Munaasabadda 15-ka May, Maalinta
Dhalinyarada Soomaaliyeed
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Liya.
Nolosha Aadanaha waxaa ku
dheehan maalmo Farxadeed oo si weyn uga duwan maalmaha kalee caadiga
ah ee soo marta Aadanaha, Shacab kastana wuxuu leeyahay Munaasabado
waaweyn iyo Fantasyo baaxad-weyn oo si gaara xiiso u leh, Qabanqaabo
ballaaranna loo sameeyo, si rasmi ahna looga wada qayb qaato, guud
ahaan Bulshada Shacabkaas: Yar & Weyn, Rag & Dumar, Masuul &
Gayrkiis.
Munaasabadahaas waaweyn oo kala
jaad ah kalana duwan siyaabo kala nooc ahna ku yimid, marka la soo
gaabshana noqonaya laba qaybood oo kala ah: Munaasabad Diimeed ku
sal leh Diin sida: Iidda Soon-fur, Iidda Arrafo, Soonka Xajka iyo
Iidaha Kirismiska (Charismas) iyo Yahuudda (Jewish) IWM,
Munaasabadda kale waa Munaasabad Qarameed ka soo maaxatay halganka
Umadaha iyo dadaalka ay u galaan Nolosha sida: 26-ka Juun(June) 1-da
Luulyo(July), 15-ka May IWM.
Arartan ka dib aan u guda galno
ujeedka qoraalkan oon kaga hadlayno Munaasabadda 15-ka May ee ah
Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, maalintaan waa maalinta ay
dhalinyarada Soomaaliyeed u midoobeenm isuna bahaysteen
iska-caabinta, la dagaalanka hagar daamooyinka Gumaystaha iyo
hor-istaagga shirqoolada Shisheeyaha ku soo duulay Dadweynaha iyo
Dalweynaha Soomaaliyeed.
Maalintaa waa maalinta ay
dhalinta iyo da’yarta Soomaaliyeed isu kaashadeen ka xoraynta umadda
Suun caddaha ku dul habsaday in ka badan nus qarni, iyagoo sidaa uga
gudbay kala qoqobnaantii iyo nin tooxsigii uu dhex dhigay Gumaystuhu
siduu u meel mariyo una hir galiyo mabda’a ah: {Qaybi oo Xukun},
balse taa waxaa u babac dhigay dhalinyaro aanay ka leexinayn meel
marinta ujeedada ku salaysan u halgamidda madax-bannaanida
Soomaaliweyn; wax yaabaha ay ka midka yihiin : Qabyaaladda,
Beelaysiga, waxaana hubaal ah inay dhalinyaradaa guteen waajibkoodii
kana soo bexeen xilkoodii kaga aadanaa: Dalka iyo Dadka, ugana soo
dhalaaleen si ay ku dheehan tahay: Wadaniyad iyo Hufnaan aan iin iyo
ceeb lahayn, laguna xusuusan doono wanaagoodii iyo wax qabadkoodii
aan mugdiga ku jirin caadna saarnayn!.
Balse marka aan eegno maanta
heerka uu marayo Dalkau waxaad ogaan kartaa dida looga fogaaday
dhabbihii ay faleen mareenna dhalinyaradaasi, dhanka kale marka aad
maanta si qato dheer u fiiriso hab dhaqanka dhalinyarada maanta
waxaa kuu soo baxaya inay ku dheceen dabinkuu u dhigay Shisheeyuhu
una maleegay lana rabay Dalka iyo Dadka, dabinkaas oo aysan
dhalinyaradii hore ku dhicin ugana soo gudbeen si xil kasnimo leh.
