Muqdisho Weli Kuma
Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed ,Col Cabdullahi Yusufna Weli Kuma
Fadhiisan Kursigi Uu Ku Haminayay.
Abdallah
Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Muqdisho Weli Kuma
Dhicin Gacanta Cadawga Soomaaliyeed iyo Adeegayaashooda, sida aynan weli
Bagdaad ugu dhicin gacanta Cadawgi ku soo duulay Afar sanadood ka hor iyo
adeegayaashooda ,waxaa Xaqiiqa ah , Subaxdi 26/04/2007 in ay DFKM ku sheega
ku dhawaaqday iyada oo gacan xoogan ka heshay Ciidamada dowlada Itoobiya, in
ay gacanteeda ku dhacday magaalada Muqdisho, keddib xasuuq aad u xun oo loo
geystay dadweynaha madaniga ah ee ku noolaa Casumada Soomaaliyeed, ayaa
iyagana isla subaxdaas 26/04/2007, waxay Golaha Guurtida iyo Odayaasha
Maraykanka ku dhawaaqeen codayn aqlabiyad ku dhamaatay keddib, in uu
maamulka Guriga Cad ee dalka Maraykanka ku dhawaaqo, jadwalka ka soo bixida
ciidamada Maraykanka ee xooga ku joogo dalka Ciraaq, sidaana uu Aqalka Cad
ku helo, in loo soo gudbiyo miisaaniyadi sanadkan loogu talagalay ciidamada
Maraykanka ee xooga ku joogo dalka Ciraaq.
Saaxibayaal iyo
Soomaalida inta qumanba waxaa hubaal ah in uunan Waddankeena Hooyo weli ku
dhicin gacanta Tigreeda hogaanka u hayso dalka Itoobiya , adeegayaashooda
iyo ciddi u soo wakiilatay dagaalka ay ku soo qaadeen dalkeena. waxaana
arrintan sal u ah, asbaaba badan oo aan ku soo xusi doono qeybta ka hartay
qoraalkan ,asbababahaas waxaa ugu horeeyo amaba ka mid ah qeybta kore ee
qoraalkan , waxaana ugu xiisa badan sida aynan isu waafaqsanayn Dabeecada
aradan ee Col Cabdullahi Yusuf ,hankiisi hogaanimo iyo Siyaasada mugdiyaysan
ee ay Maraykanka oo dhinac ah iyo Tigreeda oo dhinac ah ka wadaan magaalada
Muqdisho gaar ahaan iyo guud ahaan dalka Soomaliya.
Su'aaladaha ugu
horeeyo ee loo baahan yahay in aan iska-weydiino dalkeena iyo xaalada
cakiran ee uu ku sugan yahay, waxaa ka mid ah, waa Col Cabdulaahi Yusuf oo
ah nin aan ka been-sheegin damaciisa gurracan, fal-xumadiisa iyo fikirkiisa
ku aadan siduu uga aargoosan lahaa nin kasto oo maalin ciilay, kana
hor-istaagay hamigiisa ahaa mar uun ha laguugu yeero Madaxweyne iyo ma
is-waafaqsan yihiin xaalada maanta ka jirto magaalada Muqdisho ,masa yahay
kursiga uu Col Cabdullahi Yusuf ku fadhiyo Villa Soomaaliya gudaheeda, kii
uu ku haminayay ku fadhiisigiisa tan iyo maalinti 09/04/1978 uu isku dayay
inqilaab uu ku fashilmay ee uu la damacsanaa Rejiimki uu horkacayay Maxamed
Siyaad Bare(Allah ha u naxariistee) ,keddibna ay dani ku qasabtay in uu
carar ku tago dalalka deriska la ah Soomaliya, si uu halkaas uga soo bilaabo
halgan hor leh iyo sidi uu ku imaan lahaa magaalada Muqdisho, isaga oo ah
Madaxweyne aanan amarkiisa amar ka danbayn.
