SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Baaqa Munaasabada Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 MAY 2007 London

Anagoo ku hadlayna magaca dhalinyarada Soomaaliyeed ahna dhalinyaradii garatay inay soo qaban qaabiyaan munaasabadan 15 May 2007, isla markaasna u istaagaan dadkooda iyo dalkooda Soomaaliyeed ee uu xiligan hareeyay dhibaatada siyaasadeed iyo tan aadaminimo. Taas darteed waxaanu garanay inaanu soo saarno baaqan hoos ku qoran.

DHALINYARADA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN

Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel iyo waa ay jooganba inay midoobaan oo ku midoobaan wanaaga iyo wax wada qabsiga gaar ahaan, inay ka midoobaan Siyaasada, Saxaafada iyo Dhaqaalaha. Isla markaasna ay si wadajir ah ugu mideysnaadaan in dalka laga saaro cadowga kusoo duulay, xoog iyo xeelba.

In si buuxda loo taageero shacbigii rayidka ahaa ee ay xasuuqeen ciidamda cadowga iyo dagaal oogeyaasha, gaar ahaan rayidkii dhaawacmay, barakacay iyo kuwii ku guryo iyo hanti beelay laguna taageero Daawo, Cunto, Dhar iyo Teendhooyin ay ka hoos galaan dhaxanta iyo roobabka.

In sidoo kale la taageero Dhalinyarada ciidamada ah oo ay marin habaabiyeen dagaal oogeyaashu Milatery iyo Police ba laguna taageero wacyi gelin iyo in laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen nolol dhaanta noloshan (DIL AMA DHIMO) ah. oo ay duruuftu ku hogaamisay isla markaasna loogu deeqo dhaqaale ay ku kabaan noloshooda iyo qoysaskooda. In sidoo kale la taageero  dhalinyaradii ku dhaawacantay ama ku dhimatay dagaalada iyo qoysaskii ay ka tageen dhalinyaradii u dhimatay mabaa'diidii dagaal oogeyaasha, kuwaasoo ay intii ay xooga lahaayeen ku manaafacaadsadeen xoogooda markii ay dhaawacmeena cidla iyo cidiihii ay ka yimaadeen kaga tageen taageero la'aan.

Waxaan si gaar ah baaq ugu jeedinaynaa Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa hadeer u adeega danaha dagaal oogeyaasha iyo Tigreega Ethiopia gaar ahaan ciidamada kala duwan, Milatery iyo Ploice ba inay ka waantoobaan inay dalkooda iyo dadkooda ay gacanta u geliyaan cadow soo jireen ah oo ay cadaawad fogi na dhextaalo. Isla markaasna burburiyaan guryaha shacbigooda ama waxyeeleeyaan dad Soomaaliyeed oo ay isku diin, isku dhaqan, isku midab iyo muuqba yihiin

SHACBIGA SOOMAALIYEED MEEL UU JOOGABA

Waxaan shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay nagu garab galaan halganka aanu ugu jirno umada Soomaaliyeed Diinteeda iyo Dalkeedaba, isna garabtaagaan ardayda dugsiyada iyo qaybaha dhalinyarada oo ku howlan sidii ay dalka uga saari lahaayeen ciidamada ajnabiga ah ee aan ku iman rabitaanka dadka kuwaasoo u adeega danaha dagaal oogeyaasha iyo cadowga soo jireenka ah ee Tigreega Ethiopia.

MAAMULKA SOMALILAND

Waxaanu ka codsanaynaa dadka Soomaaliyeed iyo maamulkoodaba inay naga aqbalaan fikriga aan qabno oo ah. Inaanu ugu nimaadno shuruud la'aan sidii aad shalay noogu timaadeen gogolna aad noogu fidisaan lagu wada halo magaalada Hargeisa anagoo aaminsan in Hargeysa lagu maxkamadeeya saraakiishii geysatay xasuuqii shacbi ee ka dhacay W/Galbeed xiligii xukuumadii xisbigii Milatery ee XHKS. Halkaasina ay kasoo baxdo dowlad Qaran oo ka arimisa ayaaha dadka Bariga Afrika ee Af Soomaaliga ku hadla

TACSI

Waxaan tacsi u direynaa dhamaan umada Soomaaliyeed intii ku naf, xubno iyo xoolo ku weysay dagaaladii ahliga ahaa ee ay xasuuqa ugu geysteen saraakiishii ciidamda iyo dagaal oogeyaasha  xiligii xukuumadii xisbigii Milateri ee XHKS iyo weliba xiligii burburka kuwaaso dhibaatooyin u geystay dad rayid ah gobolada Waqooyi iyo Koonfurba gaar ahaan Hargeisa iyo Muqdisho iyo weliba dalka intiisa kale.

Waxaanu tacsi gaar ah u diraynaa wadaniyiintii Soomaaliyeed ee ku nafwaayay, Xubno waayay ama ku xoolo beelay difaaca dalkooda amaba ku waxyeeloobay dagaaladii ugu danbeeyay ee ay kaga hortagayeen Tigreega Ethiopia.

 

Abdullahi Ali Hiirad


Somali Youth Congress (SYC)
www.somaliyouth.net
info@somaliyouth.net

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com