CAQLIGA XILDHIBAAN XASAN DEER KU LEEYAHAY MADAX
WEYNUHU MAAMUL AANNAAN OGAYN MAMAGACAABIKARO
HORTA YAA DHALAY?
xasan yuusuf jibriil.
xyjibriil@hotmail.com
Walaalayaal haddaan u galo jawaabta su aasha ah yaa dhalay caqliga
xildhibaan xasan deer ku leeyahay madaxweynuhu ma magacaabi karo waxaanan
ogayn waxa dhalay:-
xildhibaanku wuxuu joogey 21kii sano ee kacaanku jirey oo uu arki jirey
iyadoo dad badan la xasuuqo,la iska qaato hantidooda,xabsiyada lagu hayo dad
aan waxba galabsan,
micna la aan loo dilo, iyo wax yaabo badan oo amar ku taaglayn ah,
xildhibaanku wuxuu arkay iyadoo burburkii dowladdii kacaanka ee uu intaas
aan soo sheegnay oo dhibaataa uu ku arki jirey,markay burburtay oo
xildhibaanka iyo kuwii lamidkaahaa oo sida kibirku ku jirey u samayn jirey
wixii ay maskaxdooda ka damcaan sida dhac,dil,
kufsi,iwm ah ay sugayeen in laga abaal mariyo ayey nasiibkooda waxay ku
baxsadeen kala soocan kii qabiilka oo soomaali qabiil qabiil u kala baxday
halkaasna kaga badbaadeen waxay mudnaayeen oo ahayd in inta caddaaladda la
horkeeno ay mutaystaan wixii xukun ah oo caddaaladdu ku xukunto,
xildhibaanku wuxuu soo joogey iyadoo inta walaalaha galguduud ka soo duuleen
galguduud iyo gedo oo ay xoog ku qabsadeen dad iyo gobollo aysan u nasab
sheegan deegaanna u lahayn ay dadkiisii ka dhigeen waxay
dilaan,dhacaan,kufsadaan,baadaan,boobaan,siday rabaanna ka yeelaan aysan
haddana arag cid diyaar u ah inay la xisaabtanto oo waxay sameeyeen la
guriya dhadhan siiyana waxay gaysteen oo inta carradii dowladi qabsatay la
iskaba illoobey oo la yiri yaan raad arooryo dib looqaadin oo markaas la
sameeyey maamul dawladeed,dabadeedna waa wax loo bartaye inqilaab lagu
qabsaday oo haddana si doqonnimo ah loo laayey sidii caadada u ahayd mudadii
ka horeyseyba,
dabadeedna inta la bililiqaystay wixii dowladda iyo wixii shacabkaba haddana
la leeyahay kooxdii bililiqaysatey ayaan ku wareejinney oo iyagaa dowlad ah,
waxaas oo dhan iyo kuwo kale oo farabadan baa waxay dhashay in xildhibaan
deer yiraahdo madaxweynuhu ma magacaabi karo wuxuusan nagala tashan annagoo
ah qabiilka hadda kismaayo xoogga ku haysta oo aan deegaan iyo daaq midna u
lahayn marka laga reebo 8 sano ee dooxadii jubba ama walaalaha galguduud
xoogga ku haysteen malaha baadi kugu raagtey waxaad mooddaa bahdaaye,
Haddaba walaalayaal waxaan reer gedo iyo galguduud hilmaan san yihiin inaan
waagaani ahayn waagii kacaanka,waagii isbahaysiga dooxada jubba,waagii
dowlad la aanta iyo fawdada iyo waagii dadka deegaanku kala qaybsanaayeen,
walaalayaal xildhibaan xasan deer wuxuu hilmaansan yahay in dowladdaani ku
salaysan tahay gobolaysi oo gobol kastaa xor u yahay inuu hawlihiisa isagu
maamusho marka laga reebo wax yar oo federaal ah,dabadeedna aan qofna jago
ka helayn meelaan shacabkiisu deggenayn calaashaan uusan u dhalan laakiin uu
dagikaro,ka ganacsan karo xaqna u leeyahay inuu si nabad galyo ah ugu
noolaado isagoon xitaa cidna u diidayn haddii shacabka magaaladaasi ku soo
xushaan soomaalinimo iyo daacadnimo laakiin ay meesha ka baxday xoog ku
maal,
xildhibaanku wuxuu hilmaan san yahay inay dhammaatay maalmihii naas nuujintu
oo inta beesha xasan deer inta soo kaxaysato beelo kale oo wata boqolaal
tikniko iyo malayshiyaad ah laysugu tagi jirey dadkii deegaanka u dhashay
markaasnay ay u suuroobi jirey deer iyo raggiisa inay qabsadaan dad iyo
deegaan aysan wax shaqaa ku lahayn meeshana lagu haynjirey,
Haddaba magaalo waa laqabsan karaa laakiin haddiiba aan lahayn wixii lagu
sii haysan jirey toloow see caqliga deer ku oggol yahay in laysaga riyoodo
waxaan shaqayn doonin,malaha wuxuu aaminsan yahay inay waligeed socon doonto
oraah la yiri waxa aloogu duceeyey beesha baadda baratay ee xasan deer kasoo
jeedo taasoo ahayd inuu la yiri reer hebeloow markaad yaabtaan allaha idiin
yasiro taasoo hadday jirto muddo lagu soo moodey laakiin haddii laga bad
badiyo laga yaabo inay ku dambayso lahel lahel lawaabaa xigta taasoo aad ka
garanayso in hadalka uu ku hadlay xildhibaanku aysan ku hadli karin xitaa
dadka cawaanka ah oo baaddiyaha fog ku nool waayo madaxweyne la leeyahay muu
annagoo qabiil hebel ah noo sheego wuxuu samaynayo horta ma ka dhacdaa
dunida.
isku soo duuduuboo waxay ila tahay in kismaayo dheef laga dhadhamiyey oo ay
harsan tahay uun in sun laga dhadhamiyo .soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa:
1.wan weyn ilaa la gowroco indhihiisu cirka ma arkaan,
2.waxaan xaarka moodayey baa dhuuso igu noqday,
3.dawoco meeshay macal idaad uga baratay macaluul ugu baqtidaa,
4.dabaan lagu guban dambaskiisa lagama leexdo,
5.dhubuq dhubuq hore dhabannahays dambay leedahay.
ilaahoow xaqaaga u hiilli.
xasan yuusuf jibriil.
xyjibriil@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
. SHACABKA LABADA SHARIIF SHEEGAAN XAGGEE
KU NOOL YIHIIN
Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007


|