Jwaabta
Su'aashan waa maya,waa isma waafaqsana ,waxaana Col Cabdullahi ku soo baxay
xisaabo badan oo uunan maanka ku haynin kolki ay isaga iyo Milis Sanaawi
qaadi dhigayeen, sidi ay isu waafajin lahaayeen Col Cabdullahi Yusuf oo
kursiga dalka Soomaliya ku fadhiisto iyo danaha Xabshida oo aad moodo in
markaas uu Milis Sanaawi ku soo koobay, sidi ay Soomaaliya uga talin
lahaayeen hogaan Saaxib la ah dalka Itoobiya, meelna isugu keeni kara danaha
labada dal iyo danaha Milis Sanaawi iyo Col Cabdullahi Yusuf. balsa dhinaca
Col Cabdullahi Yusuf markaas maankiisa kuma jirin ka fikirida gaarista
yoolka lagu heshiiyay wax dhaafsiisan iyo ka hadlida sidi ay labadoodaba u
xaqiijin lahaayeen iyada oo lagu guulaysto gaarista yoolkaas hunguriga isugu
daray laba nin oo uu mid walba leeyahay miisaan ikhlaaq xumo oo aad u culus
. halka Milis Sanaawi ay markaas maankiisa ka buuxday su'aalado ay ugu
horeyso, sidee xaalada noqon kartaa kolki aad Col Cabdullahi Yusuf ku
sinto ku fadhiisiga kurisgaas aad rabtid in aad u marto fulinta danaha ay
xabashida ka leedahay dalka Soomaaliya, Sidee u aamini kartaa Diktatoore
doonayo in uu gaarista hadafkiisa u adeegsado dad ay dadkiisa u yaqaaniin
cadawgooda koowaad, maxaasa silaax(Hub) ah oo aad kaga hortegi kartaa haddii
uu Col Cabdullahi ka baxo balankiina ,iwm.
Kolkaan aqrin
ugu noqona Xaalada guud ee maanta ka jirto waddankeena iyo hab dhaqanka
DFKM, waxaa si Cad kuugu Muuqanayo in Col Cabdulaahi Yusuf lagu fadhiisiyay
Kursigi uu rabay oo qaleel ah ,halka Milis Sanaawi ku dhaqaaqay dhamaystirka
khidhadhkiisi(plans) iyo ka shaqaysiinta quluub isu bugto ,isku maqan, kuna
maqan taaba gelinta in ay mid walba iyada noqoto tan ku guulaysato qalbiga
Sayidka fadhiyo Addis-ababa iyo Sayidkiisa Washington fadhiya, si uu Milis
Sanawi ku gaara Col Cabdullahi Yusuf oo fadhiid ah, gacantiisana aynaan
xitaa ku jrin amar siinta taliyaha ugu sareeyo ilalada amnigiisa ee Villa
Somaliya, reer Mudisho iyo wiilkooda Geedi oo iyagana lagu howlo nabad ku
soo dabaalida magaalada Muqdisho, iyada oo wax walba loo marayo ka amar
qaadashada General Gabra.
Suurada DFMK ee
Mudisho iyo madaxdeeda, waxay daliil cad u tahay in aynan Caasumada
Soomaliyeed weli ku dhicin gacanta Tigreeda iyo in mudda gaaban oo aanan
sidee u fogayn(Ilaahey idinkiis) ay Muqdisho ka bilaabanayso in la-isaga
hor-yimaado awood qeybsiga iyo sida howl maamuleedka dowlada loo kala
leeyahay, sida maalma dhoweetaba ka dhacday magaalad Kismaayo, ilayn
kooxaha waddankeena isku haayo kuma jirto koox ku howlan in ummadda
Soomaaliyeed mar kale lugaheeda dib ugu istaagto, una gacan banaanaato
maamulka arrimaha dalkeeda iyo dadkeeda.
Col Cabdullahi
Yusuf waxaa horyaal, ka soo bixida balanki uu qaaday habeenki Nayroobi loogu
doortay Madaxweynaha Soomaliya oo ahaa, in uu dib u soo nooleeyo
dowladnimadi ummadda Soomaaliyeed ,iyo in uu ku dhimanaayo isagaa ku howlan
raadinta dowladnimo Soomaaliyeed iyo in haddii uu gaari waayo taa uu iska
casilayo jagadaas loo doortay ,waxayna xaqiiqada waddankeena ka jirto
haddeer uma muuqataa in uu Col Cadbullahi Yusuf ku dhamaanaayo in uu
naftiisa ku waayo doonista dowlad Soomaaliyeed oo dhab uga taliso dalka
Soomaaliyeed guud ahaan ,amarkeeda ugu sareeyana uu leeyahay isaga..
