Jawaaab/ Soomaali
Galbeed ma xoroobi doonta ?
maxamed shukri
burqa632@hotmail.com
waxaa mahad iska leh allah inaga dhigay dad muslimiin ah
waxaa wax lagu farxo ah walaal daacad u ah dal iyo dad taladoodana wax ka
dhiibanaya waxaase ka sii fiicnayd inuu camaliyan hawshaas uu soo qoray walaakay
u galo isaga laftiisa waayo waa loo siman yahay dhulkii somalina inay wada dagto
adaa ka marag kacay maxaanse kukala duwanaanay oo anigana cadawga igu diray
adigana uuna kuu dhibayn ????
ujeedada mawduucayga
waan ku faraxsanahay fikirka walaalkay soo jeediyay iyo qodabada uu isticmaalay
qaarkoodba waxaase kujirta qaladaad fara badan qofkana waxaa ka fiican inuu inta
xun sheego inuu inta fiican sheego walaalkay fikir ayuu soo qaatay dadkii
cadawga la dagaalamayay qarniyada walina ayna dhicin in xabashi dhulkaas
kalsooni kumaamusho dhicina doonin ee uuba sii xoogaystay iska caabinta shacabka
iyo jabhaduhu
hadana walaalkay dadkaas wanaagooda xattaa hal qodob oo uu ku amaanay ama uu
kaga faalooday lama arko ee
waxa uu ku nuuxnuuxsaday nin calooshiis u shaqaysta ah oo garbo jooga hadal uu
yidhi waliba uu isagu sheegay inuu jaahil yahay waxaa halkaas laga garan karaa
inuu yar yahay dadka cadawga raacsan ee dhulka somali galbeed jooga waayo waa la
tabinayaa qofka hadal yar oo cadawga waafaqsan yidhaahda
waxaan doonyay walaalkay qodobadiisa qaar badan waan ka simanahay inta aan
kukala duwanahay ama khaldka ah inaan u saxo waxaan filaya macluumaadkiisa ayaa
yar walaalkay
1. qodobka ah ethiopia somalia waxay usoo weerartay in la ilaawo somaligalbeed .
qodobkaas waad qortay mana aadan ka fiirsan walaalkayaw sabab
somali galbeed ma somalia ayaa leh mise somalida dagan ayaa leh ?
somalia iyo somali galbeed dadka dagan waa walaalo isku qoys iyo qarabana ah
ma dhacday qabiil somaliyeed oo somalia dagan oo yidhi ciidan ayaan u diraynaa
somaligalbeed ka garab dagaalama somalida cadawga la dagaalamaysa ? ama ha
kudaraan ciidanka ama gaar ha udagaalamane
marka yaa ilaawaya somaligalbeed yaase xasuusnaa ?
lagama xasuusnayn somalia dhulka somali galeed ee dadka u dhashay ayaa xasuusan,
xasuusnaana jiray, xasuusnaana doona taas saas u ogow walaal kayaw inay somali
markii gumaysigu qabsaday ay cartantana oo dhanwalba u orodana waxaa ka fican
inay cadawga iska celiso inta karankeeda ah waana wareegto ee ogow saacadu
maalinba nin ayay qabsataa haday manta ku qabsatay xumaanta dunida muslimka wada
haysata walaalahaa somaligalbeedna haystay ina adeeraw iska dhici xabashi
ilaahay mooyee cidna gargaar hawaydiin waayo waji ma lihid
Somaligalbed dadkeeda hadaan idhaahdana jabhadaha ka dagaalama somaligalbed
wajigii loo dhigtay unbaa loogu soo hagaagi 15 kii sano ee ay dagaalamayeen
waxaa kaloo aad tidhi xoogaga iska caabinta khilaaf ayaa u dhaxeeya horta ilko
iyo carrab ayaa isoogu dhaw oo waa is qaniinaan marka waa uun xumaanta aad ka
sheegayso dadkan muslimiinta ah ee walaaladaa ah qaybteed inaad ku nuuxnuuxsato
hadal aad mar maqashay way dhacday inay mar is khilaafeen iyaga ayuuna ka
dhexeeyay khilaafku mana jiro dad meel isla jooga oo bilaa ujeedo is khilaafaya
ee sabab ay isku khilaafeen ayaa jirtay wayna ka heshiiyeen dadkani hal cadaw
