C/fitaax Ibraahim cumar sebriye (
Shaaweeye) oo ah Wiil uu dhalay shaaweeye ayaa maanta loo caleemo saaray
jagadii uu abbihii ka dhintay ee Gobolka Banaadir
May 15, 2007
Jagada guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada
Muqdisho ee dhinacyada Ammaanka iyo Siyaadda ayaa maanta loo
caleemo-saaray Maanta C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo uu
aabbahiis ka geeriyooday.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa maanta lagu qabtay Degmada Dayniile
ee Gobolka Banaadir, waxaana xafladdaas goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha
Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
Sidoo kale xafladdaan oo ka dhacday xaruntii Orietension-ka Degmadaas
ayaa waxaa ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta gobolka dadweyne fara badan
oo ka tirsan kuwa gobolka iyo sidoo kale kuwo kale oo ka yimid
degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo soo dhaweyntana ay ka qaybgaleen
Fardo la xardhay.

Mas'uuliyiinta ka hadlay halkaas ayaa
waxaa ka mid ahaa Maxamed Dheere, Caasho Shaacuur, C/fitaax Ibraahim
Shaaweeye, Guddoomiyaha degmada Dayniile iyo xubno kale, waxaana Maxamed
Dheere uu sheegay in jagadaan C/fitaax loo caleemo saaray maanta ay
tahay tii uu ka dhintay Aabbihii, waxaana Maxamed Dheere uu dadka ka
codsaday inay taageeraan C/fitaax.
C/fitaax Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ah nin dhallinyaro ah oo
qiyaastii 25-jir ah oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu
go'aan ku gaaray inuu shacabka Soomaaliyeed weli u sii shaqeeyo oo uu
isku dayo inuu buuxiyo kaalinta aabbihii uu banneeyay ee maamulka
Gobolka Banaadir.

Xubnihii kale ee halkaas ka hadlay ayaa waxay sheegeen inay si weyn u
garab istaagayaan Maamulka Maxamed Dheere iyo weliba C/fitaax Shaaweeye,
waxayna sheegeen inay ka codsanayaan maamulka inay ka shaqeeyaan nabadda
Muqdisho iyaguna ay garab taagan yihiin maalin walba.
Maxamed cumar xabeeb ( maxamed dheere)
iyo C/fitaax shaaweeye oo booqday Isbitaalka degmada Dayniile iyo
xaaladda guud ee degmada dayniile
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa
Muqdisho Maxamed Dheere iyo ku xigeenkiisa C/fitaax ibraahim cuamr
sebriye (Shaaweeye) ayaa markii ugu horeysay waxay maanta booqasho ku
tageen Isbitaalka Degmada Dayniile oo ay ku jiraan saddex qof oo dhaawac
ah, waxaana kormeerro kala duwan ay ku soo sameeyeen qaybo ka tirsan
Isbitaalka.
Mas'uuliyiintaan ayaa waxay halkaas ku booqdeen haweeney madaxa uu ka
soo gaaray dhaawac hoobiye intii ay socdeen dagaalladii ugu dambeeyay ee
Muqdisho ka dhacay iyo sidoo kale laba wiil oo dhallinyaro ah oo
dhaawacyo ka qabay lugaha, waxaana ay u rajeyeen inuu EEBBE caafimaad
siiyo bukaannadaas.
Xaaladda Isbitaalka

Isbitaalka Dayniile oo ay dhiseen Jaaliyadaha Beesha Murusade ee ku
dhaqan dalka dibaddiisa ayaa ahaa isbitaalka ay ka muuqatay qurux aad u
badan inkastoo ay dhexdiisu ahayn shamiito, oo ciidda lagu kor soconaya,
waxayse shaqaalaha isbitaalku sheegeen in dhaawacyo fara badan la keenay
intii ay socdeen dagaaalladii ka dhacay Muqdisho.
Mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha Isbitaalka oo warbixin ka siiyay
saxafiyiin booqday maanta isbitaalka ayaa wuxuu sheegay in
22-kalkaaliyeyaal iyo 4-dhaqtar ah ay xilligaan ka shaqeeyaan
isbitaalka, kuwaasoo aan wax dhaqaale ah ka helin Isbitaalka
dhammaantoodna ah kuwo ku shaqeeya xaalad iskaa-wax-u-qabso ah.
