Wararkii: Axad: May 13, 2007
::Qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan
nabadsugida Dowladda federaalka ..
::Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Muqdisho uma joogaan Dowladda
Federaalka ..
::Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen Caydiid iyo Barre Hiiraale.
::Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Magaaladda Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe .
::Wadada isku xirta muqdisho iyo Baydhabo oo ay ku soo badanayaan Burcaddu
::Ururka Baarlamaanada Afrika oo Dowladda Itoobiya iyo federaalka ku eedeeyey..
::30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey maamulka gobolka banaaadir ..
::Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya oo ku baaqey in Maxkamadaha ..
::Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda
Dowladda ...
::Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey Ururka Midowga Afrika ...
Qarax ay ku dhinteen Saraakiil ka tirsan
nabadsugida Dowladda federaalka ..
Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay agagaarka km.4, waxaana qaraxaasi lala beegsaday
gaari ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Nabad sugidda dawladda federaalka.
Goobtii uu qaraxu ka dhacay waxaa ku geeryoodey afar qofood oo laba ka mid ahi
ay ahaayeen saraakiishii ciidamada, waxaana ku dhaawacmay shan kale iyadoo
goobta qaraxu uu ka dhacay isla markiiba ay soo gaareen ciidamo ka tirsan
Dawladda Federaalka iyo kuwa midowga Afrika kuwaasoo halkaa ka bilaabay
baaritaan la xiriira ciddii ka danbaysey qaraxaas, waxaana halkaas lagu qab
qabtay dhowr qofood
Sidoo kale qarax ayaa isaguna wuxuu ka dhacay is goyska sanca, waxaana
gaarigaasi lala damacsanaa gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dawladda
Federaalka, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay 4 Qofood oo la sheegay inay ahayen
dad rayid ah oo ka dhawaa goobta qaraxu ka dhacay.
Qaraxyadan ayaa la sheegay inay ku soo beegmeen xilli Magaaladan Muqdisha ay ku
sugan yihiin wufuud kala duwan oo ka kala socota qaramada midoobey iyo Midowga
Afrika kuwaasoo u yimid sidii ay u eegi lahaayeen dadkii waxyeeladu ka soo
gaartay dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
Muqdisho uma joogaan Dowladda Federaalka ..
Daahir Riyaale oo ah Madaxweynaha maamulka isku magacaabay Somaliland oo u
waramayey Taleefishinka Al-Jasiira ayaa wax laga weydiiyey arrimo fara badan oo
ka taagan geeska Afrika, dalkiisa iyo waliba Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
gudaha dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Daahir Riyaale in maamulka Soomaaliland
uusan marnaba gorgortan ka gali doonin in Soomaaliya ay dib ula midowdo, isagoo
sheegay in waqti walba ha ku qaateen ay Soomaaliland gooni isku taagi doonto.
Daahir Riyaale waxaa kaloo wax laga weydiiyey
joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho,
isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Ciidamada Itoobiya uma joogaan
Dowladda Federaalka ee waxay u joogaan dano iyaga qaas u ah, markii ay
dhameystaan danahaasna ayay dib isaga bixi doonaan”.
Daahir Riyaale waxa uu sheegay in aysan marnaba
aqbali doonin in C/llaahi Yuusuf uu yimaado Somaliland, isagoo ku tilmaamay in
uu yahay nin aan dooneyn in uu aqoonsado gooni isku taaga Soomaliland, waxaa
kaloo uu sheegay in Dowladda Itobiya looga baahan yahay in ay ka fiirsato
hadalada kicin kara bulshada ku nool Soomaaliland kaddib markii dhawaan
wasaaradda War-faafinta ee Dowladda Itoobiya sheegtay in C/llalahi Yuusuf iyo
wafdi uu hogaaminayo uu soo gaari doono maamulka la magacbaxay Somaliland.
Dhanka kale Guddoomiyaha Mucaaradka ah ee
ururka Ucid Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlayey arrintaani ayaa waxa uu yiri
“Nin ay shacabkiisu ka dacwoonayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Heeyg, suurtagal
ma ahan in uu yimaado Somaliland”. Wararka naga soo gaaraya Somaliland waxay
sheegayaan in shacabka ku nool gobaladaasi ay aad uga caroodeen wararkii
maalmahan ay qorayeen saxaafadda ee sheegayey in Madaxweynaha Soomaaliya
C/llaahi Yuusuf uu ku soo fool leeyahay wadanka la magacbaxay Somaliland,
qaarkoodna waxay sheegeenba in aysan marnaba aqbali doonin in C/llaahi Yuusuf uu
yimaado deegaankooda.
Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen Caydiid iyo
Barre Hiiraale.
Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa
wareegto uu soo saaray wuxuu xilkii kaga qaaday Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii
ahaana Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta Xuseen Maxamed Caydiid iyo
wasiirkii gaashaan dhigga ee Dawladda Federaalka Bare Aadan Shire Barre
Hiiraale.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in labadaa xubnood ay gudan waayeen xilalkoodii
sidoo kalena ay si toos ah uga soo hor jeesteen dawladda federaalka Soomaalia.
Xuseen Maxamed Caydiid ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay ayaa waxa uu ku sheegay
in gebi ahaanba ay bur burtay dawladdii lagu soo dhisay dalka Kiinya kaddib
markii ay dalka soo galisey Ciidamo Itoobiyan ah oo uu sheegay inay xasuuq u
gaysteen shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena ay ka gaabiyeen hawlihii dib u
heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa wareegtada lagu xusay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Dawladda
Ferderaalka u soo magacaabi doonto Xilalkaas laga qaaday labadaas xubnood.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey Magaaladda
Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe .
Ciidamo Itoobiyan ah oo aad u hubaysan ayaa shalay lagu arkay Magaalada Jawhar
ee gobolka Shabeelaha Dhexe taasoo lagu waramay inay wel wel weyn ka muujiyeen
dad weynaha gobolka oo garan waayay waxa ay u socdaan Ciidankaasi.
Warar aanu helney ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay halkaa u tageen sidii ay u
sugi lahaayeen ammaanka wafddi ka socda qaramada Midoobey oo la filayay in
maalinimadii shalay inay halkaa gaaraan si ay u soo eegeen xaalada ay ku sugan
yihiin dadkii ka bara kacay Magaaladan Muqdhsih.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in halkaas dib uga soo laabteen iyagoo soo
gaaray fariisimo ay ku lahaayeen duleedka Magaalada Muqdisha, dhinaca wafddi ka
socday qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray magaalada Muqdsho ayaa muddo ku
xayirnaa xarunta Hay’adda UNDP kaddib markii qarax uu ka dhacay meel aan sidaa
uga fogeyn ee agagaarka Km4.
Wafdigan oo la filayay inay la kulmaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa Dawlladda
Federaalka ayaa dib ugu laabta Garoonka Diyaaradaha Muqdisha, kaddib markii loo
cabsaday amaankood, taasoo illaa iyo iminka dawladdu aanay wax faah faahin ka
bixinin imaanshaha wafdigaas.
Wadada isku xirta muqdisho iyo Baydhabo oo
ay ku soo badanayaan Burcaddu
Wadada isku xirta muqdisha iyo baydhabo ayaa lagu waramay inay ku soo kordhayaan
falal bur cadnima ah kaddib markii wadadaas maalmihii la soo dhaafay lagu wax
yeeleyey dad rayid ah oo ku safrayay wadadaas kuwaasoo ay soo gaareen dhimasho
iyo dhaawac.
Kooxahan halkaa ka waleysanaya ayaa dadku qaar waxa ay sheegayaan in ay xiran
yihiin direeska Ciidamada, hayasa yeeshee marka ay arkaan gaadiidka ciidamada
ayay juqda u carararaan.
Gaadiidleyda ka hawl gasha wadadaas ayaa waxa ay ka codsanayaan Dawladda
Federaalka inay wax ka qabato amaan darida ku soo korartay Wadada isku xirta
Baydhaba iyo Muqdisha, sidoo kale dhowr gaari oo ay lahaayeen Ciidamada Itoobiya
ayaa iyana wadadaasi ka soo gaartay waxyeelo kaddib markii halkaa Miinooyin
loogu aasay, gawaari fara badan ayaa la sheegay inay ku xayiran yihiin Magaalada
Buur Hakaba, waxaana haatan bilaaban tay in gaadiidkaasi ay is urursadaan kuna
soo baxaan Kol;onyo iyagoo sita Noocyada Hubka fud fudud.sidoo kale Deegaano ka
tirsan Gobolka Shabeeladda hoose ayaa iyana waxaa ka jira kooxo iyana dhibaato
ku haya Bulshada ku nool Gobolkaas
Ururka Baarlamaanada Afrika oo Dowladda
Itoobiya iyo federaalka ku eedeeyey..
Ururka Baarlamaanada Afrika oo dhawaan kulan ku yeeshay dalka Koonfur Afrika
ayaa waxa uu si aad ah u dhaliilay dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u
dhexeeyey Ciidamada Dowlada Itoobiya oo gacan sinayey kuwa dowladda Federaalka
iyo kooxihii ka soo horjeeday, waxa uuna ururku sheegay in dagaalkaasi loo
adeegsaday dacaayad si Mareykanka looga helo lacag aad u fara badan.