ayay leeyihiin hal ujeedona waa leeyihiin sidookana waa dad walaalo iyo sxbo ah
oo is wada yaqaana marka khilaaf waa dhici karaa waxse saas loo sheego ma ahayn
isma khilaafsana ee way jirtay hal mar khilaaf dhex maray marka mar ayuu khilaaf
dhex maray dheh haday kula qumanaatay inaad ka hadasho arintaas hase odhan
khilaaf u dhaxeeya waayo waxay la macno tahay dad xumaani udhaxayso
xumaantooduna soo noqnoqoto ama ay socoto marka hadalka qurxi walaalkayaw
2 qodobka ah waxaa lunsan jihada ay qadayadani u socoto
waalaga yaabaa inay adiga horta kaa lunsan tahay waayo lamaba socotid laakiin
rag ayayna ka lunsanayn tubteediina haya waayo badana soo hayay saad tibaaxday
oonku marka uu siibato halkaad biyo umalaynaysay way soo dhawaataa marka rag
mudo oomanaa ayaa ogaaday meeshay biyihii ka jiraan walise ma ayna gaadhin bi
idnillaahina waa lagaadhi
waxaana daliil u ah ninkii gabyaaga ahaa markuu lahaa
hashaan gaadda waynaw libaax uga gaboon waayay ,
inaan gorayo cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye .
waxaa kaloo aad tidhi dadkii bud dhigaha ahaa ayaa maqan oo carab iyo muslimiin
ah
mid mise mid
carab anigu u malayn mahayo maanta inay somali caawinayso waayo iyada ayaanba is
caawinaynin waxaana og nahay kharashka ugu badan ee ciraaq lagu weerayay inuu
sucuudi bixiyay
waxaa kaloo jirta in lubnaan la weeraray dhamaadkii sanadkii hore wadamada
carbeedna ay isku raaceen lubnaan ayaa khaldan waad og tahay arrimahaas oo kama
faalloonayo
falastiin ayaa caraba cid wax u taraysana ma arko waxaan ku odhan lahaa carab
way dhacdaa inaan maalin u gargaarno iyada ayaa gumaysi haduu jiro kii ugu xumaa
ku jirtaa inshaa allah waan ugargaari doonaa carab ee imika gargaar kama sugayno
ilaahay ayaana gargaarka bixiya
midka kale muslimiin ayaad tidhi muslimiinta maqan waa ayo ma dadka wadanka
dagan ayaan muslimiin ahayn mise kuwa dagaalamaya ayaa gaalo ah miyayna dadku
wada somali ahayn kan dagan iyo kan dagaalamaya muslimiinta kamaqan ee aad
shegtay waa kuwee ?
3 qodobka ah waa in uu jiro halbeed la adeegsado
waa sax anigana fikir ahaan waan kula qabaa umana malaynayo nin khaatumo seeg ah
mooyee in nin somali ahi diidayo kitaabka iyo sunada rasuulka ( scw )
marka waxoogaa aan kuu qeexo jabhada oo aad ka aaminsan tahay dad cawaan ah sida
ka muuqata hadalkaaga
jabhadu waa laba qaybood qayb waa qurba joog waxaana laga yidhaahdaa qurbaha
jaaliyad waana qaybta madaxa u ah hawsha waxa ayna dadaalkooda ku koobeen
dhaqaale inta ay karaan inay bixiyaan waxaa kaloo jooga madaxda jabhada kuwaas
engiriis qadiyada mayna u dhiibin mana ayna hoos galin ee waa dad gumaysiga ka
cararay oo halkaas dagan dhanka kalana u xil saaran wacyi galinta dadka wadanka
u dhashay iyo hay adaha samafalka qaybta kala waa kuwa qoriga haysta iyo kuwo
biyaha daba wada oo shacabka wadanka dagan ah
uma malaynayo inay hay'ad ama wadan gaalaad wax uqabanayaan iyaguna ma aaminsana
hadana hadba sidii loo jabaa loo dhutiyaaye halkaas taas ayaa dhigtay ee yayna
kula noqon inay engiriis ugacan galiyeen qadiyada way jirtay marar ay wadamada
carbeed ka hawl galayeen xaruna ay Qadar u ahayd isku mid unbayna yihiin maanta
iyo maalintii walaw maanta ayba ka xoog badan yihiin kana xabad kulul yihiin .
