Musharaxii
Ugu Horeeyey Ee Isu Soo Taaga Xilka Madaxweynanimo Ee Doorashada
DGPLMusharaxii ugu horeeyey
ee isu soo taaga doorashada soo socota ee xilka madaxweynanimo ee
dowlada goboleedka punt-land oo soo bandhigay taariikh noloeedkiisii
iyo weliba wax qabakiisa dhabta ah ee uu qaban doono hadii uu ku
guulaysto xilka madaxtinimo ee soo socda ee punt-land.
Mud; axmed maxamed siciid oo ku
magac dheer (colaad) waxa uu ku dhashay magaalada kismaayo ee
gobolka jubada hoose ,waxa uu dugsiga hoose uu ku qaatay magaalada
Eyl ee gobolka nugaal waxa uuna dugsiga dhexe kaga baxay isla
magaalada Eyl ,dugsiga sarena waxa uu kaga baxay magaalada muqdisho
ee caasimada dalka soomaaliya ,isagoo ka mid ahaa macalimiinti ka
qeybgashay dagaalkii dhiiga badani ku daatay ee ee lagula
dagaalamyey xukuumadii Ethiopia ee 1977 kii waxa uu na kamid noqday
macamiliinta pp-da 1977
Mud; colaad sanadku marku uu ahaa
1979 waxa uu galay jaamacadi lafoole waxa uuna ka qalin jabiyay 1981
waxa uuna islamrkaasi galay machadkii siidam isagoo ka qaatay
shahaadada takhasuska ee ( political and Ecconomy) siyaasada iyo
dhaqaalaha isagoo xligaas ka qalin jebiyey 1984 .
Mud; axmed (colaad ) intaas kadib
waxuu ku biiray qeybaha ganacsiga soomaaliyeed islamrkaana sida
doorka weyn uga qaatay ka haqab tirka xaga ganacsiga iyo maceeshada
dhoofinta iyo soo dejinta dalka iyo weliba horu marinta ganacsiga
dalka .
Mud; colaad ayaa sidoo kale xiligii
burburka ku soo wareegay gobolada waqooyi bari ee dowlad goboleedka
puntland isagoo door weyn ka qaatay dhismaha maaulkaas iyo siyaasada
,dhaqaalaha iyo nabadaynta beelaha walaalaha ah ee maamukaasi
xiligii dagaalada sokeeye .
Musharaxa ayaa waxa kale oo uu ka
mid noqday aassaasayaashii shirkada caanka ah ee Towfiiq oo caan ka
noqotay dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, shirkada shamiitada ee
barwaaqo iyo shirkada korontada (nugal electric comapny) islamrkaana
ku booriyey ganacsatada waqooyi bari punt-land inay samaystaan
shirkado oo horumariyaan dalka iyo dadkaba isagoo ku caan baxay
caqliga saliimka ah ee loogu shir tago sida tallo bixinta wanaagsan
iyo weliba ka hortaga qasaaraha masiibooyinka dabiiciga ah .
Wax-qabadka Murashaxa
Murashaxa Mud;colad maxamed siiciid
waxa uu halkaan ku soo bandhigayaa waxaqabadka hadii loo doorto
jegada madaxtinimada puntland ,cadaalad ka hirgasha dhamaan
deegaanada puntland iyo wixii hoos yimaada ,sinaan u dhaxaysa shacab
weynaha puntland ,waxaqabad rasmi ah
joojinta khayraadka dabiiicga ah
sida sharci darada loo dhoofinaya ee dad gaar ah maamulaan kuna
tagrifalaan ,in dhaqaalaha puntland uu si is le eg loo deeq siiyo
dhamaan deeganda punt-land ,in loo abuuro dad -weynaha shaqooyin
wax-tar leh ,in nabad-gelyada la xoojiyo dhamaan gobolada punt-land
Balan-qaadka Murashaxa
Murashaxa Mud; colad maxamed siciid
waxa uu balanqaadayaa inuu xoojin doono nabad gelyda ,cadaalada
,eexasho la,aanta iyo weliba sidii qof kasta oo soomaaliya ama
ajniyaba ugu noolaan lahaa si nabad gelyo ku dhisan maamul
goboleedka pun-land ,isagoo balan qaadaya oo kale inuu xooga saari
doono sidii uu shaqaalaha kala duwan ee punt-land ay u heli
lahaayeen xaqooda xiliga mushaharka islamrkaana sheegay inuu samayn
doono inay xaqooda helaan ugu dambayn bisha 25-keeda si loo helo
shaqaalo u jajaban shqadooda islamrkaana ma dhici doonto in qof kale
qof xaquuqdiis ku tunto taasina waxay kamid tahay calaamadaha
cadaalad darada .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: May 15, 2007