- Ducaysane oo u Hambalyo
u Diray Hoggaan-Dhaqameedka iyo Bulshada Reer Puntland
heshiiskii lagu gaarey Cagaaran...
- Minneapolis:
Taageeridii Reer Minnesota Taageereen Heshiiskii
Buurtinle
Ducaysane oo u Hambalyo
u Diray Hoggaan-Dhaqameedka iyo Bulshada Reer Puntland
heshiiskii lagu gaarey Cagaarane...

Abdirizak M. Dirir (Ducaysane) |
Anigoo ah Abdirizak M. Dirir (Ducaysane), kuna
hadllaya magaca Jaaliyadda Puntland ee Nabadda Jecel oo ku dhaqan Maraykanka,
waxaan halkan ku soo gudbinayaa taageerada Jaaliyadda ee ku aaddan ama salaysan
heshiiska Taariikhiga ah oo laga gareey xiisadii iyo colaadii ka aloosnayd
degaanka Cagaaran una dhexeeysay Beelaha walaalaha ah, degaankana wadaaga oo
dhawaan lagu soo afjaray degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.
Ilaahay baa mahad leh, suurtagaliyey, in arrintan xal waara laga gaaro.
Waxay Jaaliyaddu hambalyo iyo bogaadinba u soo gudbinaysaa dhammaan Hoggaan
Dhaqameedki, Cuqaashii, Guurtidii iyo Waxgaradkii arrintan u dhabar adaygay,
kana miro dhaliyey, meel kastoo ay ku nool yihiin, dalka iyo dibaddaba.
Waxay kaloo Jaaliyaddu ammaan u soo jeedinayaan Walaalihii dirirtu dhexmartay oo
muujiyey dulqaad iyo sida ay ugu hoggansameen go’aanka Isimada, waxayna ilaahay
ka rajeynaynaa inuu boggooda bur-cad isu mariyo, waxii dhacayna xalay dhalay
laga noqdo.
Waxay Jaaliyadda xusaysaa kalinta wax ku oolka ah oo haweeka Puntland ay
arrintan ka qaateen, bilowgii illaa iyo dhammaadkii, waana ku ammanan yihiin.
Nabaddu waa aasaaska Nolosha iyo horumarka. Nabad la’aani waa Nolol la’aan.
Jiritaanka Puntland Ha Waaro.
Abdirizak M. Diriri (Ducaysane)
Minneapolis, Minnesota
amdirir@hotmail.com
Minneapolis: Taageeridii Reer Minnesota
Taageereen Heshiiskii Buurtinle

Xaflad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa
xalay waxa ay ka dhacdey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Xafaldaas ayaa waxa soo qabanqaabiyey dumarka ka soo jeeda dowlad goboleedka
Puntland.
Xafladaas ayaa waxa lagu casuumey mas’uuliyiin
kala duwan oo ka soo jeeda beelaha degan Puntland. Inka badan todobaatan qofood
ayaa ka soo qayb galay, waxana xafladu ku saabsaneyd sidii loo taageeri lahaa
hashiiskii dhawaan lagu soo afjarey dagaalkii beeleed ee ka dhacay Cagaaran oo
ka tirsan Puntland.
Hadii aan u gudo galno xafladan sida ay u dhacdey ayaa waxa ay ka koobneed
sidatan: Qudbado is daba joog ah, Buraanbur iyo Ducooyin.

Aan ku bilowno qudbadaha sida ay u dhaceen; qudbadii ugu horeysey ayaa lagu soo
dhaweeyey Dr. Luul Xasan Laariye, ereyadeediina waxa ka mid ahaa in xafladan ay
tahay xaflad aad u qiimo badan xambaarsan tahayna culeys weyn, ka dib markii ay
soo abaabuleen dumarka degan gobalka Minnesota kuna casuumeen dhamaan dadka
degan gobalka Minnesota ee ka soo jeeda beelaha Puntland, iyagoo ku taageeraya
heshiisiinta ka dhacdey Buurntile oo ah mid muhiim ah maadaama ay yihiin dad
walaala ah dadkii dagaalamey, wada dhalashana ka dhexeyso soo jireen ah.

