SALDANADA TAANGIGA SAADANBE MAGAARTAA?

WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com
Sideed Maalmood iyo sugood Wiilkii saamaha
isagoo hore usikinaya Xabadaha Dhinbilo ah ku seyrayey Cadowga wali waa
sidiisii oo wuu Caafimaad qabaa waxaase Su`aal ka taagan tahay oo aan cabirayaa
bal in ay gaari karto Saldanada Gumeysiga unkay ee C/laahi Yusuf Yeey Madaxda
ka yahay Saadanbe.
Qof walboo Wadani ah meel kasta oo uu joogaba
waxaa malmihii Dagaalku socday ee laga soo gudbay uu ahaa mid Tig tigan oo
halkiisa keebka gacanta kaga haya isagoo markaa bartiisa ka Gumaadaya Gumeysiga
Gacan ku rimiska ah, waxeyse markaliye sheegteen Maqaarsaarka in ay Dagaalkii
Gumeysiga ku Guuleysteen iyagoo waliba aad udhoola cadeeyey ilaa heer lakala
gartaa qaab dhismeedka Ilkahooda(Fanaxda).
Yeeyga oo aad loogu yaqaan Qubxiga ayaa Shirkiisii
Jaraa`id kadib kasoo labashada Qixiisii Addis Ababa ku Iftitaaxay in uu
Garbihiisa fariisiyaa labada Wiil ee uu Adeerka u yahay sida Xuub Naareed iyo
Morgan oo ah Ninkii ay in badan Quudiyeen Midowgii Maxakiimta Dugsiga Qur`aanka
laga barto ka galay Hotel Ramadaan agtiisa kasoo ay u arkeen Maxakiimta Nin
Hanuun qaaday balse ku noqday "Nin Abeesa Koriyoow adigaa u Aale".
Xaq udirrika oo iyagu badalay Tabihii markaliyana
laga waayey Dhufeysyadii ay ka saari wayeen Kumandoosta Itoobiya ayaa
Ciidankoodii iyo Qalabkoodiiba la Rafacay oo si Xeeladeysan iyagoo aan la arag
meel ay u guurayan Basaasiintuna ogaan Alif macalin tiray kasoo qaday tasoo
Naxdin ku noqotay Cadowgii, Saacada badan ayey Gumeystuhu markii hore kusoo
dhiiran waayey Baraha ay Casharada ka bixin jireen Halyeyada Soomaaliyeed,
cadowgu arinkaa utun lama ilawaana ayey ku noqotay iyagoo la yaaban Ciidankii
sidaa u tirada badanaa ee Kumaanka Kun ahaa gaarayna heer aad weyso Dhufeys aad
ka Dagaalgasho oo ay noqotay in aad sugtaa Sideedada saac la waayey halka ay
qabteen.
Markaliya ayuu Madaxa Maqaarsaarka C/laahi
Yusuf ka Jawaabi waayey Su`aalaha Cadowgu weydiinayo ee ah halkey mareen
Nimankii aan u Caal weynay, Alle ayaa Mahadaa leh kuna Hanuuniyey Xaqudirirka
Tabaha Mucjisada leh tasoo Maanta ka dhigtay in xitaa Cadowga garan waayo meel
laga xigo walina uu kasoo gudbi la`ayahay Dhufeysyadii la baray in laga Difaaco
kasoo uu wali Keeb ku yuurar ku yahay marka laga reebo Xoogaa Ciidan Geed
yahuuda oo uu Magalada kusoo daayey Yeyga.
Muqaawamada
Alle dartii u dagaalameysa Cadowgana rabta
in ay Dalka ka xoreyso ayaa ku Mashquulsan
Taba Qatar ah taasoo ay Hordhac ay utahay
Qarixii Sadax bari kadib Dagaalkii Muqdisho
lagu gubay Gaariga Uraalka ah ee la ciir
cirayey Ciidamada Cadowga Madow kasoo kusoo
socday Muqdisho Balse Walaweyn Wadnaha lagu
jaray, Tabahan waxaa ay cadeyneysaa in
Xaqudirirka isku dhararinayo Jidka dheer ee
kasoo bilowday Xuduud Beenaadka aan la
lenahay Itoobiya ilaa Muqdisho waxaana la
sugayaa Dhawaqyo badan oo ay ka Anfariiraan
Gumeysi doonka taasoo ka dhigeysa in
Gumeystaha u daadiyaan Xarga Waraabo waxaana
bar barsocda Carada kasoo Gufaaceysa
Shacabka eheladooda lagu gumaaday Xamar
kuwaasoo iyagana utafaxeedan in ay qodaan
Qabriga Gumeysiga iyo Gumeysi kal kaaliyaha.
