WARQAD FURAN : HOGAAMIYE
DHAQAMEEDYADA SOOMAALIYEED
Ujeedo : shirka dib-uheshiisined ee xamar june 07
Waxaa iga gudoontaan salaan qiimo badan oo
xambaarsan salaanta islaamka( as wr wb ) ee qiimiga badan,waxaan doonayaa inaa
idin soo marsiiyo warqad furan bogaga saxaafada Soomaalida oo ku saabsan shir la
doonaayo in lagu qabto dhawaan magaalada Muqdisho.
Shirkaas oo ay iclaamiyeen dowlada ku meel gaarka
ah garabkeeda uu ku adeegto gumeysiga Tigreega, si ay beesha caalamka ugu
qaldaan shir dib u heshiisineed qabashadiisa oo ujeedooyin badan laga
leeyahay,si loogu qaldo ra’yi caalamka.
Hadaba waxaan rabaa inaa horta hore sharaxaad
idin ka siiyo waxa la isku heysto iyo sida la rabo in looga gudbo, taas oo u
baahan in laga eego meelo badan,inta aan loo guda galin in shir loo qabto dadka
Soomaaliyeed ee mudada dheer u oomanaa nabad , nolal iyo dowlad cadaalad ah.
Shirka la rabo in la qabto waxaa la doonayaa in uu
noqdo sidatan:
·
In shirka ay maamulaan shaqsiyaad aan kalsooni &
sumcad ka heysan dadka Soomaaliyeed sida qabqable dagaal ALI MAHDI MOHAMED &
kuwa ka sii liita,oo aan dhaxdhaxaad ka ahayn waxa la isku hayo.
·
In
qaab beeleed loo qabto oo ay dhamaan hogaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed ka soo
wada qayb galaan si ay mar 2aad u soo xulaan kuwa dowlada sheeganaya.
·
In
ay maamulaan shirka kooxaha sida SSRC & IGAD (KENYA , TIGREEGA, UGANDA)
·
In
beesha caalamka lagu qaldo shir did u heshiisined baan qabanay,oo ay ka soo
qayb galeen 3000 qof .
·
In
lacag badan lagu cuno oo lagu soo qaato qabasho magaca shir aan nuxur lahayn.
·
In
shirka aysan ka soo qayb galin dadka ka soo horjeeda qabsashada Tigreega &
xasuuqa ay ka wadan dalkeena.
·
In
shirka ay ka soo baxaan shaqsiyaadka hada Tigreega ku xasuuqay maatadii ummada
Soomaliyeed.
·
In
la daboolo dhibaatada iyo dulaanka ciidanka cadawga ee dalkeena heysta.
Waxaa aad muhiim u ah in odayaal dhaqameedyada
Soomaaliyeed inay fahmaan waxa la isku hayo iyo sida ay uga qadan karaan doorka
kaga aadan badbaadinta dadka Soomaaliyeed .
·
Soomalidu iskuma heysato qaab beel ee waxa la isku hayaa waxaa weeye oo ubaahan
in ay dadka Soomaaliyeed fahmaan waa qaab siyaasadeed & aragtiyo kala duwanansho
oo salka ku heyso gumeysi u adeeg iyo gumaysi diidnimo
·
Ugu
horeyn waxay dadka intiisa badan ay qabaan in dalkeena Soomaaliya la
heysto,loona baahan yahay inta ummada Soomaliyed wada hadlin dalka laga saaro
ciidamada Tigreega qabsaday dalkeena & kuwa UGANDESKA ee kharinaaya heysashada
dalkeena la heysto.
·
Waa
in shir siyaasadeed la qabtaa oo ay isa soo hor fariistaan kooxaha loolanka ka
dhaxeeya sida
·
Kooxda SSRC MBAGATHI ee Tigreega ku shaqeysto
·
Siyaasiyiinta baarlamaanka xorta ah ee jooga ASMARA ee diiday in
ay dalkooda kaga iibsadan gumeysiga Tigreega darajo been ah.