Dr. Luul Xasan ayaaa waxa ay u mahad celisey dhamaan dadkii ka qayb qaatey
heshiinsiinta sida Garaadada, Isimada, Caaqilada, Ugaasyada Suldaamada, madaxda
dowlada Puntland iyo qaybtii ay dumarka ka qaateen.
Dr Luul Xasan oo ahayed gabadhii fikradan laheyd in la sameeyo xafladan, ayaa
gebgebadii hadlakeeda ku soo qatintey hambalyo ay u jeedisey dhamaan dadkii ka
soo qayb galey xafladan.
Waxa Dr. Luul hadalka ku soo dhaweysey hogaamiyaha communiti-ga African
Community Service, Abdullahi Guleed Nuur oo hadalkiisa ku bilaabey mahad celin
uu mahad celiyey dhamaan gabdhihii soo abaabuley xafladan iyo marti sharaftii ka
soo qayb gashey

Abdullahi oo ka sheekeeyey goobta dagaalku ka
dhacay iyo sidii uu u bilowdey, gebagabdiina ku soo gebagabeeyey in lagu gaarey
guul heshiisiin la dhexdhigey labadii beelood ee dagaalka ka dhexeeyey.
Waxa mudane Abdulahi Guleed uu ku soo dhaweeyey mudane Galac, waxana qudbadiisa
ka mid ahaa mahadcelin, taariikh iyo dardaaran.
Waxa uu mudane Galac u mahad celiyey dhamaan dumarkii soo abaabuley xafladan iyo
sida weyn ee looga soo qayb galey, waxa kale oo Galac uu ka sheekeeyey
taariikhda dadka Puntlan ay ku leeyihiin Soomaaliya iyo sida ay u dowlad jecel
yihiin, gebegabadiina waxa uu yiri waa in aanu iska ilaalinaa in aysan mardanbe
dhicin isku dhac qabiil.
Waxa sidoo kale ka hadley xaflada Hooyo Sahra
Axmed oo amaan u soo jeedisay dumarka iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane,
Maxamed Abdi Xaashi oo tiri ku soo dhawoow Minnesota.
Kaliye ma aheyn qudbaduhu intaas ee waxa sidoo kale hadalo muhiim ah ka soo
jeedisey madasha Xaliimo Faarax Cade, oo ku boorisey dumarka Puntland in ay kor
dhiyaan dadaalkooda oo ay wax weyn ka qabtaan wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba.
“Waxa aan rabaa in aan tacsi u diro qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii ku
dhintey dagaalkii dhawaan ka dhacay Cagaaran, Allana waxa aan ka baryayaa in
Alle janadii ka waaraabiyo dadkii ay ka tageena samir iyo iimaan ka siiyo,
AAMIIN”.
Waxa si weyn loogu soo dhaweeyey madashii hadalka Xaawo Ayeeyo oo ku caan ah
Buraanburka marwalabana lagu casuumo xafladaha waaweyn ee gobolaka Minnesota iyo
meelo ka baxsanba, ereyadeediina waxa ka mid ahaa sida tan: waxa aan rabaa in
aan caawa halkan idin kula wadaago Buraanbur ku saabsan heshiiskan ka dhacay
Buurtinle.
Bilowgii Buraanburkii
Badweyntii reer Puntlaney bishaaro dhaha,
Baraaraan maanta gaarnee bishaaro dhaha, sharkii waanaga baxaye bishaaro dhaha,
waakaa xaasidkii burburaye bishaaro dhaha, waaka cadowgii bashiishtee bishaaro
dhaha, waaka calankii babanaayee bisdhaaro dhaha, waata barqada isku aragtaye
bishaaro dhaha, waata beerka isku xaarataye bishaaro dhaha, waata dumarkii
bogaashaye bishaaro dhaha, waatan dhalintii balweysaye bishaaro dhaha,
dhulkiibaa farax bilqaayee bishaaro dhaha, dhirtii baa ubixii bixisayee bishaaro
dhaha, Puntlaaney nabada aahdayey lagu baraaar, barqada noo curatayeey rabiyow
hanaga badelin.
Suldaan boqow ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii xaflada ka soo qayb galey iyo
dhamaan gabdhihii soo abaabuley.
Suldaanka ayaa waxa kale oo u mahad celiyey dhamaan Isimada degaanka Puntland oo
xil muhiim ah iska saarey in ay Puntland ka dhigaan meel nabad ah oo ay isku soo
jiidaan dadka wada dhashey, iyagoo u dhabar adeega marxalad kasta oo la soo
darista.
Suldaan Aadan Boqow oo isagu degan gobalkan ayaaa waxa uu ku soo dhaweeyey
hadalka Madaxweynahii hore ee dowlad goboleedka Puntland Mudane Abdi Xaashe oo
isagu xaflada xirayey.
Madaxweynihii hore ee Puntland mudane Abdi Xaashi ereyadiisii waxa ka mid ahaa
sida tan:
waxa aan marka hore hambalyo u soo jeedinaya dhamaan dadkii soo abaabuley
xafladan qiimaha badan oo ay ku dheehan tahay gacaltooyo iyo iswalaaleysi,
Puntland waxa mar walba nabadeeda ka shaqeyn jirey shacabka oo iyagu ay ahaayeen
dad u bisil in ay wada noolaadaan isna garab istaagaan.
Dadka reer Puntlan ee dibada joogana waxa ay qayb weyn ka qaateen xaga
dhaqaalaha iyagoo dib u dhisey dalkii, dowlada Puntlana garab istaagey.
Dadka reer Minnesotana waxa ay leeyihiin hambalyo, waayo waxa ay ka qayb qaateen
nabada, dhaqaalaha, waxbarashada iyo siyaasada, waxana aan idin leeyahay mar
labaad hamabalyo.
Waxa aan rabaa in aan halakan ka xuso Isimada Puntland sida weyn ee ay uga qayb
qaateen in ay nabad dhexdhigaan walaalaha ku dagaalamey Cagaaran. Gebegabadii,
hadii aan kaftamo,
“waxa aad isiiseen amaan badan oo aan anigu laheyn, waxase la yiri African-ku
amaanta ma diido ee waa iska qaataa, marka anigu waa diidey, hadaadse igu
qasabteen waan idanka gudoomayaa”.
Mudane Abdi Xaashi ayaa halkaas xafladii ku soo gabagabeeyey duco lagu xirey
shirka.
Liiska Magacyada Marti-Sharafka:
Hodan Aadan,
Saciido Jaamac,
Siraad M. Ali,
Maryan Hassan

