Bayaan ay soo saartay Beesha Geedi
Ibraahim / Yuusuf Daarood (Awartable)
Shirar iyo kulamo uga socday
Siyaasiyiinta, odayaasha, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada
Beesha Geedi Ibraahim/ yuusuf Daarood degmada Burtinlle May 05-13,
2007 ayna uga arinsanyeen xaalada wadanku marayo guud ahaan iyo gaar
ahaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasada Beesha Yuusuf Daarood
(Awrtable). Waxaa ka soo baxay go,aanada iyo Bayaanka hoos ku
qoran:
- Ku: DFKM ee Soomaaliya
- Ku: Dawlad Goboleedka Puntland
- Og: Dhamaan Beelaha
Soomaaliyeed
- Og: Dhamaan Jaaliyadaha Beesha
Yuusuf Daarood ee dalka iyo dibadaba
Ujeeddo: Magacaabid hogaan
dhaqan iyo mid siyaasadeed
- Kadib markii ay beeshu aragtay
sida khaldan ee looga faa,iidaystay magaca beesha iyadoo laga
tagay laguna xadgudbay dhaqankii beesha loona adeesaday siyaasad
guracan oo aan ka tarjumayn rabitaanka beesha iyo danta ummada
Putnland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
- Kadib markii si aan xaq iyo
cadaalad ahayn loo boobay xubnihii beeshu ka heshay golayaasha
DFKM ah ee Somaaliya iyadoo la adeegsanayo magacayo iyo
darajooyin dhaqan oo aan loo dhamayn.
Waxay beeshu soo saartay
go,aamadaan:
- Waxay Beeshu cadaynaysaa inaan
maanta wixii ka danbeeya aysan jirin cid adeegsan karata magaca
Isim guud oo ka dhexeeya Beesha Yuusuf Daarood (Awartable)
islamarkaasna Beesha Geedi-Ibraahim laba bilood gudohood kusoo
doorandoonta Isim hadii Alle idmo.
- Sida lawada ogsoonyahay
Beelweynta Yuusuf Daarood (Awrtable) waa lix beelood oo waawayn
waxaana gudaha Soomaaliya ka deggan sadexda Beelood ee Geedi
Ibraahim, Guuleed Ibraahim iyo Muuse Ibraahim, iyadoo ay sidaa
tahay ayaa kuraastii ay beeshu ka heshay Golayaasha DFKM waxaa
si aan xaq ahayn ku qaatay Beel ka mid ah, hadaba waxay Beeshu
cadaynaysaa in kursigii Maxamed Cabdi Yuusuf ka tagay uu ku
fadhiyo xildhibaan Siciid Axmed Maxamed isagoo ku fadhiya Magaca
Beesha Geedi Ibraahim.
- Waxay beeshu cadaynaysaa inay
taageersantahay siyaasada DFKM ah kana soo horjeedo wax kasta oo
wax dhimaya danta iyo Qaranimada ummadda Soomaaliyeed.
Xubnaha bayaankan soo saaray:
- Nabadoon Ciise Maxamuud Cali
- Nabadoon Maxamed Xaaji
Maxamuud
- Nabadoon C/daahir Jaamac
Maxamed
- Nabadoon Axmed Xasan Maxamed
- Nabadoon Aadan Cumar Aadan
- Nabadoon Siciid Cismaan Cabdi
- Nabadoon Salaad Maxamed
(runtisheeg)
- Nabadoon Axmed Maxamuud Cali
- Nabadoon Axmed C/lle Cismaan
- Nabadoon C/laahi Yuusuf Muuse
(Aflahaar)
- Dr. Maxamed Axmed C/lle
- Dr. Maxamed Cumar Saalax
- Dr. Maxamuud Axmed Maxamed
- Eng. Yaxye C/lle Jawfe
- Eng. Cismaan Maxamed Maxamuud
- Eng. Maxamuud Aadan Gaws
(Sanwayne)
- Xasan Aadan Axmed
- C/casiis Xasan Maxamed
- Maxamuud Xasan Jaamac
- C/naasir Aadan Axmed
- Xasan Xaaji Maxamuud
Xoghayaha Odayaasha Beesha Geedi
Ibraahim/Yuusuf Daarood
C/kaafi Xasan Jaamac
akaafix@hotmail.com
Afeef: Magacyada qoraalka ku qoran
waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga ku saxiixan qormadan
Faafin: May 15, 2007