SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Hadalkii Ethopia Maxay dawladda Somaliland uga aamustay Mise Xadhko hoose ayaa jira
Geelle Gaaxnug
Hargeysa/Somaliland

Waxaynu maqalay gundhigii hadalkii afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethopia ku cadeeyay dawlada Embigati iyo dawlada Somaliland weji ka weji u wada hadli doonaan,weliba Ethopia ku talo jirto Abdillahi Yusuf inay keento caasimada dalka Somaliland.

 
Tani oo ka tarjumaysa laba qodob.Ta hore oo tilmaamaysa dawlada Ethopia inay ku socoto istraajiyad ay meel ku tiirisay kuna wajahan dalkii laysku odhan jiray Somaliya,cidna aanay ka talo gelin. Ta labaad oo Ethopia ku iftiimisay warbixinteeda inaanay ogolayn madaxbanaanida Somaliland kuna qasbantahay wada hadal ay la gasho dawladda Embigati.
 
Hadaba waxa aan aad isugu dhibay idaacadaha,saxaafadaha ka soo baxa dalalka bariga Afrika dhegaysto ama akhristo,waxan aad u xiisaynaayay inaan mar uun maqlo ama akhristo aragtida Dawlada Somaliland ka qabto hadalka ka soo yeedhay dawladda Ethopia. Waxase ayaan darro igu noqotay ta keliya ee aan indhaha ku dhuftay inay noqoto aragtida xisbiyada mucaaridka ah gaar ahaan jawaabtii arrinkaa uu ka bixiyay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal.
 


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

Dadka badidiisu waxay rumaysanyihiin hadii arrin laga aamuso macnaheedu waxa uu yahay haa, ama waa la raacsanyahay.Hadaba ma odhan karnaa aamusnaanta dawladda Somaliland waxay tilmaamaysaa hadalka Ethopia ka soo yeedhay inay ku raacsantahay. Waa arrin dawladda Somaliland looga fadhiyo inay jawaab ka bixiso.
 
Waxanse anigu canbaaraynayaa hadalka gurracan ee ka tarjumaya siyaasadda jujuubka ah ee Ethopia kula dhaqmayso dalka Somaliland. Waxan uga digayaa dawladda Ethopia inay isku daydo faro-gelin inay kula kacdo siyaasada dalka Somaliland. Waxan u soo jeedinayaa dawladda Ethopia inay dib
u raacdo taariikhda madax-banaanida Somaliland ee ku timi talada shacabka Somaliland, kuna iman talo dadka ku hadla afka Somaliga.
 
Ethopia ha jaleecdo dalalkii laysku odhan jiray UCCR,CHECKS,Yugslavia, hana deristo dalalka East Tamur iyo west Sahara. Kuwan dhamaantood oo aan ku iman wada hadal laba dhinac u dhaxeeya. Ethopia hays waydiiso Eriteria inay ka wada hadleen madax-banaanideeda.
 
Hilaaca ay dawladda Ethopia ka bixisay aayaha jiritaanka qaranka Somaliland waa siyaasad gurracan oo aan shacabka Somaliland sinaba u liqi karin.
 
Dawladda Somaliland iyana waxan leeyahay hadalkii Ethopia maxaad uga aamusteen mise xadhko hoose oo shacabka ka qarsoon ayaad la xidhateen Ethopia.
 
Geelle Gaaxnug
Hargeysa/Somaliland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com