Soomaalida Sweden oo Deeq
Gaarsiiyey Bukaanada ku jira isbitaalada Madiino iyo
Banadir
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka
Sweden, gaar ahaan Magaalada
Umeå
ayaa waxay soo gaarsiiyeen deeq
lacageed oo gaaraysa 1,463-Dollar bukaannada ku kala jira Isbitaallada Madiina
iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan lacageed ayaa waxaa ka soo ururiyay
Jaaliyadda Umeå ee dalka
Sweden C/qaadir-yare, iyadoo uu soo diray Cabdibashiir
laguna soo hagaajiyay Weriye C/naasir Yuusuf
Macallin (Ganey) oo ka tirsan Naadiga Hal-abuurka iyo Qorayaasha Soomaaliyeed ee
Somali-Pen, waxaana deeqdaan la gaarsiiyay dadka qaba Cudurka Shubanka ee ku
jira Isbitaalka Banaadir iyo Dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ka dhacay
Magaalada Muqdisho ee jiifa Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
C/qaadir-yare oo lacagta ka soo ururiyay
Jaaliyadda Umeå
ee dalka Sweden ayaa wuxuu mahad-ballaaran u celiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
deggen Umeå
isagoo sheegay inay iska xilsaareen u gargaaridda walaalahooda Soomaaliyeed ee u
baahan gacan qabashada.
Qaar ka mid ah dadkii la
guddoonsiiyay deeqdaan ayaa waxay ka mahadceliyeen deeqda lacageed ee ka soo
gaartay walaalahooda Soomaaliyeed ee ugu soo deeqay lacagataan, waxayna sheegeen
inay heleen xilli ay u baahnaayeen.
Mid ka mid ah bukaannadii
deeqdaan lacageed la guddoonsiiyay oo qabay dhaawac ka soo gaaray dagaalladii ka
dhacay Muqdisho ayaa sheegay inaysan wax ehel ah oo u jooga Muqdisho aysan
jirin, oo uu ku nool yahay deeqaha kala duwan ee ka soo gaara walaalihiisa
Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa.
"Waxaan ku jira Isbitaalka
dhowr qof oo aniga oo kale ah, dhammaantoodna ma jiraan wax ehel ah oo
isbitaalka ku haya ama wax siinaya, waxayna inta badan ku tiirsan yihiin
dhaqaalaha deeqaha ah ee ay ka helaan dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool"
ayuu yiri bukaan magaciisa ku soo koobay Cumar.
Weriye C/naasir Yuusuf
Macallin Ganey oo hadal jeediyay markii lacagta la qaybiyay kaddib ayaa yiri:
"Deeqdaan waxay ahayd mid ka timid Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku nool dalka
Sweden, waxayna ugu talo-galeen inay ku kaalmeeyaan walaalahooda xanuunnada kala
duwan qaba ee ku jira Isbitaallada banaadir iyo Madiina, iyo weliba danyarta
kale ee Soomaaliyeed ee iyaguna dhibaatooyinka dhaqaale qaba".
C/naasir Ganey ayaa wuxuu ka
codsaday Jaaliyadaha Soomaliyeed ee dibadaha ku dhaqan inay gacan hagar la'aan
ah la soo gaaraan shacabka Soomaaliyeed ee qaba dhiabatooyinka kala duwan isugu
jira dhaawacyada, xanuunnada, kuwa baahan iyo weliba dadka aan awoodda u lahayn
inay helaan wax ay maalintii ku noolaadaan.
Ma ahan markii ugu horreysay
oo jaaliyadan ay deeqo lacageed soo gaarsiiso dadka walaalahooda ah ee
dhibaatadu ay ku hayso gudaha dalka, waxaana dhowr jeer oo hore ay soo
gaarsiiyeen Shacabka Soomaaliyeed kaalmooyin kala duwan.
Nin ku hubeysan Bastoolad ayaa ku dhex
toogtay suuqa Bakaaraha maanta askari ka tirsan ciidammada Dowladda, iyadoo
ruuxii toogashada askariga geystay la sheegay inuu baxsaday markii uu falkaas
dhacay.
Goobta lagu dilay askarigaan
ka tirsan ciidammada dowladda oo ahayd bartamaha suuqa bakaaraha, gaar ahaan
halka lagu gado bagaashka oo ay ka socotay howlo burburin ah ayay sheegeen
goobjoogayaal ku sugan in si bareer ah uu ruuxa hubeysani u toogtay Askariga.