Ururka Baarlamaanada Afrika waxa uu sheegay in
Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Federaalka ay dhibaatooyin ka gaysteen gudaha
dalka Soomaaliya, loona baahan yahay in guddi xaqiiqo raadin loo diro dalka
Soomaaliya si loo soo ogaado dhibaatadaasi. Ururku waxaa kaloo uu sheegay in
Ciidamada Itoobiya ay isticmaaleen awood aad u baaxad weyn kaddib markii qaybo
ka mid ah magaalada loo isticmaalay madaafiic aan kala go’a laheyn halkaas oo ay
waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Dacaayadda ay
dowladda Itoobiya ku gashay dagaalkaasi waxa ay ku dooneysaa in ay ku sii joogto
dalka Soomaaliya, sidoo kale Ururka Baarlamaanada Afrika waxa uu dhaliilay
ururka Midowga Afrika oo uu ku tilmaamay in uu ka gaabiyey in Soomaliya loo diro
ciidamo nabad ilaalin ah, iyadoo ilaa iyo hadda dowladihii hore u ballanqaaday
ay diideen, iyagoo oo ku marmarsiyooday arrimo dhinaca nabadgelyada ah iyo
waliba iyagoo waayey qarashkii ay ciidamadaasi ku geyn lahaayeen gudaha dalka
Soomaaliya, sidoo kale ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa ilaa hadda
helin lacagihii ay ka sugayeen ururka Midowga.
30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey maamulka
gobolka banaaadir ..
kaddib markii dhawaantan la magacaabay Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana
la soo af jaray kormeer mas’uuliyiinta Gobolku ku soo mareen 16ka Degmo ee
Gobolka Banaadir ayaa waxaa haatan la dar dar gelinayaa Hawlaha Degmooyinka
Gobolka Banaadir.
Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada G.Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagax
Tuur oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in dekeddii hore ee magaaladan
Muqdisho ay ku qaybiyeen Soddon Neef oo Geel ah oo loogu tala galay
Mas’uuliyiinta Degmooyinka, Shaqaalaha Dawlada Hoose iyo shaqaalaha Degmooyinka
ka hawl gala.
Md Dhagax Tuur ayaa intaa raaciyay in gebi ahaanba Shaqalaha Maalinta Berri ah
Shaqada laga Fasaxay, Degmooyinkoodana ay ku wada qadeyn doonaan arrintaas oo ah
mid lagu dhiiri gelinayo Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Degmooyinka, arrintan oo
ah mid ku cusub gobolkan Banaadir.
Wakiilka Qaramada Midoobey ee soomaaliya oo
ku baaqey in Maxkamadaha ..
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliya Mr Francios Fall oo dorraad soo gaaray
Magaaladan Muqdisho ayaa mar uu shir jaraa’id qabtay ayaa ku sheegay in qaramada
midoobay ay si weyn u soo dhaweyneyso shirka dib u heshiisiinta ay ku dhawaaqday
Dawladda Federaalka oo la qaban doono 14 Juun ee foodda nagu soo haysa isagoo
sheegay in shirkaasi uu yahay mid albaabada u furi doona Nabad waarta oo ka
dhacday Dalka Soomaaliya
Wakiilku waxa uu sheegay in qaramada midoobay ay soo dhaweyneyso dhamaan kooxaha
ka soo hor jeeda Dawladda Federaalka inay ka qayb galaan shirkaasi iyo waliba
Maxaakiimta Islaamiga. Wakiilku waxa uu sheegay oo kale in qaramada Midoobay ay
door muhiim ah ku yeelan doonto shirkaasi ha noqoto dhinaca dhaqaalaha iyo wixii
tashiilaad ah ee looga baahan yahay.
Guddoomiyaha guddiga dib u Heshiisiinta Qaranka Cali Mahdi Maxamed ayaa waxa uu
sheegay in la dhimi doono tirade ka qayb galaysa shirkaasi kaddib markii loo
waayay kharashaadkii loo baahnaa isagoo sheegey in tirada laga dhigi doono illaa
Laba Kun oo qof kuwaas oo ka kala imaan doona qaybaha kala duwan ee bulshada iyo
beelaha Soomaaliyeed.
Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan kooxaha
sida aadka ah uga soo horjeeda Dowladda ...
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in
kooxaha sida aadka ah uga soo horjeeda Dowldda Federaalka ay si weyn ugu
qulqulayaan dalkaasi halkaasi oo ay ka heleen soo dhaweyn aad u balaaran.
