GABAY Ma Najexe
Mubashir |
mubashir506@hotmail.com
Golaha Baarlamaanka
Dowlada ayaa waxaa kasoo baxay go’aan qofkii Muslim ah ee maqlayba madaxu
weynaaday. Waqtigan kala guurka ah ee umadii Soomaaliyeed ay balaayadu ku
habsatay meelkastoo ay joogaanba, waa cajaa’ibe waxay iyagu ka doodayaan
“Sharciga La dagaalanka Argagixisada” tallow maxaa looga jeedaa ? ma in
dhiiga masaakiinta lagu baneysto ayaa sharci aan jirin iyo argagixiso been
ah loogu galgalanayaa ? war ileen anagaa wax aragnay.
Gabaygu waa iska sawir guud C/laahi
Yuusuf iyo Xuseen Xuubsireed ayuu
labo nuqul oo gaagaaban ukala dirayaa kuwaasoo kala ah inaanay wax natiijo
ah ka dhalanin masaakiintii la dilay ee la dhacay ee la barokiciyay, iyo
xidhiga wariyaha Universal TV “Nadaara.
Sida muuqataayi kuwii
balaayada waday labada dhinacba waa dowlada iyo mucaaradkee wali waa ay
noolyihiin sidoodiina u nabad qabaan waxa dhintay ee dhaawacmayna ay yihiin
danyartii dalka. Waa anigoo ah Mubashir Sh C/laahiye Maansadii “Ma naxeje”
waxay tidhi.
Ma naxajo qorshaha ay tigree nacas
udhiibtaane
Nacamlaha ragii wada ahaa shirarki Nayroobi
Nirig weydah bow xero geliyo neef dhukan
qabo e
Dowladaa naxliga baas qabtiyo nabar
qabiileedka
Nidaam diidka waatuu horkacay naafay
qarnkiiye
Naaneys xun baa raacday iyo weedh nasiib
darane
Waatay heshiis lagu nastiyo hiiftay
nabadiiye
Nabsigay galeen haatanaad nadar
tidhaahdeene
How negaato waayaba ileen doorshe
nolashiiye
Nijaas bay ku weyseysatiyo dhiig
nifaaqiyahe
Namiimiyaha gaday ciida ee Xamar ka
naaquudin
Nacallaha ibleys baa badiyo naazigii Meleze
Afartaa na'diyo wowga iyo nuun maku
higaadshay
Rag horoon naxwuhu seegin baa sheegay
nuxurkiiye
Nuska kalana waa nimaan ogahay nuqul aan
gaadhsiiyay
Reer galbeed Islaamkuu nacoo wayska
nabayaaye
Niyuukileerka waxaa loo rakibay Naaji iyo
Saame
Niximaayo wixii naqabsadana wow niyuus
wacane
Hubka Naasireet laga fasaxay ama
Niyuu-yookba
Kumaandoosta aan noogin iyo niinjahaad
raratay
Nabaad guurkan ay baahisaad naax
isleedahaye
Caruur nuug ah baad leysay iyo naagihii
dhalaye
Inkastoo nicmada Eebahay naaska wada gaadho
Niyada iyo adiguu qalbigu naxal ku buuxaaye
Nasteexada ILaahay adaa naar ka door bidaye
Nabiyadii dabeed culimadaa nuur lasoo
diraye
Nasab laguma galo iyo Janada nood ayaan
bixine
Nagnagiigan diin waxaad katahay nagyag iyo
qoofe
Afartaana na'da iyo wowga iyo nuun maku
higaadshay
Rag horoon naxwuhu seegin baa sheegay
nuxurkiiye
Nuska kalana waa nimaan ogahay nuqul aan
gaadhsiiyay
Nasri gudaya iyo kuuma iman cawilki
neyruuse
Naxuusta iyo gaajadani waa noolo kuu
dhigane
Naruurada cidiin aan shugriyan way ka
noqotaaye
Inkastood Nadaaraba xidhiyo naadigii
wararka
Nafta laga qiblee maalin baad naxasha
fuushaaye
Waqtiga nooc kusoo maray ogow nooc kalaa
xigo e
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


|