Askarta Dowladda ayaa
billaabay wax yar dabadeed inay rasaas aad u xoog badan furaan, iyagoo ku kala
eryaya dadweynaha ku suganaa xilligaas Suuqa, iyadoo aysan jirin wax dhimasho
ama dhaawac ah oo ka dhacay suuqa intii ay rasaasta ridayeen ciidammada
Dowladda.
Ciidamadda ee ku sugan suuqa
ayaa waxay ku guulaysan waayeen inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha
geystay falka dilka ah ee lagu qaarijiyay askariga ka tirsan dowladda ee howlaha
ka waday suuqa weyn ee bakaaraha.
Shalay ayaa sidoo kale waxaa
lagu toogtay mid ka mid ah askarta dowladda suuqa weyn ee barkaaraha, waxaana
toogashadiisa ka dambeeyay nin isaguna ku hubeysan bastoolad oo ka tirsanaa
dadka ku ganacsada Suuqa bakaaraha.
Maanta ayaa laga dhoofiyay
garoonka weyn ee Muqdisho ciidammadii Ugandese ahaa ee shalay lagu dilay qaraxa
bam ee ka dhacay agagaarka wasaaraddii Maaliyadda ee Magaalada Muqdisho.
Afar askari oo maydadkooda la
geliyay sanaadiiq gaar ah oo calanka dalkooda dusha laga saaray ayaa lagu
sagootiyay garoonka weyn ee Muqdisho, waxaana sagootinta maydadkaas oo loo
duuliyay dalka Uganda ka qaybgalay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali
Maxaxed Geeddi.
Raiisal wasaaraha mellas zenawi dowlda Ethiopia
oo la hadlayey wakaalda warar ee routers ayaa sheegay in ay laga muran tahay in
ay ciidamadiisu sii joogaan gudaha dalka somaliya tan iyo inta laga soo
dhameystirayo ciidamada uu ku yaboohay midowga Africa
Mellez senawi ayaa yiri waanu ogsoon nahay in uu jiro culeys xaga dhaqalaha ah
oo heysta dowladaha ku yaboohay ciidamada in ay geeyaan gudaha dalka somaliya
wuxuuna shaagay in ka bixitan deg deg ah oo ay sameeyaan ciidamada Ethiopia ay
saameyn weyn ku yeelaneyso ammanka dalka somaliya iyo guud ahaanba geeska Africa
iyada oo uu sheegay intaa micnaheedu uu yahay in cidamadiisu ay sii joogayaan
gudaha dalka somaliya ila iyo inta ay dalka ka soo gaarayaan ugu yaraan 40 kun
oo ciidamo nabad ilaalineed ah oo ka socda dalal midowga Africa tiradaas oo ah
kala bar inta ay ku yabooheen wadamada midowga Africa ,
Dhanka kale wararka qaar ayaa sheegay in dhawaaanahaaan aysan suurta gal eheyn
in ciidamada Ethiopia ay dalka ka baxaan .raiisal wasaare mellez ayaa intaa ku
daray in aanay wax faaiido ah laheyn in ciidamadiisa loo qabto waqti ay kaga
baxaan gudaha wadanka somaliya wuxuuna ku sheegay tiradooda raiisal wasaaruhu in
ay ka badan yihiin 40 kun oo askeri oo keliye waxaaana loo soo diray sida uu
sheegay mellez zenawi in ay dalka somaliya ka sifeeyaan waxa uu ugu yeray
midowgii maxaakiimta oo iyagu ka ariminayey kuufurta iyo bartamaha somaliya mudo
lix bilood ah
Hadalkaan melle zenawi ayaa waxaa uu ku so beegmay ka dib halmaalin uun markii
uu gudoomiyaha ururka midowga Africa alfa cuamr konaari uu sheegay in masiibo
weyn ay ka dhalan karto hadii ciidamada Ethiopia ay si fudud baxaan gudaha dalka
somaliya hadalkaa oo Somali badan ka careysiiyey balse zenawi ayaa horey u
sheegay in uu ciidamadiisa si dhaqso leh ugala baxayo dalka somaliya .