Waqti aan sidaasi u dheereyn ayaa waxaa halkaasi gaaray rag ay ka mid ahaayeen
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan Guddoomiyihii
Maxaakiimta Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isul Wasaare ku
xigeenka ahna Wasiirka Hawlaha guud ee guryeyenta Xuseen Max’ed Caydiid, iyadoo
horey sidoo kale halkaasi u joogeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo
isugu jira xildhibaano iyo wasiiro iyo waliba xubno ka tirsan Maxaakiimta
Islaamiga
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ayaa waxay halkaasi ka wadaan hawlo balaaran oo
ay la xiriira sidii is bedel deg deg ah loogu sameyn lahaa dalka Soomaaliya,
iyadoo wufuud kala duwan u kala diray daafaha adduunka si ay Bulshada Caalamka
uga dhaadhiciyaan in si dhaqsi leh loo qabto shir weyne dib u heshiisiin
Soomaaliyeed oo lagu dhiso qaran Soomaaliyeed.
Xuseen Max’ed Caydiid ayaa dhawaan waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin
wax dowlad la yiraahdo, isagoo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku tumatay
dhamaan shuruucdii ay horey u soo degsadeen, isla markaana ay ka gaabisay sidii
ay Bulshada Soomaaliyeed meel isugu keeni lahayd.
Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey Ururka
Midowga Afrika ...
Saxaafadda dalka Uganda ayaa maalmahan si aad ah u qorayey in Ciidamada Uganda
ee ku sugan dalka Soomaaliya aysan helin qarashaadkii ay uga baahnaayeen ururka
Midowga Afrika.
Ciidamadaan oo ku sugnaa Soomaaliya mudo saddex bilood ah ayaa ilaa iyo hadda la
soo gaarsiin wax mushaar ah, iyadoo lacagaha yare e haatan qaataana lagu waramay
in ay bixi dowladda Uganda.
Warar ayaa waxay sheegayaan in wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Uganda uu
dhawaan soo gaari doono Magaalada Muqdisho si uu ugu kuurgalo xaaladda ay ku
sugan Ciidamada Uganda, waxaana la sheegay in wasiirka ay booqashadiisa la
xiriirto sidii uu dhiiragelin ugu sameyn lahaa ciidamadaasi oo hawlo nabad
ilaalin ah ka wada Magaalada Muqdisho.
Dowlado fara badan oo doonayey inay ciidamo u soo diraan dalka Soomaliya ayaa
gebi ahaanba joojiyey qorshahaasi kaddib markii Dowladihii hore u ballanqaaday
qarashka ciidamadaasi iyo qalabkoodaba aan laga hayn tasiilaadkaasi, sidoo kale
Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ahna Madaxweynaha wadanka Uganda ayaa waxa uu
sheegay in ururka Midowga Afrika uu aad uga xun yahay in ciidamadii 80-kun ahayd
ee loo ballanqaaday Soomaliya aan ilaa iyo ahdda hadda la heyn ciidamadaasi,
isagoo sheegay in Soomaaliya ku sugan yihiin 1500 oo Yugaandheys ah kuwaas oo uu
sheegay in ilaa iyo hadda aysan helin waxyaabihi ay ku baahnaayeen.
Odayaasha Beelaha Hawiye oo shalay ka
Hadley xaaladda Muqdisho
Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo hor jeeday sida ay dawladda federaalku u
wajahayso arrimaha Soomaaliya ayaa Shalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdihsa
kaddib markii uu soo kala dhex galay khilaaf aad u weyn oo la xiriira dhinaca
fikirka.
Kulankan oo ay u dhamaayeen dhamaan Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxa ay uga
arrinsanayeen arrimo la xiriira xaaladda Nabadgelyo ee Muqdisha oo maalmihii ugu
danbeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo is daba joog ah.
Kulankan ayaa waxaa looga arrinsanayay sidii mowqif mideysan ay ula tegi
lahaayeen dawladda federaalka kaddib markii dhowr jeer uu baaqday kulamo ay la
yeelan lahaayeen madaxda sar sare ee Dawladda Federaalka.
Odoyaasha ayaa wax ay hore u sheegeen inay diyaar u yihiin inay kulamo la
yeeshaan mas’uuliyiinta Dawladda si looga gaaro arrimaha ka taagan Muqdisha,
waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay kulan isugu yimaadaan Odyaashaas iyo
Masu’liyiinta ugu sarreysa Daladda, sidoo kale waxaa la filayaa in kulankan ay
ka soo qayb galaan Saraashiisa Sare sare ee Itoobiyanka ah ee ku sugan
Magaaladan Muqdisho.
Axmed Diiriye waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan sidii nabad loogu soo
dabaali lahaa Magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007


|