SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 May 2007.
 
.Dagaal culus oo lagu naafeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya.
.Jigjiga oo ay Tigreegu ka wadaan Olole balaadhan.
.OCHA oo ka digtay cunto la,aan ka dhacda Ogadenya
.Astaanta Calanka Soomaaliya oo la badalayo
 
======================
 
Dagaal culus oo lagu naafeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya.
 
Ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta Ogadenya ee ka hawgala bariga degmada Dannood ee gobolka Doollo ayaa difaac adag u galay ciidamada gumaysiga itoobiya maalintii jimcaha ahayd ee 11-05-07,kadib markay ciidamo cusub oo katirsan CWXO ay 07-05-07 dhoolatus ay ku muujinayeen cududdoda milatari ku sameeyeen aagaas.
 
Wararka hordhaca ah ee naga soo gaadhaya gobolka Doollo ayaa sheega in cgi ay ka warheleen dhoolatuskaas milatari ee halkaas ugu soo gabagaboobay ciidankaas cusub ee jwxo,kadibna ay kasoo baxeen ciidanka gumaysigu magaalada Wardheer,hasa yeeshee waxay silama filaan ah ula kulmeen dagaal culus iyo ciidan xoogan oo carcartiisa qaba gacan iyo gurmad culusna ka helayay cwxo qaybta Heegan,sida uu noo xaqiijiyey nin kusugnaa deegaanka ay dirirtu ka dhacday kadibna soo gaadhay magaalada Wardheer  waxaa isla goobtiiba lagaga taagroonaaday cgi halkaas oo  ilaa iyo hada lagu soo waramayo inuu maydkoodii wadhan yahay.
 
Dagaalka oo cuslaa awgii waxa kasoo baxay magaalada Wardheer ciidan gumaysi oo gurmad iyo inay badbaadiyaan wixi ka hadhay ciidankii loo soo diray,isgaadhsiintii ayaa hawada ka baxday
 waxaana adkaatay in khasaaraha baaxadaas leh  si tafaasiil ah loo ogaado,waxaadna dagaalkan iyo akhbaartiisa oo faahfaahsan ku maqli doontaan idaacadahayaga soo socda.
 
Jigjiga oo ay Tigreegu ka wadaan Olole balaadhan.
 
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in dhamaan booliiskii kililka ee joogay dhamaan gobolada lagu xareeyay xerada tababarka malitariga ee Huurso,kuwaas oo loogu talo galay in ay noqdaan kuwo si mulatari ula dagaalama JWXO.
Magaalada Jigjjiga ayaa intii ka dambaysay dhacdadii Cobolle waxay Tigreegu ka wadaan dhaqdhaqaaqyo xoogan,waxaana magaalada la keenay 90 askari oo Tigree sooc ah oo uu xukumo nin lagu magacaabo Nuguse.
Ciidankan tirade yar ee Tigreega sooca ah waxaa la sheegayaa in ay yihiin kuwii gumaadka ka gaystay magaalada Addisababa doorashadii sanadkii 2005, ee ay ku dileen 200 oo ruux
Shaqaalihii iyo maamul kusheegii kililka ayaa waxaa aad ugu habsaday maalmhan walbahaar iyo walaac ay ka qabaan Tigreega oo horay ugu amray in dhamaan shaqaalaha kililku ay tagaan goboladii ay ka yimaadeen.
 
Maamulka Malase ayaa markasta oo ciidnkiisa uu soo gaadho jab xooglihi waxa uu usameeyaa waji kale oo aan wax badan kaduwanayn kii fashilmay,baarlamaanka Itoobiya ayaa waxay ansixiyeen in la qaado talaabo adag oo lagu tirtirayo jwxo,taasoo dadka sida dhabta ah ula socda xaaladda itoobiya ay ku macnaynayaan in maanta ayna Itoobiya uhaynin ciidan qaada olole baalaadhan oo gudaha Ogaadeenya ah, iyadoo ciidamadeedii ay ku basanbaasan yihiin Soomaaliya isla markaana uu ciidan badani rigli kuyahay xadka lagu muransan yahay ee Eratayiya.
 
