ONLF, DALJIRAHA DHABTA AH.
Abdirahman Ahmed
ogadenboy@yahoo.com
Sanadkii udanbeeyay waxaynu website yada ku
arkaynay war’saxaafadeedyo ay soosaartay Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya.
Intabadan waxaa qoraaladaas loogu digayay shirkadaha shisheeye inay faraha
lagalaan macdanta ceegaagta wadanka Ogaadeeniya iyagoon kalatashanin shacabkii
iskalahaa hantidan.
Waxaa sigaara loogu digay shirkado laga kalalahaa wadamada: China, India,
Malesia, Sweden iyo kuwa kale oo fara badan, sida muuqtayna shirkadahaas badan
kood waxaay tix galiyeen qoraaldii JWXO, ee isugu jiray digniinaha iyo
codsigaba.
Howlgalkii Coballe.
Inta badan bulshada Ogadenia mayna kawar qabin,
in ay shirkad china ahi ku howlantahay baadhis shidaal, waxaa intaas siidheer
ma’ayna jirin cid kawarhaysay inay haatan kaqodayaan aaga Coballe, waxayna dadku
ogaadeen maalintii uu weerarku dhacay kadib markay saxaafada kadhagaysteen.
Laakiin JWXO tallaabo tallaabo ayay ulasocotay chinaha iyo cid walba oo si
sharci darro ah ula baxaysa macdanta wadankeena, chinuhu waxay kadhaga adaygeen
codsigii uga imanayay jwxo iyo umadii wadanka lahayd oo taas badalkeed waxay
rumaysteen hadalkii zanawi, oo uu kuyidhi aniga ayaa idnka difaacaya cidkasta oo
rabta inay weerar idinku sooqaado, ama uu ugu macneeyay codsiga jwxo hadal aan
manac lahayn oo ay koox budh cad ahi, iska sheeganayso, wuxuuna yidhi ma
wanaagsana in mudnaan lasiiyo.
Ethiopia oo
kudayanaysa Sudan iyo Nigeria, aadna ugu
bahaan inay waxoogaa dhaqaala ah meel uun
kahesho, waxay shirkada chinaha ku tidhi, “
annaga ayaa sugayna ammaanka shirkada iyo
shaqaalaha” hase yeeshee JWXO way usheegtay
inayna Ethiopia xoog kuqodan doonin
khayraadka wadanka ogaadeeniya iyada oo
ummadii wadankalahayd ay kawar la’dahay.
Waxay JWXO qoraaladeedii ugu sheegtay
cidkasta oo hunguri kahayo inay shanta
lagasho hantida ay ummadeedii kagaajoonayso,
inay kalakulmi doonto cawaaqib xumo, oo
arintaana Ethiopia masuul kanoqon doonto
wixii kayimaada, sidoo kale waxay Jabhadu si
xushmad kujirto ugu sheegtay shirkadaha
shisheeye in ogaadeeniya ay kajirto colaad
aad uqallafsan tasoo udhaxaysa atoobiya iyo
xaq udirirka ONLF.
SIDEE BUU SHACABKU U’ARKAY
HWLGALKII COBALLE
Inta aan xusuusto, ma ayna jirin farxad uga
badnayd umadda dulman ee S.Ogadenia, ilaa dagaaladii waa waynaa ee MANDAD iyo
DIGSI, kuwaas oo ay kumanyaal atoobiyaan ahi ku nafwaayeen aanse aduunku kawar
qabin. Waxaa mar qudha circa isku shareeray dhawaaq farxadeed kadib markii
ladhagaystay ilaacadaha aduunka lana daawaday TV-yada caalamka, ummada
S.Ogadenia waxay hanbalyo iyo bogaadinba udireen N/hurayaasha CXO, qofkastana
halkii uu joogay dal iyo dibadba wuu uduceeyay.
Sidoo kale dowlda woyanaha oo kudhawaaqday inay JWXO fulisay fal argagixiso,
ayayna cidiba dhag jalaq usiinin, ninka lataliya Zanawe ayaa yidhi waxay onlf
gaysatay xasuuq, waxaa sidaas oo kale kudhawaaqay daba dhilif badan iyo zanaawe
laftiisa. Balse jwxo waxay sheegtay inay laayeen ciidamadii ay awalba dagaalka
kuwada jireen ee atoobiya. Waxaa jwxo aad loogu amaanay sidii ay ula dhaqantay
maxaabiistii ay gacanta kudhigtay, waxaana caalamku xaqiiqsaday mabaa diida
JWXO, iyo sida ummada somaalida ogaadeniya ay ugu oomantahay inay gacanta
kudhigaan gobanimadooda.
CHINA
Chine howlgalka jwxo waxaa uu kunoqday dhabar
jab aad uwayn oo ayna filaynin, waayo dowlada atoobiya ayay iskuhalaynayeen,
xoog bay kuqodon kartaa dhulkan Ogadenia, waxayna ahayd tab ay chinuhu
layaqaanaan oo cosobsiga Africa waxay isaga barteen ayay ahayd. wadamada reer
galbeedka oo baahitanka Chinaha ee Africa sida wayn uga soo horjeeday chinaha
aad ayay ugu ceebeeyeen, sida naf xoornimada ah ee ay meelkasta madax ulagalayso
iyo waliba inayna china tixgalinin gabi ahaanba xuquuqul insaanka.
Waxaa sidoo kale chinaha canbaareeyay wadama badan oo jecel in dowladaha Africa
ee uudaahaday xukunka kaligiis talinimo, lagu xidho shuruudo kusaabsan xaquulqul
aadamaha iyo hormarinta dimuqraadiyada. Waxaa sidookale china wax kasheegay
wargeesyo badan oo caalamka daafihiisa kazoo baxa
JWXO
N/hurayaasha CWXO waxay dhaar kitaab baalaha
jareen inayna atoobiya kazoo miyaan inay fajuuraha saarto, macdanta Ogdaenia,
waxaa lagayaabaa inay dad badani dhayalsanayeen hadalladii kasoo yeedhayay jwxo
laakiin maanta ay udhabowday in uuna ninna cunaynin cadkooda soona dhacsanayso
wax kasta oo ay xaq uleedahay ummada ay dullaysatay ee S.Ogadenia.
JWXO, oo ah, daljirka dhabta ah ee aad maqalijrteen, waxay nafta qaaliga ah u
hureen, oo ay hadh iyo habeenba utaagan yihiin sidii ay xorriyad taam ah
u’gaadhssin lahaayeen umadda ogadenia. Waxaana hiil iyo hoo aan hagrasho kujirin
lagarabtaagan shacabka oo ah laf dhabarta halganka ay jwxo hormuudka katahay.
by Abdirahman Ahmed
ogadenboy@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 5, 2007
Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira
cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...
Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


|