Puntland. Faro-Faro ku taagii lagu
yiqiinay madaxda sar-sare ee DGPL marka wakhtigu ka sii dhamaanayo oo
bilaabmay.
May, 05/2007.Garoowe.
Salaad Xareed: Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad
ee G/Wakiilada Puntland, Waxaanu maanta kormeer ku samaynay dhamaan wasaaradaha
dowlada, wasaaradihii iyo Xafiisyadii Dowlada marka laga reebo Wasaarada
waxbarashada waa xiran-yihiin dhamaantood .
Haddaba waa maxay talaabada xigi-doonta?
Gudoomiye Ku-Xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Puntland, Mudane Salaad Xareed
ayaa Jimcadii u sheegay saxaafada in maalinimada sabtida ee May/05/2007 ay
guddiga joogtada ah ee golaha Baarlamaanku kormeer ku samayn-donaan dhamaan
wasaaradaha dowlada iyo xafiisyadooda, si ay u xaqiijiyaan in ay ku soo laabteen
wasiiradii shaqadoodii iyo sida ay u socoto shaqadii caadiga ahayd ee
wasaaradaha.
Balse, Guddigii kormeerka ayaa booqday wasaradihii oo aan xataa nadiifisooyinkii
iyo waardiyihii joogin, iskaba daa wasiiro iyo madax kale'e.
Waxaad moodaa, in arrintu ay cirka isku sii shareerayso, ka dib markii Golaha
Xukuumadu aysan dheg jalaq u siin waxa Golaha Wakiiladu ay ka dalbanayaan,
inkastoo la' oran karo, Golaha Wakiiladu waqtiga kama damaysta ah ee ay u
qabteen, Golaha Xukuumadu waa mid aad u yar oo aysan xataa boorsooyinkooda ku
soo xir-xiran Karin. Amaba iyagoo jidka ku soo jiraa ayuu waqtiga kormeerku
dhici karaa.
Guddiga Kormeerku waxay amaan gaar ah u soo jeediyeen wasiirka Waxbarashada
DGPL. Axmed Siciid Aw-nuur, iyo dhamaan shaqalaaha wasaarada waxbarasha laga
bilaabo wasiirka ilaa agaasime waaxeedyada oo dhamaan tood sidii caadiga ahayd u
wata shaqadoodii.
Dhanka kale waxaa laga yaabaa in ay ka dhacaan mudaharaadyo, caasiimada puntland
ee Garoowe, ay qaban-qaabinyaan shacabku kuwaas oo labo-u jeedo oo kale duwan
leh. Mudaharaadyadaan ayaa kala ah mid lagu taageerayo talaabo kasta oo
baarlamaanku qaado iyo mid shaqaaluhu ay uga cabanyaan mushahaaraadkoodii oo ka
maqan muddo 3 bilood ah.
Salaad Xareed, Gudoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada DGPL ayaa sheegay
in ay talaabo qaadi doonaan isla marka guddiga kormeerku soo saaraan
xog-uruurintooda, balse ma uusan carabaabin talaabadaas waxay noqon-doonto.
Maxamuud Cumar Bille, Garoowe.
mcbille@gmail.com
+252-5-794242
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


|