HAAYADAHA WADANKA JOOGAA MA BASAASIIN
QARSOONBAA
Ismaaciil Ibraahim Fadan
fadan12@yahoo.com.au
Wadankeena waxa jooga haayado aad u tiro badan
oo sheegta inay yihiin samofal.Haayadahanina waxay wadankeena aad u
yimaadeen markii meesha laga tuuray taliskii xaraanta ahaa ee Siyaad Barre
uu hormoodka ka ahaa.haayadahani waxay sheegtaan inay horumarka dalka iyo
dadkaba ayka shaqeeyaan.laakiin sida lawada ogyahahay waxlataaban karo oy
dalka kaqabteen majiro.ujeedada ay marka horeba ay u yimaadeen maaha inay
wax inoo qabtaan ee waxay doonayeen in ay bartaan dhaqankeena, diinteena iyo
siyaasadeenaba.Waxayna u doonayaan barashadeena, siday u heli lahaayeen
wadadii ay inagu dhibaateyn lahaayeen.hadaba markaynu u fiirsano ereyada
ayku hadlaan ee ay kamidka yihiin,horumar, samofalid,dibudhis,
waxbarid,dayactirid,u gargaarid iyo erayo kale oo lamida, waxaa loogu talo
galey in dadka maskaxdooda lagu xado.
Hadaba sidey ogyihiin, dadka u dhega daloola
siyaasadu markii uu Mareykanku iyo xulafadii uu madaxa ka ahaa ayqabsadeen
Ciraaq, waxay isticmaalaan ereyada ay haayadaha sheegta samofalku ay ku
hadlaan waxaana kamida ereyada ay kamidka yihiin, dibuxoreynta ciraaq,
madaxbanaanida Ciraaq. Hadaba marka aad maqashid erayaadaa oo kale miyaanad
isweydiin, ayaa laga xoreeyey Ciraaq, waa kuma gumeysatahan laga
xoreeyey.Su'aasha kalena waxa weeyi horta Ciraaq miyey madaxbanaatahay mise
ciidamo shisheeye iyo kaboleef ayey gacanta ugu jirtaa.Sidoo kale, waxey
saaxafada reer galbeedku ugu yeedhaan ciidamada Itoobiyaanka ah inay horumar
weyn aykasoo hooyeen Geeska Afrika.Hadaba waxa soo shaacbaxday in markuu uu
Mareykanku uu dagaalka ku qaadaayey Afganistaan, waxaa looga yeedhay
Afganistan ninkii madaxa ka ahaa haayadaha samofalka ee joogay wadankaa,
wuxuuna ninkaasi kulan qarsoodiya ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka.
Hadaba sidey dadbadani ogyihiin ninka madaxweynaha ka ah Mareykanka oo lagu
yaqaano iney hadaladu kasiibtaan ayaa qirtey inay haayadaha jooga
Afganistaan ay waxyaabo badan oo ka qarsoonaa ay daaha uga rogeen.Hadaba
kuwa wadankeena joogaana ogaada iney iyaguna ay waxkala miiri doonaan oy
macneyn doonaan oy daaha ka rogi doonaan waxa ka qarsoon haayada basaasida
ee reer galbeedka,
Sideynu wada
ogsoonahay, markuu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee Maraykanka iyo Ruushku ay
mateli jireen iney cadow isku yihiin. Waxaa labilaabay waxan ay ugu yeedhaan
haayadaha samofalka. Haayadahana waxaa abuuray ururada basaasinta ee reer
galbeedka.Dadka maalgalinta ku sameeya haayadahana waa kuwa aroorkasta ku
qureecda beerka caruurta ciraaqiyiinta iyo Afgaanistaanta.hadaba waxaa
jirata inuu cadowgu isticmaalo siyaabo badan oy dadka u dilaan.Imika markey
ku fashilmeen Ciraaq iyo Afganistaan, waxey badaleen siyaasadoodii hore ee
ku dhisneyd xooga waxeyna u badaleen siyaasad ku dhisan xeelad.Markasta
waxey yidhaahdaan "waa inaan maskaxda iyo wadnaha dadka xadnaa".waxay
doonayaan iney isticmaalaan hadalo qabow oy inagu suuxiyaan si'ay ubadalaan
dinteena iyo
dhaqankeena una qaataan khayraadkeena.
