SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ilaahow Mirkaa u cafiyi maayo 

Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com

          Ilaahay wuxuu dadka amray cadaalad, dulmiga oo lid ku ahna wuu uga digay. Qof walba iyo shay kasta in la siiyo xaqiisa oo la dhigo halka uu ku habboon yahay waxay ka mid tahay cadaalada. In la simo labo shay oo kala sarreeya ama la kala saramariyo labo siman mid walba waa cadaalad daro. In la hormariyo qof Ilaahay dib dhigay ama la dib dhigo qof Alle hormariyay iyana waa dulmi. Ma sinna xaq iyo baadil , mana sinna muslim iyo gaal, jaahilna la mid ma aha caalim, qof daacad ahina lama sinna dhagar qabe.  

Rabbi wuu kala sarraysiiyay uunka uu khalqay. Waxaa kala wanaagsan noolaha oo inta caqliga lihi way ka fadilan yihiin kuwa aan caqliga lahayn. Walxaha qaarkood kuwa kale ayay ka qiimo badan yihiin sida dahabku uga sarreeyo naxaasta, goobaha ayaa iyana la mid ah oo masaajidda iyo suuqyada Alle waa kala jecel yahay, masaajiddana kan Xaramka Makka kuwa kale wuu ka fadli badan yahay, waqtiyada qudhoodu waa sidaa oo kale oo Laylatulqadrigu la mid ma aha habeenada kale, maalinta Carafana maalmaha kale ka duwan. Alle wuxuu karaameeyay dadka, wuxuuna u abuuray sida ugu toosan. Muslimiinta wuu ciseeyay, wuxuuna ka saramariyay gaalada oo iyagu duleysan. Dadku waxay ku kala karaamo badan yihiin Alle ka cabsiga, culimaduna waxay wax sii dheertahay mu'miniinta intooda kale, Mu'miniinta oo dhanna waxaa ka darajo sarreeya Nabiyaasha oo iyaguna sii kala  fadilan, waxaana ugu fadli badan Rasuulkeenna Muxammad (NNKH), ummaddiisuna ummadaha kale way ka fadli badan tahay. Alle Kinaana wuxuu ka dhex doortay ilma Nabi Ismaaciil, Qurayshna wuxuu ka dhex doortay reer Kinaana, Banii Haashimna wuxuu ka dhex doortay Quraysh, Nabi Muxammadna wuxuu ka dhex doortay Banii Haashim. In dadka, walxaha, goobaha iyo waqtiyada loo kala hormariyo sida Rabbi u kala fadilay waa cadaalad, in la is dabamariyo ama la isku walaaqana waa dulmi weyn. 

          Qormadan bilowgeeda waxaan ku caddaynay labo arrimood: a) in cadaaladu tahay lama huraan, dulmiguna yahay looma dhawaadaan. b) in Alle kalafadilay khalqigiisa, sida uu u kala sarraysiiyayna ay tahay cadaalad, wixii khilaafsanna ay dulmi yihiin. Hadaba nin muslim ah oo haysta diin xaq ah oo Ilaahay doortay (islaamnimo), isla markaana ku abtirsada dadkii Ilaahay doortay (Banii Haashim) oo Rasuulka (NNKH) la ah qaraabo ma u cuntantaa in uu midiidin u noqdo nin Alle dulleeyay (gaal ah) oo haysta diin baadil ah (Kirishtaanimo), una dhashay dadyawga Banii Aadamka ugu liita (Xabashi)?. Waxay ila tahay in qof walba oo miyir qaba ku jawaabayo MAYA. Hadaba waxaa is weydiin leh haddii taas la arko waxa lagu fasiri karo. Jawaabtu kama badna labo midkood: in qofkaasi ka tanaasulay sifaadkii uu ku mutaystay qiimaha iyo sarraynta Alle siiyay oo markaas uu la mid noqday kuu kabaha u sido ama in uu yahay qof waashay oo miyirkii ka tagay oo aan loo qabanayn tillaabooyinka uu qaadayo. 

          Gabagabadii Nin Kirishtaan ah ayaa samaystay XISBI siyaasi ah, markaas ayaa waxaa ku biiray dhallinyaro carbeed oo muslimiin ah oo waliba Rasuulka (NNKH) qaraabadiisa ah. Bari dambe ayaa la mamnuucay xisbigii, lana maxkamadeeyay xubnihiisii. Ka dib waxaa maxkamadda la keenay wiilashii reer Banii Haashim ee ku biiray xisbiga gaalku horkacayo. Deeto qaaligii ayaa ku yiri wiilashii: Waxaa Ilaahay u dacwooday Rati (awr). Wuxuu yiri: Ilaahow ninkii I lahaa wuxuu ii gaystay dhibaatooyin fara badan waana u wada cafinayaa marka laga reebo hal dambi. Ilaahay wuxuu yiri: oo waa maxay dambiga aadan u cafiyayn?. Wuxuu ku jawaabay: Ilaahow annaga oo ah labaatan rati ayuu DAMEER nagu daba xiriiriyay (dameerka ayaa hogaaminaya awrta)!!!. 

Axmed C/samad
Alwaqaar@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com