QARAN-DIIDKA MUQDISHO OO WAJIGIISII
RUNTA AHAA LA SOO BAXAY!!-2-
Dr. Maxamed X. Siciid. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com
1- HAWIYE OO DHAN MA MOORYAAN BAA?
2- MASE KU GUULAYSAN KARAAN FASHALINTA DAWLADDA KMG AH??
Qurmadii hore waxaan ku soo qaaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen
qaran-diika Muqdisho. Laga soo billaabo horraantii 1992dii ilaa iyo waqtigan la
joogo. Waxaan soo xusay in asaasayaashii USCda 1990 kii oo ahaa odayaal
aqoon-yahanno ah kana soo qayb-qaatay halgankii gobonima-ddoonka dha-dhamiyayna
macaanka qaranimo-in aysan marna ka maqnayn qurshaha ODAYAASHAAS dawladd iyo
qaranimo buuda ee dalka ku waaro maamulkiisana loo TARTAMO.
Waxaan soo xusay sida awooddii iyo hoggaankii ururku ugu gacan-galay kooxo
wax-ma-garato ah oo ka leexiyay ururka qorshihii odayaashii asaasayaasha ahaa.
Kooxahaas oo ku caan-baxay magaca: MOORYAAN.
Waxaan soo dulmaray maxaladihii kala duwanaa ee maamulka mooryaanta soo maray
17kii sano ee la soo dhaafay. Waxaan soo guud –maray sida ay siyaasaddooda rukun
uga dhigay burburinta dalka gaar ahaaan Muqdisho, dagaallada joogto ah, diidmada
dhisma dawladeed iyo soo celin qaran.
Waxaan sheegay in kooxahaas marxaladahaas marba magac iyo midabb la soo baxayeen
si ay ugu moodaan waqti mucyan ah. Dhamaadkii qormada waxaan Sheegay in maanta
ay la soo baxeen wajigoodii runta ahaa iyaga isku soo bandhigay MAGACA-HAWIYE.
KOOXANI WAA RUNTOOD OO HAWIYE WAY YIHIIN WAASE HAWIYA-HEE?? Waxaan ugu
danbayntii soo jeediyay laba su’aal oo kala ah :
1- Hawiye oo dhan ma moorryaan baa? Iyo:
2- Dagaalka qaran-diidku maanta ka wadaan Muqdisho ma ku guulaysan karaa in ku
fashaliyaanDKM ah sidii ay kuwii hore ugu fashaliyeen??
Qormadeenna maanta waxaan kaga jawaabayaa labadaas su’aalood. Waana tan:
1-HAWIYE OO DHAN MA MOORYAAN BAA ?
Waxaan filayaa in qaar badan aysan u cuntamaynin in la iswaydiiyo ama lagu
fikiro su’aal noocaan ah oo ay u qaadan karaanba in ay tahay midd meel-ka-dhac
ah oo aan hobboonayn. jawaabtooduna waa midd gegdeg ah oo MAYA ah.
Waxaa jira qaar kale oo iyaga oon kaba fiirsanin soo tuuraya jawaab degdeg ah oo
HA ah.
Haddaan ka indha-laabto labadaas nooc ee caddifaddu ka qaalib noqotay oo aan u
soo noqdo jawaabta xaqa ah waxaan leeyahay: qabaa’ilku waxay la mid yihiin
shucuubta. Waxaa ka soo askunta ummadda oo iyadu ah qabaa’il isu tegay oo sida
qaalibka ah ku midoobay waxyaalo ay ku jiraan Af, dhaqan, taariikh iyo Dhul
degaan u ah..iwm..
Umadaha Dunida hadddii loo dhabba-galo waxaa laga helayaa dadkooda noocyo kala
duwan.
Bulsho meel ku dhaqan waxay leedahay kwo khayrka u taaggan iyo kuwo sharka u
taagan, Qaar cilmi kasbaday iyo kuwo ka maran . kuwo reer magaal ah iyo qaar
reer miye ama beeralay ah. Mal-qabeen iyo dibb-jir.
Qabiillada Somalidu waa bulshooyin yar–yar oo midd kasta ka koobantahay noocyada
kala jaadka ah ee dadka . Reer kasta waxaa jira kii wanaagsanaa iyo kii xumaa.
Ma jiro reer wada fican sida aysan u jirin reer wada xun. Tani waa xaqiiqo aan
labo isku-diidiinin.
