Bosaaso:-
Waxa xafiiska magaalada Bosaaso ee shabakada LaasqorayNet nagu
soo booqday Nabdoon Cabdulaahi Cabdi Ibraahim waxana uu ka warbixiyay shirkii ka
dhici lahaa magalaada Dhahar ee gobolka Sanaag waxana uu sheegay Nabadoonku inuu
Jaaliyadaha dibada ee beesha Warsangali usoo gudbinayo Baaq kaas looga gol
leeyahay inay ka soo qayb galaan shirka gacan wayna ka gaystaan Kharashka
kubaxay Shirka.
Nabadoon Cabdulaahi Cabdi Ibraahim waxa kale oo
noo sheegay inuu shirku furmi doon-22-bishan aynu ku jiro waxana uu soconayaa
ilaa 10-cisho, isagoo intaas ku daray inuu yahay shirkii aaya ka talinta Beesha
Warsangali oo aah shirkii lagu dhisi lahaa Maamul.
Nabadoonku waxa uu ka codsanayaa Dhamaan
jaaliyadaha Beesha Warsangali inay ka soo qaybgalaan shirka sida ugu dhakhsiin
yaha badan si uu unoqdo shir loo dhan yahay.
Gabagabadii nabadoonku waxa uu usoo gudbinayaa
jaaliyadaha Beesha Warsangali Shantan qodob.
- Inay dhamaan Jaaliyada Beesha Warsangali
ee ku nool daafa aduunka gasoo qaybgalaan shir ka dhacay -22 bisha May
magaalada Dhahar
- Shirkan oo ah aaya ka talintii mandaqada
beesha warsangali
- Waxaanu ka codsanaynaa jaaliyada beesha
Warsangali ee danaynaysa tanta beesha warsangali inay ka soo qayb galaan
shirkaas
- Shirkan oo la danaynayo in lagu dhiso
maamul
- Jaaliyada beesha Warsangali waxa laga
rabaa inay Kharsha Shirka kubaxaya bixiyaan.
Nabadoon Cabdulaahi Cabdi Ibraahim waxa uu noo
xaqiijiyay inuu Nabdoonadan hoos ku qoran uu afkuuda ku hadalayo.
- Nabadoon Cabdulaahi Cabdi ibraahim
- Nabdoon C/qaadir Maxamed ismaacill(Qoobay)
- Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamuud
- Nabadoon Siciid Xasan Xaaji(waraaba
cade)
- Nabadoon Maxamed Xasan Cumar
- Nabdoon Saxar Diid Cali Dhawaaq
- Nabadoon Xuseen Gurxan Geedi
- Nabdoon Axmed Askar Cali Shire
- Nabdoon Jaamac Maxamuud Maxamed
- Nabadoon Maxamuud Farax Ducaale
NB: Waxa soo tebiyay Nabadoon
Cabdulaahi Cabdi
ibraahim
Tell: 002525711369
LaasqorayNet/Bosaaso