SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Cabdiyoo gar weeyaan warkani golaha noo yaalie

Gabaygani waxa uu soo baxay 1 bisha may 2007. Waxaan akhristay Gabay uu tiriyey Abwaanka Dada yar, Maxamad Xirsi Guuleed (Cabdibashiir) oo muddadii aan akhrinyey aan u haystay, in u ila joogo. Gabaygaasi anoo aad u niyad jabsan, ayaan akhriyey, markii aan akhriskii dhammeeyey, ayaa waxa iga dul kacay hadh i saarnaa. Waxaanan tiriyey Gabaygan

Gobanimo2. Waa Xuseen Xasan Waaberi (Xuseen Qaraami). Magaalada Kiruna ee dalka Sweden. Husenhasan90@yahoo.com
 

  • Cabdiyoow Gabay-yadii iyo ka tagay gocashadoodiiye 
    Ma gorfeeyo maansooyinkaan gaarka u lahaaye
  • Waataan ka gaabsaday murtida dabagalkeedii 
     
  • Waataan dantayda u guntaday een gaabshay hadalkiiye
  • Galabtii ad ii timid markaad gabaygii ii keentay
  • Gobannimo markaad tirisay baan gaydh la soo kacaye 
     
  • AllaaŽilehe goŽbaad iga rogtay iyo gibil i saarayde 
    Waxa aan guddoonsaday adduun galabba waa cayne
  • In ay guushu soo noqon mar uun goor ay noqotaaba 
     
  • Cabdiyoow gar weeyaan warkani golaha noo yaalie
  • Anigoo goŽaygii intaan gaar iskula duubay
  • GamaŽii intuu iga gidmaday hiifay gogoshaydii 
     
  • Gacal iyo xigaal iyo anoo waayey garab oo dhan
  • Anoo ciil la gubanaaya oon garan waxaan yeelo
  • Sidii aar gantaal lala helay oo dhiiggu goboleyni
  • Oo geydhanaayoo ilmada goŽbo ka siinaaya 
     
  • Gabacyeynta leylkii waxaan gamaŽa diidaaba
  • Gobannimo markaad tirisay baan gaydh la soo kacaye
  • AllaaŽilehe goŽbaad iga rogtay iyo gibil i saarayde 
    Waxa aan guddoonsaday adduun galabba waa cayne
  • In ay guushu soo noqon mar uun goor ay noqotaaba 
     
  • Cirka oo galgaalooy abaari gees kastaba gaadhay
  • Iyadoo taroog lagu go áy oo uunku kala guuray
  • Cir guduuddii waaberi gudgude gaadhay dunidoo dhan
  • Gobannimo markaad sheegtay eed gabaygan soo dhiibtay 
     
  • Sida loogu guuxay farxadi gaadhay gibilkayga
  • Ididiilo gaara i gashay iyo guul an naawiloŽe
  • Goroddii aan laalaadshay iyo goŽii aan dooyeystay 
    Intaan giirka taagaan ka kacay goob an yuururay é 
     
  • Cabdiyoo Garweeyaan warkani waan garwaaqsadaye
  • Gobannimo u dirirkii raggii gooyey cadawgoo dhan
  • Gaalada raggii caydhiyey ee gooyey cidhibtiisa
  • Guban iyo galbeed saylac iyo waamo garabkeeda 
     
  • Nimankii godka u galay xornimo wey gubanayaane
  • Ciil bay gandoodaan qabriga cadhona waa u gaare
  • Cirku inuu garnaylo iyo dhagxaan gubada soo daadsho
  • Dhulku inuu gariiraan ka biqi goor ay noqotaaye
  •  
    Ubadkaa la gawriirshay ee goobkastaba yaalla
  • Haweenka geydhanaayee ilmadu gibilka ay qoysay
  • Guryahan wada daloo madfaca lagu guraa baasay
  • Dadkan geedihii ay u qaxeen goodku ku idleeyey 
     
  • Gurmadkiina loo diiday iyo gacantii loo taagay
  • Waayeelkan gawriira ee gibil madoobaaday
  • Gabayrihiyo suudiga dadkaa guudka ka cadhoobay
  • Galaayuuska qaylada marwada goobi ubadkeeda 
     
  • Cali Geediyoo waxaad gasheen godob sokeeyaade
  • Ubadkaad gumaaddeen dadkaa goob kastaba yaalla
  • Duqan ciilku googooyey ee gamaska dhiigeystay
  • Gashi iyo wuxuu goobayaa aano goor horeŽe 
     
  • Nin wax garad ah wuu neceb yahay iyo guurtidoo idile 
    Grayaqaannadii reer hawiye waa la gaabsadaye
  • Ninkii gorodda taagaba godbaa lagu ridaayaaye 
     
  • Gaadmiyo khiyaamuu wadaa aan la garanayne
  • Sidii goosan yey helay ayuu gubay dadkiiniiye
  • Horuu gacan ku dhiigle u ahaa tan iyo goor dheere 
     
  • Geedkii calaacalay markay guduni ay goysay
  • Xaajadu gaddii weeye oo weydin garataane
  • Gaaladu wax nama yeelin iyo guud caddaadiguŽe 
     
  • Idinkaa gurboodka u sidee guul ma mahadsheen
  • Intiinase garaadliŽi darteed daba gucleynaysa
  • Iyo gaalo madowdaa xun ee goob kastaba joogta
  • Gallad iyo haddaad moodaysaan guulo lagu faano 
     
  • Waa idiin garaad xumo tolkiin inaad gumaaddaane
  • Gurigiini idinkaa gubaye galiya laabtiina
  • Gayigiini idinkaa gatayŽe galiya uurkiina
  • Godob ma hadho hooy inaad gasheen geliya laabtiina 
     
  • Inta diinta garab siinaysa ee goob kastaba joogta
  • Inta nabadda goobaysa ee xumo ka giigaysa
  • Inkastooyo gambadu saaran tahay gabi Islaam oo dhan 
     
  • Inkastuu maraykan u guntaday inuu Islaam gooyo
  • Inkastuu rag gawroco amase gubo uu jeel iskugu geeyo
  • Inkastuu rag gooni u cuno goor an la arkayning 
     
  • Gabbal dhac iyo waaberi hadduu goor kastaba laayo 
    Gaf kastuu sameeyaba xaqaa soo gadaal bixiye
  • Soomaali wey u wada guntani goob ay joogtaba  
     
  • Ubadkaa gelgelimaha fadhiya wey ka geylamiye
  • Jeer aanu garan gooridaa gees iskaga tuurno 
    Gashigaa ay gaysteenna waan goobaynaa abide
  • Guushiyo xaquna weyska iman goor ay noqotaaye 

 Xuseen Xasan Waaberi (Xuseen Qaraami)
 Magaalada Kiruna ee dalka Sweden.
Husenhasan90@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com