Aqoonyahan mise
In-dheer-garad
Cismaan Nuur Ducaale
Liverpool,u.k
"Addunyada nin noolow maxaa
Aragti kuu laaban"
Halka aynnu ku nool nahay waa adduunka
ee maaha aakhiro. Waxa dhigan ama qoran in adduunka dhaqankiisu is
dhalan-rog badan yahay oo aanu lahayn meel loogu soo hagaago. Waa
sida hadhka (hooska) marna bari kaa qabanaya marna galbeed. Nolosha
adduunku waxay ku dhisaalantahay damac jaadad(noocyo) badan oo noqon
kara mid nolol eryasho ah iyo mid xukun doon ah. Markii jannada
Aadan iyo Xaawa laga soo saaray baa hawshani iyaga iyo
tafiirtoodiiba u billaabantay. Qaabiil buu ahaa kii
ugu hoorreeyey ee dhiig ku daadiya carro edeg( dunida) dusheeda.
Bal garoo naftuu jaray(diley) waxay ahayd tii walaalkii
Haabiil. Waxa keliya ee uu ku diley waxay ahayd " Siduu u
helaa wax aanan anigu helin." Markay taasi dhacday waxa galay damac
kale oo aqoon raadis ah si uu u basriyo maydka walaalkii. Isagoo
yaabban ayaa Ilaahay u suurta geliyey inuu tuso laba tuke oo is
diley oo kii wax diley kii kale intuu god faadh-faadhay raqdii
tukaha kale ku aasay. Qaabiilna halkaas ayuu kaga dayday tukihii iyo
farsamadiisii.
Waayaha iyo baahida ayaa noolaha taba
bara damacuna noloshuu ka dhex ulkamaa. Noloshu waxay ku barayso
waxa ugu weyn is difaaca (is jirka ). Gaajadaad iska difaacaysaa,
dhaxantaad iska difaacaysaa,xanuunkaad iska difaacaysaa cadow dad
iyo dugaagba lehna waad iska difaacaysaa. Inkasta oo ay taasi jirto
haddana dadku wuu ka duwan yahay duurjoogta ama xayawaanka oo si
kasmo iyo garsho dheerada leh ayuu u maareeyaa arrimaha murga. Dadku
wuxu leeyahay xadhka xidha iyo xeerin uu xeeriyo waxyaabo fara
badan. Haddii baahiyi bini aadamka qabsato iskuma loolo oo markiiba
waxwalba ma quutee wuu ka dhowrsadaa oo waata soomaaliduba ku
maah-maahda " Waad baahantahay, looma bahalo cuno."
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri'weyn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxuu soofka xoolaaba
Kaga soocan yahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yey waayin
Hana falin sidaad doo
( Sirta
nolosha. Maxamed Ibraahin Warsame - Hadraawi)
Af nooli hadal ma daayo e, maantana
uurkaygaa hayn kari waayey qormadan halaanhalka iyo hawaala-warranka
intaba la hadaafeysa. Waxay la hadlaysaa bulsho jiifka ku
siiganaeysa( besteed ah) oo ah isuma ciirsato, isma caawiso haddana
cadow qudha wada leh. Waa ummad garan-gar wada deggan oo is mudan
haddana samihii laga sumeeyey xumihiina loo subageeyey. Gelin way
is garab taallaa gelinna way kala guuraysaa. Gelin way
is waraabinaysaa gelinna way is gawdhinaysaa. Waa ummad
in-dheer-garadkii laga dabray oo mid aqoonyahan la baxay loo
cambariyey oo guradiisa saaran. Labada eray ee "Aqoonyahan
iyo In-dheer garad " ayay qormadaydani maanta daarran tahay
waxaanan jeclaan lahaa akhristow inaad dhug iyo fiiro u yeelatid.
Qofka bani aadmiga ahi wuxu sidiisaba
la dhashaa ha yaaraato ama ha badnaatee garasho ama waxa
af-soomaaliga loo yaqaan " dhugmo ama dhug" oo afka
ingiriisidana loo yaqaan " intelligence." ama "intellect."
Dhalashada ka dib qofku wuxu la kacaa kufaa nolosha ku xeeran. Qof
baa jira aad u fiira dheer oo ka fir-fircoon mid kale oo isagu meel
dhow wax ka eega. Markay haddaba joogto wax barasho, Qofka
fiirada dheer wax barashadu fiira dheeridiisa waxba uma dhinto ee
sidii faras nadiga (shaabuugga) lagu jiidey(dhuftay) ayuu kasii
bad-badiyaa. Qofka fiirada gaaban waxay waxbarashadu u tartaa oo
keliya aqoon korodhsi iyo ogaal ku saabsan wax aanu ogeyn, hase
yeeshee garashadiisa iyo kartida qof ahaaneed waxba kama bedesho.