OCHA oo ka digtay cunto la,aan ka dhacda Ogadenya
 
Hay,adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bini,adanimada ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano OCHA ayaa ka digtay cunto la,aan ka dhacda Ogadenya.
 
Warbixin dheer oo ay hay,addu soo saartay ayay ku sheegtay in hadii gargaar cunto oo dagdag aan lala soo gaadhin gobolka ay ka dhici karto xaalad nololeed oo aad u qalafsan.
 
Waxabixinta hay,addu waxay carrabka ku dhufatay in ugu yaraan  758,249 qof ay soo foodsaartay xaalad nololeed oo adag,dadkaas oo kukala nool gobalada: Jigjiga, Shiniile Fiiq,Dhagaxbuur,Wardheer,Qoraxay,Godey, Afdheer,iyo gobolka Liibaan.
 
Hay,adu waxaa kaloo ay codsatay in gargaar dagdag ah lalasoo gaadho meelo kamid ah gobolka Oromada.
 
Astaanta Calanka Soomaaliya oo la badalayo.

(Fri.4.May.2007) MUQDISHO(djn) Sida aan kasoo xiganay wargayska ama shabakada wararka ee Djaboutination Waxaa maalmahan ka socday Xarunta Madaxtooyada ee Caasimada soomaaliya, shirar goos-goos ah oo albaabada loo xidhay. shirarkaa ayaa waxa ku kulmay madaxda sarsare ee dawlada oo uu hogaaminaayo madaxweynaha Dawlada Federaalka ah Abdulahi Yusuf Axmed iyo madax kale oo dawlada ka tirsan iyo waliba Madax sare oo ka socda Goblolka Ismaamulka Puntland. dhinaca Itoobiya waxa ka qayb qaadatay Saraakiil sare iyo nin lagu wado inuu noqdo safiirka Itoobiya u fadhiyi doona Muqdisho oo magaciisa la yidhaa Tesfai Gedu.

Qodobada ugu waaweyn ee shirarkan lagaga hadlayay ayaa waxa ka mid ahaa sidii ASTAANTA CALANKA SOOMAALIYA loo badali lahaa isla markaana looga dhex saari lahaa xidigta shanta geesleh ee dhexda kaga taala , iyadoo lagu badalayo astaan kale oo ka turjumaysa wax soo saar iyo horumarka badaha iyo beeraha . Badalaada Astaanta Calanka soomaaliyeed ayaa in mudo ahba madaxda soomaalidu ka gaabsanayeen isla markaana sugayeen wakhti munaasib ku ah fulinta mashruucaan.


Warkan oo wargaysku  ka helay ilo lagu kalsoonyahay oo la shaqeeya wasiirka Arimaha Dibada Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa waxa si weyn ugu ololeynaysa dawlada Itoobiya oo ay weheliyaan Masuuliyiin Kenyan ahi. ujeedada labadan wadani u rabaan baabi`inta astaanta calanka soomaaliya ayaa waxay tahay inay tirtiraan Astaanta maadaama ay ka turjumayso gobolada soomaaliyeed ee shanta ah oo laba ka mid ahi ay ku kala maqan yihin Kenya iyo Itoobiya. Waa Ogaden  iyo NFD.

Wararku waxay intaa ku darayaan in mudo laga fikirayey tartana loo galay astaanta bedelaysa nashqadeedii hadana lasoo gabagabeeyey astaanta rasmiga ah ee dhexda lagaga sawiri doono calanka soomaaliyeed oo isagu haysan doona midabkii lagu yiqiin balse xidigta laga dhex saari doono laguna badali doono astaantaas ka turjuymaysa houmarka Badaha iyo Beeraha Soomaaliyeed.

Fulinta qorshan bedelida astaanta calanka ayaa waxay ku soo beegantay Xili lagu jiro nidaam ku so celinta magaalada Muqdisho iyadoo ay dawladu gabi ahaanba hadda gacanta ku hayso Maamulka Magaalada dagaaladii socdayna ay soo gabogaboobeen.
 

 
15 May 2007
C/nuur Sh. Maxamed
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmahaa Talaadada & Sabtida  7:00PM -7:30  waqtiga Afrikada Bari
 
Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2007

 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com