Waxaa jirta in markii ay roobabka wata
dabeyluhu ay qaadeen gobol ay degan yihiin dadka madow ee mareykanku ay
dhibaato laxaadleh ay u geysteen dabaylahaasi dadkii deganaa
deegaankaas.Dawlada Mareykanka oynu ognahay awoodeeda dhaqaale umey fidin
waxsamofal ah dadka halkaasi ku dhibaatooday.Hadaba su'aashu waxa weeyi
haayadahan samofalka ee afrika ka buuxa maxey halkaa ay ugayara duceysan
waayeen.Dawlada Mareykanka ee ku guuldareysatey inay wax u qabato dadkii
madoowaa ee mareykanka ahaa waxey imika ay ilmada yaxaaska udaadshaan dadka
madow e Suudaan degan.Su'aasha meesha taala waxa weeyi dadka madow ee kunool
Suudaan miyeyka wanaagsan yihiin dadka madow ee Mareykanka ah?.Sidaasi waxey
u sameynayaan sidey beerka uga xadilahaayeen dabadeedna ay saliidooda ay uga
qaadan lahaayeen.Haayadahan isku sheega samofalka ee kasheekeeya
dhibaatooyinka ka dhacaaya Suudaan maxey uga hadli waayeen dhibaatooyinka ay
ciidamada Itoobiya u geysteen dadkii deganaa Muqdisho. Waxaa la ogyahay in
haayadahani ay qeybweyn ku laaheeyeen dhibaatooyinkii ka dhcaayey
Soomaaliya,markasta oo dabku qaboobana ay iyagu hurin jireen.
Haayadahani waxey ka dhigaan wadamada ay
tagaan dad aan maskixiyin isku filneyn oo daciifa una baahan in waxloo
qabto.Waxey dadka kala dagaalamaan kalsoonida waxayna u dhaqmaan sidii ay
caawinayaan dad maskaxda ka curyaana.Waxayna wadanka keenaan cuduro aan
dhulkeena laga aqoon, waxaana kamida raga iyo dumarka oo ay tartansiiyaan
iyo dhalinyarta iyo waayeelka oy loolansiiyaan.Midakalena waxbarashada
wadanka farogalin weyn ayey ku hayaan, waxyna doonayaan iney qoraan
waxbarashada wadanka. Waxayna sidaasi ay u sameynayaan inay jiilka cusub ay
maskaxdooda u sameystaan si'aan mustaqbalka loo baahan haayado wadanka
jooga.
Hadaba waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer
S/land ee horumarka jecel in lagaadhay xiligii aynu inagu waxqabsan laheyn,
maxaa yeelay maanta hadaynu nahay reer S/land waynu haysanaa aqoontii iyo
maalkiiba.Waxaa la gaadhay xiligii aynaan u baahneyn siyaasiyiintii uu
gumeystuhu tabobaray ee aqoonta u heystay afka gumeystaha oo lagu hadlo iney
tahay xadaarad lagaadhay.Waxaan idiin sheegayaa inaynu qabsan karno waxkasta
ee dhibaatada ina haysataa waxa weeyi weynaan isku kalsooneyn. taasna waxaa
inoogu wacan gumeystihii wadankeena qabsaday oo inagu abuuray cuqdad nafsi
wuxuuna inaga dhaadhiciyey in dadka madoobi ayna maskixiyin isku filneyn oo
iyagoo waxloo qabto mooyee aan waxba qabsan karin.Waxaana inagu dhacday
nasiibdaro oo siyaasiyiintii ina dabiibi laheyd ayaa noqday kuwa iyagu aan
aqoon shacabka waxba ku dhaamin oo dabiib u bahaan, markaa siyaasiyiintii
ayaa noqday dawo bukootay maxaa lagu dabiibaa.Hadaba haayadahani iyaguna
waxay sii xoojiyeen fikradihii hore ee gumeysiga. Taasna waxaka markhaati
ah, xiliga ay roobabku dhibaato geystaan waxaynu nidhaahnaa aawey haayadihii
wax qaban jirey.Markaa mawanaagsana inaynu jiilka cusub u gudbino maskaxdan
baryada iyo calaacalka ku dhisan, waxaan idiin sheegayaa inaynu waxwalba
qabsankarno ee marka hore waa inaynu maskaxda ka xorownaa, waa inaynu is
aqoonsanaa intaynaan aqoonsi karaadsan nimankii ay awoowyaashood ay
gumeysteen awoowyaasheen.
Ismaaciil Ibraahim Fadan
fadan12@yahoo.com.au
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
May 9, 2007
DFKMG oo Eedayn
Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga
Soomaaliya
Wasiirka
DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha,
Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku
qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si
kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka
Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO
ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada
aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey
in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka
kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo
helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo,
ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan
dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee
Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20%
lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri,
diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si
sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada
galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn
lahaayeeneen...
Dhegeyso
Hadalkii Maareeye.
Feb 19, 2007
ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde
Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay
magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in
hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka
IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo
qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa
iyo waxyaalahay qabteen."
Dhegeyso
Hadalkii Gen. Cadde.
Waxaa taas ka sii
horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y.
Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga
Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad
Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka
maraykanka waxa
hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga
waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka."
Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...
|