"Isbitaalka wuxuu helaa dawooyin, sidoo kale waxaan ku daweynay intii uu
shubanka jiray dad badan oo isugu jira caruuur, dad waaweyn iyo
dhallinyaro, waxaana dadkaas ay heleen gacan wanaagsan iyadoo aan wax
lacago ah laga qaadayn bukaannada cudurka shubanka uu soo ritay" ayuu
yiri Axmed Cali Garruun oo ka mid ah kalkaaliyeyaasha Isbitaalka
Dayniile.
Sidoo
kale Ismaaciil Maxamed Cabdulle oo ka mid ah kalkaaliyeyaasha ka
howlgala Isbitaalka ayaa sheegya in la keenay xilliyadii ay dagaallada
ay dagaalladu socdeen 120-qof oo qabay dhaawacyo kala duwan, waxaana uu
carrabka ku adkeeyay in dhaawacyadaas lagu daweeyay muddo 8-casho illaa
16-casho, taasna ay keentay sida ay dhaqaatiirta iyo kaaliyeyaasha
Isbitaalka ugu heelan yihiin inay wax u qabtaan shacabkood caafimaad
ahaanta u imaanaya Isbitaalka.
Haweeney lagu magacaabo Faadumo Shire Maxamed oo qiyaastii 55-jir ahayd
oo madaxa uu ka soo gaaray dhaawac hoobiye ayaa ku jirtay isbitaalka,
waxaana kalkaaliyeyaashu ay inoo sheegeen inay sugayso qalliin madaxa
looga sameeyo, kaddib marka ay soo gaaraan Isbitaalka Dayniile
dhaqaatiir Masaari ah oo lagu wado inay howlo qalliimo ah oo kala duwan
ay ka fuliyaan Isbitaalka Dayniile.
Bukaannada sugya in lagu qalo Isbitaalka Dayniile ayaa waxaa ka mid ah
wiil 18jir ah dhaawacna ka qaba cagta lugta midig oo lagu magacaabo
Saciid Careys Cabdulle, wuxuuna siciid sheegay in luga ay god ugu
dhacday, dabadeedna uu soo gaaray jabka.
Hay'adaha Isbitaalka ka kaalmeeya dhanka Dawada ayaa waxay ku sheegeen
kalkaaliyeyaasha isbitaalka qaarkood inay kala yihiin: Hay'ada Bisha Cas
Imaaraad, Hay'adda WHO ee caafimaadka Adduunka iyo Hay'adda UNICEF ee
caruurta, waxaana ay sheegeen in dawo ku filan uu Isbitaalku haysto.
Faadumo
Maxamed Cabdulle oo ahayd kalkaalisada ugu da'da weyn kalkaalisooyinka
Isbitaalka ka shaqeeya oo dhankeed ka warbixisay Isbitaalka iyo
howlihiisa ayaa waxay sheegtay in Isbitaalka uu u baahan yahay waxyaabo
badan oo laga doonayo inay gacan ka geystaan marka Jaaliyadihii beesha
Murusade ee dhisay Isbitaalka, waxaana ay sheegtay in Isbitaalka uu u
baahan yahay baabuur.
"Isbitaalka wuxuu u baahan yahay baabuur kala duwan, sida gawaarida
Shaqaalaha qaada oo uusan isbitaalku xilligaan lahay, waayo Shaqaalaha
Isbitaalka ma haystaan gawaari geysa magaalada, maadaama isbitaalka uu
ku yaallo meel aad ugu baxsan Magaalada Muqdsiho, sidoo kale waxaanu
isbitaalka haysan baabuurta Ampulance-ga ah oo dhaawacyada iyo dadka
kale ee jirrooyinka qaba loo baahan yahay in lagu soo qaado, maadaama
isbitaalka aan lug lagu soo gaari karin" ayay tiri Faadumo Maxamed
Cabdulle.
