SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

GUUSHA JABHADDA ONLF WAA GUUL SOOMAALIYEED

Ahmed Hassan
somalidoon@gmail.com

Waxa hubaal ah in beryahan Soomaalida ay ku jiiftay guul darro midba mid riixeyso.Waxa inta magacan wadaagtaa noqdeen qaar midba mid cuno, ilooba waxa ka dhexeeya, oo arka uun khilaafkooda. Waxa ay noqdeen dad aan meelna ku nabadgelin,hadday nabad helaana aan heysan maamul u damqada dadweynaha. Waxa arrintan ay keentay in cadowgii abed aynu isku si u arki jirnay, oo muftaax u ah wadajirkeenu, noqdo mid cid kasta oo rabta madaxnimada qayb kasta oo inaga tirsan.

Hoos-taga cadowga Xabashida kama fayooba Somaliland iyo Puntland. Waxa dhab ah in labaduba ay madaxa hoos u dhigaan, kolka Meles la hadlaayo, Koonfurna xoog iyo dilbaaba lagu qabsaday. Waxa se ka horeysay in dhammaan dagaal oogayaashi Koonfur ka jiray ahaayeen qaar iyagoo col ah dhammaan la saaxiib ah Itoobiya.

In Soomaalidu dawlad keliya noqdaan iyo inay dhowr noqdaan, ma aha wax muhiim ah, hadday cidda ay u taliyaan dantooda wadaan, gartaana in dhammaan magaca Soomaali wadaagaan. Inay leeyihiin af, dhaqan iyo diin midaysa. Inay taasina dhalisay inay yeeshaan cadow . Waxa manta Soomali u jabtay cadow boqolaal sano ku taamaayey inuu dhaqankooda iyo diintooda goonida ka dhigtay jabiyo, sidii uu qarniyo hore u baabiiyey ummadahii geeska Afrika degaanaa.

Waxa dhab ah inaynu dhammaan min Jabuuti ilaa NFD aynu qoomamo iyo ciil ku jirno. Kan manta nabadda haystaa, waxa uu ka fakirayaa mustaqbalka oo u muuqda mid madow, haddaan maanta leysla arag waxa soo fool leh. Ma aha wax lagu farxo jibinta walaalkaa, marka uu fiyaaradda kuu joogo cadow raba inuu ku dulaysto.

Jabhadda Ogadenia oo guul taariikhi ah manta ka soo howsay cadowga, waxa ay diirisay dareenka Soomaalinimo meel aynu joognaba. Waxa farxay reer Hargeysa, reer Xamar, reer Gaarisa, Reer Jabuuti, iyo reer Jigjiga. Meel kasta oo Soomaali jogto waxay u tahay guul iyo farxad aan muddo la arag.

Intii ku diidaysay magaca Ogadenia oo u arkaayey qabiil, manta waxa ay leeyihiin hambalyo iyo Illaahay magaciina ha raajiyee, waad na diiriseen. Waa dareen walaalnimo, waana mid cadowgeena mar kale tustay inaynu nahay ummad weli dareenkeedu nool yahay.Farxadda iyo murugada oo la wadaagaa, waa markhaatiga walaalnimo, waana hiil weyn oo been ahayn. Horaa loo yidhi qosolna hiil noqay. Waxa manta loo baahan yahay inaynu si dhab ah u qiimayno mustaqbalka. Waa inaynu faca soo socda u tabinaa, taariikhdii awoowyaashan, hamigoodii iyo summadda goonida inoo ah. Jiritaanka Soomaalinimadu, waa mid dhammaan ina saran. Badbaadinta jiritaanka Soomaaligu, waa mid saran reer Soomaliland, Reer Jabuuti, reer Xamar, reer NFD, iyo geesiyada Soomali Galbeed. 
 

Guusha aynu ka soo howno cadowgeenu, waa mid aynu wado leenay. Kolkaas waxa loo baahan yahay inaynu dirirta gudaheena soo afjarno, una guntano badbaadinta Soomaaalinimada la rabo in Geeska Afrika laga tirtiro. Reer Xamar waxaanu u baryayaa inay qabiilka dhaafaan, oo qaran dhisaan, inay xoogood isu geeyaan, kana guulaystaan Cadowga khilaafkoodu keenay inta aanu ku xidideysan dalka. Sidoo kale waxaan uga digayaa reer Soomaliland inay dhibaatadii soo gaadhay ilowsiin cadownimada Xabashida iyo himigooda jiri-taankeena diidan.Marna ma aha in si kastoo aynu u kalo tango, in Soomaaliga laga soo dhoweysto Cadow aynaan diin iyo aftoona wadaagin. Ha noqoto Soomaalinimadu mid ilaalinteeda aynu u simanay, hilkuna dhammaan ina saran yahay.

Guul iyo Wadojir 

Ahmed Hassan
somalidoon@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com