qodobka hadaan usoo noqdo kuwa jooga qurbaha hawshoodu waa saan kor ku xusay
kuwan dagaalamana way dagaalamaan waana shacabka e dad jabhad la yidhaahdo oo
gaar usoo dhashaa majiro oo magaca jabhad nimo lasoo dhasha marka shacbkaas
waxay kasoo baxaan magaaloyinkooda ay ku dhasheen oo saad shegtay ay xoriyad
kuwaayeen sababaha soo bixiyana ninba waa si
waa saad xustaye dhulka ka guura ma aha xaalku dhulkiina iyaga ayaa dagan taas
daraadeed nin dhul udagaalama ma jiro ee xoriyad ayaa loo dagaalmayaa
marka xoriyadeey maxaad tahay ? dadkan dagaalka usoo baxaya maalin walba ee
dhalinyarta ah waxaa qaarkood soo saaray masaajidkii ay kutukanayeen oo la gubay
iyo macalinkii diinta barayay oo la dilay ama la xidhay iyo qodobo lamida
dhamaantoodna waa arrin diimeed iyo kor yeelida kitaabka alle waxayna
udagaalamayaan inay diintooda dalkooda xor ugu noqdaan ee majiro nin dhul u
baxay waayo ruuxnaba dhul lagama qaadan dhulkana ninwalba halkiisii ayuu dagan
yahay .
marka dadka dagaalama kitaabka ayay wataan iyo sunada rasuulka ( scw ) iyadaas
ayayna udagaalamayaan .
4 qodolka ah waa in laga qayb galiya somalida dagan dhulkaas jihaadka
waxay ahayd nin fadhigaaga arka looma saro kaco in badana waan baryay somali
inay cadawgan iska dhiciso waxaan tusaale yar kuusiin somalida dagan gobolka
aanba kala qaadee lix gobol waxa dagan dadka magaca wadanka loogu yeedho leh
lixdaas gobol hadaad tagtay dabadeedna aad tagtay shiniiile ama jigjiga farqi
intee la eg ayaa u dhaxeeya dhanka xoriyada ?
aad ayay ukala duwan yihiin waxaad arkaysaaa ganacsi inta uu muqdisho kasoo baxo
godayna soo maro gobolka fiiq tuulo kasta gadhaya isaga oo nabada waxaa kaloo
jira ganacsi inta boosaaso kasoo baxo imanaya wardheer iyo qaybo qoraxay ka mid
ah waxaa kaloo jira midka hargaisa kasoo baxa oo dhagaxbuur iyo aagaas nabad ku
tagaya isaga oo xor ah canshuurna aan laga qaadan lana dhicin yacnii tigreegaan
ka wadaa ayna taaban
hargaisa ganacsiga kasoo taga ama hantida kasoo baxda marka ay wajaale marayso
waa koontrobaan aad ayayna u adagtahay inay jigjia gaadho waxayna ku gaadhaa
xoog iyo baabuurta nooca yar yar oo meelo kale soo mara dhibna kusoo gaadhaan
jigjiga mararka qaarna inta la qabto ayaaba hantidii iyo baaruurkay saarnaydba
ay xabashidu la wareegtaa, halka shiniile ay ku khasbanaatay sonkorta addis
ababa lagu sameeyo oo qiimaha dhagaxbur lagaga iibsado 50 kg waa $ 20 ( dolar )
halka shiniile ay ka noqonayso $50
somali aan wada dagaalano way diiday, nagu caawinaya way diiday dagaalka,
waxaa somali hada lamarayaa heer ay kunoqoto caqabad dadkii dagaalamayay ee
cadawga iska dhicin lahaa nabad ay ka waayaan waxaana daliil u ah marar badan oo
jabhada rag ka tirsan lagu dhibaateeyay gobolada somalia walina dulqaadkii waa
ka muuqdaa jabhada
waxaad tidhi dadka qaarkii somalida sida cadawga ayay ula dhaqmaan fikir
ahaantay waan odhan lahaa ninka gaal cadaw ah u kaalmaynaya ula dhaqan sida aad
