SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QARDHO

Waraysi Xiiso Badan (Asad Max’ed Max’ud Gudoomiyaha Ururka YEDO KAR-KAAR)

 

Sidaan dhamaanteen la socono xiriir weyn ayaa ka dhexeeya horumarka ummadaha iyo dadaalka dhallinyarada. Soomaliya inay xorriyad qaadato waxaa sabab u ahaa ururkii dhallinyarada Soomaliyeed (S.Y.L) kuwaasi oo halgan dheer u soo maray sidii looga xoroobi lahaa gumeysiga, isla markaana dhibaatada looga samata-bixin lahaa bulshadii Soomaaliyeed ee gumeysigu aafeeyay. Baahida loo qabo in la helo urur ay ku midaysan yihiin guud ahaanba Dhallinyarada G/Kar-kaar ayaa dhalisay in la aasaaso Ururkan Horumarinta Waxbashada Dhalinyarada Gobolka Kar-kaar (YEDO). Haddaba si aynu wax uga ogaano hawlaha uu qabtay ururkan, waxa uu doonayo inuu ku tallaabsado mustaqbalka. ayaa Wariye C/weli xasan gooni waxaa u suuro-gashay in uu la kulmaan guddoomiyaha ururka waxbarshada Dhalinyarada Gobolka karkaar (YEDO)

Abshir  Max’ed Max’ud (ASAD). Waraysigiina wuxuu u dhacay sidaan:

WARIYE GOONI: Goorma ayaa la asaasay ururkan?
Asad: waxaa la asaasay sannadkii 21-04-2004

WARIYE GOONI: waa Maxay sababaha loo aasaasay ururkaan

Asad: Arrimo faro badan ayaa u sabab ahaa in la asaaso ururkan iyadoo kuwooda ugu muhiimsan ay ka mid yihiin:

  1. Iyada oo aynu dareenay inay jirto baahi aad u weyn oo loo qabo urur u adeega Horumarkaa waxbarshada Dhalinyarada Gobolka karkaar iyo dhammaan ummadda Soomaliyeed, maadaama magaaladan ay ku nool yihiin dhallinyaro aad u faro badan una baahan adeegyo kala duwan.
  2. Dhalinyaradda gobolka oo dareemaysa baahida loo qabo in la helo Urur ka shaqeeya hormarinta waxbarshada dhalinyarada reer karkaar
  3. Iyadoo ay arrintaasi jirto ayaa haddana waxaan ogsoonahay sida ay muhiimka u tahay isku xirnaanta dhallinyarada iyo sida xil weyn dhallinyarada u saaran yahay. Waxaa kale oo mugdi inoo ka jirin in Soomaliya bur-bur weyn ka dhacay, , sidaas darteed dhallinyadu waxay u baahan tahay in gacan laga siiyo sidii ay waxbarashada ula qabsan lahaayeen. Sidoo kale qofkii ayan maskaxdiisa ku jirin inuu wax barto waxaa loo baahan yahay in laga dhaadhicyo muhimadda ay aqoontu leedahay.

WARIYE GOONI: Ururku ma wuxuu ku kooban yahay dhallinyarada oo qur ah?
Asad: ururkaan waa jirtaa inuu muhimadda kowaad siinayo horumarinta waxbarshada dhalinyaradda Gobolka.isla markaasna ururku waa urur soomaaliyeed diyaarna u ah inuu qof kasta oo Soomaali ah uu u shaqeeyo.


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

WARIYE GOONI: Ururku ma Karkaar keliya ayuu ka jira?

Asad: Ururka xaruntiisa waa Qardho, waana meeshii laga asaasay, iyada oo taasi jirto ayaa haddana magaalooyinka gobolka oo dhan waxa uu la leeyahay xiriir, anaga oo jecel In aanu Qeybo ka furno dhammaan gobolada dalka.