Milis Sanaawi,
isagana waxaa horyaal in uu Diktatoore afartan sano raadinayay mar uun in
loogu yeero madaxweyne, ka dhaadhiciyo in uu bukaan socod ku dhax ahaado
Villa Somaliya ,howsha Caasumada Somaaliyeedna ay iyada sidaa ugu
madaxbanaanaato Gudoomiya Maxamed dheere ee mar hore Corneelka ugu yeeray
in uu yahay oday Ciyaala Suuq ah ee qabiil xume bahdilatay.
Dhinaca kale
Itoobiya waa dowlad faqri ah ,duulaanka ay dalkeena ku soo qaadayna waxay
gacan kaga heshay maamulka Guriga cad ee dalka Maraykanka oo beryahan
gacanta ugu jiro, koox uu aad ugu fogaaday neceybka ay u qabaan Diinta
Islaamka iyo dadyowga haysta, aadna ugu dhegan diintooda. Hadaba
waxaa iyadana isweydiin mudan dowlada Itoobiya ilaa iyo intee in la eg ayey
dhaqaale kaga heli karaan dalka Maraykanka faragelinta ay ku haayaan
arrimaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed., taa oo ay xabashida u dheer-tahay
in aynan dhaqaalahaas miliim ka mid ah wax ka siinayn DFKM oo ay iyada
gadaal ka taaggeerto ,wakiilno uga tahay Adeer Saam.
Jawaabta
Su'aashan waa inta ay aqalka cad ee Maraykanka ka Arrimiyaan raggi ku
dhiirigeliyay dowlada Itoobiya in ay duulaan qaawan ku qaadaan dal iyo dad
ay aad uga baqan jirtay ku dhiirashada duulaan ay ku qaadaan. Iyo arrintan
oo ay garab socoto muqaawama joogto ah oo lagu haayo ciidankooda iyo
adeegayaashooda waxay soo dedejinaysaa in ay dalkeena kaga baxaan orod iyo
maxaa idinka raacay weerarki aad ku qaadeen ummadda Soomaaliyeed iyo
dhulkeeda, Ilaahey idinkiis.
Weli caasumada
Somaaliyeed kuma dhicin gacanta Cadawgeena, iyadana waxay u dhamaanaysaa
hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda Soomaaliyeed si dhab ah ugu istaagin
abuuritaanka dagaalyahaano aan ku dhisnayn heyb iyo ilaalinta dana
shaqsiyadeed.
Waxay u
dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka ummadda Soomaaliyeed ka
faa'iidaysan habacsanaanta iyo colaada ay isu haayaan quluubta isu bukto ee
uu Mils Sanaawi u adeegsaday meel marinta danihiisa iyo danaha dalkiisa iyo
dadkiisa ka leeyihiin waddankeena.
Waxay u
dhamaanaysaa hadal, haddii aynan wax-garadka Soomaaliyeed ka faa'idaysan
danaha is diidan ee dowladaha isku haayo gacan ku lahaashada arrimaha
Soomaaliyeed.
Waxay u
dhamaanaysaa hadal, haddii aynan Ummadda Soomaliyeed ka faa'iidaysan
mucaaradada Milis Sanaawi looga haayo Itoobiya gudaheeda iyo cadawtooyada
uu u haayo hogaamiyaha ka arrimiyo dalka Ariteree Asaasa Afooriqi.
Waxay u
dhamaanaysaa hadal, haddii aynan ummadda Soomaaliyeed ka faa'iidaysan damaca
gaar ahaaneed ee dowladaha reer Yurub ,gaar ahaan dowlada talyaaniga kaga
jiro iyaga oo gacan xoogan ku yeesho halbowlaha maamul dhexe oo uu yeesho
dalkeena.
Ka
faa'iidaysiga arrimahan iyo arrima kale oo badan waxay soo dedejinaysaa
Xabashida oo ciidankeeda kala baxdo dalkeena ,dowlad Soomaliyeed oo aanan
ahayn tan ay noo soo dhoodhoobeen dowlada xabashida iyo Kenya oo dalkeena ka
ambaqaado , waxay soo dedejinaysaa mar kale oo madaxda mooryaanta
Soomaaliyeed iska xaadiriyeeen dibada dalka iyaga oo baxsad ah, waxay soo
dedejinaysaa Soomalida oo garato colaada iyaga u dhaxasyso in ay tahay
wanaaga cadawgooda , halka wanaag iyo wax wada qaybsi wacan oo iyaga
dhaxmara uu yahay guuldarrada cadawga Soomaaliyeed. 07/05/2007
Abdallah Moallim
Mahamud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lhe qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2007


|