Qayibo Ciise,
Aamina Warsame,
Kiin Geele,
Warsan Yuusuf,
Haliima Dirir,
Faduma Ali,
Nuuro Maxamed Xasan,
Faaduma Cadow,
Asli Ali,
Miski Abdulle,
Ardo Xuseen,
Faaduma Xasan,
Aamina Warsame,
Xaawo Adan,
Maryan Faarax,
Xaliima Faarax,
Faaduma Xasan,
Nadiifa Warsame,
Xaawo Cigaal,
Sahra Xaaji Maxamed,
Maryan Maxamuud,
Siciido Maxamed Xasan,
Cambaro,
Proff. Dahabo Xasan Faarax,
Drs. Luul Xasan Laariya,
Kayf Abdulkadir,
Xalwo Yuusuf,
Faduma Maxamed Mire,
Fatma Naasir,
Maryan Aadan,
Indhadeeq Soomajeeste,
Xaawa Aadan (Xaawo Yaray),
Faduma Abdi,
Faduma Abdi,
Faduma Maxamed Mire,
Fatma Naasir,
Maryan Aadan,
Indhadeeq
Magacyada Raga:
Muse Hassan Yusuf,
Maxamed Abdi Qaac,
Abdikarium Axmed Johor,
Hussen Muse Ciise,
Maxamed Sadiq,
Abdullahi Ali Bare Botan,
Suldaan Aadan Boqow,
Abdirisaq Abdulqadir Catoosh,
Ibrahim Maxamed Huruuse,
Axmed Salax Maxamed,
Abdullahi Guleed,
Maxamed Qalaf,
Cumar A. Salax,
Maxamed Xaashi,
Faarax Mahdi,
Hassan Daarood,
waxa aan ka cudur daaraneynaa in aanu wada qorin ragii ka soo qayb galay shirka
magac yadooda.
Waxa qorey qoraalkan oo diyaariyey:
Abdimalik Askar
Somali Media,
aabdimalik@hotmail.com
somalimedia@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007


|