Somaalidu Ummad ahaan waxaa lagu tilmaamaa in yihiin Reer-guuraa marba meel ula
guura xoolahooda. Culimada cilmiga bulshada waxay ku sifeeyaan
reer-guuraga-xoola-raacatada ah in ay yihiin kuwa ugu hooseeya Aadamaha maanta
ku nool Arlada korkeeda. Sababta oo ah waxay ka qadeen oo aan gaarin weli
Xadaaraddii, Aqoontii iyo Ilbaxnimadii banii-Aadamku soo dhisay taariikhdii
dheerayd ee uu soo jiray
Dib-u-dhacani waa mid ay wadaagaan Qabaa’ilka Somalidu badankood. Waxa la
ogyahay in JINSIGA Somali macnaheedu ka turjumayo reer baddiye xoolo raacata ah.
Inta yar ee ah reer magaalka sida reer Xamar, Marka. Baraawe, Kismayo.. waa dad
asal ahaan ka soo jeeda Xagga Aasia waliba Carabia iyo Persia. Waxaana la mid ah
inta yar ee beeralayda ah oo iyaguna ka soo jeeda xagga Afrikada shishe siiba
kuwa qota agagaarka wabiyada.
Su’asho waxay tahay haddaba maxaa sababay in Muqdisho iyo dagaannada kale ee
Hawiyaha 17 ka sano looga waayay in laga sameeyo wax maamul ah nooc kastaba ha
ahaado eh xataa dawladd hoose oo magaalo haddii la awoodi-waayay mid gobol iyo
mid qaran? Maadaama Reer baadiyihii Hargaysa iyo Garoowe-oo weli HILIB-GEELA
laga quuto- ay ku guulaysteen in ay dhisaan maamullo noocaas ah ? Hawiye oo
waliba nasiib u helay in ay daris la noqdaan Muqdisho oo Caasimad u ahayd dalka
in ka badan 100 sano?
Jawabta waxaan ku soo ishaaray qormadii hore. Waxayna ku soo ururaysaa in
1992kii Jabahaddii USC da ee Hawiye ay awoodeedii iyo hogaankeediiba uu gacanta
u gelay kooxo WAX-MA-GARADD ah oo la Magac baxay Mooryaan.
Waxaan cidina inkiri karin in qabiil walba uu leeyahy Mooryaantiisa. Waqooyi
waxaa loogu yeeraa DAYDDAY. Barina waxaa loo yaqaannaa JIRRI. Waxaase la wada
ogyahay in daydayga iyo jirridu aysan marna u suural gelin in ay dadwaynaha
waqooyi iyo kuwa bari ku muquuniyaan xoogg oo ay gacanta ku dhigaan aayahooda .
Dadka shar-wadeenka ah dalka oo dhan way joogaan dhibna way ka soo gaartaa dadka
iyo dalkaba waxaase yuraya inta sama-wadayaasha ah ee ka tiro badan.
Haddaan sii qeexo Hawiye intiisiisii xumayd ee shar-wadeenka ahayd ayaa qabsatay
oo ka awood roonaatay intii wanaagsanaydd ee khayr-wadeenka ahayd.
Muqdidho markii USCdu ka saartay M. S. Barre waxaa laga sifeeyay wixii aan
Hawiye ahayn. Aqoonyahanno Hawiye ah oo qurbaha ku noolaa ayaa Xamar ku soo
qulqulay waqtigii ay ka cararayeen aqoonyahannadii dadka kale. Markiise USC
dhexdeeda ka qarxeen dagaalladu Aqoonyahannadii Hawiye waxaa laga waraabiyay
isla weelkii walaalahoodii kale laga waraabiyay. Waxaana ku habsaday dhibaato
wayn.
Bartamihii 1992 ayay wax-gardkii., aqoonyahankii, maal-qabeenkii iyo intii
awoodi kartay ee Hawiye ahayd iyaguna Muqdisho ka qaxeen markii qaar la-laayay
qaarna la dhacay waxaayna ka dabatageen Somali-wayntii ka horaysay. Qaxa Hawiye
waa kan ugu badan 10 sano ee la soo dhaafay welina socda
Sidaas ayay taladii Muqdisho gaar ahaan iyo tii Hawiye guud ahaan ugu
kaliyaysateen kooxihii wax-ma-garato ahaa oo koox kasta waxaa hoggaamiye u
noqday DIRAWAL iyo ASKARI DABLE oo kaashanaya ganacsato cusub oo ka maalystay
boolida Dalka iyo Dadka waxayna samysteen Maxkamadu ku sheeg ay ku ilaashadaan
danahooda.