Faadumo ayaa waxay carrabka ku adkeysay in Isbitaalka uu u baahan yahay
in gudihiisa wax laga qabto, waxayna sheegtay in isbitaalka uusan ahayn
marka gudaha loo soo galo Shamiito, sidaa daraadeedna ay shaqaalaha
isbitaalku gacmahooda ku qaadeen qofka dhaawaca ah, iyagoo geeya saalada
iyo sidoo kale raajada, taasina ay dhib ku tahay shaqaalaha.
"Waxaan
ka codsanaynaa Jaaliyaddiis Isbitaalka dhistay iyo ciddii kale ee gacan
ka geysan karta in Isbitaalka dhismihiisa ay dhameystiraan, taasoo aan
ka codsanayno wax badan jaaliyadda" ayay tiri Faadumo oo sheegtay in
isbitaalka oo dhismihiisa la dhameystiro ay wax badan ka badalayso sida
uu haatan u shaqeeyo.
Isbitaalka ayaa waxaa lagu wadaa in bishan 20-keeda ay ka billowdaan
howlo indho-fiiqid ah, waxaana howshaan indho-fiiqidda ah ka fulinaya
dhaqaatiir Masaari ah oo howlo caafimaad oo tabarucaad ah ka fulinaya
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Kalkaaliyeyaasha Isbitaalka Dayniile ayaa waxay u sheegeen
warfidiyeenkii maanta booqday isbitaalkaas in ay socdaan qoridda dadka
indhaha xanuunnada ka qaba iyagoo ugu baaqay in shacabka Soomliyeed ee
ku sugan Muqdisho iyo gobollada kale ee ku dhow-dhow ay ka
faa'iideystaan howshaan indho-fiiqidda oo lacag la'aanta ah.
Madaxweynaha dowlada fadaraalka KMG
Somaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa ka ogolaaday qaramada midobey
baaritano lagu sameeyo haddii ay jiraan xadgudubyo loogu geystey
shacabka somaliyeed dagaaladii ka dhacay magaalada muqdisho Sida uu
sheegay dibla maasi sare oo ka tirsan xafiiska qaramada midoobey ,
Wararka laga helayo xafiiska qaramada midoobey ayaa waxaa shaca ka
qaadayaan in jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay baaritano ku
sameyndoonto hadii ay jiraan meel ka dhacyo lagu dhaqmay in tii ay
muqdisho ka socdeen dagaaladi lagu hoobtey ee ka dhacay dabayaaqadii
bishii febrayo oo ay boqolaal ruux ay naftoodii ku waayeen
Isku duwaha gargaarka bini aadanimada
deg deg ah ee qaramada midoobey Mr. John helmoth ayaa waxaa uu si asmi
ah shaaca uga qaaday in madxweyne Cabdulahi Yuusuf Axmed uu ogolaaday
baritaanka qaramada midobey ay ku sameyneyso tacadiyo hadii la geystey
intii ay socdeen dagaaladii cuslaa ee muqdisho ku dhex maray ciidamada
dowlada fadaraalka KMG somaliya iyo kuwa Ethiopia oo garab siinaya iyo
kooxo ka so horjeeday oo kacdoon ka waday muqdisho ,
Dagaaladaas ayaa la sheegay in ay ku nafwaayeen kumanaan Somali ah halka
dhaacaune uu yahay tiro intaa ka badan isla mrkaan ay ku bara kaceen
inta badan dadki muqdisho deganaa
john holmoth “waxaan soo hadal qaday wararka sheegaya in tacadiyo
waaweyn oo xaga xuquuqda aadanaha ah qilaafsana shuruucda caalamiga ah
la geystey waayo dad rayid ah ayaa la deegsay oo siyaabo kala duwan lo
bartilmaameedsaday “ayuu yiri john holmoth maruu shirjaraid ku qabtey
Nairobi mr john holmoth oo sababo xaga amniga ah u so gaabiyey booshaqo
sabtidii u ku yimid somaliya ayaa sidoo kale sheegay waxaan sidoo kale
aan ka hadlay wararka sheegaya dad la xirxiray oo ilaa iyo hada la
la,yahay dowlada somaliya ayaa beenisay in wax mas.uuliyad ah ay ku