Dhilinyarada maanta waxay si
toos ah uga qayb qaateen burburinta baahsan ee ku habsatay Dalka
rididdii kaligi-taliyaha ka gadaal, waxayna sidoo kale qayb ka
yihiin xasilooni darrada ka aloosan guud ahaan Dalka, markaadse is
barbar dhigto dhalinyaradii soo howsay xoriiyadda maanta aan hoos
harsanayno iyo kuwa maanta ka faa’iidaysan la’ xorriyaddaas, waxaad
ogaanaysaa farqiga u dhexeeya labadaa jiil, in kastoo dhalinyarada
maanta ka duruufo fiican yihiin kana fursado badan yihiin
dhalinyaradii xorriyadda dhilisay dhanka Wax barashada Dhaqaalaha
iyo Isgaar siinta, balse fursadahaa qaaliga ah maxaa looga
faa’iidaystay?!, maxaase looga mira dhaliyey?!, waa jawaab marag
madoonto ah oo iska cad sidaa darteed waxaan dhihi karnaa waxaa
looga faa’iidaystay dhankii xumaa iyadoo la garab maray wanaaggii
loona adeegsaday si gurracan!.
Dhaqamada xunxunee ku
caanbexeen dhalinyarada maanta waxaa ugu xun uguna darran cudurka
Qabyaaladda oo ka galay dhuuxa iyo lafaha, kuna qafilantay
maskaadooda iyo maankooda, kalana dhantaalay isku duubnidii iyo
awooddii dhalinyarada si ballaranna ugu dhex baahay dhalinyarada
dhexdooda, iyagoon moogayn dhibaatada uu leeyahay iyo qasaaraha uu
ku keeni karo Bulshada iyo Qranka oo ah midda uu maanta waddanku la
xasili la’yahay.
Marka aad qiimaynayso ood
doonayso inaad oqaato Ummad hor-u-markeed waxaad ka ogaan kartaa
dhalinyaradooda dhinacyada Waxbarashada, Shaqada, Heerka wacyigoodu
yahay, haddiise aysan dhlin yarada xoogga saarin Aqoonta una
dareerin Shaqada iyo Camalka Bulshadaas waxaa ku so food leh
hoos-u-dhac ku yimaada wax soo saarka, Waxbarashada iyo gabi ahaanba
inay joogsato hor-u-marka Ummadaas!.
Maxaa yeelay Bulshada waxay ku
hor mari kartaa Cuquusha soo koraysa iyo da’yarta Bulshada ka
tirsan, sababtoo ah maskaxda odayaasha iyo Dadka waaweyn way
duqoobaysaa wayna gaboobaysaa, taasna ay ka dhalanayso inay gabai
ahaanba istaagto waxtar caqliyeedka Dadka waaweyn ee soo hagi jiray
Bulshada waqtiyadii hore, waxana loo baahanaa markaa inay talada u
wareegto lana wareegaan dhalinyarada iyo Jiilka cusub ee Bulshada.
Haddii aan dib ugu noqonno kala
duwanaanshaha u dhexeeya dhalinyaradii shalay dhalisay gobanimada
iyo xirriyadda iyo dhalinyarada maanta ka faa’iidaysan la’
madax-bannaanidaas, dhalinyaradii hore ee usoo halgamay ka xoraynta
Dadka iyo Dalka Gumaystaha yo Cadayga qabsaday waxay ku midoobeen
ururkii SYL iyagoo aad u yaraa tiradoodana gaarayeen ilaa 13-dax
lana dhihi karo in kastooy yaraayeen haddana waxay xaqiijiyeen waxay
samayn kari waayeen Wadaadadii mutay Bandiiraddii “Jihaadka” sida:
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Dadkana ku qaldayey inuu u
dagaalamayey Diin iyo Alla dartii, midowgii dhalinyaradii
Soomaaliyeed iyo aas-aaskii Ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL
ee u dhaqdhaqaaqa una ola-oleeya inay Soomaaliya xorriyad hesho,
waxay adeegsadeen habab nabadeed sida: Dibad-baxyada, wacyi-galinta,
iyo u caddaynta qorshayaasha dahsoon ee gumaystuhu ku doonayo inuu
ku sii haysto maamulka Dalka, iyagoo ka dheeraanaya hababka ay ku
fashilmeen Wadaadadii horayna loo soo tijaabiyey wax guul ahna lagu
gaari waayey laguna soo hoyn waayey ee ah sida: Dagaal, Hardan. Iyo
iska-hor-imaad!.