Muqdisho taladeeda iyo tan Hawiyeba waxay maroorsaday 17 sano is-bahaysi-shareed
oo af-duubay dad-waynihii iyo aayatiinkooddiiba. Waxaa Xamar qafaashay kooxo
isgu jiraan mooryaan hubaysan, gancsato-xaaraan iyo wadaad-xume kitaabb-gaab ah
oo dhammaantood wax ku noqdeen xaaladda qaran-jabka kuna helay awood, magac iyo
maal BURBURKA DALKA, DADKA iyo DIINTA.
Kooxahaan oo qaba aragtiyo is-khilaafsan waxa kaliya ee ay ka midaysan yihiin
waa: IN LAA DAGAALLAMO YAGLEEL DAWLADEED IYO SOO NOOLAYN QARAN. Taas oo ay u
arkaan in ay wiiqayso awooddooda iyo danahooda.
Xoogaggaan qaran-diidka ah waxay la soo dagaallamayn soona fashaliyeen
dawladihii Cali mahdi, Caydiid iyo Cabdiqaasim. Maantana waxay u dagaallamayaan
in ay DKMG ah marsiiyaan waddadii ay kuwii ka horeeyay marsiiyeen . Tanna waxay
inno dhiibaysa Su’aasha labaadd ee ah:
2- QARANDIIDKA MUQDISHO MA FASHALIN KARAAN DKMG ah ?
Waxaan aan af-buuxa ku oran kara jawaabta oo koobani WAA MAYA. Waana tan:
Qof kasta oo fikradd ka haysta cilmagia la yiraaho :CALAAQAADKA DAWLIGA AH (
International relations ) waxaa si caddaan ah ugu muuqanaysa is-beddalka
asaasiga ah ee ku soo kordhay XAALADD-SOMALIDA maanta . Is-beddlkaani wuxuu
saameeyay arimaha gudaha ee dalka, kuwo gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Wana
is-beddel buuxa oo wata awoodihiisa SIYAASDEED, DHAQAALE iyo MILITARI,
Si ay u sahlanaato fahamka duruufaha cusubb ee ku soo beerya XAALAAD-SOMLIDA
ayaan halkaan idiin ku qodabaynayaa Cawaamilka ka dhanka ah siyaasadihii
mooryaanta QARAN-DIIDKA ah ee 17 sano Muqdisho ugu haystay af-dduubka
shacbigeedana iyo kan Hawiye guud ahaan ka dhigtay LA-HAYSTAHA U GURBA-DUUBAN
KOOXAHAAS danaysta yaasha ah.
Qodobada soo soda ayaan ku qeexyaa is-bedallada waayaha ee ku yimidd arimaha
dalka ee ay nasiibka u yeelatay DKMG ahi in ay waqtigaan ku soo beeganto. Waana
tan:
1- DAWLADD LOO DHAN-YAHAY:
Markii ugu horraysay muddadaa-burburka ayay Somali Caallmku ugu qabtay Kenya
shir-wayne socday in ka badan laba sano. Waxyna ku HESHIISAY :
A- Hab awood-qaybsi oo ku salysan ( 4.5 ) oo aan qolana ka maqnayn..lama oran
karo waa nidaam xaqa-soor ah oo xaqiijiyay caddaaladd buuxdaa. laakiin sidii
CARTA looga dhawaaqay waxaa la biday XAL
B- Waxaa la meel-mariyay CAHDI-QARAMEED ama DASTUUR lagu dhaqmayo muddada
kala-guurka oo shan sano ah.
C- Waxaa la doortay BARLAMAAN, Madax-wayne iyo Xukuumadd ku meel gaarka oo
dibb-u-soo yagleesha QARANIMADII Dalka iyo xasilloonidiisii.
2- DAWLADD SHARCI AH :
Waxaa la dhisay Dawladd shaci ah oo la yiraaho:DKMG ah.
Sharciyadda DKMG ah waxay ku dhisantahay aqoonsiga gudaha ee qabaa’ilka Somalida
iyo aqoonsiga dibadda ee bulshada caalamka. Sharciyaddu waa saldhigga jiritaanka
dawladeed. Waana midda ka maqan maanka iyo maskaxda Somalida.
Haddaan la haysan shaciyadd xoog kasta oo ay yeelato kooxi iyo dhulka kasta ay
qabsato qiimo uma yeelaan oo
Waxay weligeed ahayanaysaa koox BUDH-CADD ah sidii QAB-QABLAYAASHII IYO
MAXKAMADIHII ku dhacday. maadaama aan cidina soo dooran ee iyagu is-magacaabeen.
Maddadii qaran-jabka lagu jiray wixii dawladu la dhisyay midina cawo iyo ayaan u
ma yeelan in ay ku guulaysato kasbashada shaciyadda gudaha iyo dibadda.