·
Maxkamadaha Islaamka ee jooga gudaha iyo dibadaba
·
Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada joogta dalka gudahiisa iyo dibadadiisaba
·
Waa
in shirka lagu qabtaa goob dhaxdhaxaad ka ah kooxaha is haya ,waana inay shirka
maamulaan dad dhaxdhaxaad ka ah amuuraha la isku hayo oo aamin ah.
·
Waxaas oo dhan waxaa ka horeeya in Tigreega & Uganda ay ciidamadooda dalka ka
baxaan bilaa shuruud inta aan shirkaba la qabanin.
·
Hadii la isku af garto in ciidamo la keeno
Soomaliya, waxay u taal dadka Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaliyeed si ay u
noqdaan wax la isla ogolaaday oo lagu wada qanac san yahay.
Waxaan Isimmada ,Ugaasyada, Malaaqyada
Garaadyada,Wabarada , Odayaal dhaqameedyada Soomaaliyeed ka codsanayaa inaysan
u horseedin dadka Soomaaliyeed shirqoolkii shirkii lagu qabtay Kenya ee socday 3
sano, ee aan ka dhaxalnay dowlad ku sheega baday mugdi iyo taariikh xumo
dalkeeni dadkeeni iyo diinteenii ,ee maanta gumeysi xun oo raqiis ah gacanta u
galisay Soomaaliya inaysan mar labaad u shirqoolin kooxaha doonaya in dalkeeni
sharafta iyo qiimaha lahaa u hoos geyaan MELEZ ZENAWI oo ay u soo baxdo
dowlad kale oo ka sii liidata tan oo gumeysi u adeeg ah.
Marka waxaa la idinka rabaa inaad
si cad oo geesinimo leh u diidaan kuwa doonaya inay beesha caalamka u tusaan
inta ay shir shirqool ah qabtaan idinkana sidii wax magarato oo kale idin
isticmalaan oo ay hadhow ka soo saraan dowlad raqiis ah oo u adeegta gumeysiga
Tigreega ee xasuuqay dadkii aad u aheydeen madax dhaqameedyo , ee u diiday
dalkiina inuu caalamka wax la qaybsado,waxaan dhamaanten ka wada dharagsan nahay
in Ethopia ay na daba socotey 500 sano ka badan ,maantana ay heshay waxay ku
taami jirtey oo ah in dalkeena gacanta ku dhigto iyadoo adeegsaneysa
damiirlawayaal aan dadnimo iyo diin toona lahayn oo raba un inu noqdo un madax
si u wax u dilo waxna u dhaco oo aan dan iyo heelo ka lahayn guud ahaan dadka
Soomaliyeed xataa kuwa u qabiilka ku sasabto ee madax martey u gurbaan tunka
qabqablayaasha u adeega Gabre
Odayayaal Ali Mahdi waxa uu doonaya waa labo mid:
·
Inuu
lacag ka sameeyo shirka ama inu qaato jagada raisal wasaarenimo
Si u fushado danahiisa gaarka ah,ee fadlan si cad
bayaan uga soo saara oo u bandhiga doorkina Soomaalinimo ,Islaanimo iyo
Wadaniyadeed ama Odeytinimo ee idin kaga aadan amuuraha ka taagan dalkeena
si loo helo xal waafi ah oo lagu badbaadiyo dadka iyo dalka.
Beesha caalamka warqad u qora una sheega inaydan
ka qayb galeynin shir shirqool ah oo ay kooxi wadato.
In baaritan lagu sameeyo xasuuqi ka dhacay
dalkeena 17 sano iyo kan maanta ay ka sameyeen ciidanka TIGREEGA
,UGANDA & kuwa ay ku adeegato ee Soomaali ku sheega ah.
Ugu dambayn waxaan ka rajeynayaa in odayaal
dhaqameedyada Soomaaliyeed ay wada xiriiraan meelna ay isla dhigaan sidii
dalkeena looga saari lahaa dhibaatada heysata, taas oo ay badeen wadamada
dariska noo ah sida Ethopia,Kenya,Uganda & Damiirlawayasha ay ku adeegato
ee Soomali ku sheega ah ee sheeganaya dowlad Soomaaliyeed ,oo aan ka
gubaneynin waxa Gabre ku haayo oo bahdilida ah ,una diir naxaynin dadka
maatada ah ee aan waxba galabsan ee loo dilaayo Diinta ay qaateen iyo sunaha ka
muuqda iyo wadaniyada Soomaaliyeed.