Sodoo kale hadalka zenawi uu ku sheegayo in cidamadiisa uusan dhaqso kala
baxaynin gudaha somalaiya waxaa uu imanayaa ka dib markii ay wasiirada arimaha
dibada ee midowga yurub kulan ay ku qaateen magaalada Brussels ee xarunta dalka
biljimka ay ku baaqeen in cidamo nabad ilaalineed ay u so dirayaan dalka
somaliya hadii ay ka baxayaan dalka kuwa reer Ethiopia ee haatan jooga ,
Ali Maxamed Siyad ( Cali Dheere )” suuqa
bakaaruhu wuxuu ka kooban yahay 46 waxood wax kastane waxay ka kooban tahay 1500
oo meheradood waxyna u baahan tahay qeyb kasta ugu yaraan 10 nin oo ilaalo ah
hubkdune uu u dhanyahay
Gudoomiyaha ganacsatada suuqa bakaaraha Cali Maxamed ssiyaad Cali dheere oo
saxaafada uga warbixinayey ayaa ka dalbaday ciidamada AMIOM ee ku sugan magalada
muqdisho in ay qeyb lixaadleh ay ka qaataan sugida amnga suuqa weyn ee bakaaraha
iyo ka difaacida kooxaha qalaanqal iyo qalalaasaha ka wada hadii aanay taasi
dhaceyna hubkoodii laga qaaday dib loogu soo celiyo si buu yiri aan isaga
difacno kooxaha boobka iyo bililiqada ka wada suuqa bakaaraha ,
Ali Maxamed Siyad ( Cali Dheere ) ayaa waxaa uu cadeeyey in suuqa weyn ee
bakaraha uu yahay suuq nabad gelyo isla markaana aanay jirin wax fowdo ah oo
laga soo abaabulo ali dhere ayaa ku doday in suuqu aanu aheyn meel lagaga so
horjeedo dowlada fadaraalka KMG somaliyeed iyadoo ay dowladune u baahan tahay
suuqa bakaaraha uuna yahay isha dhaqaale ee ugu weyn ee ka jirta dalka somalliya
wuxuuna intaa ku daray in taaswi ay muhiim ka dhigayso in ciidamada nabad
ilaalinta ee AMISOM ay gacan ka geystaan sugida amaanka suuqa maadaama ay yihiin
nabad ilaaliyaasha keliye ee uu caalamku aqonsan yahay ee xil uu ka saran yahay
caasimada Somalia ee muqdisho ,
Gudoomiyaha suuqa bakaarha Ali Maxamed Siyad (
Cali Dheere ) oo ka hadlayey qaabka ugu wanaagsan ee loo wajihi karo amaanka
ssuuqa weyn ee bakaaraha ayaa waxaa uu sheegay in suuqu uu ka kooban yahay 46
waaxood wax kastane ay ka kooban tahay 1500 oo meheradood wax kastane ay u
baahan tahay qeyb kasta ugu yaraan 10 nin oo ilaalo ah isla markaana hubeysan
waana muhiin in ay gacan ka geystaan sugida amaanka suuqa bakaarha ,
Hadalka ganacsatada suuqa ayaa ka danbeeyey ka gadaal markii mudooyinkii ugu
danbeeyey ay so ifbaxayeen rag ku qaraabanaya dareyska ciidamada dowada kuwaas o
wax dhacaya waxna bobayo arimahas ayaa waxaa ay ka dhacayeen qeybo kala duwan oo
magaalda ah inkasto oo uu ugu daraa suuqa bakaaraha ,
Taliyahay ciidamada dowlada fadaraalka KMG somaliya ee howgalka suuqa
hogaaminayo ayaa isna mar uu ka waramayey arintaas sheegay in talaabo sharciga
waafaqsan ay ka qaadi donaan cidii lagu helo ,
Tuug waxaa loo samyey maxkamad iyo qawaaniin waana la horgeynayaa maxkamada
wuxuu ka helo ayuuna leeyahay ayuu yiri taliyu mana aha suuqa weyn ee bakaaraha
arimahaasu meelaha ay ka dhacayaan isla markaana ay ka so yeerayaan dhawaqyada
wax u dhimi kara sidii lagu aamini lahaa ciidanka dowlada waxayn inta badan
dadku ka cabanayaa kooxo soo labistay dareeska ciidamada isla markaan boobaya
goobaha ganacsiga si bareer ahna u qaadanaya hantida shacabka ,
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007


|