: 
 

مَمْنُوْعُ دُخُوْلِ الرِّجَاْلِ

Ragu waa ka mamnuuc 
 

Kolkaa buu Sheekh C/dul Xamiid Kashk RC wuxuu yiri:

إنْتَ مُشْ رَجِلْ

Oo adigu rag ma tihid! 
 

Waxaa kasii daran dumarka laga duubaayo filimka sow ma’oga in guri walbaa uu gaari karo cawradaadiina ay daawanayaan dad ajaanib kaa ah, maxaadse ka qaban kartaa xitaa  haddii aad aragto iyadoo ladaawanayo? Mase ogtahay oo ma uhaysataa haba yaraatee wax daliil ah oo kuu banaynaaya arintaasi. Waxayse ila tahay iska daa diin Islaame buudiyana kama helaysid wax badan oo muxaramaad ah oo ay ku kacaan dumarkeena haba ugu sii darnaato dhafarka aan Alle dartii ahayn ee waliba lagu soo jeedo waxyaabo macaasida Alle ah ayna waliba umaddaha wadamada reer galbeedka degan ay nala yaaban yihiin dumar xijaaban oo habeen saq dhexe guuraynaaya.  
 

Waxaa intaa u dheer arooska iyo aroosaduba in gurigoodii asaaska ay kaga ciyaareen siduu Allaah SW uu yiri markii uu ka waramaayay masjidu diraar: 
 

أفَمَنْ أسَّسَ بُنْيَاْنَهُ عَلَى تَقْوَى مِنَ اللهِ وَرِضْوَاْنٍ خَيْرٌ أمْ مَّنْ أسَّسَ بُنْيَاْنَهُ عَلَى شَفَاْ جُرُفٍ هَاْرٍ فَانْهَاْرَ بِهِ فِيْ نَاْرِ جَهَنَّمَ، وَاللهُ لاْْ يَهْدِيْ الْقَوْمَ الظَّاْلِمِيْنَ* سورة التّوبة/ 109

 

Qofka ku bilaabay oo aasaas kaga dhigay dhistiisa taqwo Alle (SW) iyo (rajayn) raali ahaansho ( Alle SW ) miyaa khayr badan? ama midka ku bilaabay oo aassaas kaga dhigay oo ku dul dhisay dhistiisa god qarkii oo sii dhici raba wuxuuna dhistii kula hoobtay naarta jahannama dhexdeeda, Allana (SW) ma hanuuniyo dad daalimiin ah. 
 

Waxaa kaloo la yiraahdaa: 
 

مَاْ بُنِيَ عَلَى فَاْسِدٍ فَهُوَ فَاْسِدٌ

Wax kasta oo lagu dhisaa wax xun wuu xumaadaa. 
 

Dadka kale ee iyaguna danbiga dusha u ridanaya waa nimanka xaasaskooda u diraaya waqti aan munaasab ahayn xafladaha aroosyada aan weliba badankood ku sallaysnayn wax diin ah, waliba wuxuu dirayaa iyadoo labisan dharkeeda kuwa ugu quruxsan halkii laga rabay inay odaygeeda isugu qurxiso, miyaynan ku dhaboobin haweenka noocaasi ah maahmaahdii ahayd: 
 

قِرْدٌ فِيْ الْبَيْتِ وَغَزَاْلٌ فِيْ الشَّاْرِعِ

Daayeer guriga jooga Iyo Deero Dibada Maraysa. 
 

Waxaa cajiib ah marka guriga la joogo dharkii quruxsanaa iyo cadarkiiba in boorsada lagu guro lana soo saaro marka aroos iyo wixii lamid ah la’aadayo. Waxaase is waydiin leh maninka caruuska ah baa ku qaba mise midka aad guriga kaga tagtay ee aad caruurta dhex seexisay? 
 