leedaya armahaasi balse madaxweyne Cabdulaahu Yuusuf Axmed wuxuu
ogolaaday aragtida ah in somaliya ay so booqato gudoonka sare ee hay.ada
xuquuqda aadana u dodo luwis arbol si ay u eegto baritnada ah in loo
helo fikir sax ah oo ku aadan wixii ka dhacay somaliya ayuu hadalkiisa
sii raaciyey john holmoth oo ah isku duwaha gargaarka bini adan nimada
deg deg ah ee qaramada midoobey
sida iska cad dhibaatooyin waaweyn ayaa dhacay inti ay socdeen
dagaaladii muqdisho ka dhacay waxaana ka mid ahaa tacadiyio loo geystey
dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayuu yiri john holmoth isaga oo ula
jeeday laba iska hor imaad oo dhacay bilihii majo iyo abrile iyada o
dagaaladasine ay so afjarmeen 26 kii abrile markii xukuumada fadaraalka
KMG somaliya ay ku dhawaaqday in dagaalkii uu soo afgarmay gebi ahaanba
lagana adkaaday kooxhii dagaalamayey ,
john holmoth ayaa sidoo kale sheegay in qaramada midoobey ay wax ka
qabaneyso dhibaatada baahada weyn ee ka sii daraysa ee dadka gaaraya
400.0000 ee la barakicyey intii ay socdeen dagaaladii muqdisho ka
dhacayey isku duwaha gargaarka bini aadanimada ee deg deg ah john
holmoth wuxuu shaaca a qaaday n tyiro u dhaxeyso %35 boqolkiiba iyo %40
boqlkiba hada ay heli doonaan gargaarka waxaana jira caqabado isugu jira
xaga amniga iyo xaga farsadmada uu gargaarku la socon la.yahay ,
john holmoth shir saxafadeedkiisa ayaa waxaa uu ku shaagay kulan waqti
kooban qaatey sabtidii uu la yeeshay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed
wuxuuna ku booriyey in la qaado isbaarooyinka yaalka guud ahaa daafaha
magaalada muqdisho si loo saamaxo in gargarku dhibyari uu ugu gudbo
cidii u baahneyd ,
ugu danbeyntii ayaa Isku duwaha gargaarka bini aadanimada deg deg ah ee
qaramada midoobey Mr. John helmoth waxaa uu sheegay in aan isaga lala
damacsaneyn qarixii maalinti sabtida eheyd gilgilay wadadii uu ku socday
ee ka dahcay isgoyska No 4 ee magaalada muqdisho laakiinse wuxuu sheegay
in qaraxaasi uu diray fariin ah in xamar xaaldiisu weli yahay mid aah
isku toosneyn ,ma malaynaayo in aad oron kartaan xamar waa magaalo soo
kabanayso haqiiqdii rajada waa mid madluunsan ayuu ku yiri suxufiyiinta
hortooda Isku duwaha gargaarka bini aadanimada deg deg ah ee qaramada
midoobey Mr. John helmoth mar kuu kula hadlayey magaalada Nairobi ee
dalka Kenya ,
ogolaashiyaha madaxweyne Cabdulaahi Ytuusuf Axmed oo ah in qarmada
midoobey baritaano ay ka sameyso dagaaladii magaalada muqdish ka dhacay
ayaa ku so beegmeyso xili madxweynuhu shalay ka duulay agaalada muqdisho
isaga oo u sii jeeday wadanka yugandha
Gaashaan buurta midowga yurub ayaa
dalbaday in la soo afjaro dirita ka socoto dalka somaliya isla arkaan
balan qaaday in ay bixinayaan gargaar biniaadannimo oo ay ugu tala
galeen shacabka somaliyeed ee dhibatooyinku la soo darseen
Golaha wasiirada ee wadama midowga yurub oo shir isugu yimid magaalada
Brussels ee dalka Belgium ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sida laga
yelayo arinta somaliya iyo sida ugu sahlan ee xal loogu heli karo
