Issimo iyo waxgarad oo
uu hogaaminayo Islaan Ciise oo u kicitamay Cagaare:
Wafti oka kooban isimo iyo waxgarad kale oo uu
hogaaminayo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa maanta
galinka danbe u kicitimaya deegaanka Cagaare si ay u
dhamaystiraan heshiiska beelaha Cagaare ee dhawaan lagu
gaaray degmada Burtinle.
Waxgaradkaan ayaa doonaya in ay soo afjaraan heshiiskii
lagu gaaray degmada Burtinle oo dhawaan uu ka dhacay
shir lagu hishiisiinayey labadii beelood ee walalaha
ahaa ee ku dagaalamay deegaanka Cagaare.
sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka soo kala an babaxay
odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda Qorileey iyo
Maygaag oo ay kala dagaan labadii beelood.
Isimada ayaa waxaa ku weheliya safartooda xubno ka
tirsan Golaha Baarlamaanka DGPL.
Magacyada Isamada u ambabaxay Cagaare
Islaan Ciise Islaan Maxamed
Garaad Abshir Saalax
gaas C/laahi Ciise
Ugaas Faarax dheere
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Hadii Silic iyo dhibgaaro, Sareedo haday ku
waarto samaanteed iyo xumaanteed, Soomaaliya, Soomaali baa leh:
Abwaan. Maxamed Warsame Faarax waxaa uu leeyahay waxaan ka codsanayaa
masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay ogaadaan in aysan iskeenayn calankaan oo ay
dhiigooda u soo daadsheen Geesiyiin Soomaaliyeed in maanta dusha lagaga kaadsho.
Abwaanka oo maalintii ku beegnayd asaaskii ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee
S.Y.C oo markii dame la oran jirey S.Y.L. uga faa'iidaysanaya ayaa yiri:
Waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa 13-wiil ee geesiyiinta Soomaaliyeed ahaa ee
hindisay in ay la diriraan gumeystaha.
Waxaan u sheegayaa umadaa Soomaaliyeed, meelkasta oo ay joogto dal iyo dibad in
loo aan la dayicin calankaan quruxda badan ee ay dhiigooda u soo hureen
geesiyiin Soomaaliyeed:"
Waxaan sidoo kale u soo jeedinayaa masuuliyiinta DFKM ee Soomaaliya, in shirka
loo balansanyahay ee qaran uu noqdo mid ay xor u yihiin umadda Soomaaliyeed in
ay iyagu maamushaan oo aan gacan saddexaad soo galin.
Waxaan leeyahay masuuliyiinta DFKM, war cida la heshiisiinayo waayo, soo maahan
kuwa dirirsan ee siyaasada isku haya dalka ee maalin, ma waxaad heshiisiinyasaan
dad awalba heshiis ahaa. Anigu ma qabo in ay jirto dad dirirsan oo Soomaali ah.
Balse, waxa Miinooyinka iyo Bunbooyinka soo af-jari kara ee kaliya waxaa weeye,
in ay wada hadlaan dadka isku haya siyaasada Soomaaliya oo kaliye.
Haddii kale, Baqdaad oo kale ayeey noqonaysaa Muqdisho, wax aan ahayn geeri iyo
dhaawac joogta ah mooyaane wax kaloo horumar ah lagaari maayo.
Su'aal, booyoow Soomaaliya maxay u baahan tahay????
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY DOWLAD EE UMA BAAHNA DOWLADO.
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY DEGANAAN EE UMA BAAHNA DUULAAN.
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SA-SABID EE UMA BAAHNA SAN-KAGELIS
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SAMA-TA BIXIN EE UMA BAAHNA SILIC DILYEYN
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY ISKU SOO DHOWEYN DADKEEDA EE UMA BAAHNA KALA
SOOCID.
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SINAAN EE UMA BAAHNA KALA SARAYN
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SUBAG EE UMA BAAHNA SUN IYO WAABAAYO.
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SADKEEDA EE UMA BAAHNA IN LAGA SAREEYO
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SUMCAD KU QAADO EE UMA BAAHNA SIDAAN-DOONO
SOOMAALIYA WAXAY U BAAHAN TAHAY SIDAY WAX U ARAGTO EE UMA BAAHNA SAXWEEYE.
Waxaan ku soo geba-gebaynayaa
;Soomaaliya nabad'
Abwaan: Maxamuud Warsame Faarax:
Maxamuud Cumar Bille
mcbille@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2007


|