WARIYE GOONI: Ulajeedooyinka ururka wax ma nooga sheegi kartaa?
Asad: Ulajeedooyinka ururka waa laba qaybood. Qaybta kowaad waa qayb aan hadda inteeda badan ku guulaysanay, waxaa ka mid:

  1. Inuu ururrku dhallinyarada ka caawiyo wax barashada, anaga oo furnayo xarumo waxbarshada Tooska ah iyo tan Dadban (NFE) waxaanu magaalada ka furnay Dugsiyo kala oo wax lagu barto.
  2. Isku duubnaanta ardayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeed.
  3. Midaynta Ardayda iyo dhallinyarada Soomaliyeed.
  4. Inuu ururku noqdo mid xalliya dhibaatooyinka dhallinyarada iyo ardayda soo foodsaara.
  5. Wacyi galinta Dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan ku talo jirnaa inuu ururku noqdo mid u horseeda Dhallinyarada sidii ay uga waantoomi lahaayeen wax kasta oo horumarka lid ku ah sida qabyaaladda iyo dhammaan dhaqanada xun-xun oo ayan diinteenu oggolayn.
  6. In ururku u dhaxeeyo Dhammaan dhalinyarada qeybaheeda kala duwan.

Ulajeejeedoyinka aan tiigsanayno waxaa ka mid ah.

  1. in ururkaan noqdo mid isu keena dhammaan dhallinyarada iyo ardayda soomaliyeed.
  2. Inuu noqdo urur xal u raadiya dhibaatada Soomaliya.
  3. Waxaan ku talo jirnaa inaan ardayda Soomaaliya aan ka caawino dhinaca wax barashada, anaga oo dugsiyada lacag la’aan ah hada dhigno taas oo aay wax ka bartaan arday gaaraysa 280, arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho sidoo kale waxaanu doonaynaa in aan dhalinyaaradda gobolka u furno Meelo makatabado ah
  4. Waxaan ku hawlanahay sidii aan u samayn lahayn website gaar u ah una shaqeeya horumarka dhalinyarada Gobolka.

WARIYE GOONI: Ilaa iyo Hadda maxaad wax horumar ah gaarteen?
Asad: Run ahaantii arrimo dhawr ah ayaan ku guulaysanay, waxaa ka mid ah inaan dugsiyada ardayda Degmada qardho qeybo ka mid aan aan Tartano u qabnay isla markaana ururo dhalinyaro ka sameynay Dugsiyada qaar ka mid ah sida Machadka UNIVERSAL iyo Dugsiyo kale.

Waxaan qabanay kullamo dhawr ah oo mararka qaarkood ay ka soo qayb galeen dad   gaaraya ilaa 500 oo qof. Waxaa jirta inaan samaynay barnaamijyo dhallinta lagu wacyi galinayo annaga oo soo bandhignay riwaayad, waxaa intaas dheer inaan dhaqaale u uruurinay caruur Soomaaliyeed oo dhibaato caafimaad haysatay.

WARIYE GOONI: Ma jiraan waxyaabo caqabad idinku noqday intaad hawlahaan ku jirteen?
Asad: waxaa ugu weyn arrimaha nasoo food saaray iyada oo gobolka aan ka shaqeyno ee karkaar aaysan wax hay’adaha ah ka howl galin.

WARIYE GOONI: Maxaad wax fikrad ah u soo jeedin lahayd dhallin yarada Soomaaliyeed ?
Asad: waxaan dhallin yarada Soomaaliyeed kula talin lahaa inay ka waantoobaan waxyaalaha xun-xun oo dhaqankeena iyo diinteenu ayan ogoylayn. Sidoo kale inay dareemaan dhibaatada ay qabyaaladdu leedahay iyo sida ay waddankeennii u bur-burisay.

Waxaan kale oo xusuusinayaa dhallinyarada  in Umada welibaa aay ayaheeda Dhalinyarada ku xiran tahay in wadankeena aan ka badbaadino jahliga iyo dib u dhaca haysta. Waxaan kale oo ku dhiirri galinayaa inayan quusan, waayo dad badan ayaa niyadda kaa dilaya, marka haddaynaan quusan oo qof kastaana xil isa saaro kadibna aan Ilaahay talo saarano waxay u badan tahay inaan guulaysano.

Kaasii wax uu ahaa  Gudoomiyaha Ururka Horumarinta waxbarshada Dhalinyarada Gobolka Karkaar (YEDO KARKAAR) Mr. Asad Max’ed Max’uud

C/weli Xasan Gooni

gooni2@hotmail.com

Qardho,Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com