Cali suguulle ayaa wuxu yidhi oo laga hayaa: "
Af
qalaad aqoontu miyaa? Maahee hadba waa intuu qofba Eebbe
geshaa. Af qalaad aqoontu miyaa? Maya maya. MA OGTAHAY DIB LOOMA
ABUURO DADKEE?" Haddii aanad karti garsho iyo fiiro dheer
lahayn, haddii aanad danta guud u xilan markay kula gudboonaato,
haddii aanad go'aan qofnimo iyo garasho suubban lahayn waxbarashada
iyo aqoonta aad dhigataa waxba kaa bedeli mayso oo kii uun baad
ahaanaysaa. Waxa ayaan badan qofka dhug iyo garasho lahaa markii
hore aqoon iyo waxbarashana ku darsaday. Hadal iyo dan waxan uga
socdaa araartan iyada ah waxa nolosha isku dhaxlay maanta mid la
magac baxay aqooyahan oo ka madhan karti garasho iyo indheer-garad
ilaahay ku mannaystay fiiro iyo dhugmo u-dhalasho ah.
Qarni iyo labaatan sano ayaa laga
joogaa markii Gumeysi cadi soo hungureeyey ciidda soomaalida isagoo
ugu horreyn magaalada Ber-bera soo caga dhigtay. Odayaal aan
iskuullo iyo ilbaxnimo goonni ah lahayn ayay aqoontoodii siisay inay
sayn caddaalihii la gor-gortamaan oo ku dirqiyaan, mar haddaanay
awood iyo cudud ciidan ku caabbiyi karin ninkan cad ee soo qoor
diitey, inuu yeelo heshiis labada dhinac ah oo lagu kala qorto
SAAN xoolaad waayo may jirin warqad ama wax kale oo wax lagu qoraa.
Waxay odayaashii nimankii cad-caddaa ku yidhaahdeen halkan waxad ku
qortaa:
1- In aan nin cad ciiddayada lagu aasi
karin
2- In aan nin cadi gabadh soomaaliyeed
guursan karin
3- In aan ilmo cadi ku dhalan karin
ciid Soomaaliyeed
Waxaas oo qodobbo ahi waxay ku saab
sanaayeen wax keliya oo ah " Dhulkayga marti ku noqo laakiin haygula
wadaagin dhimasho, dhaxdin( guur) iyo dhalasho midna si aanad hadhow
iila sheegan."
Berigaasi beri buu ahaa. Wuxu
ahaa beri beentu canbaar aan go'in ku ahayd ka lagu yaqaan. Wuxu
ahaa beri runta la caleemo saari jirey ka yidhaahdana geesinnimo
lagu maamuusi jirey. Wuxu ahaa beri cadka quudheed gunnimo ahaa oo
ninkii markaa jirey cunistiisa dhimasho ka xigey. Wuxu ahaa beri
talada iyo arransiga lagu higgaadin jirey waxa soo socda idanka
ilaahayna loo cuskan jirey. Berigaas arrin keen iyo aqbal keen baa
wax lagu guddoomin jirey. Berigaas fara badnaantu qiima ma lahayn ee
tayadaa wax ku ool ahayd.
Xilliyadan danbe Soomaalidu waxay wada
noqotay tab-yaqaan(siyaasi) taasoo keentay in nin
waliba u soo ciimaamato gacan- otgaalaynta tabta(
siyaasadda) soomaalida ee laga caal waayey. In-dheer-garad
soomaaliyeed baa waxa laga weriyey maah-maahdan "Hal ilmo ku
qalloocday hadba nin gacan gashey( gacan ku dey.) Ma jecli
inaan maah-mahda halkaa u sii dhaafo balse aan ujeedadayda ka
badheedho. Xilliga aynu maanta joognaa waa xilli wixii gadh leh oo
qudha loo xulanayo madasha garta iyo gorfaynta xaajooyinka, wixii
garasho lehna aan cidiba soo hadal qaadayn oo cidla lagaga tegayo.