Waxaan shaki lahayn in kuwa xaasaskooda u diraaya habeenimada iyagoo lasocda inay soo laabanayaan abbaaraha waabariga inay mutaan in sidaa loo galo oo gurigii iyo caruurtii ilaalo kanoqdaan iyadana saacaday doonto ay soo laabato. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa Ishii Laga Arkaa Ushiisa Lagu Tumaa.  Rasuulkuna (SCWW) wuxuu qofka noocaasoo kale ah ku tilmaamay inuu yahay dayuus : 
 

ثَلاثَةٌ قََدْ حَرَّمَ اللهُ عَليْهِمُ الجَنَّةَ: مُدْمِنُ الخَمْرِ، وَالْعَاْقُّ، وَالدَّيُّّوْثُ الّذِيْ يُقِرُّ فِيْ أَهْلِهِ الْخُبْثَ / رواه أحمد / صحيح 
 

Sadex Alle SW wuu ka xarimay dushooda inay janno galaan: Qofka khamrada daaima, caasi waalidayn, iyo dayuus kaasoo u qiraaya raalina kaga ah ahalkiisa                  ( xaaskiisa ) xumaanta. 
 

Waxaad arkaysaa qaar badan oo leh maxaa ku jaban haddii aan xaflada horay u tago kolka aan soo waliimaystana aan caruurta hayo iyadana casha doonato? 
 

Waxaa loogaga jawaabayaa amarkii uu  Alle SW uu ku amray haweenka aayad dhexdeed ee ahayd: 
 

وَقَرْنَ فِيْ بُيُوْتِكُنَّ وَلاْ تَبَرَّجْنَ تَبَرٌّجَ الْجَاْهِلِيَّةِ الأُوْلَى*الآية

سورة الأحزاب/ 33

Ku sugnaada guryihiina ee hais muujinina is muujintii jaahiliyada oo kale. 
 

Mala nasaqay aayadaasi mise wadamada reer galbeedka kolka layimid baa diinta laisaga haajiray?. 
 

Wuxuu yiri Imaam Ibnu Kasiir RC : 
 

هَذِهِ آدَاْبٌ أمَرَ اللهُ تَعَاْلَى بِهَاْ نِسَآءَ النَّبِيِّ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ وَنِسَآءُ الأُمَّةِ تَبَعٌ لَهُنَّ فِيْ ذَلِك. 
 

Midani waa aadaab uu faray Alle SW haweenkii Nabiga SCWW, haweenka umadda oo dhanna waxay ku raacayaan oo ay u hogaansamayaan arinkaa. 
 

Waana sidaa uu u sheegay Imaamku RC waxayna waafaqsan tahay qaacidadii usuuliga ee ahayd: 
 

الْعِبْرَةُ بِعُمُوْمِ اللَّفْظِ لاْ بِخُصُوْصِ السَّبَبِ

Cibradu waxay koobtaa erayga ee khaas kuma aha sababtii ay kusoo degtay.

Hooyadeen Caaisha RC kolkii ay layaabtay haweenka siday isu bedeleen Rasuulka SCWW kadib ayaa waxay tiri: 
 

لَوْ أَنَّ رَسُوْلَ اللهِ صَلّى اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّم رَأَى مَاْ أَحْدَثَ النِّسَآءُ لَمَنَعَهُنَّ الْمَسْجِدَ كَمَاْ مُنِعَتْ نِسَآءُ بَنِيْ إِسْرَاْئِيْلَ / رواه  مسلم 
 

Haddii uu Rasuulku SCWW uu arki lahaa waxay layimaadeen dumarku wuu kareebi lahaa masaajida sidii loogaga reebay haweenkii reer banii israaiil. 

Kolka maxaad u malayn haddii uu rasuulku SCWW uu arki lahaa dumarkeena maanta jooga, mase kula tahay haddii masaajidii loo diiday in xafladaha aroosyada loo ogolaan lahaa?.  