3. TAAGERADA CAALAMKA:
Dawladda KMG ah waxay maanta haysataa Taageerada Caalamka. Sida tan dalalka
DERISKA ah ee IGAD, tan qaaradda ee African-Union iyo tan caalamka ee UN ka.
Taageerayaanshaan waxaa ku jira dalalka ugu awood-wayne adduunka oo ay ka midd
yihiin USA iyo Midawga-Europ oo ah dalalka go’aamiyaa arimaha Caalamka
Alle-wayne ka sakaw.
Ta’yiidkani wuxuu isgu jiraa dhinacyada Siyaasadd, Dhaqaalaha, Bulshada iyo
Militariga.. Tanna waa guul aan u soo hoyanin Xukuumadihii tan ka horeeyay.
4- CIIDAMADA AJNABIGA AH:
Waxaa Muqdisho ku sugan maanta Ciidamo qaran oo ah kuwa Itoopia oo ah
SUPER-PAWERKA AFRIKA. Qabiil kasta oo Somaliyeed iyo hadday isu tagaan
Qabaa’ilka Somalidu oo dhan ayna suura-gal u ahayn in ay waajahaan ciiiidanka
Qaran ee Afrika ugu awood-wayn. Waxaa kale oo iyana jooga ciidamo qaran oo ka
tirsan Afrikaan-Union iyo UNka oo dhowaan la filayo.
Ciidamadaan dibadda waxaa garrabb socda Ciidan-qaran oo Somali ah oo ay soo
koraya tiro iyo tayo mustaqbalka.
5- SOMALIDA OO DAASHAY:
Dadka Somaliyeed waxaa ku dhacay dhibaato aan lagu arkin taariikhda Aadamaha.
Qraranimadu waa NICMO iyo DEEQ Alle bixiyo. Dadyaw ayaa halggan iyo dagaal ugu
jira in ka badab 100 sano sida Kurdiga iyo Falastiin welina aan soo xasilinin..
Somali oo qaran ahayd 30 sano ayaa iyada oon dibadda looga soo duulin iskeed ku
baabbi’isay qarankeedii. Markaas ayay adduunka afartiisa jiho u kala firxatay.
Taas oo keentay in dunadu sanka-ka-qasato oo caalamka laga naco. Waxaa ku
HABSADAY DULLI IYO CEEB kuwa dibadda u cararay iyo dalka ku caddibanba.
Somali waxaa maaanta ka dhamaaday sabirkii iyo adkaysigii. Waxaana ka soo haray
inay sacabbada kor u taagayso : ILAAHAYAW MAR NOO SOO CELI QARAN. QARAN. QARAN.
Eebbe waa deeqsi iyo Dulqaad-wayne oo kuwa sacabbada kor loo taago ma qadiyo.
Haddaba marka aad isu geeyso qoddobada aan soo taxay
Waxaa ciddii CAQLI-FAYAW Alle ugu dheeqay sida cadceedda ugu muuqanaysa in uu
dhamaaday waqtigii ay Muqdisho af-duubka ugu jirtay wax-ma garadkii USCda ee
maroorsaday awooddii iyo hoggaankii Ururka 1992..
Waxaa la gaaray waqtigii: MUQDISHO, HAWIYE IYO SOMALIBA KA XUROOBI LAHAYD
MOORYAANTA MAGACYADA BADAN EE QARAN-DUMISKA QARAN-DIIDKA AH. Ee magacii
Muqdisho, kii Hawie, kii Somali, kii Afrika, kii Islaamka iyo kii Aadamaha
ceebta u soo jiiday.
Ummadda Somalia waxaa ku habsatay MUSIIBO dulsaarayd 17 sano. Musiibadaas waxaan
ku matali karna ABEESO-WEEN oo Muqdisho gudd u tahay. Maanta waxaa la galay
guddkii abeesada madaxeediina waa la burburiyay.Waxaa jiri doona sidaan filayo
lafihii-Abeesa oo meela badan daadsan in marar dad-afraad ihi ku turunturroon
karaan. Qaranse waa hangaraarac oo lugg uma dhutiyo.
Somalia waxaa u beryay waa cusub oo looga mayrayo xumaatada lagu macneeyay
magaceeda LOONA SOO NOOLAYNAYO QARANIMADEEDII, SHARAFTEEDII NABADDEEDII IYO
MIDD-NIMADEEDDBA
Wallaahu Waliyu-tawfiiq.
Waa : Dr. Maxamedd X. Said. Al-Jabarti.
al_jabarti@hotmail.com
Qoraalkii Hore ee Dr.
Maxamed X. Saciid
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


|