mushkilada ka aloosan gudaha dalka somaliya waxeyna kulan kooda ka dib
ku tartarsiiyeen deeqbiyayaasha calamka oo dhan in ay kordhiyan
gargaarka bini aadanimo iyo howsha dib u dhiska dalka somaliya ,
Balse waxaan la isla meeldhigin oo aan la sheegin inta uu la egyahay
gargaarka la siinayo dalka dagaaladu halakeeyeen ee somaliya .wasiirada
midowga yurub waxey ka dalbadeen mas.uuliyiinta somalida in ay qaadaan
caqabad kasta si uu u meel maro dhaqdhaqaaqa gargaarka lagu gaarsinayo
dalka somaliya sidoo kale wasiiradu waxaa ay isla meel dhigeen in ay
codkooda ku biiriyaa taageerada ay u hayaan howsha nabad ilaalinta ee
midowga Africa ka wadaan dalka somaliya ka dib marka ay ciidamada dalka
Ethiopia ay ka huleelan dalka somaliya waxeyna ku baaqeen in wadamada
Africa ee kale ay sidaasi oo kale ay sameeyaan ,
Dalalka xubnaha ka ah midowga yurub oo tiro ahaan gaaraya 27 dal ayaa
waxaa ay dalbadeen in dhamaan qeybaha ku lugta leh colaada somaliya in
ay muujiyaan isu tanaasulid iyo in ay adkeyaan joojimnta cadowtooyada
dalalka midowga yurub waxey canbaareeyeen dhamaan cidkasta oo xoog
isticmaasha waxeyna farata ku fiiqeen dirirta somaliya in lagu xalin
karo oo qaab siyaasadeed ,
Wasirka ka mid ah kuwa midowga yurub ayaa sheegay in mujtamaca somalida
oo dhan ay ka qeyb galaan wada xaajoogka nabada oo salbalaaran ,waxaana
ilaa hada la hayaa ciidamo ka socdo dalka ugandha oo keliye iyada o
wadamada kale sida koofur Africa ,tanzaniya, Burundi iyo wadamo kale
anay weli keenin cidamadii ay ku yabooheen in ay geeyaan gudaha dalka
somaliya waxayna sababa uga dhigeen arimo dhaqaale ,
Wadaada midowga yurub wuxuu qoondeeyey
15.ooo.ooo in uu ku hormariyo qeybta koowad dalka somaliya oo loogu tala
galay arimha ay ka mid ka yihiin sida dib u dhiska iyo dib u
heshiisiinta midnimo qaran oo loo dhan yahay laguna qabto dalka
gudihiisa laakiin taasi waxey midowga yurub sharuud uga dhigeen in la
furo wadahada siyasadeed oo ay yeeshaan dhamaan qeybaha isku haaya
talada dalka
Waxaa iyana jirta dhaqaale kale oo loogu talagalay in lagu hormariyo
howsha nabad ilaalinta ee midowga Africa
Midowga yurub ayaa wuxuu walaac xoogan ka muujiyey in aanay ciidamada
midowga Africa aanay awood buuxda u helaynin in ay taageeraan ama ay
ciidamo u diraan howlo kale oo nabad ilaalineed oo la mid ah midka hada
y ka hayaan dalka suudaan ee daafuur .qaramada midoobey ayaa horey waxey
digniin uga soo saartey masibo bini aadan nimo oo ku soo fool leh
somaliya waxeyna cadaysay in dadaalkii samafalka ay hakiyeen rabshado
dhacay ,
Ilaa sadax boqol sagaashan iyo shaun oo ruux ayaa ku barakacay magaalada
muqdisho dagaaladii dhacay horaantii bishii febrayo ee kal hore iyada o
ay dhaceen dagaaladii ugu foosha xumaa mudo 16 sanno ah oo ka dhaca
somaliya guud ahaanba ,
Somaliya ayaa dowlada la .aan aheyd ilaa sanandkii 1991 kii markaas o
hogaamiye kooxeedyadii dagaalka ay taladii kala wareegeen rajiimkii
siyad bare intaa waxii ka danbeeyey wadanku wuxuu lugaha la galay fowdo
,qalaanqal siyasadeed iyo dagaalo sokeeye oo diig badani uu ku datay
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
May 16, 2007