Tagtada dib u jeedaali oo akhri ama
soo jooge weydii dagaalkii ay Soomaaliya iyo xabashidu isku fara
saareen gugii 1964-kii. Waxa Soomaalidu berigaas lahayd ciidan yar
oo u badnaa askartii daraawiishta loo yaqaanney. Ciidanka soomaalidu
wuu ka arradnaa dhammaanba hubka waa-weyn ee imminka loo yaqaan
tiknikada sida kaarayaasha, bee-beega, bm-ka iyo gantaalaha dhowrka
tahan ( kiiloo mitir) wax ka toogta, qorigooda ugu weynina wuxu ahaa
ka gacanta lagu qaato oo ka tayo yaraa Ak-ga. Si kastaba ha ahaatee
xabashidii isu soo habar wacatay raaf bay dhaqaajin kari weydey
waxana muquuniyey ciidamadii tirada yaraa ee soomaalida ahaa. Waa
tii uu cabdillaahi Suldaan Timacadde lahaa:
"Annagoon
gantaalaha dhaca iyo haysan qori gaaban
Hashaan
gaadda weynow libaax uga gabboon waayey
Inaan
gurayo cawl uga tagaa waa hal soo gudhaye"
Taa waxa ku xigey in xamar dhexdeeda
xabashidu gashaantiyaha iyo marwooyinka intaba ku fara
xumeeyaan iyada oo rag Soomaaliyeedna ay u gees iyo gafuurayaan.
Waxa xigtey Yahaadhi tikree ah iyo Soomaali iska garab dagaallamaysa
oo dhan xabadda u wada rideysa. Waxa xigtey askari Soomaali ah oo
qaadaya dhaawac xabashiyeed isagoo indhaha ka lalinaya oo aan dan
iyo muraad ka lahayn dhallaan iyo hooyo isu ciidmi waayey. Waa
adduunyo ee waxba ha la yaabin haddaad sii noolaatana wax ka daran
baad arki doontaaye.
" Taariikh guurtayeey,
maadigaa gedmadey.Waayaha gudbow maydinkaa gurta leh. Muddo
gebo-gebooy, maadigaa gabno ah
Xilli guursadow gosha maad
lahayn. Giddi maalmahow maxaad geysateen. Galabsateen habeenadan
guurayow.
Been gurafegey, maadigaa
galbaday. Runta gaabisaay miyaad gaadhaysaa?"
Aadan
Jaamac Tarabbi( tuug Taraabbi)
Waxba yaanan dareen caal waa la
hagoogtay xusuusta ku mud-mudin. Waxba yaanan doogta ku kicin geesi
ku hungoobey hankiisii. Waxba yaanan nabarrada Soomaalinnimada beri
hore layska cuudiyey ama layska dhakhtariyey ee sii bogsanaya
caabuqunin oo damqin. Waxba yaanan SAMIR TAAG WAA
ladh iyo umal ku soo kicin. Waxba yaanan dhalanteedka la tashanin.
Waxba yaanan dhaan dabagaalle oomanka ku aroorinin. Waxba yaanan u
xilanin tayda gaar ahaaneed. Waxba yaanan riyada la heshiinin anoo
runta arka. Waxba yaanan anigoo weerar iyo rogaal ku jira oo og
inaanan rag is hurayn haddana nabadda u reer iyo raro samaynin .
Waxba yaanan sidii MAGAN indhaha ka lalin hashayda
aan raqdeeda ka dul dhacay. Waxba yaanan aqoontayda u dabrin ka
dhursugga talada saaran daruuraha dabaylaha xagaagu hadba dhan u
wadaan. Waxba yaanan anigoo garanaya aayadihii beder iyo uxud ku soo
degey haddana dadka wacdi ficil la'aaneed ku tujin. Waxba yaan wax
aanan huri doonin, yeeliddisu iyo ku dhaqaaqiisu aanu iga gelin
hummaag iyo hiimse - hiimse. Waxba yaanan ka gabar-gaalin
gel-gelinta hortayda ah waxa soo yuurura.
