SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE

Reer Garoowe, haddii Garoowe laga guuro, waxaa laga guurayaa Puntland?

Magaalada Garoowe waxaa loo magacaabay caasiimada DGPL, 1dii August 1998 isla markii lagu dhawaaqay dhismihii DGPL ee Soomaaliya, waxaana loo aanaynayaa taas Garoowe oo ku taal meel Strategic ah oo u dhexaysa dhamaan Goboladda DGPL ay ka kooban tahay isla mar ahaantaasna ay isugu yimaadaan wadooyinka aada Koonfurta Soomaaliya, gobolada la magac baxday Somaliland iyo Gobolada Bari iyo Karkaar ee Puntland. Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa shaki weyn la soo darsay dadka ku nool Garoowe, ka dib markii la arkay dhamaan xafiisyadii dowladda oo wada haawanaya, shakigaasna waxaa sii xoojiyey hadalkii Gudoomiye Ku-Xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Puntland,oo ugu yeeray dhamaan golaha xukuumadu in ay ku soo xarooto Caasiimada sida ugu dhaqsaha badan.

Hadaba maanta maxaa shakiga geliyey Garoowe in ay tahay caasiimada Puntland taas oo ka caraysiisay dadka ku nool Garoowe?

su'aashaas, waxaa ka jawaabaya" Wasiirka warfaafinta Puntland. C/raxmaan Maxamed Bankax. Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in golaha xukuumaddu aysan ka guurin caasimadda Puntland ee Garoowe ee ay hawlo shaqo oo soo korodhay ay u joogaan Boosaaso, isagoo intaas ku daray in caasiimadu ay tahay dastuuri.

Bankax wuxuu sheegay in wasaarado ay kamid yihiin qorshaynta, waxbarashada , haweenka iyo kuwo kaleba ay joogaan magaalada Garoowe, shaqadoodana si caadiya u wataan, hase ahaatee wasaarado kale oo ah kalluumaysiga iyo maaliyadda ay ka hawl galayaan Boosaaso.

Wasiirku wuxuu sheegay in xaaladda difaaca ee Puntland gaar ahaan gobolka Sanaag ay wasiiradu u joogaan magaalada Boosaaso ee Xarunta ganacsiga Puntland.

Sidoo kale ayaa wasiirka warfaafinta sheegay in golaha wasiirada ay maalinta khamiista ee soo socota ay ku shiri doonaan Garoowe , ayadoo arintanna laga wada hadli doono.

wasiirka warfaafinta Puntland ayaa hadal kaas uga jawaabay hadalkii ay soo saareen Gudigga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland oo ay ku sheegeen in xukuumadda Puntland ay fadhiyadoodii iyo joogitaankoodi ka wareejiyeen xarunta Garoowe oo ay taasina dastuurka Puntland ku tahay sharci daro.

Sidoo kale, waxaa jawaab ka bixiyey hadda ka hor Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga ee DGPL, Cali Cabdi Awaare oo saxaafadu wax ka weydiisey isla arrintaas , waxaan shacabka u sheegayaa in ay Garoowe tahay Caasimada DGPL oo ay tahay dastuuri, cid shaqsi ahna aysan bedeli karin. Anigu waxaan ahaa shaqsigii soo jeediyey in caasiimada sharci gaar ah oo lagu dhaqo loo sameeyo, waxaan arrintaas hor dhigay dhamaan golayaasha waana ku guulaystay , cid igu wehelisayna majiraan, xataa kuwii u dhashay Garoowe baan igu wehelin balse dad xumaan ka talis ah ayaa iska jira oo aan wax xun mooyaane wax san marna aan shacabka u sheegin.

Maxamuud Cumar Bille, mcbille@gmail.com  +252-5-794242 Garowe-Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com