Waxaa ay dareemayaan Gumeysiga iyo kuwa uyaqaan
Itoobiya Asharaftaba Qul qul aan la ogeyn halka uu usocdo iyadoo ay ku
balaaratay Magaaladii Shacabkana ay badankii Qax kaga Maqan yihiin inta joogta
iyo inta soo gashana ay uhayaan Cadowtooyo kuwa Dalkooda qabsaday waxaa ayna
dhex Ceegaa`gan Badweyn iyadoo aan usoo joogay Dagaalkii Mareykanka ee ay ka
qeyb qateen Isbaheysigii ka koobnaa Belaha Badan ee SNA kasoo ka cudud badnaa
kana Caqli badnaa Gumeysiga Maanta jooga balse dhibka ugu badan uga yimid kadib
markii Qeyb kamida Muqdisho laga nacay iyadoo Gumeysiga hada Xamar ku sugan uu
ka baqayo halka talaabada Xigta ay kaga imaan doonto madama Wiilkii Geesiga
ahaa la raadinayo Gamuunka.
Maqaarsaarka oo aan isla tashan ayaa ku xigaha
Cabdi Yeey Geedi Tigraay isla kala jiiday Magacaabista Maxamed Dheere oo ah
Shaqsi aan u cuntamin Ehelada Yeeyga oo qaarkood Dherbaaxadii uu ku dhiftay wali
dhagahooda ka qeylineysa halka qaarna uu ku xabisay guryahooda, Yeyga midaa kuma
Qancin wuxuuna ku waashay Showr iyadoo aan og soonahay in uu yahay Beerlaawe
shaqsi Cuqdad badan oo aan iloobin Xafiiltan yar oo Maalin idiin dhex maraa
iskaba daa Ceydii uu caayey Maxamed Dheere oo uu la`Laaab gubanayo waana
Mushkilad hor leh oo soo wajahday Saldanada Gubeysiga waxaana Taleefan dhigi
waayey As hari oo Aabihii u Asraari jiray xeyle Salaase.
Maxamed Dheere oo ah shaqsi Indho ku Garaadle ah
ahna Nin Hurdada aad ugu daaha madama uu Habeenkii Tumasho iyo Qayilaad ku
dhafro ayaa isagu la Jaan qaadi doona Muqdishada Muqaawamada wada ah una darban
Dal Xoreyn iyo Gumeysi diid taasoo ka badalan xiligii konfurta Xamar ugu
Magacaabay Xilkan Jeneral Ceyediid xiligaasoo aan Xusuusto in uu Magaalada la
dhex wareegi jiray Gaari Cabdi bile ah iyo Toban wiiloo saaran isagoo markaa ku
Mucaarada Tolkiisa waxaana dhici jirtay in Ciidankiisa ay Habeenba Guri Gaariga
u horyaal oo ay ku dul Hurdaan Madaama Maxamed Dheere Xaafadaa
Fadhiyo(Qayilaad).
C/laahi Yusuf oo aad mooda in arima badan isaga
dhex yaacsan yihiin ayaa isku furay Xisaaba badan madaama Ragii uu sheegi jiray
in uusan Marti u ahaneyn qaar kamida Xilal loo Magacaabay sida Qeybdiid oo aan
aqoon wax aan Dantiisa aheyn Shaqada ugu horeysa ee uu qabtana ay tahay dhisida
Isbaaradiisii Siinka Dheer isagoo la ogsoon yahay in uu Fadhiid ka dhigay
Dowladii Carte isagoo in badan isku dayey weerar ka dhana Jenaral Maxamed Haaji
oo Madax ka ahaa Taliska Guud ee Booliska Soomaaliyeed shaqadana ka joojiyey
Qeybdiid balse Qeybdiid markaan fursad u helay halka Dowlada
Maqaarsaarka Jenaral Maxamed Haaji ka caraabisay Xilka uu islahaa lahaa
Qeybsi Beeleed ayaad ku heleysaa Madaama uu kasoo jeedo Beelaha Direed,balse
Qeybdiid waxaa laga sugaaba waa Wajiya badan
Magaalada Xeebta ah ee ugu Muranka badan
Soomaaliya ayna wali ka talin Dadkii udhashay marka laga reebo Beelo xoog ku
heysashadeeda isaga danbeeyey ayaa haatan Horjoogaha Gumeysi doonka C/laahi
Yey kasoo wajahday Masiiba horleh isagoo Beeshii uu shalay Wiilkii Afgaduud
ahaa ka adeejiyey ee uu Banbada uga samray ay Maanta kusoo jeesteen tasoo ay
Cirbaha utaageen Ciidankii laga soo waday Waqooyi Bari ee loo sheegay in ay
jirto Dhul ay leeyihiin lakiin ay ku heystaan Beelo aan laheyn sida Beesha Barre
Hiiraale.
