Tuulada Farsooleey oo
Loogu Dhamaadey Shuban Biyood:Muqdisho DMC
Khamiis 3.May.2007.
Tuulada
Farsooley oo ka tirsan Degmada Qoryooleey ee
Gobolkla shabeellada Hoose ayaa waxaa ka jira
shuban Biyood aad u daran oo ay ku dhammaadeen
dad gaaraya 50 Qofood,waxaana hadda u ildaran
dad gaaraya 60 qof,Sida uu na soo gaarsiiyey mid
kamid ah odeyaasha Beesha Farsooleey oo
magaciisa la yirahdo Aadan Isaaq Aadan.
Dadka shubanka
u dhintey ayaa u badan Caruur iyo dad da’ ah iyo
dadka kale ee caadiga ah,wax gargaar ah oo la
soo gaarsiiyey ma jirto maraka laga reebo 30
faleebo oo ay u soo dhireen dhaqaatiirta
Cusbitalka Degmada Qoryooleey kuwaas oo oo lagu
badabaadiyey 5 qofood.

Aadan Isaaq Aadan oo ka tirsan
odayaasha iyo gudiga maamulka farsooleey Qaaylo
dhaan u yimid Muqdisho
Aadan Isaaq
ayaa faahfaahin ka bixiyey tuulooyinka sida
ba’an loogu dhamaadey,dadka dhintey ayaa inta
badani waxay ku dhinteen Tuulada Dhaqane oo ay u
geeriyoodeen shubanka 26 qof,halka inta kalena
ay ku dhinteen Tuulooyinka,Gaadlleey,Buulo Xasan
Kurdaaleey,Buulo Arboow iyo Taawfiiq oo
dhamaantood hoos taga Farsooleey.
Hadddaba waxay
odeyaasha deegaanka Farsooleey oo uu hormuud u
yahay Guddoomiyaha Xaaji Madgaab Maxamed
Caliyoow,Hay’adaha Caalamka iyo kuwa maxalliga
ah ka codsanayaan in lala soo gaaro Daawo si loo
badabadiyo shacabka halkaas ku dhamaanaya.
Waxayna Codsi
gaar ah u gudbinayaan Hay’adaha
UNICEF,WHO,UNDB,ICRC iyo INGO yada ka howlgalaya
Gobolka shabeellada Hoose.Shuban Biyoodka ayaa
wuxuu horey dad badan ku laayey deegaanno ka
tirsan Koonfurta Soomaaliya,iyadoo hay’adaha
gargaarkuna ka qabanin wax ku filan.
Deegaankan ayaa
waxaa saaran Cunaqabateyn ay u dhigeen qaar ka
tirsan masuuliyiinta Gobolka iyo madaxda
Qaarkood ee Hay’adaha gargaarka ee ku sugan
Soomaaliya,sidaay ku doodayaan odeyaasha
deegaanku.
Shabakdda
Warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com