SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Waa ayo cadawgeennu

Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com

Innaga iyo reer hebel waxaynu nahay col, qolo hebla iyo qolo hebla waxaa ka dhexaysa colaad guun ah ama mid xiire xiire ah, labadaas qolo waxaa dhex martay colaad siqiir gawrac ah, kuwaasi waa shisheeye, shisheeye shiir naxa ma leh. Hadaladaan iyo kuwo la mid ah ayaa ku badan afka dadka jaahiliinta ah ee Soomaaliyeed. Waxaa kale oo aad ka maqlaysaa dadkaas ereyo sida: aano, aarsi, godob iyo kuwo la mid ah. Hadaba qormadaan waxaynu ku eegaynaa cidda cadawga u ah qofka Soomaaliyeed, qabiilkiisa ama qarankiisa.

Si looga jawaabo su'aashaan waxaa loo baahan yahay in marka hore laga jawaabo su'aal ka horraysa oo ah: horta innagu yaynu nahay?. Waxaa kale oo jawaabtaani sii rabtaa hordhac ka sii horreeya.

Allaah ayaa uumay wax kasta, isagaana leh, hadana maamula; sidaa darteed ayuu mutaystay in isaga kaliya la caabudo (loo noqdo addoomo). Jinniga iyo insigana wuxuu u abuurtay in ay isaga qur ah caabudaan. Wuxuu u soo diray Rusul (Nabiyaal), wuxuuna u soo dajiyay kutub ay ku cadahay waxyaabaha iyo siyaabaha Alle loo caabudayo. Rusushu waxay ugu baaqeen dadka in ay xaqa Alle gutaan (ay kaligi caabudaan), waxayna bareen walxaha iyo habka loo caabudo. Dadku waxay u qaybsameen: a) kuwo yeelay wixii loo abuuray oo loogu baaqay, waxayna noqdeen Mu'miniin Alle jecel oo xisbigiisa ah oo uu jecel yahay, iyaguna walaalo is jecel ah. Innagu (Soomaali) waxaynu ka mid nahay mu'miniinta marka laga reebo ninkii gaalooba ama noqda munaafiq. b) kuwo diiday wixii loo abuuray oo loogu yeeray, isla markaana ah gaalo xisbiga shaydaan ku jira, Allena la col ah, isaguna uu nicib yahay. Waxay kuwaani u sii kala baxaan: gaalo cadaysatay iyo munaafiqiin gaalnimada qarsata.

Alle wuxuu u sheegay mu'miniinta cidda cadawga u ah oo uu ku soo koobay sedex qolo kaliya oo kala ah:

1. Shaydaan: Alle wuxuu yiri: (Shaydaanku wuxuu idiin yahay cadaw ay colaadiisu caddahay).

2. Gaalo: Ilaahay wuxuu yiri: (gaaladu waxay idiin yihiin cadaw ay cadaawadiisu caddahay).

3. Munaafqiin: Rabbigeen wuxuu yiri: (Iyaga (munaafiqiinta) ayaa ah cadawga ee ka digtoonow).

Waxaa kale oo Alle u sheegay mu'miniinta cidda sokeeyaha u ah, wuxuuna ka dhigay sedex qolo oo kala ah: Allaah (SW), Rasuulkiisa (NNKH) iyo mu'miniinta, wuxuuna yiri:( Waxaa wali (sokeeye) idiin ah: Allaah, Rasuulkiisa iyo dadka mu'miniinta ah). Hadaba qof muslim ah ma u noqon karaa cadaw muslim kale?. Bal eeg waxa Alle ka yiri xiriirka mu'miniinta ka dhexeeya: (mu'miniintu walaalo uun bay isu yihiin). Rasuulku (NNKH) wuxuu yiri: Muslimku waa muslimka kale walaalki. Waxaa kale oo uu yiri: ( mu'miniintu waxay la mid yihiin hal jir oo kale oo haddii xubin ka mid ahi xanuunsato jirka intiisa kale isugu yeerto soo jeedka iyo xummadda, taasi waa marka laga eego xagga is jacaylka, isu naxariisashada iyo isu turida. ).

Ugu dambayntii qaar badan oo dadkeenna ka mid ah ayaa jaahilnimadu gaarsiisay in ay caawgooda oo ah cadawga Rabbigood ka dhigtaan sokeeye, Allena wuxuu yiri: ( ha ka dhiganina cadawgayga oo ah cadawgiinna sokeeye aad siisaan kal gacayl). Waxaa taa la mid ah in ay cadaw ka dhigtaan walaalohood oo dhab ahaan ah jirkooda qayb ka mid ah. Waxaan mar hore akhriyay qoraal uu soo saaray mid ka mid ah horjoogayaasha Soomaalida oo uu leeyahay: walaaleheen Itoobiya iyo cadawgeenna reer hebel!!!.

FG: Qoraalkaan waxa uu gaar ahaan u khuseeyaa qofkii rumaysan Qur'aanka iyo Xadiiska Nabaiga (NNKH).

Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com