Waxa is weydiin mudan tolow maxaa ku
dhacay jidh damaqii kalee Soomaalida. Tolow illeen erayna waa laysu
yidhaahdaaye maxaa gabbaanadey intii kale ee aan liishaanka
gantaalaha lagu tijaabineynin. Tolow miyay baqeen? hadday baqeen ma
xabashiday ka baqeen mise wax kale? maya, xabashida kamay biqine wax
kalaa jira. Waxa jira oo dhab ah maah-maahda tidhaahda
"fufsato ma kala geeri naxdo" Dhulka miyiga(baadiyaha) ah
marka roobku raago waxa la kala boobaa dooga yar ee dhacarta ah ee
ka soo fufa dhulka. Markaa haddii qolo kale ay la'dahay meel ay fuf
ka hesho dhimashadeeda iyo geerideeda lagama naxo. Waxan uga socdaa
qayb kastoo soomaalida ahi doc yar bay gashay markaasay ku luuqaysay
" haddii aanan belaayooy, buulkayga kaa gelin,bisinkana xijaab
odhan."
Adigaa iska qubaye hoo
inaadeer .
Laba nin oo soomaaliyeed oo xigto ahaa
(tol ahaa) ayaa xurgufi beri dhex martay ka dibna waxay taasi
kelliftey in mid uu kii kale dhaawac xun oo dhinaca addinka ah u
geysto. Ninkii dhaawaca loo geystey ilaahay waxba kuma yeelin ee wuu
ka kacay (ka bogsadey) laakiin dhaawicii wuxu kaga tegey ama ku
reebay dhitis ama laangadhennimo. Guyaal badan baa ka soo wareegey
maalintii shilkaasi dhacay oo lagu kala samray layskuna gacan qaaday
ka garnaqii arrinkaas isaga ahaa. Muddo dambe ayaa ninkii dhaawaca
geystey soo martiyey inaadeerkiisii uu dhaawaca u geystey. Maxaad ku
soo hoyateen iyo nabad baannu ku soo hoyanney lays dhaafsey ka dibna
ninkii loo soo hoydey wuxu u soo godley hal wuxuuna haduub-gaalkii
oo uu xoorkii cirka marayo ula soo dhaqaaqay xaggii inaadeerkiisii
martida u ahaa. Intii uu soo sidey caanaha ayaa illeen waa nin
dhitinaya oo hadba dhinac u heetinaya e markuu tallaabo qaadaba waxa
daata in caanihii hadhuubka ka buuxay ka mid ah. Ugu dambayntii ayaa
in yar oo caano ah uu kusoo simay ninkii martida ahaa wuxuuna markuu
u dhiibayey ku yidhi " hoo inaadeer adigaa iska qubaye." Hadal iyo
dhammaantii, waxan odhan lahaa soomaalida shiishka lagu bartay "
waxba ha qawedina (saluugina) hiil yaraanta soomaalida kale idinkaa
walaalkiin laan-gadheeyey e."
Aniguna mid baan filayey
welina filayaa.
Waxa la yidhi nin dagaal yahan ahaa oo
laga fadhiyi waayey ayaa qolo ay abtirsiimada is xigeen nafta isugu
keenay ka dibna waxay ku tashadeen inay soo dilaan isaga iyo
ciidankiisaba. Iyadoo loo diyaariyey colkii weerari lahaa ninkaas
ayaa wax soo dhacay war sheegaya in ninkii colka loo diyaariyey la
diley oo uu ku baxay gacan qolo kale oo aanay isku abtirsiimo ahayn.
Abbaanduulihii colka watey ayaa marka keliya wuxu yidhi " Duullaanka
la baajin maayo ninkii hebelna waynnu u soo aaraynaa." Idanka
ilaahay la arkee inay sidaa u dhacdo.
Soomaalidaa waxay tidhaahdaa haddii
laba libaax is dilaan waxay heshiin karaan uun marka uu dhidar u
muuqdo. Tolow ma halaan-hal iyo riyo aan jirin baa mise waa ishaaro
afkayga ilaahay ku soo tuuray oo dayacan way isu hiilin doontaa.
Imminka magac iyo milgo toonna ma lahoo waa laba dhidare,
tolow goormay libaaxa (xabashiga) qabsaday wada arki oo u heshiin?
Mise anaa is daalinayee xaalkeeduba waxa weeye " Doqontu laba iyo
toban indhood bay leedahay. Mid (hal) qodaxda ayay iskaga ilaalisaa
kow iyo tobanka kalena ka cid ugu xiga ayay iskaga eegtaa." Bal
haddaba in-dheer-garad la diidye aqoonta borofasoorradu ha ka
saareen waddanka yahaadhiga xasladey ee salka dhigay gurada
muqdisho. Keentaye yaa kaa saari. "Karis xun iyana wax ku
la'. "
Wasalaamu Calaykum
Cismaan Nuur Ducaale
Liverpool,u.k
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
May 16, 2007