Waliba waxaa jirta in wakhtiyadii danbe balse  Islaamku uu xooga lahaa sheegeen ragii tagay magaalada nablus ee katirsan Falastiin in mudadii ay joogeen hal qof oo dumar ah aysan dibada ku arkin. Taasina waxay daliil u tahay in kala duwanansho dumarka ah ay jirtay  iyadoo si gaar ah uu Rasuulku SCWW uu ku ammaanay xadiis dhexdii Ahlu Shaam: 
 

إِذَاْ فَسَدَ أَهْلُ الشَّاْمِ فَلاْ خَيْرَ فِيْكُمْ / رواه أحمد وغيره / صحيح

Hadduu fasahaado shaam dadkeeda kheyr ma lihidiin. 
 

Wadaadkii wacdiyaana wadaad xumaa u jooga oo dadka ku oranaya: yaan dadka diinta lagu adkaynin, waxaan oo kale dhibaato maleh IWM. 
 

Wuxuu rabaa inuu isku dhex qaso waxa xafladaha arooska ku bannaan iyo waxaan ku banaanayn kadibna uu kasoo saaro hal shey oo xalaal ah. Tusaale ahaan waxaa bannaan in dumarku duf tuntaan iskana buraan buraan wixii aan danbi ahayn ragana iska gabyaan sidoo kale wixii danbi ahayn. Kolkaa Malaga qaadan karaa waala is dhex geli karaa, oo heeso miyuusik wataa laqaadi karaa, waa lais la ciyaari karaa rag iyo dumarba IWM. 
 

Kolkii Caaisha RC looga yeeray xaafad gabdho lagu gudayay lagana dalbaday in loo sameeyo gabdhahaa lagudayo waxyaabo ay ku maadaystaan ayay aqbashay waxaana loo fariin diray nin heesaa ah wuuna yimid fanaankii kadib Caaisha RC ayaa soo martay gurigii waxay aragtay isagoo heesaya madaxana dhinacyada u ruxaya waliba wuu timo badnaa kolkaa bay Caaisha RC waxay tiri: 
 

أُفٍّ ، شَيْطَاْنٌ. أَخْرِجُوْهُ، أَخْرِجُوْهُ.

Uf, waa shaydaane saara, saara. 

Maxaase wadaad xumow marka horeba kugu kalifay inaad Alle SW ka caraysiiso si aad dadka u raali geliso. Sow ma ogid inuu Rasuulku SCWW uu yiri: 

مَنْ الْتَمَسَ رِضَاْ اللهِ بِسَخَطِ النَّاْسِ، كَفَاْهُ اللهُ مُؤْنَةَ النَّاْسِ، وَمَنْ الْتَمَسَ رِضَاْ النَّاْسِ بِسَخَطِ اللهِ، وَكَلَهُ اللهُ إِلَى النّاْسِ/ رواه التّرمذي/صحيح 

Qofka dalba Alle SW Raali gelintii dadkana kaga caraysiiya, Alle SW wuxuu kaga filnaadaa dadka dhibtooda, qofka dalbase inuu Alle SW ka caraysiiyo si uu dadka u raali geliyo, wuxuu Alle SW u wakiishaa dadkii (uu raali geliyay oo garabkiisuu ka baxaa).

Waxaa haboon haddaad bakhti cunaysid in aadan xalaashan amaba magacyo kale aadan u bixin si uu kugu xalaaloobo, waxaaba suurta gal ah waxyaabo badan oo xaaraan ah in uu u iftoodo intuu goobtaasi uu fadhiyo isagoo aan ku baraarug sanayn khatarta wayn ee ay arintaasi leedahay. Allaah SW wuxuu yiri: 

وَلاْ تَقُوْلُواْ لِمَاْ تَصِفُ الْسِنَتُكُُمْ الْكَذِبَ هَذَاْ حَلاْلٌ وَهَذَاْ حَرَاْمٌ لِتَفْتَرُواْ عَلَى اللهِ الْكَذِبَ إِنَّ الَّذِيْنَ يَفْتَرُوْنَ عَلَى اللهِ الْكَذِبَ لاْيُفْلِحُوْنَ*سورة النّحل / 116

Haiska oranina waxa carabyadiinu idiin tilmaamayaan oo been ah kani waa xalaal kanina waa xaaraan si aad ugu been abuurataan Alle SW, kuwa Alle SW ku been abuurtana ma liibaanaan. 
 