Dhalinyaradaa oo aas-aasay
sanadkii 1943-dii Naadiga Dhalinyarada Soomaaliyeed( Somali Youth
Club) oo ay ku bohoobeen 13-ban dhalinyaro Soomaaliyeed oo kala ah:
- 1-Xaaji Maxamed Xuseen.
- 2-Khaliif Hudda Macalin.
- 3-Daahir Xaaji Cismaan.
- 4-Dheere Xaaji Dheere.
- 5-C/Qaadir Sakhaawa Diin.
- 6-Cismaan Geeddi Raage.
- 7-Cali Xasan Maslax.
- 8-Maxamed Xersi Nuur.
- 9-Maxamed Cabdulle Xasan.
- 10-Maxamed Cali Nuur.
- 11-Maxamed Cismaan.
- 12-Maxamed Faarax Hilowle.
- 13-Yaasiin Xaaji Cismaan.

Naadiga Dhlinyarada Soomaaliyeed
wuxuu u xuub siibtay Xisbi Siyaasadeed 1947-dii magaciisiina noqday
Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ( Somali Youth League) wuxuuna
kasbaday taageerada Shacabka ayna ku soo biireen badi dhalinyaradii
kale, iyagoo ka maqsuuday hal-ku-dhagga Ururuka ee ah: {Qabiil Qaran
laguma gaaro!}, dhalinyaradaa oo baal dahab ka galay taariikhda,
balse waxaa ayaan darro ah inaysan jirin cid sidaa u taqaam ama xog
fiican ka haysa, taasna waxaa ka dhashay inaanba la qiimayn maalinta
15-ka May ee ah Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed
Dhanka kale markaad eegto
dhalinyarada maanta waxaad arkaysaa sida weyn ee ay uga durgeen
hillinkii ay mareen jiilkii ka horreeyey ee u soo halgamay
madax-bannaanida iyo xorriyadda, waxayna noqdeen dhalinta maanta
kuwo la kala saftay labada luggooyo ee hor taagan hor-u-marka
Soomaaliya ee kala ah: Urur Beeleed iyo Urur Diimeed, waxaanna
filayaa inay iskba yartahay qof Soomaali ah oo ka fayoow Qabyaaladda
sidaa oo kale dhalinyaradu waxay safka hore uga jiraan dadka la il
daran cudurka Qabyaaladda iyo Dadka uu ka dhigtay gaadiid
rabbaayadoo hebad ah oo u keenaansan Qabiilka siyuu ugu fuliyo
ujeedooyinkiisa gurracan, dhalinyaradu waa xaabada ugu horraysa ee
lagu shido Dab Naareedka Qabiilka, sidaa si la mid ah waxaa
dhalinyaradii kala qoqobay Urur Diimeedyo ku baahay Dalka burburki
Dawladda ka dib, iyagoo taageero iyo Fangarayn ka helaya Dalalka
Carabta, sida Darteed ayeyba yaraatay in la helo dhalinyaro aan ku
jirin ama aan ku liis garaysnayn Urur Diimeed, xitaa midkii aan ku
jirin wuxuu ka soo qalin jabyey Dugsiyada sare ee hoos taga Urur
Diimedyadaas midkood, taasina waxay keenaysaa inay dhalinyarada ka
dhex aloosanto Is xigsi iyo Nacayb ku dhisan inauusan ku Urur ahayn
iyo wixii naga soo hara Narta ayey galayaan!.
Ugu dambayntii waxaan ku soo
gunaanadayaa kuna soo afmeerayaa qormadan heestaan Wadaniga ah oo
aan filayo inay Dad badan xusuusin doonto Bari samadkii iyo waayo
nabdeed inta kalana ay ku beeri doonto qiiro wadan hestii watan:
Soomaaliyeyey Toosoo, toosoo isku
tiirsada’e,
hadba kina Taag daranrry, Taageera
waligiineey!.
Bashiir M. Xersi.
brdiraac@hotmail.com
Tripoli-Liya.