Dagaalkan wuxuu Albaabka u furay in lagu
tilmaamaa Ragii shalay Culimada laayntooda ka qeybqaatay Argagixiso iyadoo lala
maagan yahay wixii la marsiiyey Beelihii kale ee uu Odaga u Ciil qabay, waxaaan
ognahay in Xadka Kenya lasoo fariisiyey Ciidama Mareykan ah halka Dhanka
Muqdishana looga Wajahan yahay iyadoo ay is baheysanayaan Beesha Yeyga iyo
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya si Jilbaha loogu Aaso hadii aysan u Hogaansamin
Afguduud, midaan waxey ka dhigeysaa in ay sii ugaaroobaan Bahda Barre oo la
ogyahay in Hogaamiyahooda kamid yahay Maxbuusiinta Baydhabo waxeyna noqoneysaa
in si dhaba ay Halganka dhankooda uga soo galaan madaama laba daran mid doora
heysato.
Qurba jooga SOomaaliyeed ayaan iyagu wada Halgan
aad uweyn iyagoo Mudaaharadyo Taxana ah dhigaya waxaana garab socda Dacwado lagu
furayo kuwa xasuuqa ka Masuulka ah ee heysta Basaboorada ajnabiga tasoo ay
Soomaalida Wadaniga ah ku bixinayaan Waqti iyo Maal sidii ay Nimankaa ugu soo
oogi lahayeen Falalka Naxdinta leh ee ay ugeysteen Umada Soomaaliyeed, halka
Dhaq dhaqaaq Siyaasadeedna yahay mid Xowli ku socota tasoo Sal dhig u ah Asmara
oo ah fadhiyaan Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah oo aan ka tilmaami karno Xuseen
Ceydiid Wiilkii in badan C/laahi ugu soo Xiragalay Madaxtooyana loogala wareegay
Adeer ayaan u ahay balse Mindidii Cuqdada ee lagu yaqiin C/lahi Yusuf la gaaray
kadib markii uu yaqiinsaday in uu ka maarmi karo,sidoo kale Gudoomiyaha Midowga
Maxakiimta Sh Shariif ayaa isna da`daalka Dal xoreynta qeyb Libaax kaga jira.
Qof walbaa ogsoon Dhibka Xornimadoonka loo maro
waxaana markasta dhib qaba Gumeysiga iyo kal kaalihiisa iyadoo la wada ogyahay
in ay utaagan yihiin Diinta iyo Dalka difaacideeda halgamayaal Naf adag oo aan
la loodin karin kuwaa oo Wadna Bira la hortagay Taangi iyagoo wata Qore Ak 47
ah, waxaa midaa ay wel wel utahay Aabaha Gumeysiga Yeey oo og in lamaagan
yahay "Gudin Afley kula goobayaan Geed kaad gashaba weyn Goynayaan Guusha
iyagaa leh" C/laahi Yusuf Yeeyow ogow Guusha Xaq udirirkaa leh adiga iyo inta
Gumeysiga kula wadaa oo ka kooban Dhiigya cabya la ogyahay ma gaaridoonana
Saadanbe waxaana Afka Ciida idiin dari doona Alle idinkii Geesiyada
Soomaaliyeed ee Af iyo Adinba idiin kugula Dagaalamaya iyadoo Isu geynta inta
kor ku xusan ka dhigeysa Saldanada Taangiga midaan gaareyn Saadanbe.
WQ. Maxamed Barre Haaji Cumar "Fiyoore"
fiyoore@hotmail.com
Qoraalkii hore ee
Fiyoore....
Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007


|