Rasuulkuna SCWW wuxuu xadiis dhexdii dhexdii kuyiri: 
 

مَنْ أَفْتَىْ بِفُتْيَاً غَيْرِ ثَبْتٍ، فَإِنَّمَاْ عَلَى مَنْ أَفْتَاْهُ/ رواه ابن ماجه والحاكم / حسن 
 

Qofka fatwoodaa fatwo aan sugnayn danbigeeda waxaa iskaleh qofka fatwooday. 
 

Waliba waxaa jira in Rasuulku SCWW ku tilmaamay xadiis dhexdii malcuun qofka dadka indhaha la’ ka weeciya wadada: 
 

مَلْعُوْنٌ مَنْ كَمَّهَ أَعْمَى عَنْ طَرِيْقٍ / رواه أحمد/ صحيح 
 

Wuu lacnadan yahay qofka indhatira ee ka weeciya qof indhaha la; wadada. 

Maxaa kaxun qof jaahil ah inaad wadadii saxda ahayd mid aan ahayn u tilmaanto.

Waxaase jirta kolkaad tiraahdo wadaadow marka horeba adiga maxaa meel Alle SW lagu caasinaayo ku dhigay? Waxuu kuugu jawaabaayaa waa laii yeerayoo waa waajib inaan ajiibo. Wadaad beenaale hilib arkaa daliil ma waayo.

Islaantii Soomaaliyeed ee Ceesaanteedii ka luntayna waxay tiri:

Allow Ceesaantayda Wadaad Haiga Tusin kolkii ay dadkii layaabeen bay tiri: Mididuu ku qalan lahaa, qandiguu ku ridan lahaa iyo qiilkuu ku banaysan lahaa intuba wuu wataa. 

Waxaanse kugu leeyahay haddaad wadaad quman tahay Rasuulka SCWW iyo salafkii suubanaaba ma aysan xaadiri jirin goob Alle SW lagu caasinayo. 

Rasuulku SCWW kolkuu usoo galay Caaisha RC ayuu guririi ku arkay guriga geesihiisa oo lagu dahaaray maro sawiro leh kolkaa bay Caaisha salaantay Rasuulku SCWW lama uusan hadlin waxay tiri Caaisha RC: wajigiisa ayaan ka gartay inuu caraysan yahay gurigii buu horay u galay isagoo degdegaaya maradii buu gacantiisa ku qabtay wuu soo jiiday ilaa uu jeex jeexo kadib buu wuxuu yiri: 
 

أَتَسْترين الْجِدَاْرَ بِسُتْرَةٍ فِيْهِ تَصَاْوِيْرَ؟ إِنَّ اللهَ لَمْ يَأْمُرْنَاْ فِيْمَاْ رَزَقَنَاْ أَنْ نَّكْسُوَ الْحِجَاْرَةَ وَالطِّيْنَ/ رواه مسلم

Mawaxaad darbigii ku dahaartay daah sawiro leh? Alle SW nama amrin wixii uu inagu arsaaqay inaan ku daboolno dhagxaanta iyo dhoobada. 

Waliba waxaa jirta inaysan malaaikta soo galaynin guri ay ku jiraan sawir iyo eey sida axaadiis kale oo saxiixa ah cadaysay.  

