FSAU waxay
idin ogaysiinaysaa inay soo baxday
Warbixinta FSAU ee Hubinta Cuntada &
Nafaqada ee Bisha 4aad.
Warbixintani waxay ka koobantahay
Maqaalad Fiiro Gaar ah saaraysa xaaladda bina’aadamnimada ee dadka cusub
ee ka barkacay
colaadda
Muqdisho. Lag billaabo 27ka bisha 4aad, illaa 365,000 oo qof ama
qiyaastii 40% dadweynaha Muqdisho ayaa barkacay colaadda darteed
(UNHCR), iyadoo tiro kale oo ah 30-40% dadwynaha Muqdisho ay ku
barakacsanyihiin gudaha magaaladaas lafteeda. Badi dadka u barakacay
goobo dibedda ka ah Muqdisho waxay isugu uruureen gobollada dhexe (51%)
iyo gobollada Shabeellooyinka (39%). Goobaha qaar tirada dadka barakacay
ee ku uruuray xitaa waxay ka badanyihiin dadweynihii dhulka degganaa ee
la martiyey.
Tiro
Badnaanta iyo sida ay meelaha qaar isugu uruureen dadka cusub ee
barakacay muddo gaaban gudaheed, waxay keenaysaa inay ku yaraadaan
adeegyada aasaasiga ah ee sida hoyga, biyaha, faya-dhowr badbaado leh,
daryeel caafimaad, dawooyin iyo cuntadu gaar ahaan saboolka iyo dadka
ugu nuqul dadweynaha barakacay. 4tii toddobaad ee la soo dhaafay,
qiimaha kirada guryaha, gaadiidka, biyaha iyo cuntada iyo waxyaabaha aan
cuntada ahayn ee aasaasiga ahi si weyn ayay u kordheen 30-70%, taasoo ay
uga sii dareen dhibaatooyinka la xidhiidha yaraanta iyo lumidda dakhliga
iyo hab-nololeedyada. Xaaladdan horeba halista u ah waxa dheer dillaaca
sii socda ee cudurka Shuban Biyoodka kaasoo ugu xun isla goobaha ay
joogaan tirada badan ee dadka cusub ee barakacay.
Inkastoo
FSAU guud ahaan aanay qoonayn xaaladda dadweynaha magaalooyinka marka la
samaynayo Qooyntayda Xaaladda Hubinta Cuntada iyo Hab-nololeedka,
haddana xaaladda oo aad u xun marka la eego dhibaatooyinka soo
food-saaray dadka ugu nuqul dadweynaha cusub ee barakacay dartood, FSAU
waxa khasab ku noqotay inay tilmaan ka bixiso heerka ay gaadhsiisantay
xumaanta dhibaatada haysata dadkaasi. Kadib markii la falanqiiyey
dhammaan wararka jira, waxa la soo saaray afar natiijo oo muhiim ah oo
la tixraacayo Qoondaynta Xaaladda Hubinta Cuntada iyo Hab-nololeedka
kuwaas oo hadda lagu dhaqmayo ugu yaraan marka marka la eego
saboolka iyo
kuwa ugu nugul dadka barakacay muranna kama
jiro inay kooxdani ku jiraan xaalad ah
Gurmad Bina-aadamnimo.
Falanqaynta FSAU waxay muujinaysaa in marka la eego baaxadda dadka
barakacay iyo goobaha ay isugu uruureen waxqabadyadu waa inay noqdaan
kuwo qaybaha kala duwan abbaaraya oo ku salaysanaadaan qiimayn lagu
sameeyo baahida goobaha kala duwan.
Warbixintani waxay bixinaysaa war cusboonaysiin xaaladda ku saabsan oo
qaybaha iyo gobollada ah, waxa kale oo ay tilmaan ka bixinaysaa roobabka
hore ee Guga ee sida balaadhan uga da’ay badi dalka.
Warbixintan waxa aad ka soo wareejisan kartaa Weysaytaka FSAU markaad
gujiso xidhiidhiyahan:
http://www.fsausomali.org/fileadmin/uploads/1077.pdf
La-Taliyaha Sare ee Farsamada
Hay'adda Cuntada iyo
Beerha Adduunka
Qaybta Falanqaynta Hubinta Cuntada ee Soomaaliya (FSAU)
Tilifoonka: +254-(0)20-3745734
Cinwaanka: P.O. Box 1230; Post Code: 00621,
Village
Market, Nairobi, Kenya
Website:
http://www.fsausomali.org/fileadmin/uploads/1077.pdf