Odayaasha Beesha Harti
Waamo Oo Magacaabay Gudi U Metela Wada Hadalka
Dhex-dhexaadinta Kismaanyo..
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Odayaasha iyo waxgaradka beesha harti waamo ayaa gudi nabadeed u saaray wada
hadalka ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada KMG ah oo ay doonayaan inay ku
dhex dhexaadiyaan xaalada murugsan ee ka taagan magaalada kismaanyo taasoo ka
dhalatay xarig jiidad siyasadeed oo u dhexeeya beelaha sadde iyo harti.
Hogaamiye dhaqameedada iyo odayaasha beelaha harti kismaanyo ayaa magacaabay
xubno ka kooban 10-xubnood islamrkaana u gudbiyey mas'uuliyiinta ka tirsan
dowladda KMG ah oo la sheegay inay dadaalo ugu jiraan sidii ay khilaafaadka ka
taagan gobolada jmubooyinka usoo afjari lahaayeen
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in gudida la magaacay ay shaqadoodu
noqon doonto sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda xiisadda
colaadeed ee ka taagan gobolka jubada hoose .
Guddigaan ka kooban 10-ka xubnood ayaa la sheegay inay isugu jiraan salaadiin
,odayaal dhaqameedyo iyo weliba waxgarad kasoo wada jeeda dhamaan beelaha harti
ee dega gobolka jubada hoose.
Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay magaalada Kismaayo
ka taagan yihiin khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya gacan ku haynta magaalada
islamarkaana laga cabsi qabo inuu sii xoogaysto oo keeno dagaal isku dhac labo
beelood ah .
Baaq ay Soo Saareen Af-duubayaashii Shaqaalihii
Care Ee Dowlad Goboleedka Punt-land .
Anigoo ah Cusmaan Ciise nuur Waxaanu nahay Dhalinyaro udhalatay gobolka Bari
anagu waxaanu Taageersanahay DFKMG ee Soomaaliya Boqolkiiba boqol oo ay Madaxda
ka yihiin C/laahi Yuusuf,Cali Maxamed Geedi, iyo sh,Aadan Madoobe.
Dowlada Puntland oo la yag-leelay 1998 waxaa ku habsatay koox majara habaabisay
maamulka sida loogu talagalay iyo Hay'addihii samafalka waxaanu ka codsaneynaa
kooxdaa ku caan baxday madharganimada majara habaabinta maamul punt-land iyo
iska horkeen shacabka .
Waxaanu ka codsaneynaa iney is casisho oo banayso si jagada loogu yagleelo
maamul Caafimaad qaba oo wax qabta shacabka punt-land iyo soomaalida kaleba
xiriir wanaagsan u sameeya .
Waxaanu ka codsaneynaa in Dowlada Federaalka ah ay soo faragaliso waxyaabaha
kooxdaa boqor Cade muuse Madaxda ka yahay ay ka sameeynayaan degaanka Puntland
oo si deg dega usoo faragaliso.
Waxaan ka codsaneynaa Baarlamaanka Puntland hadii uu matalo ummada Puntland
ineey sideg dega wax ugaga qabtaaniin arimahaas.
Kooxdaasi waxay caadeysatay oo ku caan baxday
madharganimo, Nabaddiid, iska horkeenid Puntland Horumar la'aan ayeey
caadeysatay.
Waxaanu kale oo Hay'addaha Samafalka ah dhamaan ka codsaneynaa ineey isaga
baxaaniin geyiga Puntland ilaa inta laga yagleeylayo maamul dadka iyo dalka u
yagleela,mid nadiifa oo cadaalada ku dhisan sidaas ayaanu ka codsaneynaa
arimahaasi waxaanu daneyneynaa in la fuliyo.
Hadii la fulin waayo hada anagu nimankii ajnabiga ahaa oo aanu haysaney waan soo
deynay sababo Caafimaad dartood ayaanu usoo deyney, laakiin hadii aan la daaweyn
sababaha keenay in la Afduubo niman Ajnabi ah oo u shaqeeya Qaramada Midoobay oo
samafal ah waxaa sabab u ah Cadaalad darada Kooxda Qowleysatada oo uu madaxda ka
yahay Boqor Cade.
Qore ; Cusmaan Ciise nuur
Xaalada 23-qoys Oo Ka Barakacay Dagaaladii
Muqdisho Oo Ku Sugan Nolol Aad U Liidata….
Qoysaskan oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u qalafsan ayaa ka kooban 23-qoys
oo markoodii hore ka barakacay dagaaladii magaalada muqdisho islamrkaana ahaa
dadkii horeba ugu noolaa garab raratada islamarkaana kasoo jeeda gobolada
sool,sanaag iyo buuhoodle ayaa ku darxumaysan inta u dhaxaysa af-gooye iyo
magaalada muqdisho .
Qoysaskan oo aan ku booqday deegaanada ay ku sugan yihiin ayaa waxaa ka muuqday
darxumo iyo nolol aad u liidata islamrkaana qaarkood ayaa ii sheegay inaysan
haysan wax dhaqaalo ah oo ay ugu laabtaan halkii ay markoodii hore kasoo qaxeen
ee magaalada caasimada ee muqdisho .
Fahmo axmed gaagaale oo kamid ah hooyooyinka sida weyn ugu dhibaataysan
deegaanada afgooye iyo ceelasha biyaha ayaa ii sheegtay inaysan awoodin waxay ku
noqdaan iyo weliba waxay cunto ku iibsadaan ,islamrkaana ay ka nool yihiin xag
alle ,waxayna ka codsanayaan walaalohooda dalka iyo dibadaha ku nool inay usoo
gargaaraan islamrkaana ugu diir naxaan soomaalinimo iyo weliba muslinimo.
‘’ waxaan ahay hooyo soomaaliyeed waxana kasoo qaxay markaygii hore magaalada
muqdisho waxaan haystaa 4-caruura oo isuma qado ah caruurta aabohoodna maaha mid
wax haysta markiisii horena waxuu ahaa dilaal suuqa dhex booda waxaan ku
darxumaysnahay ceelasha biyaha caruurta waxaan siiyona mahaysto’’ ayay tiri
fahmo oo ay ka muuqato murugo nolol xumo ah
Sidoo kale qoysaskan oo u badan caruur iyo haween ayaa waxaa saameeyey dhibaato
nolol xumo oo aan lasoo koobi Karin islamrkaana u baahan gar-gaar bani aadamnimo
iyo mid muslinimoba .
Ikraan carab cilmi ciid oo iyana kamid ah hooyooyinka caruurta haysta ee ku
dhibaataysan deegaanka afgooye ayaa ii sheegtay inaysan haysan wax ay ku
noolaadaan iyo weliba waxay ugu noqdaan magaalada muqdisho .
Qoysaskan oo dhamaantood miciin u baahan ayaa u badan dumar iyo caruur u nugul
dhibaatada nololeed ee ay ku sugan yihiin taasoo ay ka codsanayaan jaaliyadaha
dibada iyo kuwa wax haysta ee kasoo jeeda gobolada sool,sanaag iyo buuhoodle
inay waxsoo taraan islamrkaana uga dhiidhiyaan dhibaatada haysata waqti
xaadirkan.
Qoysaskan kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo buuhoodle ee ka barkacay
caasimada ayaa markoodii hore ka koobnaa 37-qoys taasoo ay 14-qoys oo kamida ay
kusoo laabteen magaalada muqdisho .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007


|