ula dhaqmayso gaalka cadawga ah mase ayna yeelin jabhadu taas waayo qofka gaal
diintaadii baa bi'inaya u kaalmeeyaa waa lamid
mar aan dhagaystay nin jabhada oo ka hadlaya dacatiga loogu gaysto gobolada
somalia oo ay somalidu ugaysato waxaa hadaladiisii ka mid ahaa :- hal cadaw
ayaan leenahay waana gaal xabashi ah somalina waa walaalahayo walina cadawgana
umaanaan arage hana dayso anagu cadawgana waan naqaanaa meel uu joogaba somalina
waa walaalahayo ee hadayna waxba ku taraynin dadaalka lagu jiro xasarada hanaga
yarayso hana nagaadhsiinina heer aan u aragno inaad cadaw tihiin -:
marka raga sidaas u hadlaya waad dareemaysaa rag kalgacayl walaaltinimo kujirto
inay yihiin in badana way kahadleen qabsashada somalia ka hor war somaliyey
xabashi anagaa naqaana e nawaydiiya in badan ayay yidhaahdeen waxbay idiin tari
somalina isma lahayn oo horay uga quusteene iyaga ayay wanaag iyo kal gacayl u
hayeen sheekaduse waa saan kuugu caana maalay iigumaad hanbayn
marka somali inaan u yeedho ma ahayn ee inay is xilqaamaan ayaa ahayd dhulka waa
lawada dagan yahay e kaligay malihiye saan isu xilqaamay inay isu xilqaantaa
fiicnayd waliba ninka raga ah waaka walaakiis khairka kula tartama
haday somalidu diidan tahay magaca ay jabhadu wadato jabhadu waa niman is
xilqaamay waana dad kamida dadka gobolka dagan marka hadaad diiday magaca ay
wataan laba arimoo ayaad haysataa
. inaad magac kale samaysato oo aad kudagaal gasho guusha kadibna aad ka wada
hadashaan waxa dan ah kollay waa la is fahmiye .
. in aad walaaladaa u tagto oo aad tidhaahdo walaalooyinaw cadawgan xabashiyeed
anigana waan nebcahay waxaan diidanahayna waa jiraa oo aan ula dagaalami la ahay
waa eray gar ah nin ragana wuu ku khasban yahay inuu garta qaato kadib magaca
inaga badala dagaalka aan idinla galnee ! lama odhan wali ONLF hadiise la odhan
lahaa way yeeli lahayd ayay u badan tahay
waxaa kale jabhad ayaa jirta magaca somali galbeed wadata yaa raacay oo la socda
wali hal qoys unbaa dagaalamaya oo dhankaana hawsha ka wada waxaadna garanaysaa
inayna somali dagaal diyaar u ahayn marka hadaan magaca iska badalo aniga ayay
ii tallaa hadaan daystana waa sidoo kale
tusaale ninbaa buste haystay markii uu seexanayay ayuu ista isku laalaabay
huwaday illeen waa kaligiiye hadii bustahaas kala bixiyo isaga ayay u taalaa
haduu isku laabana sidoo kale marka hadii nin marti ahi uyimaado oo kuyidhaahdo
nin yahaw bustaha inoo kala bixi maka diidayaa ? maya waa kala bixinyaa marka
nimankaan haday arkaan nin kale oo magaca ay sheeganayaan aan ahayn kana garab
dagaalamaya iyaga xattaa ceeb ayay ku noqon lahayd inay magacan sii wataan wayna
badali lahaayeen iyaga oo xurmaynaya walaalkooda ka garab dagaalamaya
dhanka kale yaa xorayn kara somali galbeed
1 dadka maanta xoriyada u dhaqdhaqaaya ama dagaalamaya dhamaan waa dad muslimiin
ah jabhaduna salaaada oo gashay meel ma fadhiyaan hadaad wali nimankaa kulanteen
iyaga oo duurka jooga xili salaadi ugashay wayso inta ay kuu dhiibeen tuko maku