Waxaan idin rajeynayaa in caqligina u u shaqeeya
xaga fiican oo usan u shaqeynin dhanka xun ee ah in Soomaali loo gumeeyo
ETHOPIA & KENYA,waa in dadkiina badbaadisaan , oo aad aaqiradiina ka
fakarteen.
Gunaanadkeygu waxaa weeye inaydan
yeelin shir aan loo dhamayn oo laga ilaaliyey dadkii ehelka ama xalaasha u ahaa
mustqabalka jiritaanka dowladinimo Soomaaliyeed oo xor ka ah gumeysiga
madow ee aan dooneynin waxa Soomali rabta oo ah
Dowladnimo ,Soomaalinimo ,Islaanimo iyo sharaf karaamo leh oo Soomaali ku
yeelato dunida aynu ku nool nahay.
Taariikhda ayaa idin xusi doonta sida ay wax badan
u xustay taariikhihii hore , waxaa la jooga waqti xun oo lagu kala garto keena
wanaagsan iyo keena xun ,hadaa racdaan qabqablayaal damiirlawayaal ah oo ka amar
qaata shisheeye daciif ah & inaa ka hor imadaan ama ku raacdan ,hadaa raacdaana
waxay idin tahay karaamo daro iyo aaqiro beel ,hadaa ka hor imadaan oo aad u
cadeysaan inaydan raali ka ahayn waxay wadaan ,ummadda Soomaaliyeed way idin
qadarin doonaan magaca wayn ee aad huwan tihiina way idin ku tixgalin doonaan
insha allah .
Balanteenu waa inaydan yeelin wax u soo
dhoodhoobay dagaal ooge iyo u adeego Tigree ka qayb galkooda
Shacabka Soomaaliyeed waa in aad ku dadashaan
sidii ummada Soomaaliyeed dhiibaatada heysata looga saari lahaa loogana hor tagi
lahaa shir shirqool ah oo la rabo in mar 2aad dowlad fashilantey oo ay
fashiliyeen kuwii soo dhoodhoobay inaysan mar 2aad ka yeelin in sameeyan shir la
mid ah kii ay dalkeena ku shirqooleen oo ay ka soo baxeen damiirlawayaal dagaal
oogayal ah oo shacabka Soomaaliyeed mudo 17 sano ah madaxa isku galinayey si u
garaan danahooda qaaska ah oo ku dhisan xukun jacayl ,boob hanti qaran dil iyo
cadaalad daro.
Tusaale hogaamiye kooxeedyada dhamaantood ha
joogaan koonfurta ama waqooyi bari & waqooyi galbeedba waxay xaalufin ku hayaan
qeyraadkii dalkeena bad iyo bari ,waxay heshiisyo kula galeen wadamo kale inay
badeena xaalufiyaan iyagana xoogaa sandareerto yar ah ay ka qataan.
Caruurta Soomaaliyeed wax ma qoraan waxna ma
aqriyaan ,nolol fican ma heystaan dadka Soomaaliyeed ,wax daryeel caafimaad
,waxbarasho iyo nolol aayatiin wacan ,waxaas oo dhan waxaa sameeyay waa kuwii
aad ku taageerten maskax yaradiina ,in nina dharag la jiifi waayo iyo in nina
gaajo la seexan waayo ,waa nasiib xumo dib u jaleecso qabqablayaasha waxa ay
idin tareen iyo waxay idin ka hor istaagen oo nolol iyo mustaqbal ah,waxaa la
joogaa waqtigii laga xoreyn lahaa dalka qowleysatada heysata iyo kuwa ku
qaraabta qabyaalada ee dhamaantood Tigreega uu kuwada adeegto.
Mahadsanidin
Somalia Soomaali baa leh
Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com
Afeef: Arargtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2007


|