Waxaa sidoo kale Saalim Ibnu C/Llaahi Ibnu Cumar RC uu inoo wariyay in markii uu guurasanaayay ayaa aabihii C/llaahi Ibnu Cumar RC wuxuu u yeeray dadkii, dadkii aan u yeeray waxaa kamid ahaa Abuu Ayuub RC, gurigana waxaa lagu asturay daah cagaaran, Abuu ayuub RC gurigii buu soo qaabilay wuuna soo galay wuu I arkay anigoo taagan, gurigii buu daalacday wuxuu arkay gurigii oo daah cagaaran lagu dahaaray, kolkaa buu yiri: Cabdullaahiyow madarbigaad dahaartaan? Kolkaa buu aabahay ( Ibnu Cumar RC ) wuxuu  yiri isagoo walibana xishoonaaya: Haweenkii baa inaga adkaaday abuu ayuubow, kolkaa buu abuu Ayuub RC wuxuu yiri: Qofkaan ugaga baqo inay haweenku ka adkaadaan adiguse kaagagama baqaynin inay kaa adkaadaan. Kadibna wuxuu yiri: 
 

لاْ أَطْعَمُ لَكُمْ طَعَاْماً، وَلاْ أَدْخُلُ لَكُمْ بَيْتاً / رواه الطّبراني وابن عساكر/ بسند جيّد 

Cuntana idiinka cunimayo, soo mana gelayo guri aad leedihiin.

Kadibna wuu iska tagey RC. 
 

Sidoo kale Cumar Bin Khaddaab RC markuu Shaam tagey waxaa casuumad usameeyay nin gaal ah oo nasraani ahaa kana codsaday isaga iyo asxaabtiisa inay karaameeyaan oo ay kasoo qayb galaan casuumadaas. Kadib buu Cumar RC wuxuu kuyiri:

إِنَّاْ لاْ نَدْخُلُ كَنَاْئِسَكُمْ مِنْ أَجْلِ الصُّوَرِ الّتِيْ فِيْهَاْ / رواه البيهقي / صحيح

Magalayno Kaniisadahiina sawirada dhexyaala darteed.

Waxaa kamid ahaa C/Llaahi Ibnu Mascuud RC kolkii loogu yeeray cunto loo sameeyay auyy wadiiyay: gurigu sawir ma yaalaa? Kolkaa buu ninkii yiri: haa.  
 

فَأَبَى أَنْ يَدْخُلَ حَتَّى كُسِرَ الصُّوْرَة / رواه البيهقي / صحيحُ 
 

Kolkaa wuu diiday inuu galo ilaa sawirkii laga jabiyo badib buu galay. 

Wuxuu yiri Imaamulawzaaci RC 
 

لاْنَدْخُلُ وَلِيْمَةً فِيْهَاْ طَبْلٌ وَلاْ مِعْزَاْفٌ / رواه أبو الحسن الحربي / صحيح 
 

Magalno waliimo ay yaalaan durbaan iyo miyuusik 

Nin kale baad arkaysaa isagoo leh xaaskayga wax aan kusameeyo garan maayo aroosyadan waqtiga danbe laga soo laabanayo waan ka kari waayay si walboon u wax ugu sheego. 
 

Marka hore walaalka noocaas ah waxaan leeyahay ma’adaa qaba mise iyadaa ku qabta? Haddii ay jawaabtu tahay iyadaa iqabta waxba ha calaacaline caruurta dhex jog cuntada u kari xafayadana ka badel iyaduna saacaday doonto hatimaado. Haddiise aad adigu qabto waad waaninaysaa waana dheer kadib ma haboona inaad iska sii haysato maxaa yeelay Rasuulku SCWW wuxuu yiri: 
 

ثَلاْ ثَةٌ يَدْعُوْنَ اللهَ فَلاْ يُسْتَجَاْبُ لَهُمْ

Sadex Allay baryaan lagamana aqbalo. Waxaana kamid ahaa:

رَجُلٌ كَاْنَتْ تَحْتَهُ امْرَأَةٌ سَيِّئَةُ الْخُلُقِ فَلَمْ يُطَلِّقْهَاْ / رواه الحاكم / صحيح

Nin leh xaas dhaqan xun aanana furaynin.

وبالله التّوفيق

وصلّى الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.     
 

WQ: Cali-Daahir X Muxammad

mohiyadin@hotmail.com 
 

 

May 21, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com