yidhaahdeen anigaa arintaa arkay waana dad ilaahay ku xidhan salaadana tukada
wacyi galina sameeya oo sheekha ciidanku uu mudo muxaadaro jeedinayo sabirna
dadka u dardaarmayo mana jirto guuto meel ka hawl gasha illaa sheekh ayaa la
socda salaadana tukiya iyagana maslaxadooda iyo nidaamka diiniga ah ku kala haga
dadkani cid haday ka baqayaan dagaal ma aadeen geesina sidiisaba waakan cadawga
gaalada ah ladagaalama nin gaal ka xoog badan ka hub badan ka tiro badan dagaal
kaga hor yimidna waxaa la arkaa inuuna cid uu ka baqayaa jirin ilaa ilaahay
moyee waana niman kudhawaaqaya allaahu akbar mar kasta oo ay dagaal kujiraan
ogow dadka hada magaalooyinka ku ba'ay mooyee dadka miyiga jooga ama
masuuliyiinta ah buuriga ceeb ayay u yaqaanaane waxaana daliil u ah dadka
waawayn hadaad maanta wax uu diidayo hoo kutidhaahdo erayga ugu badan ee ay is
ticmaalaan waa iga buuri ayay ku dhahayaa halkaas oo laga garanayo ceebta
buuriga nin buuri cabayana uma malaynayo in shacabku u gargaari lahaa .
dadkani dad qabiil ma aha wayse jirtaa nin walba inuu qabiil kasoo jeedo oo uuna
kaligiis qabiil ahayn taas odhan mayno ninku kolba haduu qabiil kasoo jeedo waa
qabiilkaas hawsha uu hayaana ee qabiilka way ka dhasheen dantuse waa diintaada
xor u noqo iyo dalkaagaba
haka weecin waad ka weecisaye inaad tidhaahdo way joogaan dadkii xorayn lahaa
toobiyihii xoriyadana cagta way saareen waayo sidiisaba cadawgaaga oo gaala
hadaad is barataan iskama kaa celin karo dadkana aad ayay isu barteen xabashi
mudadii dherayd ee ay ladagaalamayeena wax yaabo badan ayay ka faaiideen taasna
waxaa daliil u ah khasaaraha ay u gaystaan mar kasta oo ay dagaal iskaga hor
yimaadaan iyo xeeladaha dagaal ee ay isticmaalaan oo ka duwan kuwii horay loo
isticmaalayay sababna ay u tahay khibrada ay ka haystaan amxaaro oo tayo badatay
marka odhan mahayo way cunayaan midhaha xoriyada mana odhanayo wakhtigaas ayay
xoroobayaan oo labadaba ilaahay ayaa og odoroos ahaanse waxaan leeyahay way
yihiin kuwii xoriyada wadanka toobiyaheeda ugu hor helay mudadii dagaalka lagula
jiray cadawga wayna u dhawdahay ragii ceelalyooday inay ceelkii biyaha gadhaan
insha allahu way gaadhayaan
gaba gabo
waxaa iga talo ah qof walba oo aduunka jooga qalad kama madhna ee in uun waa
leeyahay hadayse tahay qofka walaalkay ah intiisa xun unbaan sheegi tiisa
wanaagsana waan qarin nin walba in gubta gurigiisa way taallaa waxaase ila quman
hala isku dhex qaybiyo oo markaad ceebta sheegto wanaagaa sheeg ilaahayna saas
waa jecel yahay
gaba gabadii adiga waxaan ku odhan lahaa xog badan raadi hadaad qurbaha joogto
hadaad wadankii joogtana sidoo kale lakulan cid katirsan jabhadaha warayso xog
tayda ka badan ka raadi dabadeed maqaalkaaga xiga iyo taladaada aan aragno
wabilaahi tawfiiiq
maxamed shukri
burqa632@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.Somaali
Galbeed ma Xoroobi Doontaa?
| Xasanyare
Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007
|